Buug Cusub New Somali
By: Rahma Mohamed Yusuf Sharaf waxay ahayd inan ayeeyadeed oo lagu magacaabi jirey Dhudi la nool. Waxay ahayd qofka ayeeydeed aduunka ugu jeclayd. Sharaf waxay reerkeeda u ahayd curad. Haseyeeshee, ayeeyadeed ayaa qaadatay markay gu’ jir ahayd. Sharaf waxay ahayd inanta ugu maskaxda badan beesheeda. Waxay ahayd inan aad u fikir dheer oo sheedda fog wax ka aragta.Waxay ahayd inan gaari ah aan naagina is barbar dhigi Karin. Intaa waxa u dheeraa inay Sharaf ahayd farsamo yaqaanad aad u xeelsheer. Dadku waxay aqalka ayeeydeed ku tilmaami jireen buur la dheho Hadhiya oo ahayd buurta ugu weyn uguna dheer deegaankooda. Aqalku haba weeynaado oo ha quruxbadnaadee, waxa dheeraa inta cawsas, kebdo, iyo dermooyin dhamaystiran ee duuban. Noockasta oo shaqo ah-hadday tahay sahan, reer rarid, aqal dhisid iyo furfurid, neef qalis, guri oodis, cunto Karin, iyo xoola aroorin- Sharaf baa u heelanayd. Sharaf waxay ahayd gabadh yar laakiin dumarrro waaweyn oo guryo iyo caruuro leh ayaa u iman jiray iyagoo ka dalbanaya inay tusto naqshadaha ay aqalka ayeeydeed u sharaxday. Sharaf way nasisay ayeeydeed, abtiyadeed, iyo awoowgeed, waxaana suurto gal ahayd in Sharaf la’aanteed ay reerka waxba u hirgeli waayaan. Aad ayaa Sharaf looga jeclaa loogana qaddarin jiray xaafadda ay ku nooleyd dumarrada abtiyadeedna waxay ula dhaqmi jireen sidii inantooda oo kale. Sharaf aad baa geyaanka looga ixtiraami jiray marka fagaare laysugu yimaadona, iyadaa go’aanada ugu suubani ka soo goi jireen. Waxay ahayd inan ixtiraam iyo naxariis badan oo waaweynkana kor u eegta yar-yarkana hoos. Sharafa may ahayn inan maskax badan amaba gaari ah amaba farsamo yaqaan ah oo keliya, balse waxay ahayd inan quruxdeedu ka hirgashay deegaankoo dhan. Ninkastaa wuxuu u soo dhukusi jirey si uu iyada u arko oo keliya, kii arkaana wuxuu noqon jiray isagoo taahaya oo leh, “Qalbigaa layga wareemee, duumo idin laysee daawadiisu waa Sharaf.” Qurux iyo qaayo ayaa rabbi u dhameeyey. Intii qalanjo la amaaney addunka, wax Sharaf lagu amaano waa la waayey ragna wuu diidey inuu goray, faras, iyo deero la barbardhigo iyada. Raggu waxay isugu tilmaami jireen “Tii quruxdii nebi Yusuf Rabbi deeqda u siiyey.” Ninna wuu ku dhici waayey inuu soo doono iyada maxaa yeelay midkastaa wuu ogaa inuu ceboobidoono markay Sharaf hadaladeeda xikmadda leh ku wanjarto ee waa ku uu ka jawaabo suaale, garanwaayo waxay su’aaleheeda ka waddo. Waxay rag badani u derrisi jireen si ay iyada habeen ula baxaan, laakiin Sharaf way ka badin waayeen. Nasiib darro, Sharaf aabaheed wuxuu bixiyey iyadoo uurka ku jirta inanka la siiyeyna markay dhalatay buu labo jirsaday. Inanku wuxuu ka dhashay reer maalqabeen ah oo ad mooddo inay Janno firdawsa ka soo rakaadeen. Sharaf way ka war haysay dhacdadan laakiin may jeclayn inay ka hadasho waxayna rajeyn jirtay in Rabbi iyada iyo reer Qawdhan wax kala dhaxdhigo. Reer Qawdhan waa reerka ay Sharaf inankooda u doonanayd oo Sharafna aad u necbayd maxaa yeelay waxay iyaga u arkeysey reer fasahaaday oo kibir ku talis ah. Gu’gii ay Sharaf 17jirsatay ayaa hooyadeed geeriyootay. Laba ayaamood geeridii ka bacdi ayaa Sharaf aabaheed Maxamed Marooro oo ku magacdheeraa Dacde soo hishay oo u soo dheelmaday gurigii sodohdii. Odaygii oo giirar leh ayaa reerkii u soo hoydey. Si quruxbadan ayaa sodoggii, sodohdii, iyo seediyadii u soo dhaweeyeen. Haseyeeshee, taa muu mahadin wixii lagu macsuumayna cankuu u dhigay isaga oo aan reerka si sharaf leh salaanta uga qaadin. Intuu shabacay oo uguska xoqday ayuu ku dhawaaqay wax reerkii ka fajiciyey. Odagii afkiisa waxa laga helay inuu u soo dheelmaday inuu inantiisa Sharaf kaxaysto. Reerkii dhafoorada iyo dhabanaday wada qabteen yaab iyo amankaagna way la jaahwareereen. Sharaf iyada qalbi wareegbaa la degey xaaladana si ay u waajahdo way garanwaydey. Dhudi waxaa u dhinayd inay ku dhawaaqdo ilaahow dhulka iga dusi. Dhudi waxay is tidhi haddii kii rag ahaa Alle saa u qadaray, bal aduu xagga xuska ku dhaan dabadeedna waxay u sheegtay inay raaci karto. Haseyeeshee, taasi Sharaf way mari weydey waxayna ku madax adaygtay inay raacdo aabaheed halkuu xaaji Dacde almey iska soo jiiday nidirna ku galay inuu qof dooxi haday soo raaci waydo. Sharaf ma jeclaysan in ay sababto dhimasho sidaa darteena aabaheed way raacday. Sharaf way is afgaranwaayeen reer aabaheed. Waxay ku dhex darsantahay toban walaaleheed ah oo iyada iska wada leeg halka kan iyada ku xigaa toban bilood ka yaraa. Iyada iyo walaaleheed ismay jeclaan waxayna walaaleheed ku billaabeen xin iyo xaasidnimo intay been maryo u gelinkaraana aabahood kusoo dho’ siiyaa. Dacde wuxuu had iyo jeer Sharaf ula diyaar ahaa inu dhebi u qaado. Ayaamii dambena wuxuu bilaabay inuu habbeen kasta markuu soo hoydo uu afarta adin ka tumo. Wax kasta Sharaf way xamishay laakiin waxay ka ledi weydey aabaheed oo had iyo goor ka hadlaya Sharaf iyo doonanaanteeda. Kasii darane, wuxuu u hadli jiray sidii in reer Qawdhan ay iska leeyihiin iyada wuxuuna ku hamiyi jiray xoolaa badan uu ka qaadan doono. Sharaf waxay aabaheed u sheegtay inuu fekiradiisa xun-xun kala fogaado haddii ay rabto inay guursatona iyadaa doonan ninkay rabto. Dacde intuu labada dhafoor is qabtay ayuu dhirbaaxo dheg iyo dhafoor fujiyay Sharaf. Sharaf intaa kumay aamusine iyo Shaamil habeen iyo dharaar is dagaalaan. Sharaf waa aftahanad, marka uu Shaamilna ka garbixi waayo ayuu faraa ula tagi jirey maxaa yeelay markay noqoto hadal iyadaa ka badisa isna muu ogolayn inuu marnaba khasaaro. Waxay Sharaf u gashay reer ay koodii yaraa iyo kii weynaa ka amaan beeshay habarta sodohdeed ha u darnaatee. Halka ummaddu is sa salaanto, habarttu, oo ku magic dheerayd Qayliya, waxay ku bilaabi jirtay cay iyo habaar Sharaf. Islaan weyn oo wax karooxaysaana waxay noqotay sharka ka cawdubille. Hablii dumaashiyiyadeedna waxay u raaceen hooyadood. Odayga Qawdhan uunbaa inanta qadarin jirey oo dadka ka didin jirey. Markuu Qawdhan inankiisa u hanjabo oo Sharaf dufaaco inanku wuxuu jawaab celin jiray, “ EE adiga yaa ku yidhi ciyaar naga dhigo oo naag aanad ka war hayn waxay noqon doonto dun noogu xidh. EE naagtu waa inay Tafo-dhiig noqotaa oo rag u go’aa.” Si kataba ha ahaatee, Shaamil kamuu war hayn muuna dareemin in ay Sharaf Tafo-dhiig kumanaan u dhintaan ka qiimo badnayd. Marka uu gabalku dhaco ayuu Shaamil haasaawe u baxi jiray Sharafna taa way ka xumayd wayna u adkaysan weydey iyada iyo Shaamilna way ku dagaalameen taa halku uu damcay inuu Sharaf fasax aan so noqosho lahayn u jaro. Haseyeeshee qawdhan muu ogolaan inay taasi dhacdo. Waxaa Sharaf arooskeeda ka soo wareegay 2 bilood markuu Shaamil la guursadey. Sharaf guurka Shaamil aad buu u dhaawacay laakiin may tusin inay wax ka qabto guurkiisa maadama uu soddogeed aad u jeclaa ayna ogayd in aanu naagta Shaamil la guursado ka jeclaanayan. Shaamil hooyadii baa ku qancisay inuu guursado uuna ka hadhgalo kana nasto qaxarka Sharaf. Cambaro waxay ka dhalatay reer ay reeraa islaanta Qawdhan isku deegaan yihiin. Shaamil Hooyadii weligeed bay rabtey in inan ka dhalatay reerka cambaro soo gasho gurigeeda maxaa yeelay waxay saaxibtinimo dheeri ka dhexesay cambaro hooyadeed. Shaamil hooyadii waxay heshay fursad aad uga farxisay Qawdhanna inankiisa muu joojin maxaa yeelay dhawr goor buu isku deyey wuuna dhega adaygay. Reerka Cambaro ka dhalatay aad bay ugu mabsuudeen in ina Qawdhan inantooda soo doonay maadaama ay naag kastaa ku riyooto inay reer Qawdhan u gasho gaar ahaan nolol la wadaagto Shaamil. Cambaro aad bay u qurxoonayd laakiin quruxdeedu waxay ahayd ta lagu tilmaamo hilaac basari. Shaamil si xun buu ula dhaqmi jiray Sharaf la aqalgalkiisa Cambaro ka bacdi wuxuuna is ku deyi joray inuu waxyeeleeyo iyada. Waxa dhici jirtay inuu mar ugu yimaado si uu uga maadaysto iyada. Wuxuu u sheegi jirey in cambaro ay iyada ka wacantahay kana qurux badantahay uuna qayladeedii ka raystay. Wuxuu Cambaro lasoo dejiyey Sharaf aqalna uga barbar dhisay si uu iyada xumeeyo darteed. Wuxuu Cambaro u soo wareejiyey walaashii si ay u caawiso Cambarona u hawshoon. Shaamil hooyiidana waxay Sharaf ugu hanjabtaa inuu inakeedu rabin furayona haddii ay nuku’ nuku’ keento. Sharaf way ka hanweeynayd inay habar haylaa dhigatay la tirsato. Wixii dhacana ishay kala socon jirtay. Cambaro waxay ahayd inanta basarinimada kaalinta koowaad qaaday doqiinanadana wax ka badiya la waayey. Haddii aya tafaha ka ololayna may garanjirin is bakhtii. Intii segeger dhalatay, tii ugu layaabka badnayd bay ahayd. Markiiba waxay Cambaro ku xidhatay kun Naagood kuwaasoo ku dhiirrigelinjiray in farsamo ka qabato naagtan Sharaf. Cambaro waxay dumaradii u imanjiray u qabaysi dharkii noockasta lahaa ee mariinka loo siiyey halka ay iyaduna halo tafo dhilan ku jookhnayd. Inantii Shaamil walaashii ee Cambaro loo keenay markay ka yaabtay bay ka carartay. Gabadhii Cambaro way garanweydey aduu Shaamil Sharaf kaaga go’ay ee naag Sharaf leh iska dhig illaa weligeedaa doqoni dheg lulatee. Shaamil yaabbaa alle u keenay markuu maalinkasta yimaado gurigii oo an dab laga shidin ay Cambarona huruddo, maqantahay ama aqalka naago kula shareerantahay halku ku ogaadeey inay tahay qof aan garanayn dab huri ilaa aad u sheegto haddii aad u sheegtona aan garanayn saddex dhardhaar baa la isticmaalaa. Waxaa dhacday inuu maalin tuulo aaday Cambarona u sii sheegay inay qadada bislayso intuu dabka u sii shiday. Shaamil wuxuu soo noqday isagoo Cambaro bac alaaba u sida aan Sharafna shalfadi u dheerayn. Wuxuu yimi Cambaro oo aanay ka qasnanyn oo dumar aqalka kula sheelan dabkiina fuuray. Shaamil oo amankaagay ayaa ku jiireeyey aqalkii Sharaf. Sharaf way joogtaa laakiin salaantii hadal may dhaafin. Shaamil isagoo khajilaad la ciiraya ayuu Sharaf cunto ka dalbaday. Waxay Sharaf usoo dhigtay dhiil gadhoodh ah xaganna waxay ka soo rogtay joog muqmad iyo subaga dabadeedna aqalkii u soo dhaaftay. Wuxuu Shaamil qoomameeyey siduu ula dhaqmay Sharaf. Wuxuu qooomameeyey inuu naagnimadeeda arki waayey aanuuna qiimayn iyada. Shaamil Sharaf wuu u yeedhay una sheegaya inuu alaabtan iyada u sido. “Markaad iibanaysay ciddaad qalbiga ku haysay baa mutaysata.” Shaamil wuu fahmay inay u sheegayso in aanu iyada u sidin. Cambaro iyo Sharaf isma jecla illaa waa naago nin wadaaga e mashaakil badanina wuu ka dhexdhacay halka Shaamilna uu bilaabay inuu jeclaado Sharaf. Habeen habeenada ka mid ah ayaa rag marti ah u soo hoydeen guriga Shaamil. Shaamil wuxuu Cambaro dacay dheer u sheegay inay ragga neef intuu bireeyey u qasho intuu geela u soo lisayo lana caweynaayo. Goor danbuu raggii ka soo yare kacoo is yiri bal in hilibkii ay saartay soo eeg wuxuuse la kulmay wax taariikhda banii adamka ku cusub. Wuxuu la kulmay Cambaro oo neefkii oo aanay haragii ka saarin afartii adin oo majnihii leh ka jartay, dabadeedna docda ka dooxday oo uskii faganaysa. Wax allaale iyo wuxuu sameeyo wuu garan waayey- ma naagtu dilaa, ma neefkuu wax ka qabtaa, mise wuuba iskaga cararaa waxkasta. Gooruu cabbaar saa u dul maliignaa Cambaro oo ciil is cun cunayo oo isleeyahay iyana docda ma ka dooxdaa ayuu Cambaro shalmadeedii laba dible ugu xidhay afkana ka gingimay oo aqalkeeda ku soo yuuriyay. Intuu xerada jaf yiri ayuu ka soo saaray wan weyn birta mariyay illleyn kii kale wax dad lagu sharfo ma aha e. Isaga oo hadal la’aan ku sugan ayuu Sharaf u tegoo lugaa qabasay isagoo ka baryaaya in ay neefka u qasho ceebna ka badbaaso. Sharaf way ka aqbashay wuxuu ka dalbaday. Miridho yar eyey neefkii ku jarjartay cabaar ka dibna raggii hilibkii u geysay. Sharaf may rabin in raggaasi ka ceeb xambaaraan guriga reer Shaamil. Markuu waagu soo guduutay ayay raggii quraacdii uga dhag siisay maxaa yeelay way jarmaadayeen. Barqadii buu Shaamil xasuustay inuu tii Cambaro xalay aqalka ku xidhay. Cambaro waa la da’ Shaamil laakiin labaatankay jirtayba ciyaalka wayka caqli liidataa. Dumaradii la shuurayn jiray Cambaro ayaa ogaadey qisada la soo deristay Cambaro xalay waxayna u sheegeen inuu Shaamil ka door biday Sharaf oo uu rabey cunto ay iyadu karisay inay martidu cunaan. Waxay kula taliyeen inay la dagaalanto Sharaf. Cambaro dumarkii timihii bay u dabeen waxayna u diyaariyeen siyaabihii ay naagta uga adkaan layd. Sharaf oo dooxada u xaaba doonatay ayay u soo dhukuseen iyadoo sii jeedan dhebi bay dhegta dabadeeda ka laqsiisayeen. Sharaf inta madaxu dilaamay bay dhacday. Waxa Cambaro dumarku u sheegaan si toos aha bay ugu dhaqaaqi jirtay, waxay u sii sheegeen waxay ku odhan lahayd Sharaf markay ridato. “Naa weligaa Shaamil igama qaadaysid,” Cambaro ayaa tidhi. Illaa waa derderan oo garanmayso naagtii kuu dhacdey ee dil way is ka gudub fadhiisatay . Sharaf intay soo toostay bay Cambaro qabsatay oo dusha uga baxday dabadeedna ruquustay oo ceejo ku dibirisay. Haweenkii Cambaro asxaabteeda ahaa intay tafaha soo qabasadeen bay Sharaf u rogeen dabadeedna la dileen waxayna ka dul kaceen goor ay miyir beeshay. Intaa ka dib way soo qaadeen oo ku tureen aqalkeeda. Waxay Cambaro u sheegeen inay aqalkeeda iska dhex oohiso ay markuu Shaamil yimaado dhehdo naagtaada igu boodey. Si ay wax kasta run ugu ekaysiiyaan, Cambaro ayay xagtimo dhaadheer ku dhigeen, dhengedna la shaceen, alaabtii aqalkeediina isku soo dumsheen oo ka dhigeen in meesha labo qof iskula rafatay. Shaamil baa yimid Cambaro oo ka barooranaysaa aqalkii oo oohinta iyo waxay isku darayso laga qaxayo guriga oo aad mooddo in inay beelaheedii la haligay. Shaamil Cambaro ayuu ka waraystay waxa dhacay iyo sida wax u dheceen Cambarona cabashadeedii iyo in Sharaf is tiri wanjar ayay u taxday. Cambaro kama war hayso inuu Shaamil Sharaf hadda aad u jecel yahay oo aanu awoodi karin inuu iyada daraadeed u jikaaro ama dhibaato u gaadhsiiyo. Shaamil wuxuu is yiri bal Sharafna soo wareeyso, laakiin wuxuu la kulmay Sharaf oo weli miyir la’. Shaamil karka wadnahaa goi gaaray maxaa yeelay wuxuu mooday in ay Sharaf dhimatay. Biyuu ku shushubay wayna soo miyirsatey iyada oon meel qaadi karayn. Shaamil isagoo yaaban waxa isu geeyey labada Naagood ayuu warka ka dhaguugay Sharaf. Markuu ogaadey in Cambaro iyo saaxibadaheed Sharaf isugu tageen gardareysteenna ayuu ciil la miyir belay. Tii Cambaro kamay qasnayn waxayna is lahayd hadduu Shaamil intii naf ahayd ee Sharaf ku hadhay ka saarayaa laakiin isagoo budh sita ayuu kula soo dul dhacay oo dhabay daa ka saaray wuuna kula miyir beelay. Cambaro mataqaan xattaa waa la cararaa ee wayska lignayd iyadoo la yaabban xanuunka budhka. Shaamil wuxuu ka raalli geliyey Sharaf wixii dhacay una sheegay in aanay dib u dhacayn waxaa wax la mid ahi. Sharaf kamay ledi karayn wixii ku dhacay waxayna xasuusnayd hadaladii ay Cambaro ka dul tiri. Sharaf waxay go’aansatay in ay Cambaro ka aar gudato. Hadday cambaro bilowdey dagaal lagu kala qaadayo Shaamil, Sharaf waxay u diyaar garowdey inay dhamayso iyaduna beretanka badin doonto. Waxay Sharaf bac ku xidhay fud lo’aad iyo hilib ceedhiin ah oo kii martida ka hadhay, iyo go’ calool ah waxayna ku xabistay meel aan jin iyo insi arki karin wuxuuna halkii ku jiray asbuuc. Waxay ka soo saartay meeshii habeen uu Shaamil la jiray reer aabihii. Markay istiri haddu soo socdaana, intay xagga dambe aqalka Cambaro uga wareegtay oo dabada ka daloolisay ayay cawska dadabta kasoo hoos dusisay. Shaamil oo rooraya ayaa aqalkii Cambaro daf yidhi, markuu foodda saa u soo geliyay ayaa ur aan hore loo arag ilaa maskaxda roortay Cambarona ma dareensana in aqalkeeda qadhmoon ka dhex damaashaadayo shirarna ku qabsanayo. Shaamil oo liicliicaya ayaa aqalkii Sharaf u leexday oo sariirta ku dul wab yiri cabbarna miyir la’aa. Cabbaar ka dib ayuu soo miiraabay wuxuuna la kulmay Sharaf oo daafta fadhida oo dermo falkisanay aan danna ka lahayn isaga. Sharaf aqalkeeda naagina isma tiraahdo ha u ekaado maxaayeelay way ogyihiin in aanay u suurto gelayn inay iyada gaadhaan. Xagga hoose ka sharraxanyahay, wuuna kala wada guranyahay wuxuuna le’egyahay shan aqal oo laysku daray. Waxay aqalka ka gingimtay sariir haddii odayga mareeykanka ugu qanisani ku jiifsado aanu ka kaceen quruxdeedana indhuu ka daaleyn. Intaa aqalkeedu wuu rushaysnaanjiray fooxna ka bixi jiray. Wuxuu Shaamil la yaabay intaa shay ee ay dhamaysay intii uu guursadey tan kale. Sharaf waa naag aad u xarrago badan waxayna intaa ku jookhantahay dharba kuu ka sito. Shaamil: Sharaf maxaad la hadli la’dahay? Sharaf: martidu iyadaa aya salaanta ku horraysiisa? Shaamil: oo ma marti baan kuu ahay? Sharaf: waa siday u egtahay e maxaad la didsantahay? Shaamil: waxba ma jiraan. Waxaan Shaamil soo marayn inuu dheho Cambaro ayaa col ur ahi weeraray oo warmo la galay aqalkeedii. Haseyeeshee, Sharaf hoosta ayay firixdaa ka haysaa waxayna ku dhawayd inay qosol la gariirto. Shaamil: “Sharaf waan gaajoonayaaye ee wax la cuno bal igu taag.” Shaamil wuu dheregsanaa laakiin wuxuu rabey inuu Sharaf ka hadalsiiyo. Sharaf: “oo qalbi dahab maxaa kaa soo eryadey.” Intay kacday ayay quud u keentay. Shaamil: “ma qalbi dahab aan adi ahayn baa jirta.” Sharaf: “Sidii in shiriya col kaala tegey.” Shaamil: “Waxaa inaga dhaaf.” Shaamil wuxuu isleeyahay kama warhayso colka dhabta ah ee Cambaro la nool caawa halka ay Sharafna isleedahay bal wuxuu yadhi. Sharaf: “Inaadeer hore ii soo dhaaf markaad dherekto.” Shaamil: “oo xagaad ii sii waddaa.” Sharaf: “Taasi mid aad aniga I waydiinayso maaha.” Waxay Sharaf u danleedahay wuxuuu ku dhawaaqo inay dhaguugto iyo bal wuxuu Cambaro ka dheho. Shaamil: “Sharaf, waan ogahay in aad calool xumo ii haysid waanna ogayahay inaan mutaysto ciqaab, laakiin hadii aan ku dheho maanta adaan kaa jeclahay Cambaro ma I rumaysanaysaa? Markaan ku iri Cambaraa kaa wanaagsan run may ahayn. Waxkastaan ku iri been buu ahaa, dagaalkii inaga dhexdhici jirayna waan u darsaday,” ayuu yidhi intuu soo garab fadhiistay. Sharaf: “Waar waxan aad ka hadlaysid goor ay dhaceen kama warhayo, jacaylkan aad la jadhadhac leedahayna cirka la aad.” Sharaf: “Waan jeclahay in aan ku arko adoo xanaaqsan maxaa yeelay aad baad u qurux badantahay. Waan ku……. Habeen wanaagsan.” Markuu waagu soo guduutey ayay Sharaf kacday oo aqalka Cambaro dabada uga wareegay oo wixii bacdii kaga wada ridday aqalka bacdiina xoortay. Waxa bacda ku arbudnaa oo dhami wuxuu noqday ur iyo xisti. Markuu Shaamil aroortii soo toosay ayuu is yiri bal soo eeg inay tii Cambaro ka badbaaddey wixii xalay. Wuxuu aroortii la kulamay baa ka darnaa wixii habeenimada la kulmay.Wuxuu arkay aqalkii oo xisti dareerayo sidii daad. Isagoo juuq gabay ayuu iska soo noqdey. Maalintaa xooluu waxay u baxayeen aroor. Waxay Cambaro soo kacday Shaamil oo ku quraacanaya ardaaga Sharaf kuna qanciyey Sharaf iney xoolaa la ceel geyso. Cambaro wixii dhacayey bay aragtay. Goor aya tahay tobanadii ayaa Cambaro saaxibadaheed soo dhigteen. Waxay dumarkii la kulmeen shilkii Cambaro soo waajahay. Xabado xisti ah baa xitaa Cambaro timaa kaga bakhtiyey. Iyagoo yaaban waxay ku hadlaanna aan garenayn ayey aqalkii Sharaf u daawasho tageen. Wixii afka saaxibadaheed ka soo baxay qalbi jab buu ku riday Cambaro. “Naa ma naagtan buu ninku kula qabaa. Bal aqalkeeda quruxdiisa eeg. Naa naagta nadiifnimadeedaan la yaabanayn aqalkeedana weynidiisa, ee bal quruxdan daawo. Naa adigu tafo jeexan haylo uskag baad tahay. Naa gurigaaga duqsi baa meelkasta maamula. Naa maantana dirxi baa ka dhashay. Wax loo caal waayey baad tahay. Doqonniinaa ku dhishay oo daamanka ku dheeraysay. Naa ninkaagu guriagaaga sanbuur buu ka qaadayaa. Alla berri buu ku furi ee sida si isugu dhaan,” ayaa mid dumarka ka mid hayd ku canaanatay Cambaro. “Naa damiinadiiyeey, miyaanad u fiirsan in uu ninku Sharaf hadda kaa jecelyahay. Gawso weyneey sawtaa maanta raacday. Naa bilaa dareeme ayaad tahay,” ayaa mid kale ku cayday Cambaro. Intay tiro leekaayeen haweenkii Cambaro ayay taariikho cay iyo canaan ah u tiriyeen. Cambaro oo calool xanuun lagu riday ayaa haweenkii ka dalbatay inay u taakuleeyaan oo wax u sheegaan. Mid ka mida dumarkii ayaa halka ka soo haf tiri oo tiri, “Aan ka dumino aqalka Sharaf.” Taasi haweenkii kale la may noqon fikir wanaagsan maxaa yeelay wax yeello weyn kumuu ahayn Sharaf- aqalkoo dib loo dhiso ayuu xalku ahaa. “Naa aqlka dab ha laga sudho,” ayaa mid kale ku hadaaqday. Taasi waxay noqotay taladii ugu fiicanayd wayna ku farxeen. Waxay Cambaro u sheegeen inay aqalka Sharaf dab sudho Cambarona way ku dhaqaaqdey halka ay guriga intiisa kale ka dhawreen inuu dab gaadho oo dabkii ku ilaaliyeen aqalka iyo garabka Sharaf. Goor ay uuradii iyo ololkii is qabsadeen ayey Cambaro dumarkii u sheegtay hadduu Shaamil ogaado inay iyadu ka dambayso waxan dhacay in aanu naf kaga tegayn. “Si aan loo fahmin in aynnu u danlahayn in aynnu gubno aqalka Sharaf aynnu baal ka gubno aqalka Cambarona,” waxa tiri gabadhii marka horena tiri aynnu gubno aqalka. Go’aankeedii waa lagu raacay aqalkii Cambarona baashaa laga sudhay dab halka aqalkii kale gun iyo baar ka ololeyey. Mar aqalkii Cambaro caws iyo dermo shuf beeleen ayaa dad u soo gurmadeen markay arkeen ololka dunida qabsadey. Markay arkeen in la soo socdo ayaay dumarkii wixii biyo yaalley ku damiyeen aqalkii cambaro. Aqalkii Sharaf waa la awoodi waayey in la damiyo waayo biyo meella kamay dhoweyn wayna suurta geli weydey in ciidi damiso halkiibuuna shu shufbeelay. Cidi uma warhayn laakiin gabadhan ku boorriysay Cambariyo in guriga la gubo waxay meesha ka wadatey danweyn. Waxay Cambaro ula saaxiibtay si ay uga dhex faaidaysato cadaawadda dhex taalla Cambaro iyo Sharaf. Gabadhan waleelkeed ayaa Sharaf rabey inuu kala baxo Shaamil, naagtanina, oo lagu magacaabi jirey timiro, waxay rabtey si aay waleelkeed naagta ugu saarto. Si ay taasi ugu suurtowdo waay inay ka dhex shaqayso oo isku dirto Sharaf iyo Shaamil laakiin way u fuli weydey taasi. Haweenkaa qaar ka mid ahi waxay rabeen in ay galaan booska Sharaf halka qaar ka mid ahina rabeen inay ka bacdi Cambaro iyo Shaamil kala diraan. Naag waliba iyadaa danteeda gaar u wadatey. Waxay Sharaf la kulantay aqalkeedi oo bas belay oo dambaskiisii raaskii buuxiyey Qawdhan iyo islaantiisiina aag joogaan. Sharaf iyadoon weydiin waxa sababay bay Cambaro haw ku tiri oo horta shan dhabanaano ka gaadhsiisay. Cambaro oo oohin qabsaatay bay baa Sharaf laga soo jiidey. Intay Sharaf banaanka u baxday bay shan dhagax candhada u gelisay waxayna mid kala haleeshay dhafoorka halka uu Cambaro dhafoorku dhayda noqday dhiiguna isku darsamay. Cambaroo calyada daadinaysa ayaa Shaamilna ku qayliyey oo weydiiyey waxa waxan oo dhan dunida ka riday. Qayliya ayaa halkan kasoo booddey iyadoo u halgamaysa Cambaro sheegaysana in aanay caqliga geleyn in Cambaro gubto guriga maxaa yeelay aqalkeeda may raacsiiseen. Shaamil umuu joojin hooyadii ee Cambaruu runtii ka shubay. Isagoo ciil la liicliicaya ayuu Cambaro ku tuntey. Cambaroo sii naf baxay baana laga reebay. Wuxuu Shaamil soo miyirsadey Sharaf oo aan aaggaba joogin wuuna ka daba dhigey. Sharaf intii lays dagaalaayey bay tafaha qabsatay oo iska tagtay. Iyado dhamcatay ayuu Shaamil gaadhey oo wadada ka hor istaagey una oglaan waayey inay socoto. “Sharaf shaydaanka iska naar xagaad u socotaa.” “Waar horta fikir xumidaa. Xaggeen joogaa oo aad ii negaynaysaa?” Wax kasta wuu sameeyey laakiin way ka aqbali weydey inay joogto. Waxay taasi ku keliftay Shaamil inu gabay Aduun baa gaashaan la’aan goobta ka halgamiye Iyadoo dumar taf yahay Sidii webi daroogaysan Hadduu ina rag dheelmado Si uu dheeman uga dheehdo Oo uu cagaago, Dhidikiisuna dhooqo abuuro Hadduu heeganeey yahay tan iyo Maalintuu dunida deeynaayo Abidkii ma helo marwo Adi kula geyaan noqota Dawladeey adoo qudha Ayaa dunidaba deeqa Wadnahaygu webiyuu muquurayaa Adi ma jogaaga Dadkoo wada barwaaqaysan Baan lohonlohaayaaye Waxaan luudayaa Sidii oday laxaad beelay Cambarona waa ciyaal Caqli marooraysan oo Waa malliigan meleg sidii sii e Ha cadhoon hadday iyadu carruurowdey Sharafeey ha tagin, addunyaba adaan ku haystaaye Hadaladii Shaamil Sharaf kumay qancin in ay joogto. Waxayna go’aansatay inay u jawaab celiso oo dareensiiso isaga inuu waxan oo dhan kii bilaabey. Anoo uurka hooyaday Ku hilan baa la I kaa hibeeyey Anoo aan haa iyo maya karayn Baa qaddarku I halleyey Adaa dhayal moodey dhaladkayga Adaa hawlaha bilaabay Hadderna adaa harraadsan Haddad mar matashade ahayd Haddii Cambaro lagugu dabay Hadderna ay tan tahay Maxaa berrina I hor iman Wax kasta wuu isku deyey laakiin Sharaf wuu ku guuleysan kari waayey inuu negeeyo. Wuu ka yaabay in hadaladiisii aan ay Sharaf tusin faa’iidada joogeedu uu leeyahay. Haseyeeshee, Shaamil wuu quusan waayey wuxuuna isku deyey inuu hees qalbigiisa ka soo go’aday u tiriyo. Si kasta oo ay kuwada noolaayeen, wuu dareensiinayaa inuu in badan jeclaa anuu se u sheegin iyada. Jacyl daraaddii mala deyowdey Intuu kalgacayl ku daashey Dareenkaagana didhoodey Dabaylaha maw war sheegtay Dambaaburo quud ma moodey Adoon duuleyn deganeynna Adoo doonyo daran dul saaran Damaashaad aan durbaan lahayniyo Dabaaldeg mala dekaysay Intuu kalgacayl ku dulleeyey Adoon dan lahayn, dareeno kale Sidii dameer da’a gabay Duleedyo dadkale ma daaqday Ninuu cishqigu duqeeyey Ninuu dalalkale u dhoofshey Daruuro aan daymo qaban u hoorshoo Shimbiraa la duulshey Misana uu daad la tegey Ayuun baan dahab danayninoo Dheemanta dhagaxyo mooda Ayuun baan hadduu danab dillaamo Ka ducaysan Anaa taa maray dartaa e Dareen iyo daryeel diirrimaad miyaan laguu ogeyn Waxay Sharaf ogaatey inuu dhab u jecelyahay iyada, waxayna dib uga fekertay inay doqoniino tahay in ay Cambaro ka guulaysato. Waxay go’aansatay in ay joogto cambarona tusto in wixii dhacay aanu waxba ahayn. Sanad ka dib waxa Sharaf u dhisnaa aqal kii hore ka weyn oo ka qurux dheer. Waxay Sharaf dhashay wiil iyo gabadh mataano ah Cambarona gabadh. Sanadkii Sharaf aqalka samaysanaysay halkii bay Cambaro dacay dheerayd aqalkeeduna ka dalooley docdii ay dabka ka sudheen. Halka dadku ka soo rayyo Cambaro way ka sii daraysay. Waxaanay garan jirin in ay inanta yar cunnaysiiso. Ilmaa Cambaro wuxuu jiray hal wiig markuu qaddarku helay. Cambaro intay aqalka dhex dhigtay bay ka dhaqaaqdey waxaana u soo dabo martey bisad oo ilmii yaraa muska la gashay. Waxa laysu yimid Cambaro oo aan hayn cunugii yaraa. Si kasta waa la yeelay laakiin waa laga soo hadhay nuunihii. Iyada oo quus la taagan yahay baa Sharaf aragtay madaxii il maa yar oo muska ku jira. Halkii bay qaylisay. Waxa loogu tegey lafo yar yar oo la fiiqay iyo madaxii yaraa oo camanka laga feentay. Taasi waxay ahayd qalbi jabkii ugu weynaa ee Shaamil weligii waajehay. Reer Qawdhan oo dhamina way wada tiiraanyeysnaayeen. Wuxuu maalintaa go’aansadey inuu Cambaro aanu dib ugu arag agtiisa. Isla markiiba wuu furay Cambaro. Muu ogolaan inay Cambaro u sii muuqmuuqato ee wuxuu ku eryey faras.
No comments