Breaking News

Gabayo Hadraawi

xamed Ibraahim Warsame(Hadraawi)waa halabuur maanseed, oo dabuuubta maansadiisa kala soo dhex baxay dhudhubo shareeran iyo dhadhaaabo shuban dhexdood.Maansadiisu waa dawan, baaq, hodan, xigmad, murti iyo qaylo dhaan xilliga argagixiso jirto. Hadraawi wuxuu maansada ku kala furaa aqoontiisa cilmiyeed iyo kartidiisa hal abuurnimo. Wuxuu ugu hiiliyaa ninka laga gar daran yahay iyo ninka la dulmiyayo.Wuxuu Hadraawi la jaalyahay dadka maxaysatada ah, kuwa aan marnaba ka tegen hidahooda,iyo dhaqankooda, wuxuu kaloo la jaal yahay dadka diinta u dooda iyo cilmiga wax barashada.Hadraawi wuxuu ku lid yahay oo ka soo horjeedaa dadka-dadka dulmiya, booba,dhaca, yasa,xaqira, dadka is waaweyneeya, dhaqankooda tuura, muslimnimadooda ka taga. Hadraawi hal-abuurnimadiisu waa iftiinka xilliga mugdigu saameeyo umadda, waa ileyska lagu hirto marka dulmigu uu xaqa hadheeyo,waa mid ka talisa aayaha ummada Somaliyeed, waa kala hagga ummada Somaliyeed, xagkasta oo la eego, hadday tahay laba jacayl lagu kala furdaaminayo iyo laba dagaallagu kala dhaqaajinayo,laba gar loogu naqayo, laba wax qaybsanaysa oo loogu kala saami tuurayo, qof wax dulmiyaya oo loo sheegayo waxa uu qaldaayo,dhinnac kasta oo ummadu ka jilic san tahay hal-abuurnimadiisu way ka soo gashay. Waxa Hadraawi yahay qarnigan aynu joogno ninka keliya ee Somali u siman aan marnaba ka talin in uu hal abuurnimadiisa ku caayo reer, kun dulmiyo dad, ku yaso ama xaqiro qof ama dad.Hadraawi waa ninka keliya ee Somali soo maray ee aan weli lagu arag isagoo qof ama dad ku maagaya maanso ama gabay,marka laga reebo keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre,Hadraawi waa ninka keliya ee abwaanimadiisa loogu saxeesayo in uu yahay waddani, waa ninka keliya ee suugaantiisa aan aan laga helin iin ama qalooc, waa ninka keliya ee la odhan karo waa abwaan, hal abuur, suugaan yahan ah, Hadraawi waa nin illaahay hibo u siiyey hal-abuurnimada, abwaanimada,Magaca Hadraawi wuxuu kula baxay, isagoo aad u yar oo Cadan malcaamad ku dhiganaya, ayaa macalinkiisii oo nin carab ahaa ayaa wuxuu arkay isagoo caruurtii quraanka dhiganaysay jeediyey oo sheeko caruureed uu miyiga ku soo bartay uga sheekaynaya,caruurtaas oo carabta ku dhalaytay xiisaynaysana sheeko caruureedda, ayaa macalinkii maalin maalmaha ka mid ah wuxuu isi soo daba taagay Hadraawiyoo caruurtii laga doonayey inay wax akhriyaan sheeko caruureed dabada u haya. Macalinkiisii ayaa inta uu dhenged dabada u qabtay ku yidhi.(inama anta hadrun) Intaas oo carabiya macnaheeduna yahay waxaad tahay mid hadal

Ooshu waa halkeedii Cirku waa engegan yahay Naxariisi kama iman Dhulku waa arradan yahay Oogadiisu damac ma leh Waa abaar dad qalata ah Waa sabaan la adhax jabay Ma aloosna geedkii Afti baana sii tiil Dadna waa ogsoonaa Anna baanahaygii Ku adkaysan waayee Sow iimahaygiyo Alabkayga lama baran Olol-reenka hibashada Uugaanka baxayaa Ma naftii asqowdaa Mar labaad arrumisoo Agabtii xidhxidhatoo Awrkeedu raran yahay Ma awaalihiibaa? Asmadiyo xanuunkiyo Aynfaadku saarraa Ma abaabulkii baa? Oohowda waallaa Ma dabkaan afuufee Aasee bakhtiiyaa Ololkiisu baxayaa? Kalgacaylku aafiyo Urugiyo dhib badanaa Kasha nugul ka adakaa Soo aarey nabarkii Ma alwadey sidii geel Edeg madhan ma deydeyey Sida bahal ma oogsadey Ma illaday kabtii jaan Ma ku jiitey awdalan Ma arooryadii baa? Waabayda udugga leh Idin laygu shidi jirey Abbaartayda saakana Ma adeeridii baa? Sidaan aar libaax ahay Araggaygu didin jirey Arraweelo dumareey Arrimaha dhexdeenna ah Asaraari maayee Igu tidhi “ha ii iman” Anna waan hubaayoo Inaan uurka kaa jaro Afar iyo shan goor baan Axdi kuugu qaadoo Misna oofin waayee Isma ogiye goormaan Tolow aqalka soo galay? Ma naftii ku eeddeed Obocdeeda karisee Ishu kaaga fagantaan Usha kaaga reebaan Igdhayee sabaayee Uubaale geeyeen Meelaanay kaa arag Ku ilaalinaayaa Soo jiidhay ooddii Ma adaahidii baa? Addinkaaga hoos taal Aburkiyo xarraankiyo Orka iyo mashxaraddiyo Alalaaska baxayaa Ma ujeeddadaasaa? Ma addoonsigeeda? Ajar kuugu sugan yahay? Arxanlaay karkabaddiyo Araggaygu murugiyo Yaanu umal ku saaqoo Anfariir ku geliyiyo Kugu noqon af kala qaad Arrintayda gabadh yahay Nin ambaday ka soo qaad Naftan oonku shidayee Deyn weydey ololkaa Amankaaga dhalisee Abhin iyo tusaaliyo Ergo waaya hadashiyo Imisaan karaankay La cuskaday aqoonta? Ma waxaanan odhannoon Ka illaawey baa jira? Hadday diiddey amarkii Ka irdhowdey taladii Oggolaatay dala’siga Eelka maanigaa dhigay? Indhahaagu kululaa Eebadaadu toganaa Warmahaagu adakaa Arammida ku haysiyo Aanadaadu weynaa Yaad ka aarsanaysaa Ma nin aabbahaa diley? Nin astaamahaagiyo Quruxdaada oog iyo Ubax dharan ku sheegoo Ammaantaada koobaa Eed beeli waayee Erey tuurleh ruuxii Afka kaa yidhaahdiyo Utin nimaad ku leedahay Waa maxay abaalkii? Sow ma tihid ilayskiyo Iidaanka noloshiyo Iimaanka lahashada Sidaan kaaga oolaa? Immisaan ku jiri baaq Heestii ukulidiyo Cabashiyo abla-ablayn? Xeerkii Islaamkiyo Wixii Eebbahay faray Olloggayga godobtiyo Aanfada ka doortoow Aabi loo badheedhiyo Ansax maaha digashadu Yaan inkaari kugu dhicin Ashqaraarka kibirkiyo Yaanay iiddu kula tegin Ha ku tuman aleelaha Ha afduubin xaajada Isirkeeda doon doon Ka ummuli tusaalaha Alif macallin weydii Bal abuurta dunidiyo Shalay iyo awaasheed Aashaa dib ugu noqo Bal oddoros hilaadaha Bal malee wax iman kara Berritiyo ayaamaha Ifafaale daymood Bal iskaa ka sheekee Wixi aadmi soo maray Taariikhda uur baadh

No comments