qaamuus qaybta labaad
(ca’) m.dh Xarafka saddexaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane. caabaq¹ m.l ld caabuq¹. caabaq² f.g1 (-qay, -qday) ld caabuq³. caabaqid m.dh ld caabuqid. caabbi¹ m.l ld caabbiyid. caabbi² f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. Adakayn, xajin. 2. Iska c.: iska celin. caabbin¹ m.dh ld caabbiyid. caabbin² m.l (fiis.) Summad: R. Saamiga keyd faraqa ee geftinnada gudbiye iyo qulqulka danabka ee dhexmaraya gudbiyaha. Sidaas awgeed, caabbi waa caabbirka hakinta qulqulka danabka. R = V/I taas oo V ay tahay keyd faraqa, I ay tahay qulqulka danabka. Caabbiga waxa lagu cabbiraa oom (omega). caabbin³ m.dh (taar.) Iska caabbin cadow ama weerar dagaal, ficil ay dadku ku qaadaan si ay u helaan xornimo, ama iskacelin weerar. caabbiri m.l (-iyo, m.dh) Jaadadka doonyada shiraaca leh midda ugu yar oo qaadi karta toddobaatan ilaa afar boqol jawaan. caabbis m.l ld caabbiyid. caabbiye m.l (-yayaal, m.l/dh) (fiis.) Qayb ka mid ah qalab danabeed oo leh caabbi, laguna doortey isticmaalkeed astaantaas awgeed. caabbiyid m.f.dh eeg caabbi². ld caabbi¹, caabbin, caabbis. caabid¹ m.l (-diin/-dyo, m.dh) C. ah: qof muslin ah oo diinta sida ay tahay ugu dhaqma. ld caabud¹. caabid² f.g1 (-day, -dday) Ilaah u tukasho ama ka cabsasho. ld caabud². caabidid m.f.dh eeg caabid². ld caabudid. caabidnimo m.dh Caabid ahaansho. ld caabudnimo. caabud¹ m.l ld caabid¹. caabud² f.g1 (-day, -dday) ld caabid². caabudid m.dh ld caabidid. caabudnimo m.dh ld caabidnimo. caabuq¹ m.l 1. Hurgumidda meel dhaawac ah; fasas. 2. C. ah: nafley xoog lahayd oo jirro, nafaqo darro awgeed la tabar darreysay. ld caabaq¹. caabuq² m.l (daaw.) Halaamacoodka caloosha iyo mindhicirka sida badan waxa keena fiirus ama baktiiriya ama cunno sumow; wuxuuna keenaa matag iyo shuban. caabuq³ f.mg1 (-qay, -qday) 1. Meel dhaawac ah hurgumid. 2. Nafley tabar darreyn jirro, nafaqo darro iwm awgeed. caabuqid m.f.dh eeg caabuq³. ld caabaqid. caabuqtire m.l (-rayaal, m.l/dh) (baay.) Walax laga helo noolayaasha yaryar gaar ahaan mooldiska, kuwaas oo baabi’iya ama joojiya koritaan noolayaal kale oo ilima-aragtay ah gaar ahaan bakteeriyada iyo fangiga cudurrada faafiya. Caabuq- tirayaasha caanka ah waxa ka mid ah: beenasaliin, istarabtumaysiin iyo tetrasay-kalin. caac f.mg1 (-cay, -cday) Nafley, roob badan dhaxan leh ku qarqarid. caaci f.g2 (-iyay, -isay) Ugaar dabin loo dhigay dhankiisa u eryid iyadoo qaylo iyo sawaxan la samaynayo. caacid m.f.dh eeg caac. caacin m.f.dh eeg caaci. caad¹ m.l (-dad, m.l) 1. Xayaabo daruur ah oo meel sare ka muuqata. caad² m.l (daaw.) Xuub cad oo isha qaybteeda madow fuula oo aragga yareeya. caad³ m.dh 1. Meel dhagax ballaaran oo siman leh oo ciid ku hareereysantahay oo biyaha celisa. 2. C.daas joog/c.daas mar: wax buux ah (weel); qof fiican. caadaqaatannimo m.dh Caadaqaate ahaansho. caadaqaate m.l (-tayaal, m.l/dh) 1. Qof samaanyaha qaata. 2. Qof hunguri xun. caadaysad m.l ld caadaysasho. caadaysasho m.f.dh eeg caadayso. ld caadaysad, caadaysi. caadaysi m.l ld caadaysasho. caadayso f.g/mg3 (-stay, -satay) Wax caado ka dhigasho. caadbax¹ 110 caadbax¹ m.l ld caadbixid. caadbax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Soo c.: bannaan u soo bixid; muuqasho. 2. Soo c.: qof daacad ah ahaansho. caadbixid m.f.dh eeg caadbax². ld caadbax¹. caaddifad m.dh ld caaddifo. caaddifi m.l/dh (-fiin, m.dh) 1. C. ah: qof si fudud iyo ka fiirsasho la’aan wax ku xalliya. 2. Dabci dadka qaarkii yeesho oo ah fudayd iyo ka fiirsi la’aan wax lagu xalliyo. caaddifo m.dh Dareen u nuglaansho waxa qof ku dhaca ama uu sameeyo. ld caaddifad. caaddil m.l (-liin/-llo, m.dh) Qof dadka marka uu u garnaqayo aan u kala eexan. caaddilnimo m.dh Caaddil ahaansho. caadgoror m.l Roob yar oo ka yimaada daruuraha caadka ah; shuux. caadi m.l.kh C. ah: Wax sidii lagu yiqiin ah. caadinnimo¹ m.dh Caadi ahaansho (wax). caadinnimo² m.dh (kiim.) Tirada garaamisudhigan ee ku jirta hal disimitir oo saddex jibbaaran (Idm3=IL) oo milan ah. caadiyaal m.l.kh ld caadyaal. caadla’aan m.dh 1. Xasilloon ahaansho (cir). 2. Caddaan; xaqiiqo. 3. C. ah: xasilloon (cir). 4. C. ah: Wax saafi ah; wax caddaan ah. caado m.dh (-ooyin, m.l) 1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl. caado-immaansho m.dh (c.baay.) Xilliga caadadu ka timaaddo qofka dumarka ah, oo baaluqday oo aan uur lahayn sida caadiga ahna bishiiba waa mar inta ay wax iskabeddeleyaan. caado-raacnimo m.dh Ixtiraam weyn ee caadada ku saabsan. caadoxanuun m.l Caadada dumarka oo la timaadda dhib iyo xanuun. caadyaal m.l.kh C. ah: wax aan qarsoonay oo si bayaan ah u muuqda. ld caadiyaal. caadyaalnimo m.dh Caadyaal ahaansho (Ilaahay). caafi f.g2 (-iyay, -isay) Cid caafimaad siin (Eebbe). caafimaad¹ m.l Cudur iyo jirro la’aan. caafimaad² f.mg1 (-day, -dday) Cudur, jirro iwm ka bogsasho. caafimaad-beeleed m.l (-yo, m.dh) (daaw.) Ka hortag cudur ama horumarin caafimaad oo ka baxsan isbitaal oo khuseeya xannaanada bulshada ama qayb ka mid ah bulshada sida: carruurta, dumarka iyo waayeelka. Hawshaas oo lagu fulinayo baaritaan takhtareed iyo sheybaar joogto ah. caafimaaddarro m.dh Xaaladda nafley jirran ku sugan tahay. caafimaadi f.g2 (-iyay, -isay) Nafley caafimaad siin (Ilaah). caafimaadid m.f.dh eeg caafimaad². caafimaadin m.f.dh eeg caafimaadi. caafimaadqab¹ m.l Xaalad caafimaad leh oo nafley ku sugnaato. ld caafimaadqabid. caafimaadqab² f.mg1 (-bay, -btay) Xaalad cafimaad ku sugnaan. caafimaadqabid m.f.dh eeg caafimaadqab². ld caafimaadqab¹. caafimaadsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caafimaad leh ahaansho. caafimaadsanaan m.f.dh eeg caafimaadsan. ld caafimaadsanaansho. caafimaadsanaansho m.l/dh ld caafimaadsanaan. caafin m.f.dh eeg caafi. ld caafis. caafis m.l ld caafin. caafiyad m.dh Xaalad cudur la’aan ee ay nafley ku sugnaato; fayoobi. ld caafiyo. caafiyo m.dh ld caafiyad. caag¹ m.l (-gag, m.l) 1. Adke loodsame ah, si fudud u gubta oo waxyaabo badan laga sameeyo. 2. (-gag, m.l) Wax kasta oo balaastiig ka sameysan. 3. Meel yara godanoo biyo qabatin leh. caag² m.l (kiim.) Walax loo yeeli karo qaab marka la adeegsado kul ama cadaadis. Caagagga badankooda waxa laga sameeyaa “xabko” macmal ah oo la tarmiyey. caag³ f.mg1 (-gay, -gtay) Ka c.: gasiin iwm dhaqan awgiis uga go’id. caaggan f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax gasiin iwm dhaqan awgiis uga go’ay ahaansho. 2. Ka c.: ka reeban. caagganaan m.f.dh eeg caaggan. ld caagga- naansho. caagganaansho m.l/dh ld caagganaan. caagid m.f.dh eeg caag³. caa’ilo m.dh.u (-ooyin m.l) Qoys, qaraabo. caaji f.g2 (-iyay, -isay) Qof in uu wax ka caago gayeysiin. caajin m.f.dh eeg caaji. caajis¹ m.l (-siin/-syo, m.dh) 1. Firfircooni la’aan; wahsi; daal. 2. C. ah: qof hawl nacayb, wahsi badan. ld cajis¹. caajis² f.mg1 (-say, -stay) Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabaryarayn. ld cajis². caajisad m.dh (-do, m.l) Haweenay wahsi iyo hawl nacayb badan. ld cajisad. caanaddiidid 111 caajisan f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof caajis ah noqosho. ld cajisan. caajisi f.g2 (-iyay, -isay) Qof cajis ka dhigid. ld cajisi. caajisid m.f.dh eeg caajis². ld cajisid. caajisin m.f.dh eeg caajisi. ld cajisin. caajisnaan m.f.dh eeg caajisan. ld caajisnaansho, cajisnaan, cajisnaansho. caajisnaansho m.l/dh ld caajisnaan. caajisnimo m.dh Caajis ahaansho. ld cajisnimo. caal¹ m.l Cudur lo’da, idaha ka barariya caloosha oo uu keeno gooryaan caloosha kaga dhashay. caal² m.dh (-lyo, m.l) Harag dheer, balaqsan oo lo’da luqunteeda dhinaca hoose ka laallaada. caal³ f.mg1 (-aalay, -aashay) Lo’ ama ido cudur caloosha ka barariya ku dhicid. caalam m.l ld caalan. caalami m.l.kh 1. C. ah: wax caalamka oo dhan ka dhexeeya ama wada yaqaan. 2. C. ah: shay tayadiisu aad u wanaagsantahay. caalaminnimo m.dh Caalami ahaansho. caalan m.l Dunida iyo waxa ku nool oo dhan. ld caalam. caalgab f.mg1 (-bay, -btay) Ka c.: Karti iyo awood wax lagu qabto waayid. caalgabid m.f.dh eeg caalgab. caalhel f.mg1 (-elay, -eshay) 1. U c.: arrin xal u helid. 2. Ka c.: cid arrin yeelsiin. caalhelid m.f.dh eeg caalhel. caali f.g2 (-iyay, -isay) 1. Neef lo’ ah si loo gowraco luquntiisa fidin. 2. Is c.: nafley, wax suuxsan ama liita iska dhigid. caalid m.f.dh eeg caal³. caalim m.l (-miin, m.dh) ld caalin¹. caalin¹ m.l (culimmo/culummo, m.dh) 1. Qof aqoon badan u leh cilmiga. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon sare u leh. caalin² m.f.dh eeg caali. caallannimo m.dh Caalle ahaansho; nacasnimo. caalle m.l (-layaal, m.dh) Qof aad u garaad yar; segeger. caallir¹ m.l Hurgumidda meel dhaawac ah; fasas; caabuq. ld caallirid. caallir² f.mg1 (-ray, -rtay) Meel dhaawac ah hurgumid. caallirid m.f.dh eeg caallir². ld caallir¹. caallirsan f.mg4 (-naa, -nayd) Meel dhaawac ah wax caallir ah ahaansho. caallirsanaan m.f.dh eeg caallirsan. ld caallirsanaansho. caallirsanaansho m.l/dh ld caallirsanaan. caalqaadad m.l ld caalqaadasho. caalqaadasho m.f.dh eeg caalqaado. ld caalqaadad. caalqaado f.mg3 (-aatay, -aadatay) Arrin u hoggaansamid awood la’aan awgeed. caalsaar¹ m.l Nuujinta neef irmaani uu nuujiyo canug uu dhalay oo meel ku xiran. ld caalsaarree (1). caalsaar² f.g1 (-ray, -rtay) Neef irmaan ilmihiisa oo meel ku xiran nuujin. ld caalsaaree (1). caalsaarad m.l ld caalsaarasho. caalsaarasho m.f.dh eeg caalsaaro. ld caalsaarad. caalsaarayn m.f.dh eeg caalsaaree. ld caalsaarays. caalsaarays m.l ld caalsaarayn. caalsaare m.l (-rayaal, m.dh) 1. ld caalsaar¹. 2. Qori barta shiishka xabbad kor uga kaca. caalsaaree f.g2 (-reeyay, -reysay) 1. ld caalsaar². 2. Qori, xabbad barta shiishka kor uga qaadid. caalsaarid m.f.dh eeg caalsaar². caalsaaro f.g3 (-rtay, -ratay) Neef irmaan caalsaar samayn. caalwaa¹ m.l 1. Karti iyo xoog uu wax ku qabto la’. 2. ld caalwaayid. caalwaa² f.mg1 (-aayay, -ayday; -aayi) Tabar iyo awood arrin wax lagaga qabto waayid. caalwaayid m.f.dh eeg caalwaa². ld caalwaa¹ (2). caam m.l.kh C. ah: wax guud ahaaneed oo dad badan u dhexeeyo. caambax f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Ku c.: qof wax caan ku noqosho. caambixid m.f.dh eeg caambax. caamnimo m.dh Caam ahaansho. caamo m.dh.u 1. Dad aan wax qori karin waxna akhrin karin. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon badan u lahayn. caan m.l.kh C. ah: wax dad badani yaqaan. caanacaso m.dh Caano xoolaad ama haween oo aan nafaqo lahayn. caanad m.dh (-ddo, m.dh) Lacag ka mid ah sarrifka rubbiyada oo qiimaheedu yahay toban senti. caanaddiid¹ m.l 1. C. ah: waqtiga barwaaqada qofka caanaha dhami kari waayay, markay ku keliyaysteen. 2. ld caanadiidid. caanaddiid² f.mg1 (-day, -dday) Waqti barwaaqo ah, caano dhami waayid. caanaddiidid m.f.dh eeg caanaddiid². ld caanadiid¹ (1). caanaddiiq¹ 112 caanaddiiq¹ m.l Dad caanaha xoolaha suuqa u iib geeya. ld caanateel¹, caanateelley, caanooley (1). caanaddiiq² f.g/mg1 (-qay, -qday) Dad, caanaha xoolahooda suuq u iib geeyn. caanaddiiqid m.f.dh eeg caanaddiiq². ld caanaddiiqis. caanaddiiqis m.dh ld caanaddiiqid. caanaggaleen m.l.u Xididdada caanuhu maraan ee candhada xoolaha. caanaggocato m.dh 1. Nooc ka mid ah cayayaanka oo u eg doorshaanka. 2. Cudur jirka dadka ku dhaca oo nabarro cuncun leh u yeela. caanalahar m.dh Neef xoolaad oo ay adagtahay in caanaha laga dhammeeyo. caanaley m.dh ld caanooley. caanallul1 m.dh Cayayaan yar oo sida doorshaanka qolof adag leh oo inta hadba istaaga, salka dhulka la dhacdhaca. caanallul2 m.l ld caanolul; caanarrux, caanarruxato. caanammaal m.l Labada waqti ee xoolaha la maalo (fiid iyo subax middood). caanammacays m.l ld caanammaceeye. caanammaceeye m.l Geed maygaagga u eg oo lagu culo haamaha iyo dhiilaha iwm. ld caanammacays. caanammiir m.l Qalab caanaha lagu miiro. caanannuug m.l/dh (-gyo, m.dh) Ubad naasley oo aan weli naaska hooyadii ka go’in; naasnuug. caanannuugnimo m.dh Caanannug ahaansho. ld caanonnuugnimo. caanannuuji f.g2 (-iyay, -isay) Caano nuujiin; caanosiin. caanannuujin m.f.dh eeg caanannuuji. caanaqub m.dh.u Naasley caws ku nool ah, qodxo dhaadheer oo mardimo caddaan iyo madow isku xiga dusha ku leh; kashiito; yaadaddo; dhiddo. caanarrux m.l ld caanallul². caanarruxato m.dh (-ooyin, m.l) ld caanallul². caanateel¹ m.l 1. ld caanaddiiq 1. 2.C. ah: xoolo lagu dhaqo meel u dhow tuulo ama magaalo si caanahooda loo suuqgeeyo. 3. C. ah: qof dhaqa xoolahaas. 3. ld caanateelid. caanateel² f.g1 (-eelay, -eeshay) Meel magaalo ama tuulo u dhow xoolo ku dhaqid si caanahooda loo suuq geysto. ld caanaddiiq². caanateelid m.dh eeg caanateel². ld caanaddiiqid, caanateel¹ (3), caanateelis. caanateelis m.dh ld caanateelid. caanateelley m.dh ld caanaddiiq¹. caanateyn m.l ld caanteen. caanaxaraarshe m.l Nagaar xoolaha daaqa caanahooda kharaar noqdaan. caanayn m.f.dh eeg caanee. caanee f.g2 (-neeyay, -naysay) Caano wax ku darid. caaneeye m.dh Iniin meseggo ama galley inta aysan habuuq noqon. caaneeyo m.dh Caanaha laga saaro burcadka marka la shiilo. ld caaney, caanooyo. caaney m.dh ld caaneeyo. caaneysasho m.dh (c.nafl.) Caano soo deynta qanjirrada naasaha oo badanaa bilowda uurka dhammaadkiisa. caannimo m.dh Caan ahaansho. caano m.l.w 1. Hoore cad, nafaqo leh, la dhammo oo naasleyda dheddig ee irmaan ibaheeda ka yimaadda. 2. Dhacaan cad, layiig ah oo dhirta qaarkeed ka yimaadda marka la turqo. caanoddeys m.l Ubadka xoolaha oo caanonuugiddii ka go’ay. caanolul m.l Qori kuusan oo marka caanaha la lulayo haanta loo dhigo. caanomaallo-isle’eg m.dh (c.fal.) Eray loo adeegsado labada barood oo ay iska gooyaan tub sannadeedka qorraxda iyo sallaxa gooya dhul-baraha; waa sannadkii marka qorraxdu ay bartamaha maalintii ku dul beegantahay badhaha. Waa marka ay ku jiraan labada cirif, isla markaas waa marka meel kasta oo dunida ka mid ahi ay maalmahooda iyo hebeennadodu isla egyihiin – 12 saacadood mid kasta. caanonnuug m.l/dh (-yo, m.dh) Ubad xoolaad oo weli nuuga hooyadii. ld caanannuug. caanonnuugnimo m.dh Caanannuug ahaansho. ld caanannuugnimo. caanoole m.l (-layaal, m.l/dh) Nin caanaha ka ganacsada. caanooley m.dh 1. ld caanaddiiq 1. Haweeney caanaha ka ganacsata; (u) dad caanaha ka ganaacsada. 2. ld canaaley. Naasley. caanooyo m.dh ld caaneeyo. caanoqaadad m.l Caano-yaraynta xoolo irmaani caana yareeyaan. caanteyn m.l Lacag ka mid ah sarrifka rubiyada oo qiimaheedu u dhigmo labaatan senti. ld caanateyn. caanyee f.g2 (-eeyay, -eysay) 1. Harag caano ku jilcin. 2. Ma daroorsha ka dhigid, agloolid. 3. Waxyaabo aan islahayn isku qasid (arrin). 4. Qof si xun ula dhaqasho. caanyeyn m.f.dh eeg caanyee. caashacarrabdheer 113 caaq m.l.kh (-qyo, m.dh) C. ah qof aad u garaad yar. caaqibaxumi m.dh ld caaqibaxumo. caaqibaxumo m.dh Xaalad aan aayatiinkeedu wanaagsanayn. ld caaqibaxumi. caaqibayn m.f.dh eeg caaqibee. caaqibee f.g2 (-beeyay, -baysay) Wax caaqibo u yeelid. caaqibo m.dh 1. Cirib dambeedka qof leeyahey, aayatiin. 2. Waxtar iyo wanaag. caaqido m.dh ld caqiido. caaqil m.l (-liin/-llo, m.dh) 1. Nin caqli badan. 2. (-llo/cuqaal m.dh) Nin bulsho meel ku wada nool u dooratay inuu madax u noqdo; nabaddoon. caaqilad m.dh (-dyo, m.dh) Naag caqli badan. caaqilnimo m.dh Caaqil ahaansho. caaqilo m.dh Ciqaabta Rabbi ee ku dhaca cid cid kale ama wax kale ku gabbood fasha; nabsi. caaqnimo m.dh Caaq ahaansho. caar m.l 1. Midab baraashirix ah oo lo’da ariga iyo farduhu yeeshaan. 2. Cudur haragga dadka ku dhaca oo baro cadcad u yeela; qawad. cąar m.l (-rar, m.l) Xubinta taranka ee ratiga. caarad¹ m.l (-dyo, m.dh) 1. Xoolo ama dad wada socda intooda ugu horreysa. 2. Asbuuc, bil sanad iwm billowgiisa. caarad² m.dh (-do, m.l) Af fiiqan oo wax mudi kara. caarad-dhuub m.l (-byo, m.dh) 1. Wax kasta oo af fiiqan leh. 2. Nooc warmaha ka mid ah oo af fiiqan leh. 3. Nooc ka mid rasaasta oo af fiiqan leh. caari¹ m.dh Marka biyaha badda dib berriga uga noqdaan. ld caarid. caari² f.mg1/2 (-ryay, -riday/risay; -ryi) Biyaha badda, berriga dib uga noqosho. caarid¹ m.dh ld caar¹. caarid² m.dh (-dyo, m.dh) (juqr.) Hirar waa tallantaaliga kicitaanka iyo dhicitaanka ee badda dusheeda, kaas oo dhaca ugu dhawaan maalintii labo jeer waxaana sababa cufisjiidadka dayaxa iyo ka qorraxda oo isna si kan yar u sababa. Badweynnada furan, faraqa u dhexeeya heerarka hirarka sare iyo hirarka gaaban wuxuu ka yaryahay 1 m, laakin badaha gunta gaaban ee qaaradaha saaran faraqu wuxuu gaarayaa in ka badan 6 m, gacannada dhuuban ee hirarka leh waxaa dhici karta faraqu inuu gaaro 15 m ama ka badan. caarif m.l (-fiin, m.dh) Nin aqoon dheerad ah leh. caarin m.dh ld caaryid. caariyeysad m.l ld caariyeysasho. caariyeysasho m.f.dh eeg caariyeyso. ld caariyeysad, caariyeysi. caariyeysi m.l ld caariyeysasho. caariyeyso f.g3 (-stay, -satay) Wax caariyo ahaan u qaadasho. caariyo m.dh Shay cidi ergato si ay muddo ugu soo dhaqanto. caaro m.dh (-ooyin, m.l) 1. Cayayaan siddeed lugood leh, samaysta dabin shabaq ah oo bahallada yaryari ugu dhacaan. 2. Cuncun oogada laga dareemo oo barar leh; cadanyo; xajiin. caaroo f.mg3 (-ooday, -ootay) ld caarow. caaroobid m.f.dh eeg caarow. ld caarood. caarood¹ m.l ld caaroobid. caarood² m.l (daaw.) Kahsi muddo gaaban ama muddo dheer oo jirku yeelanayo barbarar wareegsan maqaarka korkiisa cabbirkooduna kala waaweynyahay, cuncun badanna wuu leeyahay; saacado ama ayaamo ayuu jiri karaa. caarooti¹ m.l 1. Cir cusub oo daruurihiisa biya ka buuxaan. 2. Meseggo, galley iwm oo sabuul saartay. 3. ld caarootiyid. caarooti² f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Biyo meel ku faafid. caarootiyid m.f.dh eeg caarooti². ld caarooti¹ (3). caarow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Caaro dareemid (dad ama xoolo). ld caaroo. caarran f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dardartiisii qaba ahaansho; firfircoonaan iyo himmo ka buuxdo. caarranaan m.f.dh eeg carran. ld caarranaansho. caarranaansho m.l/dh ld caarranaan. caarsii f.g2 (-iiyay, -iisay) Badda si xoog leh wax uga soo jiidid. caarsiin m.f.dh eeg caarsii. caaryaysad m.l ld caaryaysasho. caaryaysasho m.f.dh eeg caaryeyso. ld caaryaysad, caaryeysi. caaryaysi m.l ld caaryaysasho. caaryayso f.mg3 (-stay, -satay) Weel, maro iwm mardhacyo uskag ah yeelasho. caaryid m.f.dh eeg caari². ld caarin. caaryo m.dh Uskag caddaan xigeen ah oo weel, dhar iwm yeeshaan marka ay muddo meel ku huursanaadaan. caashacarrabdheer m.dh Qaansarroobaad; jeegaan. caashaq¹ 114 caashaq¹ m.l 1. ld cishqi. Kalgacal qoto dheer oo aadanaha labkiisa iyo dheddigiisa dhex mara; jacayl. 2. ld caashaqid. caashaq² f.g1 (-qay, -qday) 1. Qof mid kale oo cayntiisa ka duwan kalgacal qoto dheer u hayn. 2. Ku c.: markab, baabuur, xoolo iwm meel wejigooda ku aaddin. caashaqan f.mg4 (-qnaa, -qnayd) Ku c.: markab, baabuur, xolo iwm meel lagu caashaqay ahaansho. caashaqasho m.f.dh eeg caashaqo. caashaqid m.f.dh eeg caashaq². ld caashaq¹ (2). caashaqnaan m.f.dh caashaqan. ld cashaqnaansho. caashaqnaansho m.l/dh ld caashaqnaan. caashaqo f.g3 (-qday, -qatay) Ku c.: markab, baabuur, xoolo iwm meel ku abbaarasho. caashaqsan f.mg4 (-naa, -nayd) Qof, wax caashaq hayo ahaansho. caashaqsanaan m.f.dh eeg caashaqsan. ld caashaqsanaansho. caashaqsanaansho m.l/dh ld caashaqsanaan. caasi¹ m.l (-iyaal/-iyiin/-iyo, m.dh) 1. Qof wixii Eebbe faray aan fulin. 2. Qof waalidkii aan addeecin. 3. Qof madax adag, diiddo badan. caasi² f.g/mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1.(f.g) Cid eed iyo haaraan u jeedin. 2. Ku c.: qof,wixii Eebbe faray fulin waayid. 3. Ku c.: qof waalidkii addeeci waayid. caasimad m.dh (-do, m.l) Magaalammadax. caasin m.dh ld caasiyid. caasinnimo m.dh Caasi ahaansho. caasiyid m.f.dh eeg caasi². ld caasin. caasiyoobid m.f.dh eeg caasiyow. caasiyow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ku c.: caasi noqosho. caatayn m.dh ld caataysiin. caataysan f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax caato ah ahaansho. 2. Wax dallan ahaansho. caataysii f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax caato ah ka dhigid. 2. Wax dallan ka dhigid. ld caatee. caataysiin m.f.dh eeg caataysii. ld caatayn, caataysiis. caataysiis m.l ld caataysiin. caataysnaan m.f.dh eeg caataysan. ld caataysnaansho. caataysnaansho m.l/dh ld caataysnaan. caatee f.g2 (-teeyay, -taysay) ld caataysii. caatibawaa m.l.kh C. ah: caalwaa. caato m.dh 1. Caataysnaanshada. 2. C. ah: nafley hilibka iyo baruurta jirkiisu yaryartahay. 3. Hilib aan dux lahayn. caatoobid m.f.dh eeg caatow². ld caatow¹. caatow¹ m.l ld caatoobid. caatow² f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Caato noqosho. 2. Wax dallan noqosho. caaw¹ m.l ld caw¹. caaw² m.dh ld caw². caawa m.dh.fk 1. Maalinta la joogo habeenka ku soo fool leh. 2. Habeenka markaa la joogo. caawi f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay;-iyi) Cid kaalmo ama taageero u fidin. ld cawi. caawimaad m.dh ld caawino. caawimid m.dh ld caawinid. caawimo m.dh ld caawino. caawin¹ m.dh ld caawiyid. caawin² f.g1 (-imay/-inay, -intay; -imi/-ini) Cid kaalmo ama taageero u fidin. caawinaad m.dh ld caawino. caawinid m.f.dh eeg caawin². ld caawimid, cawimid, cawinid. caawino m.dh Deeq ama kaalmo loo fidiyo dad tabaalaysan. ld caawimaad, caawimo, caawinaad, cawimaad, cawimo, c caawis m.l ld caawiyid. caawiyid m.f.dh eeg caawi. ld caawin, caawis, cawin¹, cawis, cawiyid. caay¹ m.dh ld cay² (1). caay² f.g1 (caayay, cayday; caayi) ld cay³. caayan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, cay leh ahaansho. caayanaan m.f.dh eeg caayan. ld caayanaansho. caayanaansho m.l/dh ld caayanaan. caayib m.l (-byo, m.dh) Qof caajis ah oo shaqada ka wahsada. caayibnimo m.dh Caayib ahaansho. caayid m.f.dh ld eeg cay³. cab f.g1 (-bay/-bbay, -btay; -bbi) 1. Hoore si isdabajoog ah u liqid. 2. Sigaar dhuuqid. cabaad¹ m.l 1. Dhawaaq dheer oo geelu sameeyo marka la xanuujiyo. 2. Calaacal, cataw (qof). 3. ld cabaadid. cabaad² f.mg1 (-day, -dday) 1. Neef geel ah oo la xanujin si uu cabaad u sameeyo. 2. Calaacalid, catawid (qof). cabaad-dheere m.l Afkuxuuble. cabaadi f.mg2 (-iyay, -isay) Ka c.: neef geel ah xanuujin si uu cabaad u sameeyo. cabaadid m.f.dh eeg cabaad². ld caabad¹ (3). cabaadin m.f.dh eeg cabaadi. cabasho m.f.dh eeg cabo². cabayo m.dh 1. C. ah: haan qab ama argeeg ka samaysan oo loo diyariyay in caanaha lagu shubto. 2. Biyo, weel caanood lagu shubay oo yeeshay dhadhan la kahdo; cabo. cabbaad m.l ld cąbbaar. cabsanaansho 115 cąbbaar m.l (-rro, m.dh) 1. Meerisyo kuul yaryar ah, hab quruxsan la isugu tolo, rucubyo leh oo haweenka qoorta ku xirtaan. 2. Midab baraashirix ah oo lo’da iyo riyuhu yeeshaan. 3. (w) Qaab qurux badan oo dadka cayillan ama hablaha surkoodu yeesho. ld cabbaad. cabbaar¹ m.l (-rro, m.dh) 1. Waqti aan badnayn ama aan fogayn. 2. Masaafo aan dheerayn. cabbaar² m.dh (-ro, m.l) Masaafada rati rarani ku daalo. cabbaar³ f.mg1 (-ray, -rtay) Rati raran daalid. cabbaarid m.f.dh eeg cabbaar³. cabban f.mg4 (-naa, -nayd) Wax adkaysi yar leh ahaansho; nuglaansho (qof). cabbanaan m.f.dh eeg cabban. ld cabbanaansho. cabbanaansho m.l/dh ld cabbanaan. cabbane m.l Geed saliiddiisa la isku qaras falo. cabbayn m.f.dh eeg cabbee. cabbaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la cabbeeyey ahaansho. cabbaysnaan m.f.dh eeg cabbaysan. ld cabbaysnaansho. cabbaysnaansho m.l/dh ld cabbaysnaan. cabbee f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Jawaan, sanduuq iwm suuf, dhar iwm ku cidid. 2. Buntukh dhuunta xabbad u dhigid si ay dhicid diyaar ugu noqoto. cabbid m.f.dh eeg cab. ld cabid². cabbir¹ m.l (-rro, m.dh) 1. Qiyaas lagu heshiiyey oo caddeyneysa wax dhererkiisa, muuqiisa iwm. 2. Habka loo qiyaaso dherer, mug, culays iwm. 3. Qalab lagu cabbiro wax dhererkiisa, culayskiisa, muggiisa iwm. cabbir² f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax dhererkiisa xisaabid; culayskiisa miisaamid; muggiisa beegid. 2. Fikrad iwm sheegid. cabbiran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la cabbiray ahaansho. cabbir-dhuleed m.l (juqr.) Sayniska cabbiraadda qaabka iyo xajmiga dhulka oo ay ku jiraan miisaankiisa, cufnaantiisa iwm, iyo isla markaas sahaminta qaybaha waaweyn ee dhulka dushiisa ah si loo garawsado xoodnaanta dhulka. cabbire-selsiyas m.l (-rayaal …, m.l/dh) (fiis.) Cabbir heerkul ee barta barafku yahay 0ø; barta karkuna tahay 100°. Digriiga selsiyas (Summad: °C) waa 1/100 gaaliska heerkulka, waxana uu laxaad ahaan le’egyahay kelvin (°K). cabbirid m.f.dh eeg cabbir². ld cabbiris. cabbiris m.dh ld cabbirid. cabbirnaan m.f.dh eeg cabbiran. ld cabbirnaansho. cabbirnaansho m.l/dh ld cabbirnaan. cabbur¹ m.l Xirmidda sanku neeftu ku xiranto, duray, sanboor iwm awgood. ld cabburid. cabbur² f.mg1 (-ray, -rtay) Xubnaha hawomareenka neef si ciriiri ah uga soo bixid. cabburi f.g2 (-iyay, -isay) Cabbur ku ridid, neef ku celin. cabburid m.f.dh eeg cabbur². ld cabbur¹. cabburin m.f.dh eeg cabburi. cabbursan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la cabburiyey ahaansho. cabbursanaan m.f.dh eeg cabbursan. ld cabbursanaansho. cabbursanaansho m.l/dh ld cabbursanaan. cabbuul m.l ld cambuul¹. cabbuur m.l Dhismo yar oo badanaa geedo iyo caws ka samaysan oo hargaantigu u galo gorayada, marka uu gaadayo. cabdo m.dh Naf; ruux. cabeeb¹ m.l Cudur lo’da iyo carruurta ku dhaca oo nabarro afka ugu yeela, dhareerna ka keena. cabeeb² f.mg1 (-bay, -btay) Cabeeb ku dhicid (lo’ ama carruur). cabeebid m.f.dh eeg cabeeb². cabid¹ m.l ld cabiid. cabid² m.dh ld cabbid. cabiid m.l (cabiid, m.dh) Qof la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; bidde; addoon; cabid. ld cabid¹. cabiidnimo m.dh Cabiid ahaansho. cabiidsad m.l ld cabiidsasho. cabiidsamid m.f.dh eeg cabiidsan. cabiidsan f.mg1 (-amay, -antay, -ami) Addoon noqosho. cabiidsasho m.f.dh eeg cabiidso. ld cabiidsad, cabiidsi. cabiidsi m.l ld cabiidsasho. cabiidso f.g3 (-saday, -satay) Qof cabiid ka dhigasho. cabo¹ m.dh Biyo, weel caanood lagu shubay oo yeeshay dhadhan la karhado. cabo² f.mg3 (-btay, -batay) Erayo calaacal ah dhihid. cabqari m.l.kh C. ah: qof aad u caqli badan oo u aragtidheer. cabqarinnimo m.dh Cabqari ahaansho. cabsad m.l ld cabsasho. cabsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax sakhraamay ahaansho. cabsanaan m.f.dh eeg cabsan. ld cabsanaansho. cabsanaansho m.l/dh ld cabsanaan. cabsasho 116 cabsasho m.f.dh eeg cabso. ld cabsad, cabsi, cabsood. cabsi m.dh Wax dhibaato keena ama xun ama xanuun leh iwm, argaggaxa ay nafleyda uurkeeda ku abuuraan; argaggax, bixid, welwel; baqdin. cabsigeli f.g2 (-iyay, -isay) Nafley cabsi ku abuurid. cabsigelin m.f.dh eeg cabsigeli. cabsii f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley cabsi ku abuurid. cąbsii f.g2 (-iiyay, -iisay) Biyo, caano iwm nafley af ka siin. cabsiin m.f.dh eeg cabsii. ld cabsiis. cąbsiin m.f.dh eeg cąbsii. cabsiis m.l ld cabsiin. cabso f.mg3 (-saday, -satay) Ka c.: cabsi dareemid. ld cabsoo. cabsoo f.mg3 (-ooday, -ootay) ld cabso. cabsood m.l ld cabsasho. cąd m.l (-dad, m.l) 1. Gabal hilib ah. 2. C. ah: in maro, dhul, xaashi iwm ah. 3. C. ah: qof gaboobay oo aan waxba qaban karin. cad¹ m.l 1. Midabka caanaha, nuuradda iwm ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin. cad² f.mg4 (-ddaa, -ddayd; -cadcad) 1. Wax cad ahaansho. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin ahaansho. 3. Waa ka caddahay: waa liitaa. cadaab¹ m.l/dh 1. (dii.) Meel aad u kulul, dhibaato badan oo lagu ciqaabo inta Eebbe ku caasiday marka ay aakhiro tagaan; naar. 2. Dhibaato weyn; silic; rafaad. cadaab² f.g1 (-bay, -btay) 1. (dii.) Eebbe, inta caasiday naar gelin. 2. Cid ciqaabid. cadaabid m.f.dh eeg cadaab². cadaad m.l/dh (cadaad, m.dh) 1. Geed, qodxo yaryar oo qaroofan iyo xabag macaan oo la cuno leh. 2. Xiddigga lixaha ka dambeeya. cadaadi f.g2 (-iyay, -isay) Qof ciriiri gelin, dhibid. cadaadin m.f.dh eeg cadaadi. ld cadaadis¹ (3). cadaadis¹ m.l 1. Hawo c. saarid. 2. Xoogga ku dhaca halbeeg bed ah. 3. ld cadadin. cadaadis² m.l (fiis.) Xoogga lignaan u saaran halkii halbeeg ee bed ah ama waa saamiga xoogga iyo bedka. Waxa lagu cabbiiraa Baaskal ama N/m2 (H.C). cadaadis³ m.l (siyaa.) Waa dawlad awoodsheegasho ku dhisan, caddaalad darro iyo hoggaamin xumo ku darsatay. cadaadis-beege m.l (-gayaal, m.l/dh) (fiis.) Qalabka loo isticmaalo in lagu cabbiro cadaadiska gibilka. Qaabkiisa ugu sahlan waxa loo yaqaan cadaadis beegaha meerkari; meerkaridaas oo ku jirta dhululubo qarsho ah oo xiran oo lagu gembiyay meerkari kale oo weel ku jirta; meerkaridaas ku jirta dhululubada waxay ismiisamayaan culayska gibilka, dherekeeduna wuxuu ku siinayaa cabbirka culayska cadaadiska gibilka. Heerka meerkarida ee dhululubada ku jirta wuxuu tusinayaa celceliska cadaadiska gebilka ee bad la simanta. cadaadis-ekeeye m.l (-kayaal, m.l/dh) (juqr.) Xarriiq ku yaal khariidad ama kaarto dusheed oo isku xira meelaha cadaadis gibilkoodu isla egyahay. cadaadis-gibileed¹ m.l (-dyo, m.dh) (fiis.) Culayska saaran bar ee ka dhasha cadaadiska hawada ka sarraysa bartaas. cadaadis-gibileed² m.l (-dyo, m.dh) (fiis.) Cadaadiska ka dhasha culeyska hawada ee ka saaraysa bar kasta oo ku taal oogada dhulka. Marka laga qiyaaso heerka badda, gibilku waxa uu celin karaa tiir meerkaari oo jooggiisu yahay 760 mm. Cadaadiskaas wuu sii yaraadaa marka sare loo sii kaco. Qiimo beegaalka c. g. (heerka badda ee halbeegga (H.C.) waa 1.01325 x 10 5 Baaskal (N/m2). cadaadis-hoose m.l (juqr.) Gobol cadaadis gibilkiisu uu ka hoseeyo kan gobollada ku wareegsan. cadaadis-qaybeed m.l (fiis.) Cadaadiska guud ee iskujirka neefuhu waxa uu le’egyahay wadarta c. q.dyada xubnaha neefaha ka dhalan lahaa haddii ay neef kasta keli ahaanteed buuxin lahayd weelka. Dhab ahaan, xeerkani waxa uu sax ku yahay neefaha mitaaliga ah. cadaadis-siimow m.l (baay.) Marka milanka laga sooco mile saafi ah iyada oo loo dhaxaysiinayo xuub badh habe, miiluhu waxaa uu u gudbiyaa milanka si uu uga hortago marinka miilaha ayaa loo yaqaan c. s. cadaadis-uumi m.l (fiis.) Cadaadiska uu uumi dhaliyo. Marka uu uumigu la dheelitiranyahay hoorkiisa, cadaadiska uumigu waxa uu ku xiranyahay heerkulka hoorka, waxana loo yaqaanaa caadadiska uumiga dheregsan (CUDh). cadaadis-yar m.l (-yo …, m.dh) (juqr.) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo marka loo eego meelaha ku wareeraysan, mararka qaarkood waxaa loo yaqaan gufaaco. cadaadsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la cadaadiyey ahaansho. caddaan¹ 117 cadaadsanaan m.f.dh eeg cadaadsan. ld cadaadsanaansho. cadaadsanaansho m.l/dh ld cadaadsanaan. cadaawad m.dh ld cadaawo. cadaawannimo m.dh Cadaw ahaansho. cadaawe m.l (-wayaal, m.l/dh) 1. Qof ama dad badan oo cid kale colaad iyo xumaan u haysa; cadaawe. 2. Qof aan naxariis lahayn. ld cadow. cadaawo m.dh Nacayb iyo colaad qof cid u hayo. ld cadaawad. cadadaysan f.mg4 (-naa, -nayd) ld cadcadaysan. cadadaysnaan m.dh ld cadcadaysnaan. cadadaysnaansho m.l/dh ld cadcadaysnaan. cadadee f.g2 (-deeyay, -deysay) ld cadcadee. cadadeyn m.dh ld cadcadeyn. cadadi m.l/dh (-iyo, m.dh) Lacagta inteeda birta ah; qaddaaddiic; sanuud. cadadoobid m.dh ld cadcadoobid. cadadow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) ld cadcadow. cadanyo m.dh Cuncun oogada laga dareemo. ld cadayo¹, canaanyo, cananyo. cadanyoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Cadanyo dareemid. ld cadayoo, canaanyoo, cananyoo. cadanyood m.f.l eeg cadanyood. ld cadayood, canaanyood, cananyood. cadar m.l 1. Wakhti daruuro badan oo aan da’ayn ay isku gudbaan fallaaraha iyo kulaylka qorraxda. 2. Xilli qabow oo aan roob da’ayn. 3. ld catar. Barafuun; catar. caday m.l 1. (caday, m.dh) Geed abaareed laamihiisa ama xididdadiisa ilkaha lagu nadiifiyo oo leh miro yaryar, gudguduudan, macaan oo la cuno. 2. (-yo, m.dh) Laan dhuuban ama xidid ilkaha lagu nadiifiyo; rumay. cadayasho m.f.dh eeg cadayo². cadayo¹ m.dh ld cadanyo. cadayo² f.g3 (-yday, -yatay) Ilko caday ku nadiifsasho. cadayoo f.mg3 (-ooday, -ootay) ld cadanyoo. cadayood m.l ld cadanyood. cadbaar m.l (cadadbaar, m.l) (daaw.) Cad yar oo laga jaro xubin ka mid ah jirka si loogu baaro waynaysada waana habka ugu saxsan oo lagu sugo aqoonsiga kansarka. cadcad¹ m.l Waxaro yaryar oo aan weli ababin. cadcad² f.mg4 (-ddaa, -ddayd) 1. Ka c.: qof, qof kale ka firfircoon ahaansho. 2. Bar cadcad lahaansho. cadcadaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la cadcadeeyey ahaansho. ld cadadaysan. cadcadaysnaan m.f.dh eeg cadcadaysan. ld cadcadaysnaansho, cadadaysnaan, cadadaysnaansho. cadcadaysnaansho m.l/dh ld cadcadaysnaan. cadcaddaan m.f.dh eeg cadcad. ld cadcaddaansho. cadcaddaansho m.l/dh ld cadcaddaan. cadcaddee f.g2 (-deeyay, -deysay) Roob da’ay biyo aan badnayn oo aan rays fiican yeelan karin dhigid. cadcaddey m.dh Ubad xoolaad oo caano nuug ah. cadcaddeyn m.f.dh eeg cadcaddee. ld cadcaddeys (2). cadcaddeys m.l 1. Roob yar aan dhulka biyo dhigin. 2. ld cadcaddeyn. cadcaddo m.l 1. Nooc dhuugga ka mid ah, yaryar, leh midab cad oo meeshi uu ku dhego aan si sahlan uga kicin. 2. C. ah: roob yar oo aan dhulka biyo dhigin. cadcadee f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax gaballo yaryar ka dhigid. ld cadadee. cadcadeyn m.f.dh eeg cadcadee. ld cadadeyn. cadcadoobid m.f.dh eeg cadcadow. ld cadadoobid. cadcadow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax cadcad ah noqosho. ld cadadow. cadceed m.dh 1. Xiddigta weyn oo dhulka iyo meerayaasha kale ku meeraystaan, iftiin leh; qorrax. 2. Iftiinka qoraaxda ee barqada iyo galabta. cadceed-dhac m.l Qorraxdhac. cadceedsad m.l ld cadceedsasho. cadceedsasho m.f.dh eeg cadceedso. ld cadceedsad, cadceedsi. cadceedsi m.l ld cadceedsasho. cadceedsidhac m.l Qorraxsidhac. cadceedso f.mg3 (-saday, -satay) 1. Galab dhanka qorraxdu jirto aadid. 2. Diinkabixid; gaaloobid. 3. Jid ama meel ka habaabid. cadceedsoobax m.l Qorraxsoobbax. caddaad m.l 1. ld caddow 1. Cudur dadka ku dhaca oo oogadu cadcaddaato; baras. 2. Dhar midab baxay. caddaalad m.dh Maamul ku dhisan eex la’aan. caddaaladdarro m.dh Fal ay eexi ku jirto. caddaaladxumo m.l Fal ay eexi ku jirto. caddaamad m.dh ld caddaan¹. caddaambuluug m.l Midab buluug ah oo caddaan xigeen ah. caddaan¹ m.l 1. Midabka cad. 2. Dadka inta midabkoodu cadyahay. 3. C. ah: lacag wax lagu kala iibsaado oo aan badeeco ahayn. 4. Daacadnimo; run. 5. Dhagax dumnadeed aan dhibco lahayn. ld caddiin. caddaan² 118 caddaan² m.f.dh eeg cad². ld caddaansho. caddaan-bibanji m.l (-iyo, m.dh) ld caddaanbibiish. caddaan-bibiish m.l (-shyo, m.dh) Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad dhinacna shan dhibcood ku leh. ld biish-bicaddaan, caddaan-bibanji. caddaan-bidooh m.l (-hyo, m.dh) Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talagalay dhinac ka cad, dhinacna laba dhibcood ku leh. ld dooh-bicaddaan. caddaan-bijoohaar m.l (-ro, m.dh) Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad, dhinacna afar dhibcood ku leh. ld joohaar-bicaddaan. caddaan-bisaliim m.l (-mo, m.dh) Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad, dhinacna saddex dhibcood ku leh. ld saliim-bicaddaan. caddaan-bishiis m.l (-syo, m.dh) Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad, dhinacna lix dhibcood ku leh. ld shiish-bicaddaan. caddaan-biyeeg m.l (-gyo, m.dh) Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad, dhinacna hal dhibic ku leh. ld yeeg-bicaddaan. caddaansadaf m.l Midab caddaan xigeen ah oo dhalaal ku jiro. caddaansho m.l/dh eeg caddow². ld caddaan². caddaato m.dh Daruur waqti galabnimo ah biyo yar sii daysay. caddad m.l (-dyo, m.dh) 1. Wax tiro ahaan inta uu ka koobanyahay. 2. Wargeys, qoraal iwm oo si isdabajoog ah u soo baxa, lambarka ay leyihiin inta isku mar soo baxda. caddadhuuni m.dh Shimbir yar garbaha ka madow, baalashana midab dahabi ah ku leh; dahabo. caddallool¹ m.l Ciyaar carruureed ilmuhu qoray la tuurayo ay ku ciyaaraan habeenkii iyaga oo labo labo koox isagasoo horjeeda. caddallool² f.g1 (-oolay, -ooshay) Caddaallool ciyaarid. caddalloolid m.f.dh eeg caddallool². caddayn m.f.dh eeg caddee. ld caddays (3). caddays m.l 1. Shaah caano yar lagu daray. 2. In yar oo caano ah oo loogu talaggalay in shaah lagu caddeeyo. 3. ld caddayn. caddaysad m.l ld caddaysasho. caddaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax la caddeeyey ahaansho. 2. Wax caano lagu daray ahaansho (shaah). caddaysasho m.f.dh eeg caddayso. ld caddaysad, caddaysi. caddaysi m.l ld caddaysasho. caddaysimo m.l.kh 1. C. ah: neef la rarto o aan rar saarnayn. 2. C. ah: fallaar aan waabaayo la marin. ld caddaysin. caddaysin m.l ld caddaysimo. caddaysnaan m.f.dh eeg caddaysan. ld caddaysnaansho. caddaysnaansho m.l/dh ld caddaysnaan. caddayso f.g3 (-stay, -satay) 1. Wax caddaan ka dhigasho. 2. Qof arrin iwm ee uu qarsanayey soo bandhigasho. 3. Shaah caano ku darsasho. 4. Neegatiif iyadoo kiimiko lagu meyrayo muuqaal u xambaarsanaa warqad ku muujisasho. caddee f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Wax caddaan ka dhigid. 2. Arrin la qarinayey soo bandhigid. 3. Shaah caano ku darid. 4. Neegatiif kiimiko ku meyrid si muuqaal uu xambaarsanaa warqad loogu soo saaro. caddi m.dh ld caddaan¹; ld caddo. caddib¹ m.l 1. Luggooyo; kadeed. 2. ld caddibid. caddib² f.g1 (-bay, -btay) 1. Cid shiddo iyo dhibaato gaarsiin. 2. Cid luggooyo badid. caddibaad m.dh ld caddibid. caddiban¹ f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax la caddibay noqosho. caddiban² f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la caddibay ahaansho. caddibid m.f.dh eeg caddib². ld caddib¹ (2), caddibaad. caddibmid m.f.dh eeg caddiban¹. caddibnaan m.f.dh eeg caddiban². ld caddibnaansho. caddibnaansho m.l/dh ld caddibnaan. caddidiif m.dh Harag yar oo ka dillaaca ciddida labadeeda dhinac. ld ciddidiif. caddiin m.l ld caddaan¹. cąddiin m.dh (-iimo, m.l) Hilibka intiisa cad; baruur. caddiir m.l (-rro, m.dh) ld catiir (2). caddil¹ m.l ld caddilid. cąddil¹ m.l ld cąddilid. caddil² f.g1 (-ilay, -ishay) Wax caddilan ka dhigid. cąddil² f.g1 (-ilay, -ishay) 1. Fal dhici lahaa ka daahid iyadoo cid loo eersanayo. 2. Isu c.: wax isu dheelli tirid. caddilaad m.dh ld caddilid. cąddilaad m.dh ld cąddilid. caddilan¹ f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la caddilay noqosho. cagaagsan 119 caddilan² f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la caddilay ahaansho. caddilid m.f.dh eeg caddil². ld caddil¹, caddilaad. cąddilid m.f.dh eeg cąddil². ld cąddil¹, cąddilaad. caddilmid m.f.dh eeg caddilan¹. caddilnaan m.f.dh eeg caddilan². ld caddilnaansho. caddilnaansho m.l/dh ld caddilnaan. caddilnimo m.dh Caddaalad, gar, garsoor, garsoornimo. caddo m.dh 1. Dayaxa labadiisa toddobaad ee hore. 2. Habayn dayax leh. caddood m.l.kh C. ah: meseggo cad. caddow¹ m.l ld caddaad (1). caddow² f.mg3 (-daaday, -daatay) Wax cad noqosho. cadduun m.l Dhul ciiddiisu jilicsantahay, aan boor lahayn oo geedgaab ka baxa. cadduuro m.dh 1. Geedgaab leh caleen iyo miro yaryar oo ka baxa meelaha biyo mareenka ahi. 2. Midab cagaar khaafiif ah leh. cadee f.g2 (-eeyay, -eysay) Neef la qalayo hilibkiisa xubin xubin u goyn. cadeyn m.f.dh eeg cadee. cadgo’¹ m.l Dhibaato hakisa dhaqdhaqaaqa; muruqgo’. cadgo’² f.mg1 (-‘ay, -‘day) Muruqyada, dhibaato xanuun leh oo hakisa dhadhaqaaqa ku dhicid; muruqgo’. cadgo’id m.f.dh eeg cadgo’². cadgoo f.mg2 (-ooyay, -oysay) U c.: qof cayroobay kaalmayn; qof wax aan filanayn siin; qof tartan ku jira garab siin. cadgoosasho m.f.dh eeg cadgooso. cadgooso f.mg3 (-stay, -satay) Ka c.: cid godob ka gashay ka aarsasho. cadgoyn m.f.dh eeg cadgoo. cadh m.dh Dhibco-dhibcaha ka soo horreeya daruur markaas di’id bilaabaysa. cadhayn m.f.dh eeg cadhee. cadhee f.g2 (-dheeyay, -dhaysay) 1. Cadho ku daarasho. 2. Dhaliicayn. cadho¹ m.dh Cudur nabarro iyo cuncun badan oo lays qaadsiyo. cadho² m.dh (daaw.) Caallir maqaarka oo uu keeno “sarcoptes scabiei”. Cadhadu waxay caan ku tahay cuncun badan weliba habeenkii, finan cascas, iyo aalaba caallir kale oo ka dul taga dhiigga. Deriskunoolka waxay dhex jeexdaa maqaarka ukumaheedana ku daadisaa, yaryarka ukunta ka soo baxana si sahlan ayey qofka kale u raaci karaan. cadhoobid m.f.dh eeg cadhow. cadhow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax cadho ku dhacday noqosho. cadow m.l (-wyo, m.dh) ld cadaawad. cadownimo m.dh Cadow ahaansho. cadowti m.dh ld cadowtinnimo. cadowtinnimo m.dh Dareenka colaad iyo xumaan ee laba qof ama ka badan isu hayaan. ld cadowti, cadowtooyo. cadowtooyo m.dh ld cadowtinnimo. cadrad m.dh (-do, m.l) Bikrad. caduur m.l ld caduuro. caduuro m.dh Geed leh caleemo yaryar, miro kuuskuusan, macaan iyo laamo dhuudhuuban. ld caduur. cadwoob m.l (baay.) Jidh huruud ah oo ku dhex samaysma moqorka Goonka garaaf ee ilma galeenka naasleyda marka ay ukunta sii daayaan kaddib. Waxay dhiiqdaa hormoonka borojestaroon. cafaariid m.dh.w eeg cirfiid. cafash m.l Alaab badan, duug ah, noocya badan isugu jirta oo aan qiimo lahayn. ld xafash. cafi¹ m.l ld cafis. cafi² f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) Dembi ama qaan cid gashay u dhaafid. cafiif m.l.kh C. ah: suubban; san; aamin ah; lillaahi ah; toosan. cafiifnimo m.dh Cafiif ahaansho. cafin m.dh ld cafiyid. cafis m.l (-syo, m.dh) U dhaafidda dembi ama qaan cid gashay. ld cafi¹. cafiyid m.f.dh eeg cafi². ld cafin. cag m.dh (-go, m.l) 1. Canqawga inta ka hooseysa ee lugta dadka ama nafleyda qaarkeed. 2. (fk) C.ta/c.aha: imminka; hadda. cagaag¹ m.l 1. Wax sida dhagax, gaxandho iwm oo cagaha waxyeela marka kabo la’aan lagu socdo. 2. Meel leh dhagax, gaxandho iwm oo cagaha waxyeela marka kabo la’aan lagu socdo. 3. Dhibaatada caguhu ka mutaan marka lagu socdo meel leh dhagax, qaruurax, gaxandho iwm. 4. ld cagaagid. cagaag² f.mg1 (-gay, -gtay) Cagaag dareemid. cagaagan f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax aan kabo haysan ahaansho. cagaagid m.f.dh eeg cagaag². ld cagaag¹ (4). cagaagnaan m.f.dh eeg cagaagan. ld cagaagnaansho. cagaagnaansho m.l/dh ld cagaagnaan. cagaagsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cagaag
No comments