Breaking News

Qaamuuska 3aad

cagaagsanaan 120 cagaagsanaan m.f.dh eeg cagaagsan. ld cagaagsanaansho. cagaagsanaansho m.l/dh ld cagaagsanaan. cagaaji f.g2 (-iyay, -isay) Wax si ay meel uga fogaadaan aad u cayrin. cagaajin m.f.dh eeg cagaaji. ld cagaajis. cagaajis m.l ld cagaajin. cagaar m.l 1. Midab u eg kan caleenta iyo cawska marka ay dooganyihiin. 2. Doog. 3. Qudaar. cagaaran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax cagaartay ahaansho. cagaarasho m.f.dh eeg cagaaro. cagaari f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax cagaar ka dhigid. 2. (f.mg) Caano la lulayo dhibcihii ugu horreeyey oo subagga ahaa bilaabid. cagaarin m.f.dh eeg cagaari. ld cagaaris. cagaaris m.l ld cagaarin. cagaariye m.l (-yayaal, m.l/dh) (baay.) Walaxda mas’uulka ka ah midabka cagaaran ee dhirta badidoodu leedahay, molikiyuulka cagaariyuhu waa xudunta ugu muhimsan ee nuugista ilayska marka la eegayo falgallada ilayska ee footoosintasiska. cagaarnaan m.f.dh eeg cagaaran. ld cagaarnaansho. cagaarnaansho m.l/dh ld cagaarnaan. cagaaro f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Wax cagaar noqosho. 2. Caano la lulayo firfiryeelasho. cagaarshow m.l 1. Cudur dadka ku dhaca,beerka waxyeeleeyo, oo indhaha iyo kaadida cagaarsha. 2. (daaw.) Hurdi noqoshada ama cagaarashada jirka meelo ka mid ah sida: maqaarka, caddaanka indhaha; taas oo tilmaameysa biilirubiinka oo dhiigga ku badan. ld Indhacaseeye. cagaarside m.l (-dayaal, m.l/dh) (baay.) Cagaarside laga helo unugyada dhirta waaweyn iyo aljiga. Marka laga reebo cagaarbuluugga ah dhirta waaweyn. C.duhu wuu wareegsanyahay sida saxanka oo kale, laakiin ka aljigu wuu muuqaalo badanyahay. cagaaryahan m.l (-nno, m.l) Dad qudaarta ku nool oo aan hilibka cunin. cagabbaruur m.l (-rro, m.dh) 1. Dhasha yaryar ee libaaxa. 2. Ilmo aad u cayilan oo aan socod weli gaarin. cagabbeel¹ m.l Hanti yar oo la siiyo qof baadi doonay. cagabbeel² f.mg1 (-eelay, -eeshay) Ku c.: qof, baadidoon daal badan kala kulmid. cagabbeelid m.f.dh eeg cagabbeel². ld cagabbeelis. cagabbeelis m.dh ld cagabbeelid. cagacad f.mg4 (-ddaa, -ddayd) Wax aan kabo xiranayn ahaansho. cagacaddaan m.f.dh eeg cagacad. ld cagacaddaansho. cagacaddaansho m.l/dh ld cagacaddaan. cag-adayg m.l Dhul aan la budlin oo ciiddiisu adagtahay. cagadhabad m.l ld cagadhabasho. cagadhabasho m.f.dh eeg cagadhabo. ld cagadhabad. cagadhabo f.mg3 (-btay, -batay) Caga dhulka la dhicid. cagadhigasho m.f.dh eeg cagadhigo. cagadhigo f.g/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Wax duulaya sida haad, dayuurad iwm dhulku degid. 2. (f.mg) Nafley socota ama caraysan xasilid. cagaf m.dh (-gfo, m.dh) Cagta geela. ld cuguf. cagafcagaf¹ m.l/dh (-fyo, m.dh) Gaari xoog badan, leh lugo rabar ama bir ah oo beeraha lagu falo ama lagu geed qaado. cagafcagaf² m.dh.sh.r C. leh: cod lagu muujiyo meermeeridda. cagag m.l Weel gun gaaban. cagaggubyo m.dh Kulka cagta nafleydu dareento markay kulaylka qorraxdu ku dhacdo ciidda. ld cagagubad. cagaggubyoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Cagagubyo dareemid. cagaggubyood m.f.l eeg cagaggubyoo. cagago m.dh Nabarro salka carrabka ee dadka iyo geela ka soo baxa. cagagubad m.l ld cagaggubyo. cagajiid¹ m.l 1. Socod aayar ah oo wahsi ku jiro. 2. C. ah: si aan caddaan ahayn u diidid wax loo diray. 3. ld cagajiidid. ld ciddijiid¹. cagajiid² f.mg1 (-day, -dday) Wax si cagajiidnimo ah u samayn. ld ciddijiid². cagajiidid m.f.dh eeg cagajiid². ld cagajiid¹ (3), ciddijiidid. cagajiidnimo m.dh Cagajiid ahaansho. cagajugle m.l 1. Dhaar iyo handadaad cid loo jeediyo si loo cabsi geliyo. 2. ld cagajugleyn. cagajuglee f.mg2 (-leeyay, -leysay) U c.: qof si loo cabsi geliyo dhaar iyo handadaad u jeedin. cagajugleyn m.f.dh eeg cagajuglee. ld cagajugle (2). cagasaar m.dh (-ro, m.dh) Meel la korayo ama laga degayo meelaheeda kala korreeya ee cagta la sii saarto. cagataallayn m.f.dh eeg cagataallee. cagataallee f.mg2 (-leeyay, -leysay) Hawl laysu diray oo qabashadeeda la diiddanyahay ka warwareegid. calaamadaysad 121 cagayn m.f.dh eeg cagee. cagcagaar m.l.u Qudaar; khudrad. cagee f.g2 (-geeyay, -gaysay) Cid cag la dhicid. cageysad m.l ld cageysasho. cageysasho m.f.dh eeg cageyso. ld cageysad, cageysi. cageysi m.l ld cageysasho. cageyso f.g3 (-stay, -satay) Neef irmaan sacab ku maalid. cagi m.dh 1. Wakhtiga markaa la joogo; haddeer; imminka. 2. Meel. cag-qoolaaban m.dh (daaw.) Qaabdarro cageed oo lagu dhasho saameyn kartana hal cag ama labada cagoodba taasoo qofka qaba uusan cagta cad wada dhig karin dhulka. Nooca ugu badan (Talipes Equinovaris) lugtu waxay u godontahay hoos waxayna u qalloocantahay gudaha sidaas darteed qofka qaba wuxuu u socdaa girgirka dibadda xiga ee dusha cagta. cagsalaax m.l Cudur geela cagaha ka gala oo aysan tuluddu ku joojin karin cagafta jirran, in ay dhulka ku xoqayso mooyee. cagsi m.l Ka soo hor jeedo; lid. ld caksi. cahdi m.l (-iyo, m.dh) Ballan adag oo lagu heshiiyo. ld axdi. cajaa’ib m.l Wax aad loola yaabo. cajab¹ m.dh Yaab. cajab² f.mg1 (-bay, -btay) La c.: wax la yaabid. cajabi f.g/mg2 (-iyay, -isay) C./ka c.: qof yaab ku abuurid. cajabid m.f.dh eeg cajab². cajabin m.f.dh eeg cajabi. cajalad m.dh (-do, m.l) Qalab ka kooban laba qalbac oo caag ah, dhexdana ku leh mullaax dheer oo codka lagu duubo. cajar m.l (-ro, m.dh) Bowdo. cajiib m.l 1. C. ah: wax qaabkii dabiiciga ahaa ee lagu yaqiin ka duwan. 2. (e.d) Waa yaab! cajiimid m.f.dh eeg cajiin². cajiin¹ m.l/dh 1. Budo meseggo ama galley oo biyo lagu rafaaqay. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur laysku qasay oo canjeelo laga sameeyo. cajiin² f.g1 (-iimay, -iintay; -iimi) 1. Biyo ku rafaaqid budo meseggo ama galley. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur isku qasid si canjeelo looga sameeyo. cajil m.l (-llo, m.dh) Derin duug ah. cajis¹ m.l ld caajis¹. cajis² f.mg1 (-say, -stay) ld caajis². cajisad m.dh ld caajisad. cajisan f.mg4 (-snaa, -snayd) ld caajisan. cajisi f.g2 (-iyay, -isay) ld caajisi. cajisid m.dh ld caajisid. cajisin m.dh ld caajisin. cajisnaan m.dh ld caajisnaan. cajisnaansho m.l/dh ld caajisnaan. cajisnimo m.dh ld caajisnimo. cajuus m.l (-siin/-syo, m.dh) Nin aad u gaboobay oo leh dhaqan la dhibsado. cajuusad m.dh Naag aad u gabowday oo leh dhaqan la dhibsado. ld cajuuso. cajuuso m.dh (-ooyin, m.l) ld cajuusad. cajuusoobid m.f.dh eeg cajuusow. cajuusow f.mg1 (-oobay, -owday) Cajuus noqosho. cakaw m.l (-wyo, m.dh) Carjawda ku taal dhegta gudaheeda ee uu codku ku dhaco. cakis¹ m.l ld cakisid. cakis² f.g1 (-say, -stay) 1. Wax ama qof joojin. 2. Wax rafaaqid; cajiimid. 3. Qof dilid. cakisan¹ f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la cakisa noqosho. cakisan² f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la cakisay ahaansho (bur, timir, dhoob, iwm). cakisid m.f.dh eeg cakis². ld cakis¹. cakisnaan m.f.dh eeg cakisan². ld cakisnaansho. cakisnaansho m.l/dh ld cakisnaan. caksi m.l ld cagsi. caku e.d Erey la yiraahdo kolka wax la kahdo. cal¹ m.l Baadiye jiq ah. cal² m.dh (-lo, m.l) 1. Buur aad u dheer. 2. Buur taxane ah. calaacal¹ m.l 1. ld calaancal 1. Hadal beerlaxawsi leh oo lagu muujinayo dhibaato dhacday oo taakulayn u baahan. 2. ld calaacalid. calaacal² m.dh (-lo, m.l) Gacanta dadka inteeda hoose ee cad; baabbaco; sacab. calaacal³ f.mg1 (-alay, -ashay) Ka c.: cid dhibaato ku dhacday, erayo beerlaxawsi leh cid kale u jeedin. ld calaancal². calaacalid m.f.dh eeg calaacal³. ld calaacal¹, calaancal¹, calaancalid. calaal¹ m.l ld callaal¹. calaal² f.g1 (-aalay, -aashay) ld callaal². calaalad m.l ld callaalasho. calaalasho m.dh ld callaalasho. calaalid m.dh ld callaalid. calaalo f.g3 (-aashay, -aalatay) ld callaalo. calaaloobid m.f.dh eeg calaalow. calaalow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Calal ama wax duugoobay noqosho. calaamad m.dh ld calaamo. calaamadayn m.dh ld calaamadin. calaamadaysad m.l ld calaamadsasho. calaamadaysan 122 calaamadaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la calaamadeeyey ahaansho. ld calaamadsan, calaamaysan. calaamadaysasho m.dh ld calaamadsasho. calaamadaysi m.l ld calaamadsasho. calaamadaysnaan m.f.dh eeg calaamadaysan. ld calaamadsanaan, calaamadsanaansho, calaamaysnaan, calaamadaysnaansho m.l/dh ld calaamadaysnaan. calaamadayso f.g3 (-stay, -satay) ld calaamadso. calaamadee f.g2 (-deeyay, -deysay) ld calaamadi. calaamadi f.g2 (-iyay, -isay) Wax calaamo u yeelid. ld calamadee, calaamee. calaamadin m.f.dh eeg calaamadi. ld calaamadayn, calaamayn. calaamadsad m.l ld calaamadsasho. calaamadsan f.mg4 (-naa, -nayd) ld calaamadaysan. calaamadsanaan m.dh ld calaamadaysnaan. calaamadsanaansho m.l/dh ld calaamadaysnaan. calaamadsasho m.f.dh eeg calaamadso. ld calaamadsad, calaamadsi, calaamadaysad, calaamaday calaamadsi m.l ld calaamadsasho. calaamadso f.g3 (-saday, -satay) Wax calaamaad u yeelasho. ld calaamadayso, calaamayso. calaamatu-su’aal m.dh (-llo, m.dh) Astaan weyddiineed. calaamayn m.dh ld calaamadin. calaamaysad m.l ld calaamadsasho. calaamaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) ld calaamadaysan. calaamaysasho m.dh ld calaamadsasho. calaamaysi m.l ld calaamadsasho. calaamaysnaan m.dh ld calaamadaysnaan. calaamaysnaansho m.l/dh ld calaamadaysnaan. calaamayso f.g3 (-stay, -satay) ld calaamadso. calaambereg m.l ld calaamberi calaamberi m.l Nooc ka mid ah quraanyada waaweyn oo midabbo kala duwan leh oo jecel macaanka. ld calaambereg, calaameleg. calaamee f.g2 (-meeyay, -meysay) ld calaamadi. calaameleg m.l ld calaamberi calaamo m.dh 1. (-ooyin, m.l) Tilmaan gaar ah oo wax leeyahay oo waxyaabaha la nooca ah looga garto; astaan. 2. Belo; masiibo. 3. C. ah: curyaan. ld calaamad. calaan m.l (-nno, m.dh) 1. Qof garaadkiisu aad u yaryahay. 2. Cilin. calaancal¹ m.l ld calaacal¹. calaancal² f.mg1 (-alay, -ashay) ld calaacal³. calaancalid m.dh ld calaacalid. calaanji¹ m.l ld calaanjiyid. calaanji² f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Cunno meyrax iwm gowsaha ku jilcin. 2. Wax si aan habboonayn isugu qasid. calaanjin m.dh ld calaanjiyid. calaanjis m.dh ld calaanjiyid. calaanjiyid m.f.dh eeg calaanji². ld calaanji¹, calaanjin, calaanjis. calaaqaad m.l ld calaaqo. calaaqad m.dh ld calaaqo. calaaqo m.dh (-ooyin, m.l) Xiriirka ka dhexeeya laba qof, dowlado iwm. ld calaaqaad, calaaqad, cilaaqaad, cilaaqad, cilaaqo. calaa-xaal fk. Tacbaan ahaansho (dhaqaale iwm). Tus. “Waa tacbaan c.”. calaf¹ m.l 1. Dheef xag Ilaah ka qoran; risiq. 2. Nasiib. calaf² m.dh (-lfo, m.l) Kab duug ah. calaf³ f.g1 (-lfay, -laftay; -lfi) 1. U c.: Ilaah, cid wax risiq ugu dhigid. 2. U c.: Ilaah, cid wax nasiib ahaan u siin. calafsad m.l ld calafsasho. calafsasho m.f.dh eeg calafso. ld calafsad, calafsi, calfad, calfasho. calafsi m.l ld calafsasho. calafso f.g3 (-saday, -satay) Wax calaf ka dhigasho. ld calfo. calako m.dh Haweeney aad nacas u ah. calakonnimo m.dh Calako ahaansho. calakud m.dh.u Nooc deerada ka mid ah oo buuraha ku nool. calal m.l (-llo, m.dh) 1. Maro aad duug u ah. 2. Cad maro ah. calalayn m.f.dh eeg calalee. calalee f.g2 (-leeyay, -laysay) Maro, calal ka dhigid. calali f.g2 (-iyay, -isay) Cunto, meyrax iwm gowsaha ku jilcin. calalin m.f.dh eeg calali. ld calalis (2). calalis m.l 1. Cuntada inteeda la calashado. 2. ld calalin. calaloobid m.f.dh eeg calalow. calalow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Calal noqosho. calalsad m.l ld calalsasho. calalsasho m.f.dh eeg calalso. ld calalsad, calalsi, calashad, calashi. calalsi m.l ld calalsasho. callaalasho 123 calalso f.g3 (-saday, -satay) Cunto gowsaha ku burburin. ld calasho. calan¹ m.l (-ammo/-nno, m.dh) 1. Cad maro ah oo dowlad, hay’ad, maamul iwm astaan u ah. 2. Midab madow oo ay iduhu qaarka hore ku yeeshaan. calan² m.dh Barwaaqo, caafimaad iwm oo ka muuqda xoolaha jirkooda. calandejin m.dh Calan dejinta. calanhaye m.l (-yayaal, m.dh) Ciyaarta kubbadda cagta labada qof ee garsooraha caawiya midkood. ld calanwale. calannaqsad m.l ld calannaqsasho. calannaqsasho m.f.dh eeg calannaqso. ld calannaqsad, calannaqsi, calyannaqsasho, calyannaq calannaqsi m.l Soo celinta iyo calalinta ay xooluhu ku sameeyaan cuntada calooshooda ku jirta. ld calannaqsasho. calannaqso f.mg3 (-saday, -satay) Calannaqsi sameyn. ld calyannaqso. calansaar m.l Maalinta dowladi calankeeda qaadato. ld calansaarid. calansaarid m.dh ld calansaar. calanwale m.l (-layaal, m.l/dh) ld calanhaye. calanwallee f.mg2 (-leeyay, -leysay) 1. Calan ruxid. 2. Muddo barwaaqo iyo rayrayn ku noolaasho. calanwalleyn m.f.dh eeg calanwallee. calaqaad f.g1 (-day, -dday) Wax calalin; raamsi. calaqaadid m.f.dh eeg calaqaad. calaqad¹ m.l (-dyo, m.dh) Nin madax ka ah ciyaarta mingiska. calaqad² m.dh (-do, m.l) Haweeney madax ka ah ciyaarta mingiska. calas¹ m.l.kh 1. C. ah: biyo saafi ah. 2. C. ah: maraq dufankiisu yaryahay. 3. C. ah: midab casaan xigeen ah; maarniin. calas² m.dh 1. Biyo ama fuud aan miir ahayn calow galay, qasan. 2. Midabyo isku laban (xoolaha). calasee f.g2 (-seeyay, -seysay) 1. Dhul qashin ka nadiifin. 2. Biyo calas ka dhigid. calaseyn m.dh eeg calasee. calashad m.l ld calalsasho. calashi m.l ld calalsasho. calasho f.g3 (-shaday, -shatay) ld calalso. calcalyo m.dh Biyo xareed, saafi ah. caleemasaar¹ m.l U boqridda cid loo boqro in ay bulsho madax u noqoto. ld caleemasaarid. caleemasaar² f.g1 (-ray, -rtay) Qof in uu bulsho madax u noqdo u boqrid. ld caleensaar². caleemasaarid m.f.dh eeg caleemasaar². ld caleemasaar¹, caleensaar¹, caleensaarid. caleemaysad m.l ld caleemaysasho. caleemaysasho m.f.dh eeg caleemayso. ld caleemaysad. caleemayso f.mg3 (-stay, -satay) Geed caleen yeelasho. caleen m.dh (-eemo, m.l) 1. Geedka qeybtiisa laamaha ka baxda ee u sameysa cuntada. 2. Caleenta geedka shaaha. caleendhacsad m.l ld caleendhacsasho. caleendhacsade m.l (bot.) Geedka lumiya ama ay ka hoobtaan caleemaha xilliyada qaarkood. caleendhacsasho m.f.dh eeg caleendhacso. ld caleendhacsad, caleendhaacsi. caleendhacsi m.l ld caleendhacsasho. caleendhacso f.mg3 (-saday, -satay) Caleemo iska ridid (geed). caleen-iskudhisan m.dh (-eemo …, m.l) (bot.) Caleenta iskudhisani waxay leedahay baabaca caleen u qaybsan caleen yarooyin girigirkoodu gaarsiisanyahay aroore caleenta. caleensaar¹ m.l ld caleemasaarid. caleensaar² f.g1 (-ray, -rtay) ld caleemasaar². caleensaarid m.dh ld caleemasaarid. caleensad m.l ld caleensasho. caleensasho m.f.dh eeg caleenso. ld caleensad, caleensi. caleensi m.l ld caleensasho. caleenso f.g3 (-saday, -satay) Caleen cunid (riyo). caley m.dh Dhalo farshiidda ka weyn. calfad m.l ld calafsasho. calfasho m.dh ld calafsasho. calfid m.f.dh eeg calaf³. calfo f.g3 (-faday, -fatay) ld calafso. calgo m.dh Xaskul. caliqabsade m.l Nooc cayayaanka ka mid ah, soo baxa waqtiyada qabowga, lehna dhacaan laysku qaras falo. callaaf m.dh ld lacaaf. callaal¹ m.l (-llo, m.dh) 1. Kiish yar oo caw ka samaysan oo hilibka, timirta iwm lagu rito. 2. In yar oo raashiin ah oo xayawaanka lagu dabo. 3. Deeq yar oo qof hawl qabtay la siiyo. 4. Alaab yar oo meel loo wado. 5. ld callaalid. ld calaal¹. callaal² f.g1 (-aalay, -aashay) 1. Qof laga rabo in uu hawl qabto deeq yar siin; laaluushid. 2. Alaab yar gaadid raran saarid. ld calaal². callaalad m.l ld callaalasho. callaalasho m.f.dh eeg callaalo. ld calaalad, calaalasho, callaalad. callaalid 124 callaalid m.f.dh eeg callaal². ld calaal¹, calaalid, callaal¹ (4). callaalo f.g3 (-shay, – latay) Alaabo yar gaadiid saarasho. ld calaalo. callaq¹ m.l ld callaqid. callaq² f.g1 (-qay, -qday) 1. Wax meel ka laalaadin. 2. Wax jaho ku aaddin. callaqan¹ f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) Wax la callaqay noqosho. callaqan² f.mg4 (-qnaa, -qnayd) Wax la callaqay ahaansho. callaqid m.f.dh eeg callaq². ld callaq¹. callaqmid m.f.dh eeg callaqan¹. callaqnaan m.f.dh eeg callaqan². ld callaqnaansho. callaqnaansho m.l/dh ld callaqnaan. callayr m.dh Garannuug dheddig oo aan weli gaarin da’dii rimay qaadka. calman f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la calmaday ahaansho. calmanaan m.dh eeg calman. ld calmanaansho. calmanaansho m.l/dh ld calmanaan. calmasho m.f.dh eeg calmo. calmi¹ m.l Dersi; cashar. calmi² f.g2 (-iyay, -isay) Cid dersi siin. calmin m.f.dh eeg calmi². calmo f.g3 (-maday, -matay) Wax si aad ah u jecleysasho. calool m.dh (-lo, m.l) 1. Xubinta dheefshiidka nafleyda oo isku xirta hunguriga iyo xiidmaha. 2. Qaybta jilicsan oo u dhexeysa laabxuunshada iyo gummaarka. caloolacad m.dh (-dyo, m.l) Dagaal dad badan ku hoobtay. ld caloolacaddo. caloolacaddayn m.f.dh eeg caloolcaddee. caloolacaddee f.mg2 (-deeyay, -daysay) Nafley galgalasho hadba caloosha la soo kormarinayo samayn. caloolacaddo m.dh ld caloolacad. calool-adag f.mg4 (-dkaa, -dkayd) 1. Adkeysi iyo dulqaad loo yeesho dhibaato. 2. Naxariis iyo jixinjix la’aan. calool-adayg¹ m.l ld calool-adkaan. calool-adayg² f.mg1 (-gay, -gtay) Ku c.: adkeysi iyo isbeddel la’aan muujin. calooladaygid m.f.dh eeg calooladayg². calooladkaan m.f.dh eeg calool-adag. ld calooladayg¹, calool-adkaansho. calooladkaansho m.l/dh eeg calooladkow. ld calool-adkaan. calooladkow f.mg3 (-kaaday, -kaatay) Calooladayg yeelasho. caloolaweyn m.dh 1. (u) Koox dad ah oo hanti mood ah oo badan leh. 2. Marka balagga digirtu ka baxo miliqnimada ee ay iniinyihiisu yaryaryihiin. caloolbax¹ m.l Saxaro badan, jilicsan oo dulin nafleyda caloosha ka qooma keeno; shuban; dababbax. caloolbax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Nafley saxaro badan oo jilicsan dhigid. caloolbixid m.f.dh eeg caloolbax². calooldubasho m.f.dh eeg caloolduubo. caloolduubad m.l ld caloolduubasho. caloolduubo f.mg3 (-btay, -batay) Ka c.: wax ka rajo dhigid. calool-engegnaan m.dh (daaw.) Xaalad dhigidda saxarada ay aad u yaraato ama saxarada ay aad u adkaato yaraatana ama soo dhaafidda saxarada ay dhib ama xanuun keento. caloolfayoobaan m.f.dh eeg caloolfayoobi². ld caloolfayoobaansho. caloolfayoobaansho m.l/dh eeg caloolfayoobow. ld caloolfayoobaan. caloolfayoobi m.dh Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin; uursami. caloolfayoobow f.mg3 (-bowday, -baatay) Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin noqosho. caloolfayow f.mg4 (-oobaa, -oobayd) Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin ahaansho. caloolgal¹ m.l 1. Bilawga uurka haweenka, uurgal. 2. ld caloolgelid. caloolgal² f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Uur gelid. caloolgelid m.f.dh eeg caloolgal². ld caloolgal¹ (2). caloolgo’ f.mg1 (-‘ay, -‘day) Ka c.: qof, cid uu jeclaa aad u nicid. caloolgo’id m.f.dh eeg caloolgo’. caloolgubyo m.dh Dareen leh ciil, caro iyo murugo; tiiraanyo. caloolgubyoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Caloolgubyo dareemid. caloolgubyood m.f.dh eeg caloolgubyoo. calooljilcan f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof naxariis badan ahaansho. 2. Qof wax uusan hubsan si sahlan u qaata ahaansho. calooljilcanaan m.f.dh eeg calooljilcan. ld calooljilcanaansho. calooljilcanaansho m.l/dh ld calooljilcanaan. calool-jilciye m.l (-yayaal, m.l/dh) (daaw.) Dawo badisa caloolbaxa, ayadoo jilcinaysa saxarada ama dhaqaajineysa xiidmaha. calooljileec m.l 1. Dareen naxariis iyo turaal leh oo aadanaha ku beerma. 2. Dareen nuglaan iyo debec leh oo loo yeesho arrin aan la hubsan. camajuuji 125 calool-kusid m.l Qof xumaatada lagu sameeyo aan illaawin; uurkuqaad. caloolmajiir m.l (-ro, m.dh) (daaw.) Xanuun aad ah ee uurkujirtada oo ay ilbidhiqsiyo ama daqiiqado qabatinka u kala dhexeeyaan. caloolqabad m.l ld caloolqabasho. caloolqabasho m.dh Xanuun qabatin ah oo caloosha maroojiya; caloolxanuun. ld caloolqabad. caloolsamaan m.f.dh caloolsan. ld caloolsami. caloolsami m.dh Cadaawad iyo neceyb la’aan. ld caloolsamaan. caloolsan f.mg4 (-amaa, -amayd) Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin ahaansho. caloolweyn f.mg4 (-naa, -nayd) Qof buuran ahaansho. caloolweynaan m.f.dh eeg caloolweynad. ld caloolweynaansho. caloolweynaansho m.l/dh ld caloolweynaan. caloolweynad m.l Cudur kaneecada laga qaado oo beeryarada barariya; bu’; weled. ld uurweynaad. caloolxanuun m.l Cudur kasta oo caloosha ku dhaca oo xanuujiya. caloolxumaan m.f.dh eeg caloolxun. ld caloolxumaansho, caloolxumi, caloolxumo. caloolxumaansho m.l/dh eeg caloolxumow. ld caloolxumaan. caloolxumayn m.f.dh eeg caloolxumee. caloolxumee f.g2 (-meeyay, -maysay) Cid caloolxumo badid. caloolxumi m.dh ld caloolxumaan. caloolxumo m.dh Dareen cadaawad iyo ciilqab leh. ld caloolxumi. caloolxumow f.mg3 (-maaday, -maatay) Ka c.: caloolxumo dareemid. caloolxun f.mg4 (-umaa, -umayd) Ka c./u c.: qof caloolxumo hayso ahaansho. caloolyaro m.dh (-ooyin, m.l) (c.nafl.) Qaybta wadnaha ee ka soo qaadda dhiigga dhegyarada ee u tuurta habdhiska halbowlayaasha. caloolyoobid m.f.dh eeg caloolyow². ld caloolyow¹. caloolyow¹ m.l Welwel iyo walaac ku dhasha qof marka uu la kulmo arrin adag oo uusan xal u haynin. ld caloolyoobid. caloolyow² f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof la kulmay arrin adag oo uusan xal u haynin welwel iyo walaac ku beermid. calooshi-lacayaar m.l (calooshood-lacayarro, m.dh) Qof maalintaas hantidiisu sida ay tahay u dhaqma oo aan mustaqbalka ka fikirin. calooshi-ushaqayste m.l (calooshoodushaqaystayaal, m.l) Qof loo kireysto dil, dhac, qarbudaad iwm. calow¹ m.l.kh 1. C. ah: biyo dhoobo ku qasantahay. 2. C. ah: midab calas ah. calow² f.mg1 (-lway, -lowday; -lwi) Biyo, dhoobo ku qasmid. calqad m.dh ld qalcad. calwasaad¹ m.l (-dyo, m.dh) 1. Hadal qof hurdayo uu ku hadlo; qarow. 2. ld calwasaadid. calwasaad² m.l (-dyo, m.dh) (daaw.) Xaalad muddo gaaban ee maskaxda shaqadeedu isku qasanto oo la socoto jirro maskaxda. calwasaad³ f.mg1 (-day, -dday) Qof hurdaya hadlid. ld carwasaad². calwasaadid m.f.dh eeg calwasaad². ld calwasaad¹ (2), carwasaad¹, carwasaadid. calwi f.g2 (-iyay, -isay) Biyo, calow ka dhigid. calwid m.f.dh eeg calow². calwin m.f.dh eeg calwi. calwis m.l Wadaan aad u weyn. calyannaqsad m.l ld calannaqsasho. calyannaqsasho m.dh ld calannaqsasho. calyannaqsi m.l ld calannaqsasho. calyannaqso f.mg3 (-saday, -satay) ld calannaqso. calyee f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Wax calyo ku halllayn; calyo ku qoyn. ld candhuufayn. calyeyn m.f.dh eeg calyee. calyo m.dh (c.nafl.) Dareere aan midab lahayn, qanjirrada xayawaanka ka yimaada oo cunnada jilciya; candhuufo. calyoceshade m.l.u (-dayaal, m.l/dh) (c.nafl.) Dir hoosaad naasleyda qoobabka leh oo ay ka midyihiin idaha, riyaha, lo’da iyo cawsha. Waxa astaan u ah calool afar lakab ah, oo qaybta ugu horaysa la yidhaahdo “ruumen” taas oo burbuisa “selilowska”. Cuntada waxa si ku meel gaadh ah loogu keydiyaa “ruumenka”, halkaas oo dib loogu burburiyo looguna calaaliyo balbka, inta aan la liqin loona gudbin qaybta kala ee caloosha iyada oo dheefshiidku halka ka sii socdo. camaajiir m.l Midab caddaan iyo madow ama caddaan iyo casaan isugu jira oo ay yeeshaan lo’da iyo riyaha. camaarrey m.dh Tiro aad u badan oo dad, xoolo iwm ah. camaaryaley m.dh 1. Nooc ka mid ah abeesooyinka waaweyn. 2. Wax tiradoodu aad u badantahay; camaarrey. camajuuji f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhinacyadiisa si xoog leh isugu keenid. ld camandhuuji, camanjuuji. camajuujin 126 camajuujin m.f.dh eeg camajuuji. ld camadhuujin, camajuujis, camanjuujin. camajuujis m.l ld camajuujin. camal m.l 1. Hawl, shaqo. 2. Abuur, dabeecad. 3. Xanaaq, dhirif, caro. 4. (s) Sidiis, oo kale. Tus. “Buuggaas camal ii keen”. camalfal¹ m.l ld camalfalid. camalfal² f.mg1 (-alay, -ashay) 1. Camal wanaagsan Eebbe dartii u sameyn. 2. Ku c.: amar sidii laga rabay u fulin. camalfalad m.l ld camalfalasho. camalfalasho m.dh eeg camalfalo. ld camafalad. camalfalid m.f.dh eeg camalfal². ld camafal¹. camalfalo f.mg3 (-ashay, -alatay) Camal wanaagsan Eebbe dartii u samayn. camaliyaad m.l.w eeg camaliyad. camaliyad m.dh (-aad/-ado, m.l) 1. Fal. 2. Dariiq, dhicitaan; hab, qaab. 3. Shaqo, hawl. camalley m.dh (-eeyo, m.dh) Haweeney xanaaq badan. camallow m.l (-wyo, m.dh) Nin xanaaq badan. camalsamaan m.f.dh eeg camalsan. ld camalsamaansho, camalsami. camalsamaansho m.l/dh eeg camalsamow. ld camalsamaan. camalsami m.dh Dabeecad wanaagsan oo qof yeesho. ld camalsamaan. camalsamow f.mg3 (-maaday, -maatay) Qof camalsan noqosho. camalsan f.mg4 (-amaa, -amayd) Qof dabeecad wanaagsan ahaansho. camalxumaan m.f.dh eeg camalxun. ld camalxumaansho, camalxumi, camalxumo. camalxumaansho m.l/dh ld camalxumaan. camalxumi m.dh Dabeecad aan wanaagsanayn oo qof yeesho. ld camalxumaan. camalxumo m.dh ld camalxumaan. camalxun f.mg4 (-umaa, -umayd) Qof aan dabeecad wanaagsanayn ahaansho. camambuur¹ m.l ld camambuurid. camambuur² f.mg1 (-ray, -rtay) Camcanka oo la buuriyo caro darteed. camambuurid m.f.dh eeg camambuur². ld camambuur¹, cambuur¹ (2), cambuurid. camandhuuji f.g2 (-iyay, -isay) ld camajuuji. camandhuujin m.dh ld camajuujin. camandulle m.l Farsamo, si aan hagaagsaneyn u sameyn. ld camandulleyn. camandullee f.g2 (-leeyay, -leysay) Farsamo, si aan hagaagsaneyn u sameyn. camandulleyn m.f.dh eeg camandullee. ld camandulle. camanjuuji f.g2 (-iyay, -isay) ld camajuuji. camanjuujin m.dh ld camajuujin. camar m.l 1. Nooc cayayaanka yaryar ka mid ah oo hargaha gala. 2. C. ah: qof gaboobay. camarre m.l Gorayo yar oo aan weli lab iyo dheddig loo kala saari karin. camashoo f.mg3 (-ooday, -ootay) U c.: caro dareemid. camashood m.f.l eeg camashoo. cambaabbur m.l Canjeelo. cambaar¹ m.l 1. Roob da’a xilli jiilaal. 2. Xiddig magaciis. cambaar² m.dh (daaw.) Cudur maqaarka ku dhaca oo goobo-goobo waaweyn oo cuncun leh u yeela; halaamacood maqaarka intiisa sare oo leh cuncun, finan iyo qolof. cambaarayn m.f.dh eeg cambaaree. cambaarcad m.dh (-dyo, m.dh) Qawad. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; qawad. cambaaree f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Cambaar u yeelid. 2. Cid ceeb iyo dhaliil ka faafin; dhaleecayn, ceebayn. cambaarmadow m.dh Cambaar aad u cuncun badan; goosato. cambaaroobid m.f.dh eeg cambaarow. cambaarow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Wax cambaar ku dhacday noqosho. 2. Wax la dhaleeceeyay noqosho (qof). cambar m.l Shay udgoon, xabag u eg, uurka nibiriga qaarkii ku samaysma oo xeebaha laga helo. ld canbar. cambarshe m.l (-shayaal, m.l/dh) 1. Qalab qaab bil leh, lacag ka samaysan, shunufyo ka laalaadaan oo haweenku qoorta ku xirtaan. 2. Uunsi cambar lagu daray. 3. Nooc cambarka ka mid ah oo aan qiimo badan lahayn. ld canbarshe. cambaruud m.l Miro jilcan, midabkoodu cas yahay oo aad u macaan. cambe m.l Geed weyn, dhulka kuleylaha ka baxa oo leh caleemo dhuudhuuban iyo miro macaan dhexda laf weyn ku leh. ld cambo. cambo m.l ld cambe. cambus¹ m.l ld cambusid. cambus² f.g1 (-say, -stay) Wax si aan nadaamsaneyn u laalaabid. cambusid m.f.dh eeg cambus². ld cambus¹. cambuul¹ m.l (-llo, m.dh) 1. Tub geed sisin ah oo isku xiran. 2. Hoy yar, caws qoryo iwm ka samaysan oo beeraha laga dhex samaysto. ld abbuul, ambuul, cabbuul. candhaaqso 127 cambuul² m.dh Qodaxda sarmaanta marka ay curdanka tahay; dhambacaluul. cambuulee f.g2 (-leeyay, -leysay) Badar cambuulo ka dhigid. cambuuleyn m.f.dh eeg cambuulee. cambuulo m.dh Badar la kariyey isagoo iniinahiisa aan la burburin. cambuur¹ m.l (-rro, m.dh) 1. Gashi haweenku qaato oo ilaa lugaha ku eg. 2. ld camambuurid. cambuur² f.mg1 (-ray, -rtay) ld camambuur². cambuurid m.f.dh ld camambuurid. camcami f.g2 (-iyay, -isay) Nafley dhulka ku rafin. camcamin m.f.dh eeg camcami. ld camcamis, camcamo (3). camcamis m.l ld camcamin. camcamo m.dh 1. Dhul ku rafin aan waxyeello weyn lahayn ee nafley lagu sameeyo. 2. Waqti in door ah; cabbaar. 3. ld camcamin. cammaar m.l.kh C. ah: xarig ama jawaan dun adag ka samaysan. cammayn m.f.dh eeg cammee. cammee f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Cid khayaamayn. 2. Cid indhatirid. cammir f.g1 (-ray, -rtay) 1. Dukaan, badeeco badan dhigid. 2. Shaah, sonkor, caleen, qoroful, hayl iwm isu dheellitirid. cammiraad m.dh 1. Wax aan dhab ahayn oo meel maran lagu buuxiyo. 2. ld cammirid. cammiran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la cammiray ahaansho (dukaan). cammirid m.f.dh eeg cammir. ld cammiraad. cammirnaan m.f.dh eeg cammiran. ld cammirnaansho. cammirnaansho m.l/dh ld cammirnaan. cammo m.dh C. ah: qof aan indhaha wax ka arkayn. ld cammoole. cammoobid m.f.dh eeg cammow. cammoole m.l ld cammo. cammow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cammo noqosho. cammuud m.dh Ciid jilicsan oo aan lahayn habaas, dhoobo iyo dhagax. can m.l (caman, m.l) Labada cad ee hilibka ah oo ku yaal wejiga labadiisa dhinac midkood, waxay u dhexeeyaan isha iyo qalka hoose, ama sanka iyo dhegta. canaab m.dh 1. Culays. 2. Daal badan oo la dareemo marka socod dheer la galo. canaad¹ m.l ld cinaad¹. canaad² f.g1 (-day, -dday) ld cinaad². canaadi m.l.kh ld cinaadi. canaadid m.dh ld cinaadid. canaadnimo m.dh ld cinaadnimo. canaan m.dh Hadal kulul oo loo jeediyo qof wax ba’shay. canaanad m.l ld canaanasho. canaanasho m.f.dh eeg canaano. ld canaanad. canaaniyo m.l Gubtahanyo. canaano f.g3 (-ntay, -natay) Cid canaan u jeedin. canaanyo m.dh ld cadanyo. canaanyoo f.mg3 (-ooday, -ootay) ld cadanyoo. canaanyood m.l ld cadanyood. canaasiir m.dh.u 1. Dad si ihaano ahaan, la rabo in wax laga sheego. 2. eeg cunsur. canab m.l 1. Geed saaq, dhala miro yaryar, kulkulucsan, caddaan ama guduud ah, cutubcutub u baxa oo sidooda lagu cuno ama khamri laga sameeyo ama inta la qallajiyo sibiib laga dhigo. 2. Miraha geedkaas dhala. 3. C. ah: kuul mirahaas u eg. ld cinab. cananaas m.l Geed ka baxa kulaylaha oo dhala buruq kuusan, macaan oo korka ku leh qolof kurtumo leh, madaxa sarena caleemo dhuudhuuban oo adag. cananno m.dh Dhacaan cad, dhirta qaarkeeda ka yimaadda oo ku dhega wixii taabta oo adag. cananyo m.dh ld cadanyo. cananyoo f.mg3 (-ooday, -ootay) ld cadanyoo. cananyood m.l ld cadanyood. canbar m.l ld cambar. canbarshe m.l (-shayaal, m.l/dh) ld cambarshe. canceeno m.dh Raxmad; naxariis. canceensad m.l ld canceensasho. canceensasho m.f.dh eeg canceenso. ld canceensad. canceenso f.mg3 (-saday, -satay) Cid canceeno ka dalbasho. candallaa m.l ld cantalyaa. candhaaq¹ m.l ld candhaaqid. candhaaq² f.mg1 (-qay, -qday) Si kala daadsanaan iyo qaabdarro ah u fadhiyid (qof). candhaaqid m.f.dh eeg candhaaq². ld candhaaq¹. candhaaqsasho m.f.dh eeg candhaaqso. ld candhaaqsi. candhaaqsi m.l ld candhaaqsasho. candhaaqso f.mg3 (-saday, -satay) Si candhaaq ah u fadhiisasho. candhabeel¹ 128 candhabeel¹ m.l 1. Cudur ku dhaca candhada oo xididdada caanaha waaxyeela. 2. ld candhabeelid. candhabeel² f.mg1 (-eelay, -eeshay) Cudur candhada ku dhacay awgeed xididdada caanaha waxyeeloobid. candhabeelid m.f.dh eeg candhabeel². ld candhabeel¹ (2). candhable m.l Gun, sal. candhadheer m.dh Waraabaha kan dheddigga ah. candhakar¹ m.l Weynaan iyo barar ka muuqda candho aad caano uga buuxsameen. candhakar² f.mg1 (-ray, -rtay) Candho xoolaad aad u dararid. candhakarid m.f.dh eeg candhakar². candhakarsan f.mg4 (-naa, -nayd) Candho xoolaad wax aad u dararay ahaansho. candhakarsanaan m.f.dh eeg candhakarsan. ld candhakarsanaansho. candhakarsanaansho m.l/dh ld candhakarsanaan. candhasaab¹ m.l (-byo, m.dh) Kolay maro ama harag ka samaysan oo ariga candhada loo geliyo si aysan dhashoodu u nuugin. candhasaab² f.g1 (-bay, -btay) Neef ari ah si aysan dhashiisu u nuugin kolay harag ama maro ka samaysan candhada u gelin. candhasaaban f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la candhasaabay ahaansho (ari). candhasaabasho m.f.dh eeg candhasaabo. candhasaabid m.f.dh eeg candhasaab². candhasaabnaan m.f.dh eeg candhasaaban. ld candhasaabnaansho. candhasaabnaansho m.l/dh ld candhasaabnaan. candhasaabo f.mg3 (-btay, -batay) Ari irmaan si aysan dhashiisu u nuugin candhasaab u gelin. candhayn m.f.dh eeg candhee. candhee f.mg2 (-dheeyay, -dhaysay) 1. Neef irmaan candho keenid. 2. Neef sid dhaweeyey gor yeelasho. candho m.dh (-ooyin, m.l) Xubinta caanahu galaan ee xayawaanka dheddig. candhokar f.mg1 (-ray, -rtay) Candho xoolaad aad u dararid. candhokarid m.f.dh eeg candhokar. candhokarsan f.mg4 (-naa, -nayd) Candho xoolaad wax aad u dararsan ahaansho. candhokarsanaan m.f.dh eeg candhokarsan. ld candhokarsanaansho. candhokarsanaansho m.l/dh ld candhokarsanaan. candhuuf¹ m.dh Hoore layig ah, aan midab lahayn, qanjirrada afka nafleyda ka yimaada oo liqidda cuntada fududeeysa. ld candhuufo. candhuuf² m.dh (c. nafl.) Dareere biyo oo kale ah ay qanjidho candhuufeedku ku dhiiqiiyaan afka. Soo saarida candhuufta waxa nashaadiya cuntada afka ku jirta iyo urta ama ku fekerka cuntada. candhuuf³ f.mg1 (-fay, -ftay) Ku c.: cid candhuuf ku tufid. candhuufayn m.f.dh eeg candhuufee. candhuufee f.g2 (-feeyay, -faysay) 1. Candhuuf marin. 2. Candhuuf ku tufid. candhuufid m.f.dh eeg candhuuf². candhuufo m.dh ld candhuuf¹. candiid m.l ld cindiid. caneeqaad¹ m.l ld qaneeqaad¹. caneeqaad² f.mg1 (-day, -dday) ld qaneeqaad². caneeqaadid m.dh ld qaneeqaadid. canfar m.dh Neef ido ah oo canka diilliin cad ku leh. cangaleel m.dh.u Nooc aleelada yaryar ka mid ah. cangub m.l Geed quwaax qodax leh oo dhiddinka u eg. caniin¹ m.l ld ciniin¹. caniin² f.mg1 (-nay, -ntay) ld ciniin². caniini f.g2 (-iyay, -isay) ld ciniini. caniinid m.dh ld ciniinid. caniinin m.dh ld ciniinin. caninnimo m.dh ld cininnimo. canjeel m.l (-canjeel, m.dh) Geed weyn, miro la cuno leh, koox koox u baxa oo u eg deegaanka. canjeelo m.dh Cunto jilicsan, taawo lagu dubo, ka samaysan badar riqdan oo bur lagu cajiimay; cambaabur; canjeero. ld canjeero. canjeero m.dh ld canjeelo. canjiid m.dh (-dyo, m.l) Summad alif dheer ah oo xoolaha daanka looga dhigo. canjil¹ m.l ld canjilid. canjil² f.g1 (-ilay, -ishay) Cid hadal ay sheegtay si qaab daran daba dhihid; jilid; dhaajin. canjilid m.f.dh eeg canjil². ld canjil¹. cankuqaad m.l Geedka galleyda inta uusan sabuulka soo ridin ee uu dhinaca ka kuusanyahay. canqari f.g2 (-iyay, -isay) ld anqari. canqarin m.dh ld anqarin. canqaris m.l ld anqarin. canqarsasho m.dh ld anqarsasho. canqarso f.mg3 (-saday, -satay) ld anqarso. caqliyad 129 canqaw m.l (-wyo, m.dh) Labada lafood ee ka soo taagan meesha cagta iyo kubka iska galaan middood. ld anqow. canshuur¹ m.dh (-ro, m.l) Lacag boqolkiiba in laga qaado hantida dadweynaha si ay dawladdu ugu fuliso danta guud. ld cashuur¹. canshuur² f.g1 (-ray, -rtay) 1. Hanti canshuur ka bixin. 2. Cid canaadid. ld cashuur². canshuuran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la canshuuray ahaansho (hanti). ld cashuuran. canshuurasho m.f.dh eeg canshuuro. ld cashuurasho. canshuurid m.f.dh eeg canshuur². ld cashuurid. canshuurnaan m.f.dh eeg canshuuran. ld canshuurnaansho, cashuurnaan, cashuurnaansho. canshuurnaansho m.l/dh ld canshuurnaan. canshuuro f.g3 (-rtay, -ratay) Hanti, cashuur ka baxsasho. ld cashuuro. canshuurqaad m.l ld Cashurqaade; Canshuurqaadid; canshuurqaade. canshuurqaade m.l (-dayaal, m.l/dh) Qof dadweynaha ka soo ururiya canshuurta. ld canshuurqaad (2), cashuurqaade. canshuurqaadid m.dh Uruurinta canshuur laga soo ururiyo dadweynaha. ld canshuurqaad (1), cashuurqaadid. cantab m.dh Meel godan, canka xoolaha ku taal oo daaqu ku ururo. cantalaal¹ m.l 1. Hadal qof hurdayo ku hadlo; qarow. 2. ld cantalaalid. cantalaal² f.mg1 (-aalay, -aashay) Qof hurdaya hadlid. cantalaalid m.f.dh eeg cantalaal². ld cantalaal¹. cantalay m.l ld cantalyaa. cantallaa m.l ld cantalyaa. cantalyaa m.l Nooc ka mid ah haadda waaweyn oo leh gafuur dhuuban oo dheer, lugo dhaadheer iyo guluc laallaadda oo uu cuntada ku rito; baambow. ld candallaa, cantallaa, cantalay. cantar¹ m.l 1. Kibir; aabi. 2. C. ah: aan ulajeeddo fiican lahayn, aan macne lahayn (hadal). cantar² f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Kibir iyo islaweynaan muujin. 2. Hadal aan nuxur badan lahayn sheegid. cantarabbaqash m.l Hadal aad u nuxur yar. cantarid m.f.dh eeg cantar². cantatab¹ m.l 1. (-byo, m.dh) Qof aad u da’weyn oo caqligiisu doorsoomay. 2. C. ah: hadal aan milgo lahayn oo cabsi, argagax iwm keenaan. ld catatab¹. cantatab² f.mg1 (-bay, -btay) Cabsi darteed, si jaahwareersan oo aan caqligal ahayn u hadlid. ld catatab². cantatabid m.f.dh eeg cantatab². ld catatabid. cantoob m.dh ld cantoobo. cantoobo m.dh (-ooyin, m.l) In kol shanta farood iyo calaacasha lagu qabto oo buuxisa. ld cantoob, xantoobo. cantuug f.g1 (-gay, -gtay) Cunto ama cabitaan, hal mar afka ka buuxin. cantuugid m.f.dh eeg cantuug. cantuugo m.dh (-ooyin, m.l) Cabitaan ama cunto hal mar afka buuxisa. cantuuji f.g2 (-iyay, -isay) Qof cunto uu cantuugo siin. cantuujin m.f.dh eeg cantuuji. canyayuub¹ m.l Si qaab daran oo wax loo duudduubo. canyayuub² f.g1 (-bay, -btay) Si qaab daran wax u duudduubid. canyayuubid m.f.dh eeg canyayuub². canyayuus m.l.u Iniino qare oo la dubay kaddibna la daqiijiyey. canyo m.dh Cagaar yar, dhanaan, ka baxa meelaha ciidda jilcan leh oo la cuno. ld cayo. caq m.dh ld aq. caqabo m.dh Shanboolada oo saddex goor la boolaysto laguna badiyo (turub). caqad m.l Nikaax. ld caqdi. caqasho m.dh ld aqasho. caqdaad m.l eeg caqdad. ld caqdad. caqdad m.dh (-daad, m.l) Duub maro ah oo afartan yaardi ah oo midab leh. ld caqdaad. caqdi m.l ld caqad. caqi f.g2 (-iyay, -isay) ld aqi. caqiido m.dh (-ooyin, m.l) Mabda’ diimeed oo la aaminsan yahay. ld caaqido. caqin m.dh ld aqin. caqli m.l (-iyo/cuquul, m.dh) Awood binu’aadanka u gaar ah oo ay wax ku kala gartaan; garaad. ld aqli. caqliceli f.mg2 (-iyay, -isay) U c.: cid waxay samayn lahayd ka waanin. caqlicelin m.f.dh eeg caqliceli. caqliggaab m.l/dh (caqliggaab, m.dh) Qof aan caqli badan lahayn. caqliley m.dh (-eeyo, m.dh) Haween caqli badan leh. caqlillaawe m.l (-wayaal, m.l/dh) Nin aan caqli fiican lahayn. caqlilow m.l (-wyo, m.dh) Nin caqli badan leh. caqlisasho m.dh ld caqliyaysasho. caqliso f.mg3 (-stay, -satay) ld caqliyayso. caqliyad m.dh Ra’yi. caqliyari 130 caqliyari m.dh Nacasnimo. caqliyaysasho m.f.dh eeg caqliyayso. ld caqlisasho. caqliyayso f.mg3 (-stay, -satay) 1. Ilmo, wax garaadkiisu kordhay noqosho. 2. Qof fal xun oo uu sameyn jirey ka waantoobid. 3. Qof bisil oo waaya-arag ah noqosho. ld caqliso. caqo f.mg3 (-qday, -qatay) ld aqo. car¹ m.l 1. Qadiidka ku hara weel la culay. 2. Dhadhanka ay yeeshaan caano, biyo iwm oo lagu shubay weel la culay. 3. Cudur candhada geela ku dhaca oo dildilaaciya. 4. (e.d) C.!: haddaad ku dhacdid!; Wir! car² f.mg1 (-ray, -rtay) Car noqosho. ld cartan². caraacar m.l 1. Geed nagaar leh qodaxyo kuwa tiinka u eg oo ka baxa meelaha qabatinka leh. 2. Qodaxda geed-qodxeed yar. ld caraacir, caraancar. caraacir m.l ld caraacar. caraadi f.g2 (-iyay, -isay) Qof dagaal ku guubaabin. caraadin m.f.dh eeg caraadi. caraancar m.l ld caraacar. caraatamid m.f.dh eeg caraatan². ld caraatan¹. caraatan¹ m.l Kaftan suugaaneed cay ah oon laga caroon oo wiilasha iyo gabdhaha isdhaafsata; yooyootan. ld caraatamid. caraatan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Kaftan suugaantiisu sarreyso laba dhallinyaro (wiil iyo gabar) ama ka badan isdhaafsasho. carab m.l (carab, m.dh) 1. Qof sinjigiisa ka soo jeeda ummadda uu nabiga u dhashay. 2. Midab lo’da iyo riyuhu yeeshaan oo casaan iyo caddaan isbarxay ah. carabayn m.f.dh eeg carabee. ld carabiyeyn. carabbaabba’¹ m.l Degganaan ka muuqata qof caro haysay ka tirantay. carabbaabba’² f.mg1 (-‘ay, -‘day; -bi’i) Qof caro haysay ka tirmid. carabbaabbi’id m.f.dh eeg carabbaabba’². carabcad m.l Neef ido ah oo wada cad; shiikh. carabee f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Cid dhaqankeeda iyo luqaddeeda mid carbeed ka dhigid. 2. Cid carab iska yeelid. ld carabiyee. carabi¹ m.l Af ay dadka carbeed ku hadlaan. carabi² m.dh Nooc kalluunka ka mid ah, carabiyee f.g/mg2 (-yeeyay, -yeysay) 1. (f.mg) Af carbeedka ku hadlid. 2. (f.mg) Carab is macnayn. 3. (f.g) ld carabee. ld carabee carabiyeyn m.dh eeg carabiyee. ld carabayn. carablaay m.dh Haweenay aan karin ereyada qaarkood sida loogu dhawaaqo. caraboobid m.f.dh eeg carabow. carabow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Carab noqosho. caraceli f.g2 (-iyay, -isay) Haweenay dudday gurigeedii ku celin iyadoo la raalli gelinayo. caracelin m.f.dh eeg caraceli. carad m.l 1. Qof aad u gaboobay. 2. ld carasho. caradhaban m.l Xanuun hanfaf leh oo oogada laga dareemo. caradhow f.mg4 (-waa, -wayd) Qof dhaqso u xanaaqa ahaansho. caradhowaan m.f.dh eeg caradhow. ld caradhowaansho. caradhowaansho m.l/dh ld caradhowaan. caradugaag m.l Cudur eyga ku dhaca oo ku khasba in uu qaniino dadka iyo xoolaha. caraf¹ m.dh Ur udgoon oo la jeclaysto. caraf² f.mg1 (-rfay, -raftay; -rfi) Ur carfoon soo udgid. carafudayd m.l ld carafududaan. carafudud f.mg4 (-daa, -dayd) Qof dhaqso u xanaaqa ahaansho. carafududaan m.f.dh eeg carafudud. ld carafudayd, carafududaansho. carafududaansho m.l/dh ld carafududaan. carar¹ m.l 1. ld cararid. Orod baqdin leh. 2. Dhiin meyraxda dhirta qaarkeed laga sameeyo oo wax lagu aslo; asal; aglool. carar² f.mg1 (-ray, -rtay) Orod baqdin ku jirto ordid. cararayn m.f.dh eeg cararee. ld cararin. cararaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Weel wax la carariyey ahaansho. cararaysnaan m.f.dh eeg cararaysan. ld cararaysnaansho. cararaysnaansho m.l/dh ld cararaysnaan. cararee f.g2 (-reeyay, -reysay) Weel asal marin. carareysad m.l ld cararsasho. carareysasho m.dh ld cararsasho. carareysi m.l ld cararsasho. carareyso f.g3 (-saday, -satay) ld cararso. carari f.g2 (-iyay, -isay) ld cararee. cararid m.f.dh eeg carar². ld carar¹ (1). cararin m.dh ld cararayn. cararsad m.l ld cararsasho. cararsasho m.f.dh eeg cararso. ld carareysad, carareysasho, carareysi, cacarsad, car cararsi m.l ld cararsasho. cararso f.g3 (-saday, -satay) Weel carar marsasho. ld carareyso. carasho m.f.dh eeg caro². ld carad. caratir¹ m.l Wax qof carooday carada looga ba’sho (siiba haweenka). caratir² f.g1 (-ray, -rtay) Cid caro ka bi’in. cariigsasho 131 caratirid m.f.dh eeg caratir². caraw m.l Midab cawl ah. carayn m.f.dh eeg caree. caraysan f.mg4 (-snaa, -snayd) U c.: wax caro haysa ahaansho. caraysii f.mg2 (-iiyay, -iisay) 1. Is c.: is daalin. 2. Ka c.: cid caro ku abuurid. caraysiin m.f.dh eeg caraysii. caraysnaan m.f.dh eeg caraysan. ld caraysnaansho. caraysnaansho m.l/dh ld caraysnaan. carbar¹ m.l Xaaladda neef baahan oo cabbay biyo aad u dhanaan oo maqaarkiisa iyo hilibkiisa biyo kala dhex gelaan. carbar² f.mg1 (-ray, -rtay) Neef baahan oo biyo cabbay xalxalid. carbarid m.f.dh eeg carbar². carbash m.dh Cayaar turub (firo) haad la dalbaday qofka firaynayaa firada labaad ku helid. carbi f.g2 (-iyay, -isay) Nafley tababbar gaar ah siin. carbin m.f.dh eeg carbi. ld carbis (2). carbis m.l (-syo, m.dh) 1. Xero ciidan oo wax lagu tababbaro. 2. ld carbin. carbisan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax caro haysa ahaansho. carbisnaan m.f.dh eeg carbisan. ld carbisnaansho. carbisnaansho m.l/dh ld carbisnaan. carbiye m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof wax carbiya. carbuun¹ m.dh (-no, m.dh) In lacag ah oo cid wax laga gatay horumar ahaan loo sii siiyo. carbuun² f.g1 (-nay, -ntay) Wax la gadanayo qiimihiisa in ka mid ah qaddimin. carbuunad m.l ld carbuunasho. carbuunan f.mg4 (-nnaa, -nnayd) Wax carbuun laga bixiyey ahaansho (badeeco). carbuunasho m.f.dh eeg carbuuno. ld carbuunad. carbuunid m.f.dh eeg carbuun². carbuunnaan m.f.dh eeg carbuunan. ld carbuunnaansho. carbuunnaansho m.l/dh ld carbuunnaan. carbuuno f.g3 (-ntay, -natay) Badeeco carbuun ka bixin. carcar¹ m.l 1. Cudur finan leh oo naasaha geela ku dhaca. 2. Midab baraashirix ah oo ay riyuhu ku yeeshaan qoorta. carcar² m.dh Awood dihin oo aan weli wax lagu qaban. carcaraaf¹ m.l 1. Dhibaato aad u weyn; rafaad. 2. Barsaq. carcaraaf² f.mg1 (-fay, -ftay) Dhibaato weyn la kulmid. carcaraafid m.f.dh eeg carcaraaf². carcaraafsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax carcaraafey ahansho. carcaraafsanaan m.f.dh eeg carcaraafsan. ld carcaraafsanaansho. carcaraafsanaansho m.l/dh ld carcaraafsanaan. carcarsaanyo m.dh ld carsaanyo. carceer¹ m.l ld carceerid. carceer² f.mg1 (-ray, -rtay) Wax muuqaalkiisa libdhid. carceerid m.f.dh eeg carceer². ld carceer¹. carceero m.dh 1. ld ciiraciiro. Muuqaal ciiro ku jirto. 2. Kaalmo; gargaar. carceersasho m.f.dh eeg carceerso. ld carceersi. carceersi m.l ld carceersasho. carceerso f.mg3 (-saday, -satay) Wax muuqaalkiisa libdhid. carcoorri¹ m.dh Bawdaqaawis been ah; garmaame. carcoorri² f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Bowdaqaawis samayn; garmaamayn. carcoorrin m.dh ld caarcooriyid. carcoorriyid m.f.dh eeg carcoorri². ld carcoorrin. cardaaduq m.dh (-qo, m.l) Burbur. ld cardaaduqe. cardaaduqe m.l ld cardaaduq. card-alxaal m.l (-llo, m.dh) Baryo, tuugmo; arji, codsi, talo. cardiif m.l Midab caddaan xigeen ah. cardun m.l ld curdan. caree f.g2 (-reeyay, -raysay) Nafley xanaaq dagaal geliya ku abuurid. carfad m.l.kh ld qarfad¹. carfid m.f.dh eeg caraf². cargaag¹ m.l Cabaadka uu sameeyo awr weyn. ld margaag¹. cargaag² f.mg1 (-gmay, -gmatay) Awr, cabaad weyn samayn. ld margaag². cargaagid m.f.dh eeg cargaag². ld margaagid. cargaagtamid m.f.dh eeg cargaagtan². ld cargaagtan¹. cargaagtan¹ m.l ld cargaagtamid. cargaagtan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. Dhawaaq, geedo burburin iwm uu ku kaco libaaxa marka uu caroodo. 2. Muran aan go’aan lahayn ku hadlid. cargo m.dh.kh Laan ama miro curdan ah. cargun m.dh Doog aad u jilicsan. cari f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Qof ama xayawaan ka caraysiin. 2. (f.mg) Neef rimman candho keenid. carid m.dh ld cartamid. cariigsad m.l ld cariiqsasho. cariigsasho m.dh ld cariiqsasho. cariigsi 132 cariigsi m.l ld cariiqsasho. cariigso f.mg3 (-saday, -satay) ld cariiqso. cariiq m.l Wax qadiin ah; wax qiimo leh; wax caan. cariiqsad m.l ld cariiqsasho. cariiqsasho m.f.dh eeg cariiqso. ld cariigsad, cariigsasho, cariigsi, cariiqsad, carii cariiqsi m.l 1. Wax la yeeli lahaa, qof darti ama ku xumaynti, u diidid; wax aan sameeyeen oo qof ku xumaynti loo sameeyo. 2. ld cariiqsasho. ld cariiqsasho. cariiqso f.mg3 (-saday, -satay) Ku c.: fal cid lagu canaadayo ku kicid. ld cariigso. cariiri¹ m.l ld ciriiri¹. cariiri² f.mg1/2 (-iyay, iday/-isay; -iyi) ld ciriiri². cariirin m.dh ld ciriiriyid. cariiryid m.dh ld ciriiryid. cariiryoon f.mg4 (-naa, -nayd) ld ciriiryoon. cariiryoonaan m.dh ld ciriiryoonaan. cariiryoonaansho m.l/dh ld ciriiryoonaan. cariish m.l (-shyo/carshaan, m.dh) Hooy ka samaysan dhis iyo dhoobo oo dhinacyadiisu qaab laydi leeyihiin. carin m.f.dh eeg cari. ld caris (2). caris m.l 1. Dhul siman oo ciiddiisu guduudan tahay. 2. ld carin. carjab¹ m.l 1. C. ah: maro urtii cusaybku ka ba’ay. 2. ld carjabid. carjab² f.mg1 (-bay, -btay) Maro, urtii cusaybka ka bi’id. carjabid m.f.dh eeg carjab². ld carjab¹ (2). carjaw m.dh (-wyo, m.dh) (c.nafl.) Cad yar oo aan hilib iyo laf midna ahayn, nadoocma oo lafaha isku xirta. carjebi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dhar cusayb ka bi’in. 2. Weel la culay carka ka bi’in. carjebin m.f.dh eeg carjebi. ld carjebis. carjebis m.l ld carjebin. carjo m.dh Cambuul. carmal m.l.u Haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob. carmali m.l.kh C. ah: haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob. carmaloobid m.f.dh eeg carmalow. carmalow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Carmal noqosho. carmayn m.dh ld carmin. carmee f.g2 (-meeyay, -meysay) ld carmi. carmi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Weel carmo marin. 2. Hilib dab ku yacyacoodin. ld carmee. carmin m.f.dh eeg carmi. ld carmayn. carmo m.dh Geed laamo dhuudhuuban iyo caleemo balballaaran leh oo dhala miro kuwa canabka u eg. caro¹ m.dh Dareen qofka ku dhasha oo shucuurtiisa kiciya marka xumaan ama qadaf lagu sameeyo. caro² f.mg3 (-rtay, -ratay) Caro gelid; xanaaqid; camashood. caroceli f.g2 (-iyay, -isay) Haweenay dudday gurigeedii ku celin iyadoo la raali geliyay. carocelin m.f.dh eeg caroceli. caroo f.mg3 (-ooday, -ootay) U c.: caro dareemid. caroobid m.f.dh eeg carow. carood m.l eeg caroo. caroofi m.l C. ah: neef geel ah, lixaad weyn, sanqaroor rogan leh. caroog m.l (-gyo/caroog, m.dh) 1. Buun. 2. (muus.) Qalabka muusikada nooc ka mid ah oo leh af ballaaran, cod dheerna bixiya. carooti f.mg2 (-iyay, -isay) Cir, daruuro biyo ka buuxaan yeelasho. carow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Caano, wax car yeeshay noqosho. carqalad m.dh Qas iyo lab lagu sameeyo hawl si wanaagsan u socota. ld carqalo. carqaladee f.mg2 (-deeyay, -deysay) Hawl carqalad gelin. carqaladeyn m.f.dh eeg carqaladee. carqalo m.dh ld carqalad. carraabi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax galab meel u kaxayn. 2. Marti is dhaafin. carraabid m.f.dh 1. eeg carrow. 2. eeg carraaw. carraabin m.f.dh eeg carraabi. ld carraabis. carraabis m.dh ld caraabin. carraabo m.dh Socod goor galab ah meel laga tago iyadoo meel kale la higsanayo. ld carrowtiin. carraaw f.mg1 (-aabay, -aabtay) Galab meel u socosho. ld carrow (2). carrab m.l (-bo/-byo, m.dh) 1. Xubin jilicsan oo ku jirta afka nafleyda oo qaabbilsan dhadhanka, calaliska, liqida iyo kala soocidda hadalka. 2. C. ku dhufasho: carrabbaabid. 3. C. macaan: hadal macaan. carrabbaab¹ m.l Gefka carrabka; halmaan. ld carrabbow¹. carrabbaab² f.g/mg1 (-bay, -btay) 1. (f.g) Wax xusid ama sheegid. 2. (f.mg) Si qalad in yar oo tibix ah ka sheegid. carrabbaabid m.f.dh eeg carrabbaab². carrabbow¹ m.l ld carrabbaab¹. carrabbow² f.g/mg1 (-oobay, -oowday; -oobi) ld carrabbaab². carrabcad m.dh Dhasha xoolaha oo caananuugga ah oo aan weli daaqid gaarin. carrabdhaw¹ m.l Alalaas; mashxarad. carrojiif 133 carrabdhaw² f.mg1 (-dhebay,- dhawday; – dhebi) Mashxarad samayn. carrabdhebid m.f.dh eeg carrabdhaw². carrabey m.l ld carrablaw. carrabjalqi f.mg2 (-iyay, -isay) Erayo dhawaaqoodu isku dhow yahay oo carrabka carruurta lagu jilciyo dhihid. carrabjalqin m.f.dh eeg carrabjalqi. ld carrabjalqis. carrabjalqis m.l ld carrabjalqin. carrabkeliyaale m.l (-layaal, m.l/dh) Koor hal carrab leh. carrabkudhufad m.l ld carrabkudhufasho. carrabkudhufasho m.dh Hadalhaynta. ld carrabkudhufad. carrabla’¹ m.dh ld carrablaay. carrabla’² f.mg4 (-‘aa -‘ayd) Qof aan ereyada qaarkood sida loogu dhawaaqo karin ahaansho. carrabla’aan m.f.dh 1. eeg carrabla’². 2. Shigshigidda. ld carrabla’aansho. carrabla’aansho m.l/dh ld carrabla’aan. carrablaay m.dh Haweeney aan karin erayada qaarkood sida loogu dhawaaqo. ld carrabla’¹. carrablaw m.l Nin aan karin erayada qaarkood sida loogu dhawaaqo. ld carrabey. carrablo’aad m.l Geednagaar yar, faalala, leh laamo la cuno oo alamo leh. carrabmacaan f.mg4 (-naa, -nayd) Si raxiim ah u hadlid. carrabmacaanaan m.f.dh eeg carrabmacaan. ld carrabmacaanaansho. carrabmacaanaansho m.l/dh ld carrabmacaanaan. carrabmaris m.l Su’aasha la weyddiiyo herinta inuu jiro cid dembi gashay, marka dhawr goor la soo hungoobo. carracad m.l Dhul midabka ciiddiisu caddaan u dhawdahay. carrafo m.dh ld arrafo. carraggeddi¹ m.l ld carraggeddiyid. carraggeddi² f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Beer, ciiddeeda burburin kaddibna jilcin. carraggeddin m.dh ld carraggediyid. carraggeddis m.l Burburinta iyo jilcinta ciidda beerta lagu sameeyo. ld carraggeddiyid. carraggeddiyid m.dh eeg carraggeddi². ld carraggeddi¹, carraggedin, carraggeddis. carraggoo f.g/mg2 (-ooyay, -oysay) 1. (f.g) Socdaal ugu horrayn. 2. (f.mg) Beer dooxyo u yeelid. carraggoyn m.f.dh eeg carraggoo. ld carrggoys (3). carraggoys m.l 1. C. ah: roob xoog badan oo dhulka bohola ka jeexa. 2. Xaro cusub aan degel hore ahayn. 3. ld carraggoyn. carragguur¹ m.l Ka tegidda carrada nafaqada leh ka tagto dhul, daad, dabayl iwm awgeed. ld carroguur. carragguur² f.mg1 (-ray, -rtay) Dabayl, daad iwm awgeed dhul carrada nafaqada leh ka tegid. carragguurid m.f.dh eeg carragguur². carraguduud m.l Dhul midabka ciiddiisu cas tahay. carramadow m.l Dhul midabka ciiddiisu madow u dhowdahay oo beerashada ku wanaagsan. ld carromadow. carranafaqayn m.dh Bacriminta dhul digo, daawo iwm lagu bacrimiyo si wax loogu beero. carranafaqeeye m.l (-yayaal, m.l/dh) Digo, dawo iwm oo dhulka lagu bacrimiyo. carrarroog¹ m.l ld carrarroogid. carrarroog² f.mg1 (-gay, -gtay) Beer, ciiddeeda burburin kaddibna jilcin. carrarroogid m.f.dh eeg carrarroog². ld carrarroog¹. carrasan m.l Dhul saac iyo nur leh oo aan qaniin lahayn. carraseel m.l (-llo, m.dh) ld carroseel. carrawtiin m.l ld carraabo. carrayn m.f.dh eeg carree. carree f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Wax ciid ku shubid. 2. Geel cusbo siin. carri m.l ld carro (2). carris m.l Dhul geednagaar leh oo u dhexeeya buur iyo bannaan. carro m.dh 1. ld ciid (1). 2. ld carri. Dhul; dal; waddan. 3. Ciid cusbo leh. carrocad m.l Dhul carradiisu caddahay oo aan beer noqon karin. carrog¹ m.l Biyaha ama caanaha haan ama dhiil la culay carka looga dhaqo. carrog² f.g1 (-gay, -gtay) Haan ama dhiil la culay biyo ama caano carka uga dhaqid. carrogan f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Haan ama dhiil la culay biyo ama caano wax carka looga dhaqay ahaansho. carrogid m.f.dh eeg carrog². carrognaan m.f.dh eeg carrogan. ld carrognaansho. carrognaansho m.l/dh ld carrognaan. carroguur m.l (jool.) Rifanka ama lumista carrada sare, inta badanna waxa sababa falka dabaysha iyo roobka. ld carragguur. carrojiif m.l (jool.) Lakab dhadhaab ah oo ka hooseeya oogada dhulka, kaas oo ka kooban carromadow 134 dhadhaabo cufnaantoodu ay ka sarrayso kuwa oogada dhulka, waxaana kala saara carrojiifka iyo oogada dhulka la yiraahdo moho; gunta dhererka carrojiifku wuxuu gaarayaa ilaa 2,900 Km. (1,800 mayl) ka hoos dhulka dushiisa. Carrojiifka isagana waxaa ka hooseeya xuddunta. carromadow m.dh ld carramadow. carromaris m.l Boondhow. carroobid m.f.dh eeg carrow. carroseel m.l/dh (-llo, m.dh) Dhul ciiddiisu dhano tahay. ld carraseel. carrow f.mg1 (-raabay, -rowday; -raabi) 1. Wax ciid yeelasho. 2. ld carraaw. carruur m.dh.u Dhasha dadka; ilmo; ubad. carruurayn m.f.dh eeg carruuree. carruuree f.mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Cid in ay sida carruurta u dhaqanta ku kallifid. 2. Is c.: carruur iska dhigid. carruurnimo m.dh Carruur ahaansho. carruuroobid m.f.dh eeg carruurow. carruurow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Carruur noqosho; carruur u ekaansho. carsaanyo m.dh Naflay badda ku nool oo leh sideed lugood iyo labo birqaab oo ay wax ku qabato, hor iyo dibba waa u oroddaa; suulogoys; suulalgoys. ld carcarsaanyo. carsaanyow m.l (daaw.) Cudur halis ah oo jirka meeshuu gala cuna si dhaqsana ugu fida oo ilaa meeshii uu ku dhacay la gooyo aan laga bogsoon; feex; fayiix; buro; bahalaad. carshaan m.dh.w eeg cariish. carshaashayn m.f.dh eeg carshaashee. ld carshacarshayn. carshaashee f.g2 (-sheeyay, -shaysay) Hawl qas iyo lab dhex gelin. ld carshacarshee. carshaasho m.dh (-ooyin, m.l) 1. (ld carshacarshe) Qas iyo lab hawl socoto lagu hakiyo. 2. Timir aan aad u bislaan. carshacarshayn m.dh ld carshaashayn. carshacarshe m.l Qas iyo lab hawl socota lagu hakiyo. ld carshaashoÿ(1). carshacarshee f.g2 (-sheeyay, -sheysay) ld carshaashee. carshacarsheyn m.dh ld carshaashayn. carshi m.l (-iyo, m.dh) 1. Sariirta boqorka. 2. Shay weyn, muqaddas ah Eebbe leeyahay oo samada sare ku sugan. 3. Geed abaareed gaaban oo leh caleemo balballaaran iyo miro macaan oo la cuno kana baxa carroguduudka. carshin m.dh Dhul daaq leh, dhulka xooluhu daaqaan. cartamid m.f.dh eeg cartan². ld cartan¹. cartan¹ m.l Qaylo iyo wax burburin ay sameeyaan nafleyda qaar marka ay xanaaqaan. ld cartamid. cartan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. Ur aad u udgoon wax ka soo urid. 2. ld car 2. Xanaag dartii, qaylo iyo wax burburin samayn. 3. Karkarid. cartir¹ m.l ld catir¹. cartir² f.g1 (-ray, -rtay) ld catir². cartiran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) ld catiran. cartirid m.dh ld catirid. cartirnaan m.dh ld catirnaan. cartirnaansho m.l/dh ld catirnaan. carun m.l 1. Dhiig guduudkiisu yaryahay. 2. Doog yar oo markaa soo baxay. caruusad m.dh ld aroosad. carwaajiis m.l Midab guduud furan ah. carwasaad¹ m.l ld calwasaad¹ (2). carwasaad² f.mg1 (-day, -dday) ld calwasaad³. carwasaadid m.dh ld calwasaadid. carwo m.dh (-ooyin, m.l) Suuq weyn, lagu soo bandhigo waxsoosaarka beeraha, warshadaha iwm oo waqti go’an oo lagu daawado leh. cas¹ m.l 1. Kaaha midabka huruudda u eg oo arooryada hore ka muuqda dhanka bari, inta ayan qorraxdu soo bixin. 2. Meel bannaan oo ciid jilicsan leh oo la dego. 3. Midab guduud xigeen ah. 4. Sayn yaroo meel ka hoora. 5. Meel bannaan. cas² f.mg4 (-saa, -sayd; cascas) Wax midabkiisu guduud furanyahay ahaansho. casaan¹ m.l 1.C. ah: midab guduud furan ah. 2. Dermo inteeda midabka iyo naqshadda leh. ld casiin. casaan² m.f.dh eeg cas². ld casaansho. casaanboor m.l Midab casaan ah oo caddaan iyo madow ku dhafan yahay. casaansho m.l/dh eeg casow. ld casaan². casaaro m.dh ld cisaaro. casabaysad m.l ld casabaysasho. casabaysasho m.f.dh eeg casabayso. ld casabaysad, casabaysi. casabaysi m.l ld casabaysasho. casabayso f.g3 (-stay, -satay) Ci

No comments