Waa Maxay Guushu
uushu way macne badan tahay, mana laha qeexitaan u gaar ah oo laysku raacay, waxayna dhacdaa xayndaabyada kala duwan ee nolosha sida qoyska, waxbarashada, ganacsiga, siyaasadda, shaqada, xiriirka bulshada, diinta iyo dhaqanka. Taasi waxay keentay in qof walba guusha uu u arko hadba sida ay ula muuqatay. Tusaale, qofka ganacsadaha ah guushu wuxuu u arkaa marka uu faa’iido badan sameeyo; qofka siyaasiga ah guushu wuxuu u arkaa marka uu ku guulaysto kursi madaxtinnimo; qofka ciyaartooyda ah guushu wuxuu u arkaa marka uu goolka dhaliyo. Iyada oo sidaas ah, haddana giddigood 1Cutubkan waxaa laga soo minguuriyay buugga Sirta Guusha ee uu qoray Hassan Mudane. G 2 waxaa biyodhac u ah xaqiijin ama gaarista arrin la tiigsanaayay. Marka ay timaaddo qeexidda kelmedda ‘guul’ waxaad arkaysaa in qof walba uu ku bees gareeynayo aragtidiisa, waana arrin dib ugu laabanaya kala duwanaanshaha bini’aadamka. Si kale u dhig, sida ay wejiyadeenu u kala duwan yihiin ayay maskaxdeennuna u kala duwan tahay; sida ay maskaxdeenu u kala duwan tahay ayay aragtideennuna u kala duwan yihiin; sida ay aragtideenu u kala duwan yihiin ayay qeexitaankeena guushana u kala duwan yihiin. Waxaa la sheegaa Bill gates in uu yahay ninka dunida ugu taajirsan, isagana wuxuu isku arkaa in uu yahay guulayste liibaanay, balse aniga iyo adiga waxaan u aragnaa in uu yahay qof aan weli ku guulaysan guusha dhabta ah ee waaraysa. Dhanka kale, saxaabiga Cumar Binu Khadaab, annaga waxaan u aragnaa in uu yahay qof adduunyo iyo aakhiraba ku guulaystay, balse waxaa jira dad u arka in uusan guulaysan. Sababtu maxay tahay? Waxa adiga guul kuu ah dadka kale guul uma aha! Haddaba, si aan wax badan uga ogaado sida ay dhallinyarada u arkaan macneha guusha ayaan weyddiin la xiriirta guusha ku qoray bogga aan ku leeyahay barta xiriirka bulshada ee faysbuug (Facebook). Weyddiintu waxay u qorneed sidan: Waa Maxay guul? Dadka intooda badan waxay kaga soo warceliyeen siyaabo kala duwan, balse waxaan ka soo dhex xushay shan warcelinood oo kala ah: 3 1. Guushu waa hadafkaaga oo aad gaarto. 2. Guushu waa gaarista yoolkaaga; waa helitaanka nolol dhammaystiran, adduunyo iyo aakhiraba ku anfacaysa. 3. Guushu waa in shakhsi ama ummad yeelato yool, kuna dadaasho yoolkooda, kana mirodhaliso. 4. Guushu waa hadafkaaga oo aad ka run sheegto. 5. Guushu waa kelmed soo koobaysa wax si wanaagsan u qabsoomay, ugu dambeyntiina ku dhammaaday heer sare. Waa Maxay Guul? Waxaa jirta su’aal ahayd waa maxay guul oo la weyddiiyay akhristayaasha wargeyska ‘The Dreamer’s Guide Motivation Newsletter.’ Bal aan kuu soo gudbiyo jawaabaha ay ka soo kala bixiyeen. Isaac Alex Phiri: Ma sheegi karo macneha dhabta ah ee guusha, laakiinse waxaan ku soo koobi lahaa hab fudud oo ah: In aad gaarto barta ay riyadaada kuu tilmaamayso; markaad hesho wixii aad u baahnayd; markaad ka salgaarto duruufaha iyo caqabadaha nolosha. Geoffrey Nkhoma: “Guushu waxaan u arkaa farxadda; farxaddaas oo ka imaanaysa markii aynu aragno dadka aynu jecelnahay.” Janett Kalale: “Guushu macneheedu waa in aad gaarto natiijada ugu sarrayso, uguna suurtagalsan hiigsigeeda.” 4 Mary Masumbuko: Guushu waa in aad isku dhiibto Alle, waa bixiyaha nolosha dhabta ah ee aadanuhu raadiyo. Guushu waa xakamaynta nolosha, in aad qaabayso qorsheha nolosha iyo in aad xaqiijiso [Sidii aad ku gaari lahayd yoolkaaga]…taas ayaan guul u arkaa. Humphery: “Waxaan guul u garanayaa sida soo socota: Farxadda qoyska; xiriirka aad la leedahay Alle iyo ku kalsoonaanta nafta.” Haddii aad u fiirsato qeexitaanadaas kor ku xusan iyo kuwa soo socdaba, giddiggood waxay ka mideysan yihiin in wax la gaaro. Sikastaba, si aan wax badan uga sii ogaado macneha guusha ayaan ka dhex baaray saddexdan qaamuus: Qaamuuska Af-Soomaaliga 1. Guul libin laga gaaro dagaal ama tartan laba qof ama laba kooxood u dhaxeeyey. 2. Cid haddadid ama xoolo aroor oo wabax ah meel; Ceelka u dhow habeen u hoyasho. Xoolo iwm dhaan isugu keenid. Tusaale “Geelii wuxuu isugu guulmay gasada.” Qaamuuska Webster’s 1. In aad hesho ama aad gaarto hodantinimo, caannimo. 2. In aad sugto kana mirodhaliso iskudday aad jamatay. Qaamuuska Oxford 1. In aad gaarto himilo ama ujeeddo. 2. In aad hesho caannimo, hodantinnimo ama aqoonsi bulsho. 5 Islaamku siduu u arkaa guusha? Wuxuu u arkaa si ka duwan sida ay u arkaan dadka caadiga ah, waxa uuna ku soo koobay afar qaybood2 oo kala ah: • Iimaan toosan. • Camal ama dhaqan suubban. • U dardaaranka xaqa ama towxiidka dadka kale. • U dardaaranka dulqaadka ama samirka dadka kale. Guusha dhabta ah ee lagu waarayo waa ku guulaysashada jannada iyo raalli gelinta Eebbe, sida uu inoogu sheegay kitaabka quraanka “Qofkii la dhaafiyo naar jannaduna hoy u noqoto kaas ayaa liibaanay.” Aragtiyada Guusha Marka aynu ka soo gudubno qeexitaanadaas kala duwan, waxaa kaloo jira laba aragti, labaduba waxay sharaxayaan macneha guusha. Stephen Covey3 ayaa buuggiisa ku xusay labadaas aragti, waxayna kala yihiin aragtida tixgelisa astaamaha iyo dabeecadaha qofka iyo aragtida diiradda saarta anshax shakhsiyeedka qofka. Tan hore, waxay leedahay guushu waxay timaaddaa marka qofku uu dhaqangeliyo qawaaniinta nolosha. Si kale u dhig, waxaa jirta qawaaniin aasaas u ah nolosha suubban, qofkii bartaa qawaaniintaas; sidoo kale dhaqangeliyaa ugu dambayn waxay ku hoggaamiyaan guul. Aragtidani, waxay leedahay guushu waxay u martisaa qofka leh astaamo 2Fiiri suuradda wal-casri 3Qoraaga buugga: The 7 habits of highly effective people. 6 dabeecadeed ku fadhiya qawaaniinta aan isbeddelin sida caddaalad, daacadnimo, dulqaad, naxariis, dhiirranaan iyo in aad tahay qof u adeega bulshada. Dhanka kale, aragtida kale iyaduna waxay liddi ku tahay tan hore, waxayna ku dulwareeganaysaa anshaxa shakhsiyadda qofka. Aragtidani, waxay qabtaa in macneha guushu tahay dhisidda xiriirka suubban ee aad la leedahay bini’aadamka, sumcad qofeedka iyo mawqifyada samasheega ah. Si taa loo gaaro, waa in qofku uu la yimaadaa afgobaadsi, dhoolkaqosol (ilka caddayn), niyadsami, dhiirranaan iyo firfircooni. Intaas waxaa sii dheer, in aad noqoto shakhsi ku xeeldheer sasabashada dadka ama macaamiisha si aad u xoojiso xirirkooda wanaagsan. Haddaba, markaad u fiirsato qeexitaanadii iyo aragtiyada kala duwan ee khuseeya guusha, waxaad ogaanaysa in guushu tahay mid laga helo xerooyinka kala duwan ee nolosha. Taa waxaa sii dheer, in dadku ay ku sii kala aragti duwan yihiin meelaha ay kaga sii jirto xerooyinkaas. Tusaale, dadka qaar guushu waxay u arkaan in ay tahay hanti badan oo aad haysato, awood madaxtinnimo, magac iyo maamuus halka dadka kale ay u arkaan caafimaadka, farxadda, xasiloonida nafta iwm. Marka ay timaaddo mowduucyada la xiriira guul iyo farxad, wax badan baa laga qoray. Culummada ugu magaca dheer ee guusha wax ka 7 yiri waxaa ka mida Zig Ziglar 4 oo ah qoraaga buugga ‘Guul u dhalad,’ waana shakhsi lagu tixgeliyo aqoonta guusha, dhiirriggelinta iyo hoggaamminta. Wuxuu rumaysan yahay in guusha aan lagu soo koobi karin hal qeex, balse u baahan tahay in dhinacyo badan laga eego. Guushu waa sida baadi maqan! Guushu, waxaan ku meteli lahaa in ay tahay sida baadi kaa maqan oo kale. Abwaan Qamaan Bulxan, wuxuu yiri “Baadida ninbaa kula deydeyi daalna kaa badane, oo aan doonahayn in aad heshana daayin abidkaaye.”Guushu dad baa kula deydeyi daalna kaa badane, oo aan doonayn in aad gaarto daayin abidkaa! Haddii aad isleedahay jaamacadda ka qalinjebi, dad baa kula deydeyi daalna kaa badane; haddii aad qorshaynayso in aad buug qorto si aad u noqoto qoraa magac reebay, dad baa kula deydeyi daalna kaa badane oo weliba aan doonayn in aad gaarto daayin abidkaa; haddii aad isku diyaarinayso in aad noqoto madaxweyneha Soomaaliya, dad baa kula deydeyi daalna kaa badane oo aan daanayn in aad gaarto daayin abidkaaye. Haddase, taladu waxay kuu suubban tahay subaxaad joogtaaye, waxaan talo kugu siinayaa in aad usoo sahay qaadato guusha, boorkana iska soo jafto waayo guuli laguma gaaro meel fadhi ama xaglo laaban. 4Qoraa, ganacsade, khudbad-jeediye, wuxuu u dhashay dalka maraykanka. 8 Waxaad ku dhex nooshahay qarni nolosha adduunyo lagu jaan gooyo maaddo. Bal eeg! Haddaad sabool tahay ama aadan ahayn guulayste magac leh waxaad arki doontaa in aan la tixgelin doonin qofnimadaada iyo milgahaaga, laakiin haddaad tahay qof hantiile ah ama magac iyo muuno u saaxiib ah waxaad arki doontaa iyada oo ay dadku kuu sacbinayaan, kuuna adeegayaan. Haddase, sababtu maxay tahay? Nin hal-abuur ah ayaa isaga oo ka hadlaya bulshada iyo sida ay u qiimeeyaan qofka taajirka ah, wuxuu yiri: “Hoheey lacageey Hoheey lacag Ninkii haya wey u hadashaa Waa hoobal hadduu hantaataco Hed uu jaro waa u hawl yari.” Bal adiguba garo sirta ku jirta guushii Michael Jordan 5 oo ahaa shakhsigii ugu haldoorsanaa ciyaaraha kubadda kolayga ee dalka maraykanka, wuxuu bilgoosad (Mushaar) ahaan u qaadan jiray sannadkiiba in kabadan 15 milyan oo doollar. Ma kula tahay in uu ku gaaray heerkaas meel fadhi? Michael Jordan wuxuu yiri “In badan ayaan ku fashilmay oo aan ku fashilmay geeddiggii noloshayda, taasina waa sababta aan u guulaystay.” 5C iyaaryahan hore ee ciyaarta kubadda kolayga, waana milkiilaha shirkadda Charlotte Bobcats, wuxuu u dhashay dalka maraykanka. 9 Bal eeg! Mo farah 6 waa shakhsi ku soo caan baxay ciyaaraha oroddada, kuna guulaystay billado badan. Wuxuu nolosha ka soo billaabay meel hoose ilaa uu ka gaaray heer sare, kana noqday xiddig magac weyn usoo jiiday dalka ingiriiska. Balse adiga iyo Mo farah maxaad ku kala duwan tihiin? “ Guusha waa abaalmarinta halgamaaga balse waxay filasho u tahay kan aan jamasho lahayn” * * * Ma isleedahay meel fadhi ama xaglo laaban ayuu ku gaaray guusha? Ma u malaynaysaa in guushu ay iska timaaddo iyada oo aan loo halgamin? Kolaytaba waad dhiman doontaaye, ha dhiman adiga oo sabool ah, gaajaysan, sidoo kale guuldarraystay. Balse taa caksigeeda ku dhimo gobannimo iyo guul. Ahmed shawqi, wuxuu leeyahay xikmad qiima badan, taas oo oranaysa “Himiladaada laguma gaaro filasho keli ah balse waa loo halgamaa.” Iga hoo farsamo yar oo haddii aad adeegsato ugu yaraan aad ku liibaanayso. Soo qaado buug yarowgaaga kaddibna ku qor warcelinada weyddiintan: Maxay tahay waxa aan doonayo in aan xaqiijiyo hiigsiga fog? Hoosteeda waxaad ku qortaa oraahdan: Haddii waxa aan doonayo in aan 6Maxamed Faarax waa orodyahan Somaali ah, oo orda oroddada 1500m 3,000m 10,000 5,000m haystana dhalashada dalka Ingiriiska. 10 gaaro ay dad horay u xaqiijiyeen, aniguna waan xaqiijin karaa, balse haddii aysan jirin dad horay u xaqiijiyay, waxaan noqon doonaa qofkii ugu horreeyay ee ambaqaada. Akhriso, kuna celceli ammin walba oo aad fursad u hesho akhrinteeda. Haddii aadan isu akhrin himiladaada maalin walba ugu dambayn waxay isku beddeli doonaan filasho, filashaduna waxay summad u tahay qofka aan jamasho lahayn. “ Guul aan fulin lahayn waa eber” * * * Ma isleedahay guuli waxaa lagu gaaraa filasho iyo xaglo laaban? haddee sidaas kula tahay, ku baraarug! In guushu tahay abaalmarinta ruuxa halgamaaga ah, balse ay rejo u tahay qofka aan jamasho lahayn. Sida aad ku arki doonto buuggan gudahiisa, guushu ma aha mid si fudud ku timaadda, mana aha mid lagu gaaro meel fadhi, laakiin waxay u baahan tahay waqti, dadaal, go’aan adag, rumaysasho, adkaysi iyo in aad wax ka beddeli karto fekerkaagii hore waa haddii naftaadu aysan helin wixii ay ku hamminaysay ama aysan gaarin yoolkeeda. Guushu waa ciyaar u baahan in lala socdo goor walba, sidoo kale waxay u baahan tahay in aan laga daalin, lagana wahsan raadinteeda. Guuli lama suge waa lala socdaa; iskama timaaddee waa la baadigoobaa. Abwaan Hadraawi ayaa gabaygiisa ‘gudgude’ ku xusay in guusha lala jiro, 11 wuxuuna yiri: “Guushaada waa lala jiraa, gees haka ahaannin; goddobtaada meelee intaan gacanta kaa boobin; gacalnimada noolee intaan gocasho kaa oodin.” Dadka qaar waxay iska sugaan guusha sida in ay cirka uga imaanayso oo kale, mana ku baraarugsana in guushu tahay wax u baahan: qorshe, fal, tab iyo xeelad. “ Guushu waa socdaal aan dhammaad lahayn” * * * Hubanti, qofka raba in uu guulaysto waa u muhiim in uu marka hore barto sida loo guulaysto. Taasi waxay ka caawinaysaa in maankiisu uu u furo weyddiimo dhowr ah sida: Anigu ma ogaan karaa waxa aan u baahannahay? Maxaa muhiim ii ah maxaase ii ahayn? Si aan u noqdo guulayste liibaanay maxaa la iga doonayaa? Tusaale, qofka guryaha dhisa ee aynu u naqaano fuundi (wastaad), wuxuu garan karaa waxwalba oo ay uga baahan tahay shaqadiisu sida shamiindo, laamiyeeri, alwaax, musaabiir. Balse marka ay timaaddo ku guulaysiga mashruuca horumarinta nolosha, waynu iska jecelnahay in aynu iska guulaysano annaga oo aan soo baran guusha aynu baadigoobayno laftirkeeda. Dadka intooda badan waxay rumaysan yihiin in guushu tahay mid lagu gaaro ayaan iyo cawo (nasiib), haddase taasi ma run baa? Tommy 12 Newberry7 oo ah qoraaga buugga ‘Guusha ma aha lama filaan’ wuxuu ku caddeeyay in guushu aysan ahayn wax mar keli ah iska yimaada, balse ay tahay natiijo ka dhalatay doorasho iyo sabab. Sideedaba, guusha aynu raadino maneheedu, maansawireedkeedu iyo hummaageeduba waxaynu ku haysanaa maanka gudahiisa. Tusaale, markii aad jaamacadda dhammayso waxaad ku hamminaysaa in aad hesho shaqo, in aad guursato gabadhii aad nabdiga ku haysatay, in aad gadato guri iyo gaari. Iyada oo sidaas ah, haddana runta madaxbannaani waa in aadan weli helin wixii uu maanku mutuhinaayay. Waase gaari kartaa waa haddii aad u halganto, sidoo kale garato dulucda guusha aad dalbanayso. Nuxurka Guusha Waa suurtagal in berito aad la kulanto qof hantiile ah ama magac leh, haddaba ma kula tahay in uu yahay guulayste liibaanay? Hubaal Mala dhihi karaa waa guulayste? Wuxuu yiri Ray Terris: “Mid ka mid ah dadka ugu hodansan ee aan weligay arkay wuxuu ka mid ahaa dadka ugu murugada badan.” Dad yar ayaa isku hawla raadinta nuxurka guusha, taasina ma aha mid laga helo hal meel oo keli ah, ee waxay dhacdaa xerooyinka kala duwan ee nolosha sida nafta, qoyska, waxbarashada, shaqada, bulshada iyo diinta. Bal eeg shaxda hoose ee aan adiga kuugu talaggalay, waa meelaha la rabo in aad diiradda 7Tommy Newberry: qoraa, khudbad-jeediye, wuxuu u dhashay dalka maraykanka. 13 saarto. Haddii aad rabto in aad xaqiijiso guul dhammaanteed waa in aad marka hore tixgelisaa qaybaha kala duwan ee saameyn kara noloshaada. Isku dheellitir, sidoo kale u soo kala hormarso sida ay kuugu kala mudnaan badan yihiin, iskunadday in aad qayb walba guul ka gaarto. Nafta Shaqada Waxbarashada Qoyska Bulshada Diinta Abwaan Hadraawi oo ka mid ah abwaannada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan, ayaa maansadii Hablaha Geeska Afrika wuxuu ku tilmaamay guushu in ay tahay sida tan: Kuma galo adduunyada Nina gooni socodkoo Marwo Garasho dheer baa Ninka raga u gudinoo Iyadaa guddoonkiyo Gadh-hayaa naftaadiyo Gaadiidka reerkiyo Gurgurshaaga noqotoo Arrin kula gorfaysee, Haddaan gaari kula jirin Ilayn noloshu guul ma leh Markale, Abwaanku maansadii gudgude wuxuu ku xusay in gobannimadu tahay guusha weyn, wuxuuna yiri: “Gobannimadu waa libin ku taxan geeddi nololeede; waa gumaro aadamigu hantiyo guusha ugu weyne.” 14 Abwaan Cali Sugulle, isagana guushu wuxuu ku sifeeyay sidan: “Diric keli ahaantii daleel guusha kama helo; dadkaa geesi lagu yahay.” Abwaanku, wuxuu tilmaamayaa in guushu aysan ahayn mid lagu helo dheel iyo meel fadhi, balse u baahan tahay shaqo adag iyo in aad kasban karto bulshada aad ku dhex nooshahay. Dhanka kale, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ka mid ah abwaannada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan, isagana guushu wuxuu ku sifeeyay: “Eebbow anaa kugu gar lehe guusha ha i seejin.” Haddaba, markaad u fiirsato sida ay abwaannadu u kala adeegsadeen kelmedda guul, waxaad ogaanaysaa in guushu tahay wax aan hal meel oo keli ah ku koobnayn balse laga helo meelo kala duwan. Tusaale, Abwaan Hadraawi guusha uu tilmaamay waxay ku saabsanayd qoyska waayo marka uu leeyahay: “…Haddaan gaari kula jirin ilayn noloshu guul maleh.” Taasi oo macnaheedu tahay guusha qoyska waxaa saldhig u ah haweenta suubban oo gurigeeda iyo nafteedaba daryeesha. Sayidku, marka uu leeyahay “Guusha ha i seejin,” wuxuu rabay in uu dagaalka kaga guulaysto gumeystaha ingiriiska oo dhulka Soomaalida soo weeraray, sidaas ayuuna Eebbe uga baryay in uusan seejin guusha. Haddaba, guusha uu abwaanku tilmaamay waa mid ku kooban fagaaraha dagaalka. Dadka qaar ayaa guusha ku cabbira maaddo sida lacag, hanti iyo waxyaabaha lagu raaxaysto 15 halka ay jiraan dad kale oo u arka in ay tahay wax aan maaddo ahayn sida farxadda, caafimaadka, xasiloonida maskaxda iyo ku qanacsanaanta nolosha. Adiguse guusha maxaad ku cabbirtaa? “ Ha isku shuqlin raadinta macneha guusha balse u yeel noloshaada macne iyo hiigsi” * * *
No comments