Murti Iyo Maad
TAXANAHA DHAXALREEB I/2015 Feeberwari 2015 Ponte Invisibile Ed. Gorfeyn Riwaayadeed: Aqoon iyo Afgarad waa murti ku habboon in maanta la isu sheego. …. laba farriimood oo isbarbar socda, oo aan is haysannin, oo midi sheeggan tahay midina sheelan tahay. Jaamac Muuse Jaamac Feeberwari, 2015 www.redsea-online.com/e-books Bogga 2aad Taxanaha Dhaxalreeb: [1] Jama Musse Jama, Juun 2005 Layli Robot: Makiinad iswadda oo ciyaarta Layli Goobalay [2] Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’ iyo Mohamoud H. Nugidoon, Noofember 2005 Qalabka iyo Suugaanta Qodaalka. [3] Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’, Diisember 2005 Mahadhadii Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal. [4] Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’, Jeenarweri 2006 Kumaa ah Aabbaha Miisaanka Maansada Soomaaliyeed: ma Carraale mise Gaarriye? [5] Jama Musse Jama, Abriil 2007 Tirada iyo habka tirsiimo ee Afsoomaaliga. [6] Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’, Meey 2007 Miisaanku waa furaha kala asooridda badaha maansooyinka soomaaliyeed [7] Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”, Juun 2007 “Dhulgariir” waa digniin culus [8] Khaalid Jaamac Qodax, Oktoober 2007 Suugaan Xul ah iyo Abwaan Axmed Aw-geedi “Dheeraad” Maansoyahan mudh baxay! [9] Xasan C. Madar, Maarj 2008 Raad ka mid ah raadadkii addoonsiga. [10] Aadam Xaaji Cali Axmed, Seebtember 2008 Bandhig-buugeedka Caalamiga ah ee Hargeysa [11] Ayaan Maxamuud Cashuur, Oktoober 2008 Toddobaadka Fanka iyo Suugaanta Soomaalida ee Landhan [12] Xasan C. Madar, Diisember 2008 Ruwaanda: Xasuuqii boqolka maalmood [13] Mohamed-Rashiid Sheikh Hassan, Diisember 2008 Art and Literature: The Other Weapon for Resistance [14] Kamaal Cabdillaahi Xuseen, Abriil 2009 Iskaddaa sonkorta oo ka gaashaamo cudurka kaadi-macaanka noociisa labaad [15] Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’, Noofember 2009 Aqoontii iyo ibaxnimadii Soomaalida [16] Mohamed Obsiye, December 2010 Somaliland’s Search for Recognition [17] Jama Musse Jama, May 2012 We lost a friend [18] Jama Musse Jama, Feeberwari 2015 Aqoon iyo Afgarad waa murti ku habboon in maanta la isu sheego: Gorfeyn riwaayadeed Taxanaha Dhaxalreeb waa qoraallo kusoo baxa degalka redsea-online.com dhowr jeer si aan aan joogto ahayn sannadkii. Waxa isku dubbarida Jaamac Muuse Jaamac, waxana daabaca soo saarha Ponte Invisbile Ed. oo deggan Pisa, Italy. Ka rogo si bilaash ah www.redsea-online.com/e-books. Gorfayn riwaayadeed: Aqoon iyo Af garad Jaamac Muuse Jaamac Bogga 3aad Gorfeyn riwaayadeedi : Aqoon iyo Afgarad waa murti ku habboon in maanta la isu sheego Jaamac Muuse Jaamac Feeberwari, 2015 www.redsea-online.com/e-books Bogga 4aad Gorfayn riwaayadeed: Aqoon iyo Af garad Jaamac Muuse Jaamac Bogga 5aad Alifkii qaldamaa, Alboqruu ku dhibaaye, Siday iila egtayna, Asaraarkan dhexdeenniyo, Taladaan ebyi waynay, Waxa keenay ammuurta, Aqooni wayska halkeeda, Afgarad baase la waayey. “Aqoon iyo Afgarad”, 1972 Feeberwari, 2015 www.redsea-online.com/e-books Bogga 6aad Tusmo 1. Hordhac ……………………………………………………………………………………………………………… 7 2. Bandhigga riwaayadda ………………………………………………………………………………………… 9 3. Ubucda riwaayadda …………………………………………………………………………………………….. 11 4. Xaaladda maanta iyo isafgaranwaaga …………………………………………………………………….. 15 5. Farriinta kale ee ka soo baxday Aqoon iyo Afgarad ………………………………………………… 16 5.1 Ka digista sheekh beenaalayaasha dadka beenta ku daweeya ………………………….. 22 5.2 Ku tagrifalka xoolaha dadwayne …………………………………………………………………….. 23 5.3 Muhiimmadda waxbarashada hablaha iyo guud ahaan xaqa haweenka ………… 24 5.4 In haddii la dayaco garsoorka, xaqsoorku dhimanayo ……………………………………… 24 6. Gebagabo …………………………………………………………………………………………………………… 31 7. Dabadhah: Heesaha ku jira Aqoon iyo Afgarad oo tifatiran …………………………………….. 32 7.1.Saxarla’ ……………………………………………………………………………………………………….. 33 7.2.Gudcur aan caddaba jirin ……………………………………………………………………………….. 37 7.3.Maxay dhaqasho ii tahay ……………………………………………………………………………….. 39 7.4.Axmed Gurey ma uu dhiman ………………………………………………………………………….. 41 7.5.Walaac anigoo ku seexday ………………………………………………………………………………. 44 7.6.Allahayow nin daacad ah ………………………………………………………………………………… 48 7.7.Mudantii Haweenka ……………………………………………………………………………………….. 52 7.8.Heestii dhinnayd ……………………………………………………………………………………………. 56 2. Tixraac ……………………………………………………………………………………………………………….. 57 Gorfayn riwaayadeed: Aqoon iyo Af garad Jaamac Muuse Jaamac Bogga 7aad 1. HORDHAC 1972kii koox xilligaaba hormuud ka ahayd carinta maskaxda dadwaynaha, kuna sugnayd Kulliyaddii Waxbarashada ee Lafoole, ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa curisey riwaayad wax wayn ka beddeshay habkii masrixiyadda loo dhigi jireyii . Riwaayaddaasi waxa ay ahayd Aqoon iyo Afgarad, waxana wada allifey Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”, Siciid Saalax Axmed iyo, Alle ha u naxariistee, Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” iyo Muuse Cabdi Cilmi “Muuse Gadhle” iii. Qorayaasha riwaayaddu waxa ay ahaayeen masrixiyiintii ugu horreeyey ee aqoontoodu ay gaadhsiisnayd heer jaamacadeediv. Kulliyaddaa Lafoole, gaar ahaan xilligaa, waxa ka samaysamay fikirsuugaaneed ilaa maanta saamayn wayn ku leh suugaanta Soomaaliyeed. Aqoon iyo Afgarad waxa ay ka curatay fikirfaneedkaas, waxana ay curiyeyaashu sheegeen in faafreeb xad dhaaf ah la mariyey, oo culays badani ka qabsaday sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen dawladda in loo soo bandhigo dadwaynahav . Farriimaha is huwan ee ay riwaayaddaasi siddey waa kuwo loo baahan yahay in mar kale la isu sheego maanta. Farriinta kowaad waa midda ay qorayaashu sheegeen, oo ku saabsanayd is-afagaranwaaga ka taagnaa bulshada dhexdeeda, oo ay sababtiisa ugu wayni ahayd aqoonyahankii dalka ku soo laabtay oo la yimi kala duwanaansho af, afkaar, hab-nololeed iyo fikir dhaqan-dhaqaale oo ay ka soo rarteen waddamadii kala duwanaa ee ay wax ku soo kala barteen. Dhibaatada ugu horreysay waxa ay ahayd in ay iyagu is afgartaan inta aanay qaranka wax u tarin. Eeddu ma ay ahayn dadka debedda wax ku soo bartay oo kaliya e, waxa ay riwaayaddu gujinaysay, sida ay ka sinnaayeen mufakiriintii sannadahaasi u kacay Afrika oo dhammiba, in gumaysigu kaga tagay dalka maamulkiisa, dad uu sii tababartay si ay u sii wadaan afkaartiisavi. Iyaga qudhooda waxa ka dhextaagnaa is-afgaranwaa ay riwaayaddu sheegaysay oo dhaqankii Ingiriisku ka tagay ee maamul iyo kii Talyaanigu ka tagay, gaar ahaan, in ay is jiidhsanaayeen, ayaa riwaayadda laga dhadhansanayay. Riwaayaddu waxa ay ahayd iska-dhicin Afka Soomaaligu iskaga caabbinayo loolanka ka dhexeeya afafka iyo dhaqammada Reer Galbeedka, gaar ahaan Ingiriiska iyo Talyaanigavii oo hore u kala jiidanayay habka waxbarashada dalalkay gumaysteen, iyo Maraykanka oo markaa uun ku cusbaa faragalinta habka waxbarashada Soomaalidaviii, iyo waliba kan Jaamacadda Carabtaix oo isna doonayay in uu bannaysto meel uu ka soo galo manhajka waxbarasho. Loollankaas oo ay indheergaradku u arkayaan in uu meesha ka saarayo ahaanshihii Soomaalinnimo ee bulshadu u baahnayd markaax . Sidaa daraaddeed farriinta isafgaranwaaga ee riwaayaddu way ka shisheysey dhallinyarada wax ku soo baratay debedaha oo midkoodba la yimi dhaqankii dalka lagu soo tababarray. Farriinta labaad ee aan la sheegin waxa ay ahayd tan keentay saamayntii ay midhaha suugaanaysan ee riwaayaddu, gaar ahaan maansooyinka jiiftada u badan ee la codeeyey, ay ku yeesheen bulshada dhexdeeda. Waxa aynu ognahay in ay kiciyeen muran iyo fikirro siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaas oo salka ku haya sidii loo turjumey midhahaasi, iyo waliba doodihii ka dhashay suugaantaas. Doodahaasi waxa ugu Feeberwari, 2015 www.redsea-online.com/e-books Bogga 8aad caansanayd silsiladdii Siinleyxi ee ka bilaabantay jawaabtii uu Cabdi Aadan Xayd “Qays”xii ka celiyey hees ka mid ah heesaha “Aqoon iyo Afgarad” oo Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” sameeyey. Siinley inta la ogtayay waxa ka qayb galay 29 maanso oo ay soo tiriyeen 15 maanosoyahanxiii. Gorfeyntan waxa aynu ku ogaan doonnaa sababta aan riwaayadda marka hore looga dhadhansan farriimahan siyaasadeed ee riddada dheer ee ay siddo; iyo sida aad u mooddo in is-haysashada masrixiyaddu ay u dabacsantahay, oo mararka qaarkood aad moodayso in aanay wada socon heesaha qaarkood iyo riwaayadda sheekadeeduxiv. Ugu danbayn waxa aynu xusaynaa sida ay tirinta suugaanta ee xilligaa bilaabantay, ee gaar ahaan ku qotonta godka jiiftadu, ay u saamaysay curinta suugaanta dhallinyarada ee ilaa maanta la dhadhansan karo; saamayntaas oo beddeshay filashadii soo jireenka ahayd, ee odhanaysay in suugaan qiime leh lagu sheegi karo uun gabay iyo godadka kale ee ka ad-adag jiiftada. Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysaxv, waxa sannadkii 2013 u ahaa halkudheg “Socdaal”, waxana marti u ahaa Siciid Saalax Axmed oo Bandhiggu u dabbaaldagayay 50 sannadood oo uu si joogto ah uga ahaa bare heerarka kala duwan ee aqoonta oo uu meelo kala duwan wax ku dhigayayxvi. Waxa kale oo Bandhigga marti joogto ah u ah isna Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”. Bandhiggu waxa uu hoosta ka xarriiqayey in Aqoon iyo Afgarad iyo qorayaasheedu ay soo mareen socdaal dheer, iyada oo 40 sannadood ka dib, farriimihii ay siddey riwaayaddu, ay maanta taagan yihiin. Waxa sidaa darteed lagu soo qaatey mawduucyada Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa iyo hadalwadaagga Buugaagta Wareegtabaxvii, qiimaha ay maanta ku fadhido riwaayaddaasi, suugaan ahaan, iyo taagnaanta maanta ee farriimaha ay siddey markaa ay wali joogto yihiin. Qoraalkan waxa aynu ku eegi doonnaa gorfeyn ku saabsan farriimaha riwaayadda. Waxa soo socda buug uu qorey Siciid Saalax Axmed, oo uu iskudubbaridey Boodheri Warsamexviii, oo si ka qoto dheer gorfeynta uga hadlaya riwaayadda Aqoon iyo Afgarad. Gorfayn riwaayadeed: Aqoon iyo Af garad Jaamac Muuse Jaamac Bogga 9aad 2. BANDHIGGA RIWAAYADDA Magaca riwaayaddu waxa uu ahaa “Aqooni waa iska halkeedee, Afgarad baa ka horreeya”, hase yeeshee markii dib loo qorey, si dugsiyada loogu dhigo, waxa loo soo gaabiyey, oo ay ku caan noqotey “Aqoon iyo Afgarad”. Dulucda sheekadu waxa ay ku salaysan tahay in marka hore la is afgarto. Fariinta riwaayaddu waxa ay odhanaysay in afkaar iyo afaf aad u kala duwan la isula yimaaddo, iyada oo aan la is fahmayn, oo haddana la doono in qaran kaliya la wada dhistaa, waa mid aan suurogal ahayn. Maxamed Muuse Saxarxix oo hordhac u sameeyey riwaayadda markii buug loo rogey ayaa qorey “Aqoon iyo Afgarad waxay qayaxday afkaarta iyo afafka kala geddisan ee ay la soo laabteen aqoonyahan[n]ada Soomaaliyeed ka dib markay dalal dhowr ah oo Yurub u badan wax ku soo barteen. Waxay Riwaayaddani inna tusaysaa in tacliinta ay aqoonyahannadaasi soo barteen ay ahayd mid ku salaysan deegaan qalaad, manhajyo kala duwan, cimilooyin ka geddisan tan xoolaha iyo beeraha dalku ku dhaqmi karaan. Sidaa awgeedna aanay waxba kordhin karin waxay dhimaan mooyee. Taasi waxay marag u tahay in Aqoon iyo Afgarad ay dhiirigelinayso deegaameynta Waxbarashada.” Ereyga furaha u ah faalladan, iyo farriinta hore ee riwaayaddaba, waa “degaamaynta” waxbarashadaxx. Ubucda jiliddu waa reer sabool ah oo ka kooban aabbaha (Raage), hooyada (Saaqa), gabadh (Dulmar) iyo wiil (Deyr) ay dhaleen. Waxa soo raaca wiil yar oo gabadhu ku curatay, oo la yidhaahdo Dibjir, iyo dhowr indheergarato ah (Ducaale, Dalmar, Deeqsi iyo Caalin) oo dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba jooga. Wehel, Waaberi iyo Warsame waa ardeyda uu Caalin wax u dhigo. Dahsoon waa astaanta gobannimada. Daallin waa sarkaal dawladda ka tirsan. Suufi Bullaale waa wadaad-xume saarka tuma, Haatuf iyo Durraanna waa cod aan la arkayn cidda odhanaysa iyo cawil reerka u maqan, sida ay u kala horreeyaan. Sheekada qaybeheeda hore waxa ay sheegaysaa darxumada ka muuqata astaanta gobannimada, iyo dayaca ku xeeran reerka oo waliba la caddeeyey awoodda dhaqaale ee qoyska oo curyaansan, heerka garaadkiisa oo aad u hooseeya. Waxa ay qaybtani tusaysaa daawadaha xilliga oo aad u xun oo xoolaha iyo beeruhu abaarsadeen iyo astaantii gobannimo oo curdin-dhadhay, indha la’ oo cabanaysa. Waxa ay ka murugaysan tahay in indhala’aantu ku timi intii gobannimada la helay. Waxa ku xiga indheergaratadii qoyska ugu maqnayd waxbarashada dibadda oo soo degeysa, iyaga oo la yimid naanayso kala duwan sida: Doktor, Dottore, Dituur, Ditoore; Brofasar iwm. Kala duwanaanshuhu ma aha naanaysaha oo kaliya e qaarkood waxa ay u fekerayaan shuuciyad, qaarna hantigoosi, qaarna musuqmaasuq, qaar kalena doonid xuquuq biniaadannimo oo aan kuba oollin shuruucda waddanka. Fikradaha qaarkood way iska hor imanayaan ba, qaarna dhibku waa isfahan la’aanta, afka iyo dabeecadaha. Waxa ay riwaayaddu si qurux badan innoo hor keeneysaa is afgaranshawaaga ka dhex dhacay indheergaratadaas, sida ay waxtar u doonayaan ee misna ay u afgaran la’yihiin ummaddii ay wax u tari lahaayeen; sida isafagaranwaagaasi uu u sababay in Dahsoon indhaha loo jeexi kari waayo, oo ay dhakhtar fahma oo afgartaba dhibaatadeeda ay wayday. Isafgaranwaagaasi waxa uu Feeberwari, 2015 www.redsea-online.com/e-books Bogga 10aad horseedayaa in Dahsoon silicdo, iyada oo indha la’ ay dayacnaani u raacdo, in la furto oo la qaawiyo ilaa ay maroora dillaacdo oo daaqad dheer iska shalwiso. Gorfayn riwaayadeed: Aqoon iyo Af garad Jaamac Muuse Jaamac Bogga 11aad 3. UBUCDA RIWAAYADDA Aqoon iyo Afgarad waxay si quruxsan innoo hor keeneysaa is afgaranshawaaga ka dhex dhacay indheergaratadaas, iyo dhibaatada uu gobannimada ku keeni karo. Dhinaca kale waxa ay inna tusaysaa in gobannimadu aanay rajo dhigin oo ay la taagantahay guubaabin in dadku isbeddelaan, shaqaystaan, oo la dagaallamaan xumaanta dhexdooda iyo xaqiraadda ay qaybi qaybaha kale ku hayso. Si kastaba ha ahaatee, qofka daawada Aqoon iyo Afgarad, toos ugama dhadhansanayo isku xidhnaansheheeda, farriinta siyaasadeed ee ka aloosantay ka dib markii la dhigay, iyo sida turjumaadda heeseheeda loogu turjumay farriin siyaasadeed oo dahsoon, taas oo sababtey in ay ibafur u noqoto silsiladdii Siinleydii. Arrinkan dib ayaynu ugu soo noqon doonnaa (eeg cutubka 5aad). Bilowgaba Dahsoon oo gobannimada ah waa la sugayay, markii la helayna waxa lagu soo dhaweeyey ereyadan, iyada oo gumaysiga aad loo ceebaynayo: Awowgay kuwii siray, Kuwii sulubka nagu riday, Soofkiina naga dhacay, Nimankii sokeeyaha, Ka dhex riday saraayaha, Sixirkiyo dhurwaayada, Nimankii ku sara kacay, Seeftii gargaartaay! Sagal iyo hillaaceey! Seermawaydo hoortaay! Sida aad ogsoon tahay, Dadku waa ku sugayeen, Mudday kuu sabraayeen, Way ku saadinaayeen, Haddii saaka aad timid, Feeberwari, 2015 www.redsea-online.com/e-books Bogga 12aad Saxarlaay mindhaa nabad. Haseyeeshee in aan xaalku saalloonayn, markiiba waxa aad dareemaysaa sida ay u dardaarwarisey gobannimadu oo ugu sheegtay dadkii in ay shaqaystaan, oo fadhiga ka kacaan, xaalkuna aanu u ekayn mid lagu farxo. Marna doox sunsumaaya, Samayn maayo anuu ye, Nin seexdaa ma hodmaayo! Inuu saami ritaana, Samaday u jirtaa. Waxa ay judhaba intaa u raacinaysaa dhiillo soo socota, iyo soofdaran habow ay ciddii dalka lagu aaminay ku riddey shacabkii: Anna waan sasayaa Sawir baan arkayaayoo Ninkaad saaka dirteen baa Intaa ii sanqanaaya. Sakataan ku jiraaye Saanaddiinna afaysta Durraan baan sugayaaye Intaa ii sabir yeesha. Dahsoon waxa ay markiiba abbaaraysaa difaaca xuquuqda hablaha, waxay ceebaynaysaa bulshada wali ku dhaqmaysa in hablaha odayaal ka waawayn, oo aanay ka raalli ahayn lagu qasbo oo lagu daro, inta xoolo laga qaato; haddana marka la soo furo ee ay isafgaran waayaan lagu caayo. Waxa ay ku doodaysaa sida dumarku u yihiin lafdhabarta dhaqaalaha guriga iyo kan bulshada, waxana ay ku soo afjaraysaa dooddeeda, iyada oo ragga hoos u gujinaysa: Hadduu hawlkar yahay ruux, Waa loo hibeeyaa, Gorfayn riwaayadeed: Aqoon iyo Af garad Jaamac Muuse Jaamac Bogga 13aad Dalka horumarkiisiyo, Hìrarkaa la sahansaday, Waa u heegan dumarkuye, Maxaa uga horjoogtaan? Dahsoon waxa ay isu dhagaysanaysaa muuqaallada hore dood kulul oo Raage iyo inantiisa Dulmar ka dhex socota, ka dib markii la soo furey, oo ay ku eedaynayso sababta uu iskuulka ugu diidey markay yarayd ee uu odeyga ugu daray, waxana ay leedahay haddaan waxbaran lahaa maanta waan anfici lahaa naftaada iyo taydaba. Raage se waxa uu ku jawaabayaa in uu danta reerka waday markuu ninka ku qasbaayay. Dahsoon dooddaas iyo murugada guud ee taagan waxa ay ka qaadaysaa indhabeel. Sida aynu hoos ku arki doonno, riwaayaddu waxa ay daaha ka rogaysaa arrimo muhim ah oo ay ka mid yihiin baahida loo qabo in la garowsado heerka ay dumarku kaga jiraan nolosha iyo in xaqooda bini’aadannimo la qiro; dhiirrigelinta waxbarashada hablaha; dagaalka ka dhexeeya qolada Af Carabiga rabta in lagu dhaqo oo diin ka carar ku eedaynaysa qolada kale ee Laatiinka u ololaynaysa; in laga digtoonaado ku shaqaystayaasha diinta ee ka faa’iidaysanaya aqoon yaraanta dadku diinta u leeyihiin (khuraafaadka). Sheekh Bullaale marka uu soo xero gelinayo Saaqa iyo Dahsoon, si uu u yidhaahdo anaa dawadiina haya, waxa uu leeyahay: Waxaan ahay sirri daari, Sheekha seedaha weynee, Saancaddaalaha meera, U sarreeya dhammaan baan, Furihiisa sitaa. Xalay baa saq badhkii, lnaad soo socotaan, Lay sii siiyey warkiinna, Sidii waa u iftiimay, Intaa waydin sugaayaye, Beledan ku salaantay, Feeberwari, 2015 www.redsea-online.com/e-books Bogga 14aad Cirirkaydin salaamay, Hadda aan ka salgaadhnee, Magacaaga i sii. Ha la isla silco e, riwaayaddu waxa ay ku dhammaanaysaa wanaag, waxana Dahsoon u gurmanaya, oo dawaynaya ilaa indhuhu u baxaan, bulshada inteeda kale oo iska dhicinaysa indheergaradka la yimi afkaarta kala duwan, kuna qasbaysa inay degaameeyaan aqoontooda oo ku saleeyaan xaaladda iyo hab-nololeedka ummadda. Haddii aad heesaha oo kaliya u fiirsato, oo aad ka dhex saarto arrinka isafgaranwaaga riwaayadda ee guud, waxa kale oo ay riwaayaddu iftiiminaysaa in farriinta abwaannadu ay sidaa ka durugsan tahay, oo xaalku dhaafsiisan yahay is afgaranwaaga afarta aqoonyahan ee afafka kala kaanka ku hadlaya. Gorfayn riwaayadeed: Aqoon iyo Af garad Jaamac Muuse Jaamac Bogga 15aad 4. XAALADDA MAANTA IYO ISAFGARANWAAGA Garashooyinka debedda inooga yimi, ee mid maaddi ah iyo mid diini ah ba leh, maanta Somaliland waxa ka dhex aloosan isafgaranwaa la mid ah kii lagu qeexay Aqoon iyo Afgarad. Waxa lala kala yimi magacyo dhowr ah, iyo kala duwanaansho macnawi ah oo badan. Dhinaca waxbarashada haddii la eego, waxa aad la kulmaysaa dugsiyo aasaasi ah, oo iyaga oo qiraya in ay waafaqsan yihiin manhajka waxbarasho ee qaranka, haddana ku kala xidhan oo ka soo kala jeeda dalal kala duwan. Dalalkaasi waliba fikir ahaan iyo ficil ahaanba qaar ayaa aad isaga soo horjeeda laftoodu. Taasi waxa ay muujinaysaa in aanay suurogal ahayn in ay manhaj qaran wada waafaqsanaadaan manhajyadaasi, haddiiba ay ka soo kala jeedaan dalal fikirkoodu sidaa u kala fogyahay. Dhinaca afafka haddii aad u fiirsato, gaar ahaan xagaaga, waxa aad dariiqyada kula kulmaysaa dhallinyaro ku hadlaysa Ingiriisi, Carabi, Dhaj, Iswiidhish, Dheenish, Xabashi, Turki iyo Talyaani oo laga yaabo in aan midkoodba kan kale fahmin, kulana hadli karin Af Soomaali. Dhallinyaradaasi oo ku dhalatay debedda, oo xilliga xagaaga fasax ku yimaadda dalka, amaba se reerohoodu ku soo celiyeen waddanka si ay dhaqanka u bartaan, kala duwanaanshohoodu kuma eka oo kaliya luuqadda. Waa nafo ummado kale oo iyaba sii kala duwan ka kala yimi, kuwaas oo la soo huwiyey direys isku mid ah, oo midabka Somaliland leh, loona wada ekeysiiyey Soomaali. Sidee ayay isu afgartaan markaa illay midab kaliya bini’aadamka laguma soo soocee? Sidee ayay wax ugu kordhiyaan ama wax uga korodhsadaan haddii ay isu kooxaystaan kuwo ay meel ka wada yimaaddeen, oo garan waayaan in ay dhex muquurtaan dhaqanka ay hadda uun martida u noqdeen? Saluuggu haddaba isafagaranwaa luuqadda lagu hadlayo wuu ka wayn yahay. Dhibaatada runta ahi waxa ay ahayd markaa, imminkana ay tahay Somaliland, waxa ay dadku ka filanayaan aqoonyahan wax soo bartay iyo waxqabadkiisa oo aad u kala fog. Inta badan waxtaryaridu ma aha aqooonyahanka iyo afka uu wax ku soo bartay ee waa musuqa, qabyaalladda iyo qaraabokiilkeeda aan qofna dhigaynin meeshii uu ku habboonaa, loona hawlgelinaynin sidii uu faa’iido ku keeni lahaa. Arrinkaasi markaa wuu taagnaa, imminkana wuu ka taagan yahay waddanka, hase yeeshee riwaayaddu dhinacaas kama ay eegin. Dareenka muuqda ee luuqadaha kala kaanka ah uun bay ka tibaaxcelisay. Ugu danbayn kala duwanaanshaha aydhiyoolajiyadaha loolanka ahaa markaa e adduunka ka taagnayd (hantiwadaag iyo hantigoosi), waxa imminka halkeedii inoogu jira loolanka fahanka iyo adeegsiga diinta oo kooxo kala kaan ahi ay fikrado kala kaan ah, siyo kala kaan ah dabada uga riixayaan. Dhibaatooyinkii kale ee ay carrabowday riwaayaddu, ee ay ka mid ahaayeen baahiyooyinka waxbarashada ee hablaha, daryeelka bulshada inteeda jilicsan, degaamaynta waxbarashada iyo horumarka, intuba maanta way taagan yihiin. Feeberwari, 2015 www.redsea-online.com/e-books Bogga 16aad 5. FARRIINTA KALE EE KA SOO BAXDAY AQOON IYO AFGARAD Heesaha riwaayadda ku jira ee la codeeyey waa siddeed iyo heesta furitaanka, siddeeda hore toddoba ka mid ahi tisqaadeen oo riwaayadda mar la dhasheen, midda siddeedaadna aanay bilowgii ku jirin ee markii ay soo socdeen Gaalkacyo lagu darayxxi. Dhammaan toddobada heesood ee la socday jilidda kowaad waxa allifey Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”xxii. Heesta siddeedaad waxa tiriyey Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”. Toddobada hore, ee marka hore jilid ahaan ugu jirey riwaayadda, waxa ay kala yihiin heesta furitaanka Macallimiin hannuunsan oo kooxdu wadar ahaan u qaadaysay; Saxarla’ (codka Maxamed Mooge Liibaan; dananka Cabdikariin Faarax Qaarey “Cabdikariin Jiir”), Gudcur aan caddaba jirin (codka Shankaroon Axmed Yuusuf “Sagal”; dananka Cabdikariin Faarax Qaarey “Cabdikariin Jiir”), Maxay dhaqasho ii tahay? (codka Canab Diiriye Cabdi-Gahayr; dananka Cabdikariin Faarax Qaarey “Cabdikariin Jiir”), Geyaankayga waan heli (Codka Shankaroon Axmed Yuusuf “Sagal”; dananka Cabdikariin Faarax Qaarey “Cabdikariin Jiir”), Walaac anigoo ku seexday (codka Maxamed Mooge Liibaan; dananka Cabdikariin Faarax Qaarey “Cabdikariin Jiir”), Allahayow nin daacad ah (codka Maxamed Mooge Liibaan iyo Shankaroon Axmed Yuusuf “Sagal”; dananka Cabdikariin Faarax Qaarey “Cabdikariin Jiir”) iyo Mudantii haweenkaay (codka darandoorri Xasan Cusmaan “Xasan Feyr” iyo Canab Diiriye Cabdi-Gahayr; dananka Cabdikariin Faarax Qaarey “Cabdikariin Jiir”). Heesta kale ee uu sameeyey Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” waxa lagu daray kolkii ay riwaayaddu soo gaadhay magaalada Gaalkacyo, heestaas oo aan tisqaadin, waxa qaadday Maryan Cumarxxiii, danankana waxa saaray Xasan Sabriye “Xasan Great”. Sida Siciid Saalax Axmed ba uu qirayoxxiv, waxa jirtey in heesaha qaar ay ka horreeyeen riwaayadda. Waxa aan u fasirayaa markaa waxoogaa marin habaabin ah oo loo badheedhay in ay jirtey, oo tusaale ahaan in jiiftada “Saxarlaay ha fududaan” way ka horreysay riwaayadda, balse waa la qabadsiiyey, si heesta iyo farriinta ay siddaa ay u baxaan. Ugu yaraan waxa aynu odhan karnaa laba farriimood oo isbarbar socda, oo aan is haysannin, oo midi sheeggan tahay midina sheelan tahay, ayay riwaayaddu inoo wadday: 1. farriinta tooska ah ee riwaayaddu siddey, ee ah is afgarasho la’aanta haysata indheergaradka, amase loollanka dan iyo siyaasadeed ee saamaynta dhaqammada doolka ku ahaa ummadda; 2. farriinta dadban ee tilmaanta waxa ka si ah siyaasadda gudaha oo ay heesaha qaarkood sideen. Waxa aad arkaysaa, waliba farriintan labaad, in ay riwaayaddu wax ka wayn sheegayso xaalka soo xumaaday ee waddanka, kana digayso aafo qaran oo soo fool lahayd markaa. Nasiib darro aafadaasi way rumoobi doontaa. Tusaale ahaan heesta “Walaac aniga oo ku seexday” waxa ay ka dayrinaysaa sida loo majara habaabiyey qarannimadii ee dhagar wayn looga galay, shaqo loo qabtay oo loo dadaalay, haddana cid kale u daba martay, oo kharribtay, dayacday oo waliba lunsatay wixii la wada lahaa. Waxa na ay leedahay: Walaac anigoo ku seexday, Gorfayn riwaayadeed: Aqoon iyo Af garad Jaamac Muuse Jaamac Bogga 17aad Maxaan walbahaar la toosay, Wareer anigoo asqaysan, Maxaan werwer jiifi waayey; Maxaan sida weer cadhaysan, Saqaa dhexe gaaf wareegey; Intuu waqal ii hillaacay, Maxaan kula rooray weelka, U baydhay wadiiqo leexsan, Wakhtigu i tilmaami waayey; Jacaylku muxuu i wiiqay, Muxuu wadnahayga shiilay; Maxaan shimbiraha waraystay, U dhiibay waraaq daboolan, Haaddii wacdigayga qaadday, Cid weeye tidhaahda weydey; Waayeel dadow, Inaan waalanahay, Duni weer siddoo, Weligeed dhintoo, Wacadkiyo xadhkii, Feeberwari, 2015 www.redsea-online.com/e-books Bogga 18aad Weydaarataan, Weetaynayaa. Wadeeco maxaan ilaashey, Waraabe ka soo xereeyey, Sac weyda maxaan u dhaanshey, Walwaal ugu soo arooray, Halkiisa ku soo waraabshey; Maxaan weli soo kaxeeyey, Wadaaddo maxaan u yeedhay, U loogay wankayga fiican, Waxyeello halkay u taallo, Naftayda maxaan ka waanshey; Walaalkay nimaan u haystay, Muxuu waddo ii fadhiistay, Qof aan wehelkayga mooday, Ka qayb galay weerarkayga, Ruuxaan la wadaagey oontu, Ku wiirsadey dhiilladayda. Waayeel dadow, Gorfayn riwaayadeed: Aqoon iyo Af garad Jaamac Muuse Jaamac Bogga 19aad Inaan waalanahay, Duni weer siddoo, Weligeed dhintoo, Wacadkiyo xadhkii, Weydaarataan, Weetaynayaa. Maxaan wacdaraha adduunka, U soo jiray waayaheeda, Warkeeda la ii dhammeeyey, Maxaa waran layla doonay, Habeennimo layla waayey, Nasiib kaga waabariistay, Wadkayga la ii shirqoolay; Maxaan dacar lay walaaqay, Waabeeyo ku caafimaaday, Maxaan webiyaal is-jiidhay, Dhexdooda ka waab samaystay; Maxaan wacad layla qaatay, Rumaystay Wallaahi beena, Wanaag anigoo sameeyey, Feeberwari, 2015 www.redsea-online.com/e-books Bogga 20aad Maxay wadhi ii dambeysey. Waayeel dadow, Inaan waalanahay, Duni weer siddoo, Weligeed dhintoo, Wacadkiyo xadhkii, Weydaarataan, Weetaynayaa. Way muuqataa in farriintu ka shisheyso is afgarasho la’aanta aqoonyahannada ku soo bartay Af Carabi, Af Ingiriisi iyo Af Talyaani ee ay jilidda riwaayaddu inoo sheegayso. Halkan abwaanku si toos ah buu u sheegayaa in la is khiyaameeyey, oo la isku wacad furey. Waxa se iyana cad sida aanay heestu ula wada haysan sheekada guud ee riwaayadda: tusaale Durraan oo heesta qaadayaa muuqaalka saddexaad, inta ka horreysa muuqaalkaas meelna kuma cadda waxa uu dadka u qabtey ee uu ku majeeranyo dadka kale inay dayaceen oo lumiyeenxxv. Hadraawi waxa uu kaga duwanaa aqoonyan badan oo markaa hagaayay fikirka waddanka in uu saluugsanaa Hantiwadaagga iyo Sinnaanshaha ku salaysan fikirkii Bidixda ee markaa socdey. Waxa taa laga dhadhansan karaa sida uu sinnaanta uga hadlay heestiisa “Saxarlaay ha fududaan”xxvi. Sir maaha in saaxiibbadii ku xaman jireen niyad xumida iyo walaacan uu dadka daba wado, heestanina halkaas bay salka ku haysaa. Hadraawi. waagaas ma uu lahayn aydhiyoolajid gaar ah; Bari iyo Galbeed ba waxa ay u ahaayeen duni shisheeye. Hammigiisu waxa uu ahaa Soomaalinnimo iyo shanta Soomaaliyeed oo midooba oo horumara. Waxaa kale oo uu u taagnaa difaaca xorriyadda iyo caddaaladda iyo xuquuqda dadkiisa, aydhiyoolajid gaar ah se u ma lahaynxxvii. Waxa kale oo Hadraawi waraysi danbe ku garnaqsanayaa in sababta keentay in ay bilaabantay Siinley, oo macneheedu yahay sababta ay u soo baxday “Saxarlaay ha fududaan”, ay tahay xaaladda markaa jirtey oo ah in wixii maanso ahaa oo dhan loo adeegsaday kacaanka, oo taliskii markaa jirey uu isagu isku xeereyxxviii. Arrinka kale ee xiisaha leh ee muujinaya sida iska-caabbinta dhaqammada kale ee debedda ka yimi aan loo wada maagin waxa weeye, sababta loogu soo dari waayay canaanta dhallintii Ruushka wax ku soo baratay oo markaa aad uu tiro badnayd, waliba ciidammada ugu ba tirada badnayd. Kacaanka oo kaliya ma ah ee, aqoonyahanka markaa fikirka jihaynayay qaarkii waxa ay ahaayeen garabka Bidix, waxana ay u haysteen Soomaaliya in ay Ruushka jaal la tahay ayna tahay in la ilaashado. Gorfayn riwaayadeed: Aqoon iyo Af garad Jaamac Muuse Jaamac Bogga 21aad Maagista tooska ah ee riwaayaddu ku maagayso maamulka waxa si cad looga dheehan karaa heesta kale ee “Allahayow nin daacad ah”, ee ay kusoo afjarmayso. Marka qallooca la sheego, ee ceebaha la taxo, waa ma ay guushii taagantahay oo ay gobannimada indhuhu u furmeen; dadkana la kala bartay oo kii waddaniga ahaa iyo kii daallinka ahaa kala baxeen. Markaas bay heestu u waydiinaysaa Ilaahay xaq soor, oo leedahay Allow daacad iyo Daallin ha simin: […] Afku hadalka daayaa Dibnihiisa haystaa Doqon kaa nasiib lihi Marka ay ku dooxdee Birta kaala daashee Kuu celiso daabkee; Catowgaa hora waxa raacaya iyada oo guushii timi: Waxay doodi furan tahay Ruux kuu darraan jirey Marka aad ku digatee Xaqu kuu dulleeyee: Markaas oo la kala bartey dadka kii u daacad ah iyo kii dulmiyaayay, ayaa hadda la Alle baryayaa: Allahayow nin daacada Allahayow nin daalina Deeqdaada haw simin. Dhinaca kale riwaayaddu waxa ay taabanaysaa arrimo bulsho oo markaa taagnaa, maantana taagan, oo ay ka mid yihiin: Feeberwari, 2015 www.redsea-online.com/e-books Bogga 22aad 5. 1. Ka digista sheekh beenaalayaasha dadka beenta ku daweeya Riwaayaddu waxay hoga-tusaalaynaysaa in aanay waxba ka jirin sida uu “Sheekh Bullaale” u yidhaahdo waan amranahay oo dawo ayaan idiin hayaa, lacagtana islaamaha kaga furto. Sheekh Bullaale waxa uu ku harawsanayaa islaanta Saaqa magaceeda oo uu ku leeyahay: Magacaaga suluugay Sumaddiisu ma fiicna Suuradaa kutubteenna Saaxi loogama baadhin Soddonkii jis ka waayey Yaa, Saaqa, “saa”, Saaqa, “saa” Saymo “qa” qandho Saaqa, “saa” saar Ma saymay la qandhootay? “Qaa” qadiim Saar qadiimiya weeye Marka aad subaxdii Sara joogso tidhaahdid Sidii uu jin ku riixay Ma kuftaa saddex jeer? Markaasay Saaqi dabinka ugu dhacaysaa oo ku jawaabi “Sarajoog iska daayoo, siqidii hollin waayay”. Maanta waxa ka taagan waddanka marka aad hoos u eegto waxa aad arkaysaa in dad badan oo caafimaad ka doonayo meel aan ku habboonayn oo khuraafaad iyo beenaale sheeganaya wadaad uu ugu warramo wax aayo lahayn, islamarkaana kaga dhaco xoolo badan. Waa arrin kale oo riwaayaddu maalintaa ka digaysay,
No comments