Saddexdaa wado aynu eegno sida ay u dhacdo. Waxaanse rajaynayaa in Illaahay mid karti iyo daacadnimo leh oo danta
Waa su’aal adag in la helo jawaabteeda runtii. Waayo dadku siday u kala duwan yihiin ayuu dookhooduna u kala duwan yahay.
Balse waxaynu odhan karnaa inay laba qof oo is jecel wada noolaadaan oo is fahmaan waxa hees cajiiba ka alifay Alle ha u naxariistee Abwaankii weynaa ee Maxamed Cumar Huryo.
Waa heesta caanka ah ee ay qaadi jirtay Alle ha u naxariisto iyadanee Xaliimo Khaliif Magool.
Kay laabtu doontay
Oon damacsanaabaan
Daydayaa ma daalee
**
Isna ima daryeeloo
Ana kama dambeeyee
Waa la iigu dawgalay!
**
Mid wadnaha la derisoo
Dawadii nafta ah baan
Daydayaa ma daalee
***
Isna ima daryeeloo
Ana kama dambeeyee
Waa la iigu dawgalay!
***
Mid sidii darruurtoo
Da’da ii hillaacaan
Daydayaa ma daalee
***
Isna ima daryeeloo
Ana kama dambeeyee
Waa la iigu dawgalay!
***
Mid sidii dabayshii
Duufaan I qaadaan
Daydayaa ma daalee
***
Isna ima daryeeloo
Ana kama dambeeyee
Waa la iigu dawgalay!
Heesta nuxurkeeda sida ka muuqata waxa abwaanku tilmaamayaa in lamaanaha is qaba ay hawsha jacaylka waajibkeeda gudashadeedu midba qayb gooni ahi kusoo hagaagayso.
Waxa abwaanku tilmaamay laba sifood oo hadii ninka iyo gabadha nolosha wadaagaa kasoo baxaan ku filan inay wada joogaan, jacaylkooduna sii jiro.
Waa kuwee hadaba labada sifood?
Waa:
- Daryeel-
- Ka dambeyn oo la macno ah adeecid ama maqal iyo ixtiraam.
In ninku gabadhiisa daryeelo, gabadhuna ninkeeda maqasho oo ixtiraanto ayuu kusoo koobay waajibaadka ay kala leeyihiin lamaanaha isqaba.
Sida heesta ka muuqata dhibta lamaanaha haysata waxay ka taagantahay daryeel la’aan dhanka ninka ah iyo ka dambeyn la’aan dhanka gabadha ah.
Hadaba akhriste waad garanaysaa imika waajibkaaga, Huryo iyo Magoolna Alle ha u naxariisto.
Akhriste is weydii. Waa maxay dantaadu?
Dantaadu waa adoo hela nolol sharaf leh oo xornimo ku nool gaar ahaan ku hela wadankaaga.
Dantaadu waa adoo wadankaaga ku haysta shaqo ama ganacsi noloshaada iyo ta reerkaagaba ku filan.
Dantaadu waa adoo wadankaaga ku haysta adeegyo caafimaad oo heersare ah oo bilaash ah.
Dantaadu waa adoo wadankaaga ku haysta waxbarasho tayo leh.
Dantaadu waa adoo wadankaagu noqdo mid dhaqaalihiisu sareeyo si bulshadiisu u noqoto qaar xor ah oo ku nool nolol sharaf leh.
Akhriste waxaynu odhan karnaa danta guud ee wadanka oo hagaagta ayaa saamayn aad u weyn oo wanaagsan markiiba ku yeelan karta dantaada gaarka ah oo hagaagta.
Dhanka kale markaad u fiirsato siyaasiyiinteena gaar ahaan kuwa aqoon yahanada ah, ku arki maysid iyagoo ka hadlaya danta bulshada ama dantaada akhriste ee waxay inta badan ka hadlaan dantooda.
Marka siyaasigu hadlo waxa uu badanaa ka hadlaa arrimo ay ka mid yihiin, dimuqraadiyad, saami-qaybsi, doorasho, beelo, wadahadalada Somaliland iyo Somalia IWM.
Halka ay ka hadli lahaayeen dhaqaale kobcin, tayaynta waxbarashada iyo caafimaadka, horumarinta nidaamyadeena garsoorka, daryeelka bulshada gaar ahaan dadka dhiban iyo masaakiinta.
Halkii ay la iman lahaayeen afkaar cusub iyo siyaasado xal loogu helayo dhibaatooyinka maalinlaha ah ee bulshada ragaadiyey.
Halkii ay ku tartami lahaayeen una kala dheerayn lahaayeen si ay u muujiyaan in afkaartoodu yihiin qaar inoo horseeda horumar.
Waxa ay inala soo hor istaagaan oo arrinka muhiimka ah ee xalka u baahan ka dhigaan arrimaha iyaga u sahlaya inay kursi madaxnimo helaan.
Waxay dantaada kuugu sheegayaan inay tahay in laga hadlo wadahadalada Somaliland iyo Somalia. Waxay dantaada kuugu sheegayaan inay tahay in doorasho qabsoonto. Waxay dantaada kuugu sheegayaan inaynu raali gelino deeq bixiyeyaasha oo dumarka saami loo xidho.
Balse ma arkaysid iyo ka hadlaya ama si faahfaahsan uga sheekaynaya qorshayaashooda ku saabsan helida daryeel caafimaad oo heer sare ah oo bilaash ah, kobcinta dhaqaalaha, sugida amniga siyaasadeed iyo dhaqaale ee wadanka. Tayaynta waxbarashada dalka, la dagaalanka sicir bararka. Nidaamyo loo abuuro shaqooyin waxsoosaar leh.
Hadaba akhriste marka dambe eed aragto siyaasi hadlaya weydii oo ku dheh “ Siyaasi dantayda ka hadal”

Runta ama daacadnimadu waa siyaasada ugu wacan adduunka. Qofka run-sheega ahna waynu wada ognahay halka uu ka taagan yahay Illaahay. Diinteena suuban ayaaba ku dhisan inaad ka run-sheegtid oo qirtid jiritaanka Illaahay (Subxaanuhu Watacaalaa).
Dhanka kale been sheegidu ma aha siyaasad iyo fariidnimo ee waa khiyaamo iyo fulaynimo.
Qofka siyaasiga ahna ama siyaasiga raba inuu xil qabto ama cid Allaale iyo cidii rabta inay siyaasada gashoba waxa la gudboon inay siyaasadoodu noqoto mid ku dhisan runta iyo daacadnimada.
Siyaasiga runta sheegaa iskama horyimaado. Siyaasiga runta sheegaa hadalkiisa shalay iyo ka maanta oo iska hor imanaya lama arko. Siyaasiga runta sheega dadka kuwa taageera iyo dadka kuwa mucaaradaaba eraygiisa way sugayaan, way aaminayaa, waanay qaadanayaan. Siyaasiga runta la saaxiibka ahi waxa uu hantaa qalbiyada bulshadiisa. Siyaasiga runta sheegaa waxa uu noqdaa mid ka midho dhaliya balan-qaadyada uu bulshada kula balamo. Siyaasiga runta sheega waxa uu noqdaa mid cadawgiisu ku aamino ugxantiisa.
Runtu way qadhaadhahay waayo inta badan sheegideedu waxay lidi ku noqotaa danta kuwa raba inay wax dulmiyaan. Taasi waxay keentaa in runta lala dagaalamo oo markasta ay runtu tahay mid sheegideeda lagala kulmo dhibaato iyo culays aad u badan. Balse, sida shinida qaniinyadeedu u xanuun badantahay malabkeeduse u macaan yahay ayaa dadka runta sheegaana u helaan awood iyo karaamo runtu dhaxalsiiso.
Tusaale guud, diinta Islaamku waxay ku dhisan tahay run iyo xaqa Illaahay. Diinta Islaamku waxa kale oo ay ina fartaa cadaalad, cadaaladana waxa neceb mid kasta oo dheeraad raba iyo mid kasta oo dulmi badan. Nabi kasta ama Rasuulkasta oo Illaahay (Subxaanahu wa tacaalaa) soo diray waxa loo diray bulsho iyo maamul diiday runta oo aan cadaalad ku dhaqmin.
Kobcinta dhaqaalaha, horumarinta biyaha, horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka, horumarinta amniga gudaha dalka, isku keenida bulshada iyo xaqsoorkuba waxa ay ku xidhan yihiin runsheegida.
Badanaa dadku runta way ka war-wareegaan. Naftu runtu ma jecla, shaydaankuna runta ma jecla. Balse qof naf iyo shaydaan ka adkaaday ayaa jecel runta.
Ugu dambeyn sheegida runtu waa geesinimo iyo sharaf. Waxaanay fure u tahay guul kasta oo adduunka iyo aakhiraba loo tartamo.
Samaynta rugta fadhiga dawlada ee qaranka ama qasri madaxtooyo waa arrin muhiimad weyn u lahayn wadankeena. Qasriyadu waa astaan qaran. Waa guri lagu hirto. Waa dhisme laga dheehdo dhaqanka iyo suugaanta dadka qasriga leh. Dhanka kale qasrigu waa dhisme loogu talogalay inuu fududeeyo maamulka iyo maaraynta shaqada maalinlaha ah ee madaxweynaha ama hogaamiyaha bulshada. Taariikhda adduunka marka dib loo raaco waxa daadsan qasriyo iyo guryo maamul. Ilbaxnimo kastaa waxay qasriyadeeda kusoo bandhigtaa xadaaradeeda iyo horumarkeeda dhanka dhismaha, cadaalada, diinta, taariikhda iyo dhaqanka ay leeyihiin. Markasta oo is bedel dhaco ama la rabo in dawlad cusub la unko waxa hogaamiyaha dawladaas inta badan taariikhda adduunka uu amri jiray dhisida qasri cusub. Ma aha sir in dadku jecel yihiin in wadankoodu yeesho astaamo ay ku faanaan iyo goobo qurux badan oo ay taariikhdooda ku qurxistaan. Adduunka maanta meelaha aadka loo booqdo waxa kamid ah qasriyo la dhisay kumanaan sano ka hor. Qasriyada xukunka ee maanta jira qaar badan waxa dhismahoodu qaatay in ka badan boqol sano. Waxa qasriyada quruxda badan ka mid ah qasriga Alxambara ee muslimiintu ka dhiseen wadank Spain sanadihii 1238 illaa 1358-kii.
Hadaba maxaa aasaas qasri xukun? Maxaase laga rabaa in uu ka tarjumo? Dhismaha qasri xukun ee dunida maanta waxa aasaas u ah in uu noqdo mid casri ah. Casri oo macnaheedu yahay mid la jaan-qaadaya horumarka tiknoolajiyada ee caalamka.
Qasrigu waa in uu yeeshaa dhawr meelood oo kala duwan oo uu dabkiisa korontada ka heli karo, si hadii ciladi ku timaado mid uu mid kale markiiba u shaqayn karo.
Qasrigu waa in uu noqdaa mid balaadhan kara oo kolba lagu kordhin karo aalado iyo dhismayaal cusub.
Qasrigu waa in uu noqdaa mid ay adagtahay in amnigiisa la khal-khal geliyo. Waxa uu yeelan karaa dhismayaal hoose, dhismayaal dahsoon iwm.
Qasrigu waa inuu noqdaa mid ka tarjuma suugaanta iyo dhaqanka bulshadeena. Maadaama aynu nahay dad xoolo dhaqato ah badankoodu, qaarkeena ay beeralay yihiin waa in uu noqdaa qasrigu mid leh beero kala duwan.
Is bedelada loogu yeedho ” Guga Carabta” waxay isugu jiraan qaar dadku iskood u keceen iyo qaar gacmo dheeraad ahi kiciyeen. Tusaale ahaan kacdoonadii ka dhacay Tuuniisiya iyo Masar waxay ahaayeen qaar dhab ah oo shacabku ka dhiidhiyeen keligii taliyeyaashii horjoogay.
Balse kacdoonka kadib taladii wadamadaa waxaa dib loogu celiyey maamulo kii ay eryeen aan waxba dhaamin oo xidhiidh dhaw la leh Reer Galbeedka.
Maamulka Suudaan ee maanta dhacay muu ahayn mid xidhiidh dhaw la leh wadamada Reer Galbeedka gebi ahaanba.
Maanta Masar waxa haysta diktaatoor kale. Tuuniisiyana waxa haysta dawlad rabta inay xeerka dhaxalka ee Islaamka wax ka bedesho.
Dhanka kale kacdoonada ka dhacay wadamada ay marka hore is hayeen Reer Galbeedka sida Liibiya iyo Suuriya, iyaga waxaynu odhan karnaa waa kacdoono ay ku lug leeyihiin awoodo shisheeye oo qarsoon, loogana dan leeyahay burburka wadamadaas.
Maanta waynu aragnaa xaalada Liibiya iyo ta Suuriya. Lama rabin oo keli ah in xukuna laga tuuro diktaytark haysta, balse waxa la rabay in la burburiyo oo dhulka lala simo nolosha wadamadaas.
Sudan, oo aynu ognahay inay ku jirtay 7-dii wadan ee Maraykanku qorsheeyey in lagu duulo iyada waa saddex mid uun imika. Hadii dagaal sokeeye dhaco waa wadadii Suuriya iyo Liibiya, hadii diktaytar ama maamul saaxiib la ah reer Galbeedku yimaadana waa wadadii Masar iyo Tuunisiya.
Waxa kale oo furan wado saddexaad oo ah in dadku doortaan hogaamiye shacab ah oo danahooda metela, taasna waxaan filayaa in lagu kicin doono duruufo dhaqaale iyo dacaayado kaga iman doona warbaahinta caalamka.
shacabka Suudaan wada uu u soo saaro
No comments