Buuga Koowaad
Sheeko iyo Shaahid: Baratan Suugaaneed – 2012 Tartankii 5aad Bandhig Seeska Dhaqanka ee REDSEA-ONLINE (Redsea-Online Cultural Foundation) iyaga oo duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta, xoojinta fanka iyo farshaxanka; islamarkaana taageeraya dhaqanka qorista iyo akhriska iyo guud ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga, waxa ay soo bandhigayaan Kulankii Shanaad ee Baratan Qarameedka Curinta Suugaanta “Sheeko iyo Shaahid”. Sheekooyinka ka soo qaybgalayaa ma aha isku jeeddo e mawduuca sheekadu ku socoto waxa u madax bannaan qoraaga. Waxa halkan ku lifaaqan xeerka Sheeko iyo Shaahid ee sannadkan 2012. Xeerka Baratanka “Sheeko iyo Shaahid” waxaa qeexaya xeerkan. 1. Waxaa lagu tartamayaa sheeko Af Soomaali ku qoran oo aan hore loo daabicin. Ka qaybgalka tartanku waa lacag la’aan; waxana uu u furan yahay qof kasta oo da’diisu ka yar tahay 40 jir. 2. Tartanku waxa uu u furan yahay Sheeko (dhacdo dhab ah amase male-awaal). Nuxurka sheekada qoraaga ayaa u xor ah. Waana sheeko aan hore loo daabicin (buug ahaan, degellada internetka, iyo wargays toona). 3. Qofkastaa waxa uu ku tartami karaa hal sheeko oo kaliya. 4. Waxa lagu tartamayaa Sheeko Gaaban. Qoraalka yaraantiisu lama laha xidhiidh ka qaybgalka Sheeko iyo Shaahid, mana siinayo, ama wax ka dhimi maayo, marka loo eego dhibcaha tartanka. Waxa la eegi doonaa oo kaliya nuxurka sheekada iyo qaabka dhigaalka. Qeexidda la siiyey Sheeko gaabani waa in aan qoraalku ka badnaan 36000 xaraf oo u dhiganta 20 bog (boggii waxaa loo xisaabinayaa inuu yahay 30 sadar oo min 60 xaraf ah, qiyaastii 1800 oo xaraf). 5. Qoraalka waxaa lasoo raacinayaa waraaq gaar ah oo ay ku cadyihiin: a. magaca qoraaga (ama qorayaasha), b. cinwaanka lagala soo xidhiidhayo (oo ay ku jiraan ugu yaraan nambarka aleenka gacanta (mobile) ama email midkood), c. taariikhda iyo meesha dhalashada d. magaca sheekada uu ku tartamaayo. Waxaa kale oo waraaqdaa lagu soo qorayaa caddayn uu qoraagu saxeexay oo uu ku caddaynayo inuu u yahay qoraaga rasmiga ah ee sheekada, akhriyey, aqbalayna dhammaan farqadaha xeerkan. 6. Habka iyo goorta qoraalka lagusoo gudbinayo: i. Qoraalka waxaa lagu soo gudbinayaa gacanta isaga oo daabacan oo aanay dusha kaga qornayn magaca qoraaga iyo astaan kale toona; waxaa bogga kowaad lagu qorayaa Cinwaanka Sheekada. Waxaa la soo raacinayaa gal xidhan oo ay ku qoran tahay warbixinta ku cad farqadda 5aad. Waxaa la keenayaa cinwaankan: Fidiyaha Aqoonta iyo Eereyga Dhigan ee REDSEA-ONLINE.COM, Daarta Oriental Hotel, Hargeysa inta ka horreysa 8.00 habeennimo ee 15/06/2012. ii. Qoraalka waxaa iyana lagu soo gudbinayaa isagoo elegtaroonig ah (pen drive, floppy disk amase e-mail). Waa inuu qoraalku ku qoran yahay qorme caadi ah (text file editor, tex, MS Word, iwm). Waxaa bogga kowaad lagu qorayaa Cinwaanka Sheekada. Waxaa lasoo raacinayaa email gaar ah oo gudihiisa ay ku qoran yihiin www.redsea-online.com | www.hargeysabookfair.com | www.kayd.org dhammaan xogta ku cad farqadda 5aad. Waxaa e-mailka loo soo dirayaa inta ka horraysa 12.00 habeenimo ee 15/06/2012 emailka sheeko@redsea-online.com, loona dirayaa nuqul kale info@hargeysabookfair.com. Qofku waa inuu hubiyaa in e-mail kiisa la helay. Haddii aanu jawaabtaas ku helin muddo saddex cisho ah, waa inuu gacanta ka keenaa sida ku cad farqaddan sare. Haddii aanay suuro gal ahayn inuu gacanta ka keeno waa inuu ka eegaa cinwaanka internetka www.hargeysabookfair.com halka lagala soo xidhiidhayo tartanka oo teleefon u soo diraa. iii. Qoraalladu waa inay soo gaadhaan Cinwaannada Xoghaynta (sida ku cad labadan farqadood ee qodobkan 6) inta ka horraysa 12.00 habeennimo ee maalinta Jimcaha 15-ka bisha lixaad 2012 (xilliga Somaliland). Wax allaale wixii soo gaadha xilligaa dabadeed, kama qayb galayaan tartanka. 7. Qofkasta oo la aqbalo codsigiisa ka qayb galka tartanka waxaa la ogaysiin doonaa inta ka horraysa 18/06/2012 in uu yahay tartame; lanana socodsiin doonaa halka uu kala xidhiidhayo faahfaahin dheeraad ah. 8. Guddiga Qiimaynta a. Guddi ka kooban ugu yaraan 3 qof (iyo ugu badnaan 5) ayaa loo saari doona qiimaynta Sheekooyinka; Guddigaasi waxay soo qiimayndoontaa darajada Sheeko kastaa hesho iyo ku guulaystayaasha kaalmaha 1aad, 2aad, 3aad iyagoo aan ogayn cidda qortay sheekada. b. Darajadaasi waxay ku salaysnaan doontaa: bilicda suugaanta; heerka afka soomaaliga qoran cilmi ahaan; xikmadda ka danbaysa sheekada; iyo tiraab wanaagga qoraaga. c. Tartame kasta oo toos ula xidhiidha guddiga qiimaynta inta aan lagu dhawaaqin go’aanka, waxay keeni kartaa lumis xuquuqda tartame. d. Ehelka tooska ah ee xubin ka mid ah Guddiga Qiimayntu ma tartami karaan, haddii aanu xubinta Guddiga Qiimayntu ka tanaasulin xubinnamadiisa marka uu ogaado in qof ehelkiisa ahi soo tartamay. 9. Go’aanka Baratanka: Guulayastayaasha tartanku waxay kala heli doonaan: a. Kaalinta-kowaad: • Astaan (billadda kowaad) oo qoraaga magaciisu ku xardhan yahay iyo abaal-gud lacageed oo ah 100USD oo kaash ah iyo hadiyad u dhiganta 100USD oo ah rasiidh uu buugaag kaga qaadan karo mid ka mid ah maktabadaha dalka ku yaal ee arrinka taageeri doona. b. Kaalinta-labaad: • Astaan (billadda labaad) oo qoraaga magaciisu ku xardhan yahay iyo abaalgud lacageed oo ah 50USD oo kaash ah iyo hadiyad u dhiganta 50USD oo ah rasiidh uu buugaag kaga qaadan karo mid ka mid ah maktabadaha dalka ku yaal ee arrinka taageeri doona. c. Kaalinta-saddexaad: • Astaan (billadda saddexaad) oo qoraaga magaciisu ku xardhan yahay iyo abaal-gud lacageed oo ah 25USD oo kaash ah iyo hadiyad u dhiganta 25USD oo ah rasiidh uu buugaag kaga qaadan karo mid ka mid ah maktabadaha dalka ku yaal ee arrinka taageeri doona. 10. Go’aanka Guddigu waa kamadanbays aan laga ashkatoon karin. Guddiga, oo ka koobnaan doonta xeeldheerayaal suugaanta iyo afsoomaaliga, waxaa si gaar ah loogu magacaabayaa qoraal kale oo kan ku xiga. Waxa lagu martiqaadayaa baratamayaashu in aanay haba yaraatee la xidhiidhin guddiga qiimaynta, xitaa si kamma ah u ogaysiinin mid ka mid ah Guddiga sheekadooda wax lagu garan karo. Eeg qodobka 8c. 11. Bandhigga Go’aanka www.redsea-online.com | www.hargeysabookfair.com | www.kayd.org a. Ku dhawaaqista go’aanka tartanka waxaa lagu beegayaa Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannadkan. b. Guulaystayaasha kaalmaha 1-3aad waxaa si gaar ah loogu martiqaadayaa Xafladda Bandhiga Go’aanka baratanka. c. Waxaa xafladda lagusoo martiqaadayaa warbaahiyayaasha waddaniga iyo kuwa kaleba. 12. Xuquuqda Qoraalka (Copyright) ee sheekooyinka a. Xuquuqda Abuurka Qoraalka (intellectual property copyright) waxay mar kasta u dhawran tahay Qoraaga Sheekada. b. Sheekooyinka tartanka ka qaybgala oo dhan maamulka tartanku wuxuu kusii faafin karaa, kuna daabici karaa buug ahaan ama ku soo saari karaa wargaysyada, degellada internetka, joornaallada iyo si kasta oo uu maamulku markaas u arko wanaag, isaga oo markasta xusaaya lahaanshaha sheekada ee qoraaga hal abuuray iyo inay ka qaybgashay tartankan. 13. Ka qaybgalka tartankani wuxuu kufarayaa oggolaanshaha farqad kasta oo xeerkan ka mid ah. Faahfaahin dheeraad ah ka eeg: http://www.hargeysabookfair.com amase http://www.redseaonline.com ama http://www.kayd.org amase u qora email info@hargeysabookfair.comaga degaanka. Saaxiibo, qoys, jaar/derris Kala hadal qof aad aaminsan tahay wax ku saabsan xadgudubka. Dadka kuma caawini karaan haddii aaysan ogeyn waxa kugu dhacaya. 43 Khadadka kaalmada Waxaa jira adeegyo kale ee taleefan (mararka qaarkoodna la yiraahdo khadadka xaaladaha khalkhalka*) oo aad lacag la’aan ku wici karto 24 ka saac maalintii adigoo aanan bixineyn magacaaga. Qofka ka jawaaba taleefanka wuu ku dhegeysan doonaa wuxuuna kaa caawini doonaa in aad gaarto go’aano muhiim ah si aad amaan u ahaato oo aay caruurtaada amaan u helaan. Ka eeg buugaaga taleefanka ama internetka lambarada taleefanada. Haddii aad doorato in aadan isla markiiba wacan kaalmo, ku heyso liiska lamabarada taleefanadan meel amaan ah oo aad si fudud ku tegi doonto. Cisbitaal Haddii dhaawacyo khatar aay ku soo gaaraan, waa in aad cisbitaal tagtaa. Cisbitaalada waxay leeyihiin shaqaale xaaladaha degdegga ah oo halkaas u jooga in aay ku caawiyaan haddii aay wax ku soo gaaraan ama xaalad caafimaad oo degdeg ah aad leedahay. Waxaa sidoo kale dhici karta in aay leeyihiin aqoon gaar ah oo ku saabsan rabshadaha qoyska. Sida kuugu fiican waa in aad u sheegto dhaqtarada iyo kalkaaliyayaasha caafmaadka runta wixii dhacay. Daryeel caafimaad weli waad heli kartaa, haddii dhalashadaada aaysan ahayn Kanadiyaan. Haddii sharci ahaan aad xaq u leedahay in aad joogto Kanada – qaxooti ahaan, degane joogto ah ama xaas la-soo-kafiishay – saddex bilood ka dib waxaa dhici karta in ceymiska caafimaadka gobolada ama maamuladagaarka ah aad xaq ugu leedahay daryeel caafimaad oo bilaash ah. Andacoodayaasha qaxootiga waxaa dhici karta in aay ka heli karaan daryeel caafimaad Socdaalka, Qaxootiga iyo Dhalashada Kanada. Dalxiisayaasha iyo dadka booqashada ku-meelgaarka ah ku jooga waxay iibsan karaan daryeel caafimaad. Wixii su’aalo ah ee ku saabsan daryeelka caafimaad ee aad heleyso, eeg aagga internetka xogta caafimaadka gobolkaaga ama maamulkaaga-gaarka ah ama wac adeegga caafimaadka gobolkaaga ama maamulkaaga-gaarka ah. Waxaad sidoo kale tagi kartaa aagga internetka Socdaalka, Qaxootiga iyo Dhalashada Kanada ee www.cic.gc.ca. 44 Adeegyada Sharciga Adeeg sharci ayaa laga heli karaa qareen ama xafiis kaalmo sharci.* La xiriir adeeg tebin qareen, xafiiska kaalmada sharciga ama xiriirka waxbarashada iyo xogta sharciga dadweynaha si aad u ogaato halka aad kaalmo ka heli karto iyo haddii aad heli karto kaalmo lacag la’aan ah. Booliis Sarkaalo badan oo booliis ah ayaa u tababaran in aay wax ka qabtaan rabshadaha qoyska. Adeegyo booliis oo Kanada dacaladeeda oo dhan ka jira ayaa leh cutubyo booliis gaar ah oo qaabilsan rabshadaha qoyska iyo dad mihinado kale leh oo ku dhegeysan doona iskuna dayi doona in aay ku caawiyaan. Booliiska waxay sidoo kale kuu tebin doonaan adeegyada dhibanaha. Lambarka taleefanka ka fiiri bogaga ugu horeeya buugaaga taleefanka. Xaaladaha degdegga ah wac 9-1-1 ama lambarka degdegga ee booliiska. Barnaamijyada waxbarashada iyo xogta sharciga dadweynaha Barnaamijyadan waxay ku siin karaan xog guud oo ku saabsan sharciga, habka sharciga, iyo xuquuqdaada. Ka eeg war dheeraad ah oo ku saabsan rabshadaha qoyska Shabakadda internetka Wasaaradda Cadaaladda Kanada Dadaalkeeda Rabshadaha Qoyska: http://www.justice.gc.ca/eng/cj-jp/fv-vf/pub.html Ururada diimaha Haddii uu jiro qof aad aaminsan tahay oo jooga meesha aad wax ku caabudo, u sheeg waxa dhacaya. Hooy-yada Haddii caruurtaada aay khatar ku jiraan, hooy ayaa ku siin kara caawinaad ku-meel-gaar ah iyo meel amaan ah oo aad joogto. Shaqaalaha halkaas waxay leeyihiin tababar gaar ah oo aay kula tacaalaan dhibanayaasha rabshadaha qoyska waxayna ku siin karaan talo ku saabsan waxa aay tahay in aad filato iyo sida aad amaan ku heleyso caruurtaadana amaan kuugu ahaanayaan. 45 Adeegyada Dhibanayaasha Ururada adeegyada dhibanaha waxay la shaqeeyaan booliiska si aay u caawiyaan dhibanayaasha dambiga. Sidoo kale waxay kaa caawini karaan qorshe sameyn iyo helidda habab aad naftaada ku difaacdo. Waxay kugu xiri karaan adeegyo loogu talagalay cunto, dhar iyo hooy iyo waxaa dhici karta in aay ku siiyaan adeegyo turjumaan si aad qof ugula hadasho af aad istareex ku qabto. Si aad uga hesho adeegyo Kanada dacaladeeda oo dhan ka eeg Lambarada-taleefanada Adeegyada Dhibanaha (Victim Services Directory) ee ku yaala bogga internetka Xarunta Siyaasadda ee Arrimaha Dhibanaha: http://www.justice.gc.ca/eng/cj-jp/victims-victimes/vsd-rsv/ index.html MUHIIM — Haddii aad wacdid lambarada taleefanada liiska kore ku jira midkood oo taleefankaaga uu leeyahay hab dib-ugraacid ah (re-dial), waxaad wacdaa lambar kale ka dib markaad wacdid booliiska, khadka dhibaatooyinka culus, hooyga amaanka dumarka ama shaqaale adeegyada dhibanaha. Ama haddii aad ka wacday taleefan gacanta ah, ha iloobin in aad lambarka ka tirtirto liiskaaga taleefanadii aad hore u wacday. Markaas qofka xadgudbaha ah ma ogaan doono waxa aad sameyneyso ama qorsheyneyso. Ka waran haddii qof aad saaxiib ama qaraabo tihiin kuu sheego in aay xadgudub ku jiraan? Dhageyso. Ogoow in xaaladda aay ka dhib badnaan karto ama ka khatar badnaan karto sida aad moodeyso. Kula tali in aay raadsadaan kaalmo ceebna ma aha in la helo kaalmo qof mihinad u leh. Badanaa waxay qofka ku qaadataa muddo dheer in uu go’aansado in uu wax ka qabto xadgudub. Sii wad dhageysashada. U soo bandhig in aad u raacdo in aay arkaan la-taliye. Sii qaar ka mid ah lambarada taleefanada khadadka dhibaatooyinka-culus ama khadadka caawinaadda*. Dadka lagu xadgudbo badanaa waxay dareemaan go’doon, awood-la’aan, caadifad ahaan in aay daalan yihiin iyo lunsanaan. La jiritaankaaga oo kaliya ayaa u ah kaalmo. Waxaa jira adeegyo badan oo lagu caawiyo dhibanayaasha iyo xadgudbayaasha. Adeegyada booliiska ayaa badanaa kuu tebin kara adeegyo gaar ah oo rabshadaha qoyska ah. Haddii xaaladda aay khatar tahay, wac 9-1-1 ama lambarka xaaladaha degdeg ah ee booliiska. Si toos ah ha u abaarin xadgudbaha – khatar ayeey adiga ama qofka lagu xadgudbaayo idiin keeni kartaa. 47 Maxaa dhaca haddii aad wacdo booliiska? Haddii qof uu kugu xadgudbay, waa in aad booliiska u sheegtaa. Gobolada iyo maamulada-gaarka ah ee Kanada oo dhan waxay lahaayeen siyaasado xadgudub lamaane-isqaba* ee booliiska iyo xeer-ilaalinta Boqortooyada* laga soo bilaabo horaantii 1980yadii. Siyaasadahan waxay hubinayaan in rabshadaha lamaanayaasha is-qaba loola dhaqmo sidii arrin dambi ah. Booliiska weey soo xiri karaan qof haddii aay rumeysan yihiin qofka in uu jabiyey sharciga. Qofka waxaa dhici karta in uu tago xabsi saacado yar ilaa dhageysi damaanadeed* ama wax ka badanba iyadoo ku xiran waxa qaadiga uu go’aamiyo. Haddii aad amaankaaga u baqeyso, weydiiso booliiska in uu ku soo ogeysiiyo inta aan qofka xabsiga laga soo deyn ka hor. Qaadiga waxaa dhici karta in uu shuruudo u sameeyo siideynta qofka kugu xadgudba. Tusaale, qaadiga waxaa dhici karta in uu amro in qofka aanan loo ogolaan in uu kula soo xiriiro. Haddii aad ka baqeyso in aay dhibaato ku soo gaarto marka qofka xabsiga laga soo daayo, waxaad raadsan kartaa meel amaan ah oo aad joogto sida qof saaxiib ah ama meel hooy ah. Gobolada iyo maamulada-gaarka ah qaarkood waxaad heli kartaa amar difaac degdeg ah oo dambi-la’aan ah, sida amar maxkamadeed oo u sheegaya qofka xadgudubka sameynayey in uusan kula soo xiriirin. Waxaa dhici karta in amarku uu aqalka qoyska ka saaro qofka kugu xadgudbaya muddo. Waxaad weydiisan kartaa xog sharci oo ku saabsan sida tan loo sameeyo. Haddii amar difaac degdeg ah aan la heli karin, waxaa dhici karta in aad hesho damaanad nabadeed. 48 Maxaa dhaca marka qofka kugu xadgudbay uu booliiska dambi ku soo oogo? Haddii qofka kugu xadgudbay uu qirto in uu galay dambi, qaadiga ayaa go’aamin doona xukunka.* Xukunka wuxuu noqon karaa ganaax* ama tijaabin.* Qofka kugu xadgudbay waxaa sidoo kale dhici karta in aay tahay in uu helo la-talin. Qaadiga waxaa sidoo kale dhici karta in uu amro waqti xabsi ah. Marka la go’aaminayo in xarig lagu xukumo qofka iyo in kale, qaadiga wuxuu tixgelin doonaa waxyaabo badan. Tusaale, qaadiga wuxuu tixgelin doonaa in aay tahay dambigii ugu horeeyey iyo-in-kale iyo xadgudubka khatartiisu inteey la ekeyd. Haddii aad baqeysid, u sheeg xeer-ilaaliyaha boqortooyada ama shaqaalaha adeegyada dhibanaha. Haddii qofka kugu xadgudbay lagu sii daayo tijaabin, qaadiga waxaa dhici karta shuruudo in uu ku sii daayo. Haddii qofkii kugu xadgudbay uu u sheego qaadiga in uusan dambiga gelin, waxay u badnaan doontaa maxkamadeyn in aay dhacdo. Waxay qaadan kartaa dhowr bilood maxkamadeynta bilowgeeda ka hor. Waa in aad marqaati ka noqotaa maxkamadda, laakiin waxaa jira dhowr waxyaalood oo aay maxkamadda sameyn karto si aay kuu siiso istareex ka badan marka aad marqaati ahaan uga soo hor muuqato. Waxaa dhici karta in aad qaadiga kala hadasho dadab gadaashii ama qol kale adigoo isticmaalaya telefishan khad-koronto oo xiran leh* si aadan u arag qofka kugu xadgudbayey. Sidoo kale waxaad awood u yeelan kartaa qof ku taageera in uu agtaada joogo inta aad marqaatiga bixineysid. Qof kugu xadgudbay haddii uusan lahayn qareen, xeer-ilaaliyaha wuxuu weydiisan doonaa qaadiga in uu u qabto qareen si adiga uusan imtixaan-dhinaca-kale* ah kuugu sameyn qofka xadgudbaha ah. Haddii qofkii kugu xadgudbay lagu helo dambiga in uu galay, qaadiga ayaa go’aamin doona xukunka sida ganaax, tijaabin ama waqti xabsi ah. 49 50 Xusuusnow, qofna xaq uma laha in uu kugu xadgudbo Habka cadaaladda dambiyda wuu kaa cabsiin karaa, laakiin wuxuu u jiraa adiga in uu ku difaaco oo uu amaankaaga ilaaliyo. Waxaa jira dad kaa caawini kara in aad ka gudubtid. Xadgudub in lagu dhex noolaado aad beey u adag tahay argagax ayeeyna kugu sameyn kartaa. Weliba gaar ahaan haddii aad Kanada ku cusub tahay, waxaa dhici karta in aad la tacaaleyso arrimo kale oo badan isku waqti. Waxaad wajihi kartaa naxdinta isbedelka dhaqanka. Waxaad la kulmi kartaa culeys-maskaxeed ee dhibaatooyin dhaqaale. Waxaa dhici karta in aad ka welwelsan tahay caruurtaada mustaqbalkooda. Kaalmo raadsasho ma ahan talaabo fudud laakiin waa waxa ugu wanaagsan ee aad naftaada iyo caruurtaada u sameyn karto. Doorashooyinkaaga waa kuwo aad u dhib badan, laakiin ikhtiyaar waad leedahay. Haddii lagugu xadgudbayo, waxaa lagugu dhiirigelinayaa in aad kaalmo raadsato. Keligaa in aad wajahdo ma aha. Waxaad heli kartaa kaalmo. Waxaad u qalantaa in aad amaan ahaato. Erayada iyo ooraahda lagu isticmaalay buuggan-yar Fadan xusuusnow: Qeexitaanadan waxay kaa caawini karaan fahmidda erayo sharciyeedka. Ma ahan qeexitaano sharciyeed. Wixii qeexitaan sharciyeed ah ee erayadan ah, waxaad kala tashan kartaa qareen. Weerar Weerar waa dambi. Waa marka qof uu isticmaalo xoog ama uu ku hanjabo in uu xoog u isticmaalayo qof kale iyagoo aan ogoleyn. Waa isku mid hanjabaadda qofka haddii uu u sameeyo si toos ah ama si dadban. Dhageysi damaanadeed Dhegeysi damaanadeed wuxuu ka dhacaa maxkamad ka dib marka qof la soo xiro ama dambi lagu soo oogo. Qaadiga ayaa go’aamiya in qofka la sii daayo ama lagu sii hayo xabsi ilaa maxkamadda aay ka dhageysato kiiska. Qaadiga wuxuu ku sii deyn karaa qofka shuruudo aay tahay in uu raaco. Tusaale, qaadiga waxaa dhici karta in uu amro qofka in uusan la xiriiri karin dhibanaha. Damaanad waxaa sidoo kale loogu yeeraa sii-deyn garsoor oo ku-meel-gaar ah. Cidleynta ilmaha Kanada gudaheeda cidleynta ilmaha waa dambi. Waxay dhacdaa marka qof si ku talagal ah uu u cidleeyo ilmo ama uu banaanka u dhigo ilmo ka yar 10 jir si khatar galineyso nolosha ilmaha ama si joogto ah u dhaawaceyso caafimaadka ilmaha. 51 Adeegyada difaaca caruurta Gobol iyo maamul-gaar ah ee walba wuxuu leeyahay adeegyo difaaca ilmaha oo eega kiisaska xadgudubka iyo dayacaadda ilmaha ee la soo wargliyo. Adeegyada difaaca ilmaha waxaa badanaa loogu yeeraa “samafalka ilmaha,” “kaalmada caruurta” ama “difaaca dhalinyarada”. Haddii adeegga difaaca ilmaha go’aansado in ilmo uu u baahan yahay difaac, waxay: • siin karaan talo iyo taageero qoyska; ama • waxay ka saari karaan ilmaha guriga muddo gaaban ama abid. Telefishan khad-koronto oo xiran leh Kan waa isticmaalka kaamerooyinka si xog loo siiyo maxkamadda adigoo aan dhab ahaan qolka maxkamadda gudahiisa joogin. Qarsoodi Qarsoodi macnaheedu waa sir ama wax-shaqsi u gaar ah. Ogolaansho Ogolaansho macnaheedu waa yeelid. Laakiin sharciga waxa uu ula jeedo “ogolaansho” weey ka qoto-dheer tahay in la yiraahdo “haa” oo kaliya. Haddii qof uu kugu khasbo in aad wax ogolaato, tusaale isagoo dhib ku gaarsiinaya, ma aha ogolaansho dhab ah. Xogta aad u baahneyd in aad xaaladda oo dhan ku fahamto oo aan lagu siin darteed haddii aad wax ku ogolaato, taas iyana ma aha ogolaansho. Tusaale, caruurta ma ogolaan karaan waxyaabaha qaarkood, sida howlo jinsiyi ah oo qof weyn lala sameeyo. Ma ogolaan kartid howlo jinsiyi ah, xitaa adigoo qof weyn ah haddii aadan miir-lahayn ama aad hurudo. Aamusnaan ma aha ogolaasho. 52 La-talin Tan waa hanaan aad kaalmo heli karto adigoo si joogto ah ula kulmaya qof mihinid leh, si aad arrimo uga hadashaan si loo xaliyo dhibaatooyin. La-taliyayaasha waxaa loo tababaray in aay dadka ka caawiyaan si aay dhibaatooyinkooda wax uga qabtaan. Mararka qaarkood dadka waxay helaan la-talin shaqsi u gaar ah (kulan la-taliyaha gooni gooni loola yeesho), la-talin lamaane (kulan la-taliyaha lamaane ahaan loola yeesho), la-talin qoys (kulan la-taliyaha qoys ahaan loola yeesho) ama xitaa latalin kooxeed (marka dhowr qof oo dhibaato isku mid ah la soo kulmay si wadajir ah ula kulmaan la-taliyaha). Xeerka Dambiyada Xeerka Dambiyada waa sharci koobaya dambiyada Kanada gudaheeda badankood. Dhagaraha dambiyeed waxaa kaloo loo yaqaan dambiyo. Xeerka wuxuu khuseeyaa Kanada oo dhan. Xadgudub dambi Xadgudub dambi waa marka sharci ka mid Xeerka Dambiyada la jabiyo. Kan waxaa la yiraahdaa dambi. Khadka khalkhalka ama khadka kaalmada Khadka khalkhalka ama khadka kaalmada waa adeeg taleefan oo lacag la’aan ah waxaad u wacan kartaa xog ama talo. Qofna ma aha in aad u sheegto magacaaga ama lambarkaaga taleefanka marka aad wacdo. Qof ayaa ka jawaabi doona taleefanka oo ku dhageysan doona. Waxay isku dayi doonaan in aay ka jawaabaan su’aalahaaga. Sid oo kale waxay kuu diri doonaan meelo ku caawini kara. Noocyo kala duwan oo khadad kaalmo ah ayaa ku taxan buugga taleefanada mararka qaarkoodna basaska, rugaha caafimaadka iyo meelo kale ayaa lagu xayeysiiyaa. 53 Xeer-ilaaliyaha boqortooyada Kan waa qareen matala dowladda. Xeer-ilaaliya boqortooyada wuxuu u bandhigaa kiiska qaadiga marka dambi la galo. Xeerilaaliya boqortooyada ma ahaan doono qareenkaaga gaarka ah haddii aad ahayd dhibane xadgudub. Waxay wakiil ka yihiin dadweynaha. Imtixaamidda- dhinaca -kale Kan waa hab-raac laga isticmaalo nadaamka sharciyada Kanada waqtiga maxkamadeynta. Waa weydiimo-baaritaan ah (in la weydiiyo su’aalo taxan) oo qofka marqaatiga ah uu weydiinayo qareen dhinaca kale ah. Naxdin dhaqameed Marka aad timaado meel cusub, gaar ahaan wadan cusub, waxaad dareemi kartaa jahwareer ama walaac sababtoo ah uma aadan baran deegaankaaga cusub. Dareenkaas waxaa loogu yeeraa naxdin dhaqameed. Waxaa dhici karta in aad dhib kala kulanto in aad fahamto luqadda agagaarkaaga looga hadlayo oo aad dareento in aadan ka tirsaneyn. Waxaa dhici karta in aadan u baran jawiga, cuntada, guryaha, urta iyo dhawaaqyada agagaarkaaga ah. Waxaa dareemi kartaa istareex-la’aan ku saabsan waxyaabaha cusub ee ilmahaaga saameynta ku yeelanaya. Badanaa dareenka naxdinta dhaqameed wuu kaa tagaa ka-dib marka aad u barato sheeyada agagaarkaaga ah waxaadna dareentaa in aad “gurigaaga joogto” ama aad dadka dhexgashay. Khayaano yaradeed Dhaqanada qaarkood, waxaa jira caado ah in aroosadda aay la timaado guurka xoogaa lacag ah ama waxyaabo kale oo qiimo leh, oo loogu yeero yarad. Waxaa jiray kiisas rag ayagoo aanan dooneyn guur aay u guursadeen yaradda darteed. Ka dibna guurka weey ka baxaan laakiin wixii qiimaha lahaa ayeey la haraan. Tan waxaa loogu yeeraa khayaano yaradeed. 54 Waajibka Xanaaneynta Waajibka xanaaneynta waa marka qof uu saaran yahay waajib sharci ah in uu siiyo xanaaneyn heerarka ugu-yar ee qof kale loogu talagalay si dhibaato gaarto looga ilaaliyo qofkaas. Tusaale, waalidiinta waxaa saaran waajibka xanaaneynta ilmahooda iyaga ku dul nool. Dadka is-qaba waajibka xanaaneynta ayaa midba midka kale ka saaran. Ku-fashilmid in qofka la siiyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha Dambi beey ku tahay waalidka dhalay ilmaha, waalidka ilmahakorinaya, weliga ama madaxa qoyska in uu ku fashilmo in uu siiyo ilmo ka yar 16 waxyaabaha uu u baahan yahay in uu ku noolaado. Waxaa ka mid noqon kara tan cuntada, hooyga, ama daryeelka caafimaadka aay u baahan yihiin si aay u noolaadaan. Sidoo kale waa dambi in xaas ama lamaane sharciga-caadiga ah kugula nool la siin waayo waxyaabaha lagama maarmaanka nolosha u ah. In la siiyo waxyaabaha uu ilmaha u baahan yahay waa qeyb ka mid ah “waajibka xanaaneynta”. Ganaax Kan waa amar maxkamadeed oo noqon kara xukunka ama qeyb ka mid ah xukunka qof dambiga galay (dambiile). Waa qadarka lacagta ee aay tahay in uu bixiyo qofka dambi lagu helay. Lamaane jaceyl Lamaane jaceyl waa xaas, oo aay ku jiraan ninka, naagta, lamaane sharci-caadi ah kuwada nool, ama xaas hore. Sidoo kale waxaa ku jira wiil-saaxiib ah, gabar-saaxiib ah, lamaane shukaansi ka dhaxeeyo ama xiriir kasta oo jinsiyi ama caashaq ah. Waxaa kaloo ku jiri kara qof aad ilmo wadaagtaan. Xafiiska kaalmada sharciga Xafiisyadan waxay dadka dakhligooda hooseeyo siiyaan matalaad sharci iyo xog iyo waxbarasho sharci oo dadweynaha u furan. 55 Amar waalidnimo ama heeysasho Amar waalidnimo ama heeysasho waa warqad maxkamadeed oo qoondeyneysa waajibaadyada waalideed. Kiisaska qaarkood, hal waalid ayaa lahaan doona waajibka gaaridda go’aanada waaweyn ee ku saabsan ilmahooda. Qabanqaabadan mararka qaar waxaa loogu yeeraa heysasho qof-kaliya ah. Kiisaskan, caruurtaada caadi ahaan adiga ayeey kula noolaanayaan, laakiin waxay u badnaan doontaa in aay booqdaan waalidka kale. Haddii waalidiinta aay wadaagaan awoodda go’aan gaaridda, oo ah qabanqaabo badanaa loogu yeero heysasho la-wadaago, waxaa laga filayaa in go’aanada waaweyn aay wadajir u gaaraan. Amarka waalidnimada waxaa dhici karta in uu tilmaamo sida waqtiga ilmaha aay u qeybsanayaan waalidiinta. Amarada waalidnimada ama heeysashada waxaa la gaaraa iyadoo lagu saleynayo ilmaha maslaxadiisa ugu wanaagsan. Damaanad nabadeed Haddii aad amaankaaga u cabsaneyso, waxaa dhici karta in aad hesho damaanad nabadeed. Kan waa amar maxkamad aay bixisay oo hoos imanaya awoodda Xeerka Dambiyada kaasoo shuruudo u sameynaya qofka sida xadgudubka ah u dhaqmay. Tusaale, qaadiga wuu ka mamnuuci karaa qofkaas in uu kula soo xiriiro. Sidoo kale waxaa laga mamnuuci karaa in aay guur kugu qasbaan. Haddii qofka amarka ixtiraami waayo, booliiska wuu xiri karaa. Haddii aad dooneyso in aad wax dheeraad ka ogaato damaanadda nabadeed waxaad weydiin kartaa qareen. 56 Jahwareerka Ka-dambeeya jug culeys-maskaxeed leh ka-dib (PTSD) Kan waa jahwareer walaac khatar ah leh oo aay sababtay u soo joogidda ama la-kulmidda waxyaabo aad u xun-xun sida jirdil, xoogid, dilal, xadgudubyo iyo rabshado qaabab kale ah. Jahwareerka walaaca ah wuxuu noqon karaa dareemidda cabsi joogto ah iyo welwel ku saabsan sheeyada maalin walba ah. Qaar ka mid ah dhibanayaasha rabshadaha qoyska waxay yeelan karaan PTSD. PTSD waxaa sidoo kale keeni kara qofka soo maray masiibooyin dabiici ah sida dhulgariiro. PTSD haddii aay leeyihiin, dadka waxay lahaan karaan dib-uxusuusasho (xusuus cad oo ah waxyaabihii aadka u xumaa) xitaa waqti dheer ka dib markii aay dhaceen waxaas weeyna ku adkaan kartaa la qabsashada nolol maalmeedka. Badanaa dadka leh PTSD waxay u baahan yihiin kaalmo dad mihinad leh oo ka caawiya in aay ka gudbaan. Tijaabin Kan waa amar maxkamadda dembiyada oo noqon kara qeyb ka mid ah xukunka qofka dambi galay (dambiile). Qofka tijaabinta ku jira wuxuu yeelan doonaa shuruudo laga doonayo marka la sii daayo, sida in uu tago la-talin. Amaro difaac Waxaa jira amaro difaac oo madani ah (aan-dambi-la-xiriirin) oo kala duwan lana heli karo si looga ilaaliyo qof in uu la xiriiro qof kale. Kuwan mararka qaarkood waxaa loogu yeeraa amaro la-xiriirid la’aan ama amaro ka-ilaalin ah. Intaa waxaa dheer, amaro difaac degdeg ah ama amaro dhexgal degdeg ah ayaa la heli karaa gobolada iyo maamulada-gaarka ah badankood kuwaasoo hoos imanaya sharciyada rabshadaha qoyska. Waxay u ogolaan karaan dhibanaha guriga keligeed in aay deganaato; xadgudbaha ayeey guriga ka saari karaan; waxay xaddidi karaan xiriirka iyo isgaarsiinta dhibanaha lala yeelanayo iyo xalal kale. 57 Xukumidda Haddii qof dambi lagu helo, xukunka waa go’aanka qaadiga ee ah nooca ciqaabta ee la siinayo. Xukunka waxaa ka mid noqon kara xabsi ama ganaax Weerar jinsiyi ah Weearar jinsiyi ah waa qaab walba oo isgaarid ama taabasho jinsiyi ah oo qof kale lala yeesho ogolaansho ayadoo aanan laga heysan. Weerar jinsiyi ah wuxuu u dhaxeyn karaa laga soo bilaabo salaaxid ilaa galmo jinsiyi oo khasab ah. Qofka ogolaansho run ah ma bixin karo haddii ogolaanshaha lagu khasbay, ama hadduu ku ogolaaday cabsi ama khayaano. Aamusnaan ma aha ogolaansho. Qof hurda ama aanan miir-lahayn ogolaansho ma bixin karo. Da’da ogolaanshaha howlaha jinsiyiga ah waa 16, laakiin waxyaabo ka baxsan taas baa jira haddii qofka da’ ahaan ilmaha aay isku dhow yihiin. Siyaasadaha xadgudubka xaaska Siyaasado waa xeerar uu urur sameysto oo dadka ka shaqeeya ururka aay tahay in aay raacaan. Kanada oo dhan, ururada kala duwan ee xukuma ciidamada booliiska waxay sameysteen siyaasado sarkaalada booliiska aay tahay in aay raacaan, si loo hubiyo in aay tixgelin-xoogan siiyaan xadgudubka xaaska. Siyaasadaha xadgudubka xaaska macnahoodu wuxuu kaloo yahay haddii booliiska aay arkaan qof ahaa xadgudbe in uu sharciga jabiyey, sarkaalka booliiska waa in uu dambi ku soo oogaa xitaa dhibanaha haddii aaysan dooneyn in qofka dambi lagu soo oogo. 58 Kala-wareejin ama kala-bedelasho la ilaalinayo Marka waalidiinta aaysan wada nooleyn, sida badan ilmaha in uu arko labada waalid ayeey dantiisa ugu fiican ku jirtaa. “Kala-wareejin” oo sidoo kale loo yaqaan “kala-bedelasho” waxay ka hadleysaa waqtiga ilmaha uu ka tagayo hal waalid oo uu u tagayo mid kale. Haddii wareejinta aay tahay mid la ilaalinayo, qof kale oo weyn ayaa jooga meesha oo eegaya, si loo hubiyo in wax xun aaysan ku dhicin ilmaha ama waalidiinta muddada kala-wareejinta. Mararka qaarkood haddii uu jiray xadgudub u dhaxeeyey waalidiinta, waqtiga kala-wareejinta waqti khatar ah ayuu noqon karaa. Ilaalinta waxay hubineysaa kala-wareejinta in aay u dhacdo si amaan ah. Adeegyada dhibanaha Adeegyada iyo barnaamijyada dhibanaha waxay taageero iyo ilo- wax-laga-helo siin karaan dhibanayaasha dambiga. Waxay jawaab ka bixin karaan wixii welwel dhinaca amaanka ah ee aad lahaan karto dambiga ka dib. Sidoo kale waxay ku siin karaan xog ku saabsan habka maxkamadda. Gobol iyo maamul-gaar ah oo walba wuxuu bixiyaa barnaamijyo iyo adeegyo uu leeyhay oo loogu talagalay dhibanayaasha dambiga.
No comments