Breaking News

Qaamuuska 4aad xise muusa

casiisnimo 136 casiisnimo m.dh Cisiis ahaan. casil f.g1 (-ilay, -ishay) Qof jago hayo ka qaadid. casilaad m.dh 1. Ka qaadista nin siyaasi ah xilka. 2. ld casilid. casilid m.f.dh eeg casil. ld casilaad (2). casir¹ m.l ld casar. casir² f.mg1 (-ray, -rtay) Xanuun aad ah oo qabatin ah caloosha ka dareemid. casirid m.f.dh eeg casir². caskarayn m.dh ld askarayn. caskaree f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) ld askaree. caskari m.l ld askari. caskarinnimo m.dh ld askarnimo. caskramaroodi m.l ld askarmaroodi. casmali¹ m.l.kh C: ah: shaah aan caano lagu darin; bigays. casmali² m.dh Tarbuush guduudan. casow f.mg3 (-saaday, -saatay) Wax cas noqosho. casri m.l 1. Sebenka markaa la joogo. 2. C. ah: wax cusub oo waqtiga la socda. casriyayn m.f.dh eeg casriyee. casriyee f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Wax, wax cusub oo waqtiga la socda ka dhigid. casumaad m.l (-do, m.l) Cunto ka kooban noocyo badan oo qof la sharfayo loo sameeyo. ld casuumad. casuman f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Wax la casumay ahaansho. casumid m.f.dh eeg casun. casumnaan m.f.dh eeg casuman. ld casumnaansho. casumnaansho m.l/dh ld casumnaan. casun f.g1 (-umay, -untay; -umi) Cid casuumad u fidin. casuumad m.dh ld casumaad. casuuro m.dh Midab casaan xigeen ah. casuus m.dh Midab cas oo caddaan ku jiro. cataabid m.f.dh eeg catow². ld catow¹ (2). catajab¹ m.l ld cashatab¹. catajab² f.mg1 (-bay, -btay) ld cashatab². catajabid m.dh ld cashatebid. catajebi f.mg2 (-iyay, -isay) ld cashatab². catajebin m.dh ld cashatebid. catajebis m.l ld cashatebid. catar m.l (-rro, m.dh) Hoore udgoon, la isku carfiyo oo aalkolo lahayn, oo ka kooban saliid iyo waxyaabo kale. ld cadar (3). catatab¹ m.l ld cantatab¹. catatab² f.mg1 (-bay, -btay) ld cantatab². catatabid m.dh ld cantatabid. catatar¹ m.l.kh C. ah: qandho kulul. catatar² f.mg1 (-ray, -rtay) Qandho kulul oo haysa awgeed la jarayn. catatarid m.f.dh eeg catatar². catiir¹ m.l (-rro, m.dh) 1. Sariir ka samaysan qoryo iyo xarig caw ah. 2. ld caddiir. Xarig ka samaysan caw. catiir² f.g1 (-ray, -rtay) 1. Sariir catiir ku samayn. 2. Xarig caw ka samayn. catiiran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la catiiray ahaansho (sariir). catiirid m.f.dh eeg catiir². ld catiiris. catiiris m.f.dh eeg catiir². ld catiirid. catiirnaan m.f.dh eeg catiiran. ld catiirnaansho. catiirnaansho m.l/dh ld catiirnaan. catir¹ m.dh (-ro, m.l) Cad maro ah oo carka lagaga baabbi’iyo weel la culay. ld cartir¹. catir² f.g1 (-ray, -risay) Weel la culay, cad maro ah ama mayrax carka uga bi’in. ld catir², catiree. catiran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Weel, wax la catiray ahaansho. ld cartiran, catireysan. catirayn m.dh ld catirid. catiree f.g2 (-reeyay, -raysay) ld catir². catireysan f.mg4 (-snaa, -snayd) ld catiran. catireysnaan m.dh ld catirnaan. catireysnaansho m.l/dh ld catirnaan. catirid m.f.dh eeg catir². ld catirayn, cartirid. catirnaan m.f.dh eeg catiran. ld cartirnaan, cartirnaansho, catireysnaan, catireysn catirnaansho m.l/dh ld catirnaan. catow¹ m.l 1. Hadal qof ku muujiya xumaan ama dhibaato gaartay, calaacal. 2. ld cataabid. catow² f.mg1 (-taabay,-towday; -taabi) Cid, xumaan ama dhibaato gaartay hadal ku sheegid, claacalid. caw¹ m.l 1. Dhinac; dhan. 2. Aagga u dhow meel. ld caaw¹. caw² m.dh Caleemo dhaadheer, laga sameysto darin dambiil, xarig iwm. oo ka baxda geed la bah ah timirta iyo baarta. ld caaw². cawaag m.dh 1. Miraha geedka mayrada. 2. Summad gaar ah oo geela lagu dhigo. cawaan m.l (cawaan, m.dh) 1. Dad jaahil ah oo aan diin lahayn. 2. Qof, qof kale hiil iyo hooba la garab taagan. cawaandi m.l (-iyo, m.dh) Qof isla weyni iyo kibir badan. cawaannimo m.dh Cawaan ahaan. cawaansad m.l ld cawaansasho. cawaansasho m.f.dh eeg cawaanso. ld cawaansad, cawaansi. cawaansi m.l ld cawaansasho. cawaanso f.g3 (-saday, -satay) Cid kaalmo iyo taageero ka doonid. caweermid 137 cawaaqib m.l Waxa nasiib u noqda qofka ee nolooshiisa ku dambeyso. cawaaqibxumaan m.f.dh eeg cawaaqibxun. ld cawaaqibxumaansho, cawaaqibxumi, cawaaqibxumo. cawaaqibxumaansho m.l/dh ld cawaaqibxumaan. cawaaqibxumi m.dh Cawaaqib aan wanaagsanayn ee qof noloshiisu ku dambeyo. ld cawaaqibxumaam. cawaaqibxumo m.dh ld cawaaqibxumaan. cawaaqibxun f.mg4 (-umaa, -umayd) Wax aan cawaaqib wanaagsanayn ahaansho. cawaarsasho m.f.dh eeg cawaarso. cawaarso f.mg3 (-saday, -satay) Maroodi, si uu u harraad beelo, dhir dhacaan leh ruugid. cawabbari¹ m.l 1. Habeen meel nabad gelyo lagu baryo. 2. ld cawabbarid. cawabbari² f.mg1/2 (-ryay, -riday/risay; -ryi) Habeen meel nabad ku baryid. cawabbarii f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax habeen meel ku nabad gelin. ld cawabbariisii. cawabbariin m.f.dh eeg cawabbarii. ld cawabbarisiin. cawabbarin m.dh ld cawabbaryid. cawabbarisii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld cawabbarii. cawabbarisiin m.dh ld cawabbariin. cawabbaryid m.f.dh eeg cawabbari². ld cawabbari¹ (2), cawabbarin. cawaddaran m.dh Waqtiga qorraxdu dhacdo oo mugdigu billaabmayo. cawadhalad m.l Qof aad u nasiib badan. cawadhaxmee f.mg2 (-meeyay, -meysay) Meel loo socdo hal habeen u dhixid. cawadhaxmeyn m.f.dh eeg cawadhaxmee. cawadhaxmo m.dh Habeendhax. cawaggud m.dh Nooc quraanyada ka mid ah, gudguduudan, koox-koox u socota, qaniinyo kulul oo habeenkii socota. cawaguddo m.dh Caws balka galleyda u eg oo sida badan beeraha ka soo dhasha oo haddii la falo si dhaqso ah u soo baxa. cawameer m.dh (-ro, m.l) 1. Nafley habeenkii wareegta. 2. Dhillo. 3. Cuntub gaar ah, ilaalo. cawan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cawo leh ahaansho. cawanaan m.f.dh eeg cawan. ld cawanaansho. cawanaansho m.l/dh ld cawanaan. cawannimo m.dh ld Habeennimo cawar¹ m.l 1. Nooc ka mid ah libaax badeedka oo aad halis u ah. 2. Qof il la’ ama nabar ku leh. ld cawir¹. cawar² f.g1 (-ray, -rtay) 1. Nafley dhaawac gaarsiin. 2. Nafley iftiin weyn, indhaha uga qabasho. ld cawir². cawaraad m.dh ld cawarid. cawaran¹ f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax la cawiray noqosho. ld cawiran¹. cawaran² f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la cawiray ahaansho. ld cawiran². cawarid m.f.dh eeg cawar². ld cawaraad, cawiraad, cawirid. cawarmid m.f.dh eeg cawaran¹. ld cawirmid. cawarnaan m.f.dh eeg cawaran². ld cawarnaansho, cawirnaan, cawirnaansho. cawarnaansho m.l/dh ld cawarnaan. cawarnimo m.dh (daaw.) Labada indhood oo kala qalloocda. cawaroobid m.f.dh eeg cawarow. ld cawiroobid. cawarow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax il beelay ama nabar ka gaaray noqosho. ld cawirow. cawaweer¹ m.l Nooc ka mid ah libaaxbadeedka. cawaweer² m.l/dh Waqtiga ay qorraxdu dhacdo oo aan si fiican wax loo arag; himhimow. ld cawaweero. cawaweero m.dh ld cawaweer². cawbaar m.dh Caw ka baxda geedka baarka. cawd¹ m.l 1. Ururinta xoolo badan meel lagu ururiyo. 2. Meel kulul oo dugsi ah oo neecawdu ka xirantahay. cawd² f.g1 (-day, -dday) Xoolo badan meel isugu ururin. cawdan f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la cawday ahaansho (xoolo badan). cawdasho m.f.dh eeg cawdo. cawdid m.f.dh eeg cawd². cawdnaan m.f.dh eeg cawdan. ld cawdnaansho. cawdnaansho m.l/dh ld cawdnaan. cawdo f.mg3 (-day, -datay) Xoolo badan meel isugu ururid. cawdu-billaahi e.d ld acuudu-billaahi. cawdu-billeysad m.l ld acuudu-billaysasho. cawdu-billeysasho m.dh ld acuudubillaysasho. cawdu-billeysi m.l ld acuudu-billeysasho. cawdu-billeyso f.mg3 (-stay, -satay) ld acuudu-billeyso. cawee f.mg2 (-weeyay, -weysay) Habeenka gelinkiisa hore sheeko, ciyaaro iwm waqti isku dhaafin. caweeran f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Qof aan indhaha si fiican wax uga arag noqosho. caweermid m.f.dh eeg caweeran. caweyn 138 caweyn m.f.dh eeg cawee. ld caweys (3). caweys m.l 1. Ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo habeenkii lagu so jeedo. 2. (-syo, m.dh) Baar muusiga laga tumo oo habeenkii dhallintu ku soo jeeddo. 3. ld caweyn. caweysimid m.f.dh eeg caweysin². caweysimo m.dh ld caweysin¹. caweysin¹ m.l Habeenka gelinkiisa hore. ld caweysimo. caweysin² f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Habeenka gelinkiisa hore soo jeedid. caweysindambe m.l/dh Xilliga u dhexeeya sagaalka ilaa tobanka fiidnimo. caweysinhoraad m.dh Xilliga u dhexeeya siddeedda fiidnimo ilaa sagaalka. cawggiir¹ m.dh 1. Caw rinji la geliyay. 2. C. ka dhig: si xun wax u baabi’in. cawggiir² f.g1 (-ray, -rtay) Si xun wax u baabi’in. cawggiirid m.f.dh eeg cawggiir². cawi f.g1/2 (-iyay, -iday/ -isay; -iyi) ld caawi. cawiif m.l Midab cad oo boor ku dhafanyahay. cawil m.l Wax ku dhaafay ama lumay beddelkood. cawilceli f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhumay beddelkood siin. cawilcelin m.f.dh eeg cawilceli. ld cawilcelis. cawilcelis m.l ld cawilcelin. cawimaad m.dh ld caawino. cawimid m.dh ld caawinid. cawimo m.dh ld caawino. cawin¹ m.dh ld caawiyid. cawin² f.g1 (-imay, -intay) ld caawin². cawinaad m.dh ld caawino. cawinid m.dh ld caawinid. cawino m.dh ld caawino. cawir¹ m.l ld cawar¹. cawir² f.g1 (-ray, -rtay) ld cawar². cawiraad m.dh ld cawarid. cawiran¹ f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) ld cawaran¹. cawiran² f.mg4 (-rnaa, -rnayd) ld cawaran². cawirid m.dh ld cawarid. cawirmid m.dh ld cawarmid. cawirnaan m.dh ld cawarnaan. cawirnaansho m.l/dh ld cawarnaan. cawiroobid m.dh ld cawaroobid. cawirow f.mg1 (-oobay, -oowday; -oobi) ld cawarow. cawis m.l ld caawiyid. cawiyid m.dh ld caawiyid. cawl¹ m.l 1. Midab casaan xigeen ah. 2. Cawsha keeda lab. cawl² m.dh 1. Ugaarta waaweyn jaad ka mid ah, leh midab casaan xigeen ah, geesa dhaadheer iyo daba gaaban oo bogga ka cad; cawlo. 2. Cawl dhaddig ah. cawlan f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax midab cawl ah leh ahaansho. ld cawllan. cawlawareershe m.l (-shayaal, m.l/dh) ld cawlwareershe. cawlikudhal m.dh ld cawlikudhashay. cawlikudhashay m.dh 1. Xilli bartamaha guga ah oo roob badan da’o. 2. Roob badan oo xilliga gu’ga bartamihiisa da’a. ld cawlikudhal. cawllan f.mg4 (-naa, -nayd) ld cawlan. cawllanaan m.dh ld cawlnaan. cawllanaansho m.l/dh ld cawlnaan. cawlnaan m.f.dh eeg cawlan. ld cawllanaan, cawllanaansho, cawlnaansho. cawlnaansho m.l/dh ld cawlnaan. cawlo m.dh.u ld cawl². (1) cawlwareershe m.l 1. Geednagaar leh miro kuuskuusan, caleemo yaryar iyo laamo jiljilicsan, oo nafleyda daaqda ay ku wareerto. 2. Miraha caduurka inta aanay bislaan. ld cawlawareershe. cawo m.dh 1. (-ooyin, m.l) Habeen. 2. Nasiib wanaagsan. cawralegdid m.f.dh eeg cawraleged². cawraleged¹ m.l Wax yar oo la siiyo ruux ishiisa laga baqayo. cawraleged² f.g1 (-gday, -gedday) Qof ishiisa laga baqayo wax yar siin. cawratir¹ m.l 1. ld cawritir¹. 2. Dhar yar oo cawrada deda. cawratir² f.g1 (-ray, -rtay) 1. ld cawritir². 2. Dhar cawrada lagu dedo cid siin. cawratirid m.f.dh eeg cawratir². ld cawritirid. cawratiryo m.dh ld cawritir¹. cawrayn m.f.dh eeg cawree. cawraysan f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax masiibo ku dhacay ama la ileystay ahaansho. 2. Wax ceebaysan ahaansho. cawraysnaan m.f.dh eeg cawraysan. ld cawraysnaansho. cawraysnaansho m.l/dh ld cawraysnaan. cawree f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Cid ileyn. 2. Cid ceebeyn. cawri¹ m.l 1. Xin, kuuni. 2. Il, dhabato, illaaco, cÄ…wro. cawri² f.g1 (-ryay, -riday; -ryi) Hanti cid leedahay kuunyid. cawritir¹ m.l 1. Wax la siiyo qof ishiisa laga baqaayo. 2. ld cawritirid. ld cawratir¹ (1), cawratiryo, cawritiryo. cawritir² f.g/mg1 (-ray, -rtay) Wax in isha looga hortago u bixin. ld cawratir² (1). cayil¹ 139 cawritirid m.f.dh eeg cawritir². ld cawratirid, cawritir¹ (2). cawritiryo m.dh ld cawritir¹. cawro m.dh Oogada dadka inta la qarsho; foolxuumo; ceeb. cÄ…wro m.dh 1. Inkaar. 2. Il, cawri. 3. Xin, kuuni, xasdi. cawryid m.dh eeg cawri². caws m.l Nooc dhirta ka mid ah, oo xooluhu daaqaan leh caleemo, laamo iyo jirrid aan xoogganeyn oo badanaa deda meesha uu ka baxo. cawsgolgol m.l (-llo, m.dh) 1.Harar aan waynayn, samayskiisuna fiicfiicnayn. 2. Kash-kash caws ah oo ardaayada lagu goglo. cawsiyo-biyokunool m.dh.u 1. Lo’. cawsley¹ m.dh 1. Dad caws qada. 2. Dhul caws keliya ka baxo. cawsley² m.dh (juqr.) gobollada dunida ee degaankooda dabiiciga ahi uu ka koobanyahay caws; roobka ka da’a ma bixin karo kayn, isla markaas uu ka badanyahay midka ka da’a lamaddegaannada. Sidaas awgeed cawsleydu waxay ku dhacdaa dhulalka u dhexeeya kaymalayda iyo lamaddegaannada. cawtalgasiir m.l Geed la aamminsan yahay inuu awrka qooqani daaqo. cay¹ m.l Dhareer; calyo. cay² m.dh 1. ld caay 1. Hadal ama fal qadaf ah oo cid loola jeedo. 2. God, shabaq, siriq ama bir iyo dabin kale oo loo dhigo ugaarta si ay ugu dhacdo. 3. Geedaha beerta laga guro oo inta la aruuriyo la gubo. cay³ f.g1 (caayay, cayday; caayi) Hadal ama fal qadaf ah cid u jeedin. ld caay². cayaar¹ m.dh (-ro, m.dh) 1. Madaddaalo tab iyo xeel loo dheelo leh oo ay dadku waqtiga isku dhaafiyaan. 2. Fal, jaan iyo jiib leh oo ay dhallinyaradu habeenkii waqtiga iskudhaafiyaan. 3. Tartan kubbad, orod iwm. 4. Kaftan aan run ahayn. ld ciyaar¹. cayaar² f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Madaddaali tab iyo xeel leh waqti isku dhaafin. 2. Fal, jaan iyo jiib leh habeen waqti isku dhaafin. 3. Tartan kubbad, orod iwm. ka qaybqaadasho. 4. Kaftan dhihid. cayaari¹ m.l.u Garangar yar oo inta xarig laga dhexdudisiyo, waxyaalaha culus lagu shubashubeeyo; khafyad. ld ciyaari¹. cayaari² f.g2 (-iyay, -isay) Wax ciyaar ku madaddaalin. ld ciyaari². cayaarid m.f.dh eeg cayaar². ld ciyaarid. cayaarin m.f.dh eeg cayaari. ld ciyaarin. cayaarsii f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax ciyaar ku madaddaalin. 2. Qof tababbarid (askaro). ld ciyaarsii. cayaarsiin m.f.dh eeg cayaarsii. ld cayaarsiis, ciyaarsiin, ciyaarsiis. cayaarsiis m.l ld cayaarsiin. cayaartoy¹ m.l (cayaartoy, m.dh) Nin nooc cayaaraha ka mid ah loo tababbaray oo yaqaan sida loo dheelo. ld ciyaartoy¹. cayaartoy² m.dh 1. Gabar loo tababbaray nooc cayaaraha ka mid ah oo taqaan sida loo dheelo. 2. Koox ciyaar loo tababbaray sida kuwa kubbadda cagta iwm. ld ciyaartoy². cayaaryahan m.l (-nno, m.dh) Qof nooc ciyaaraha ka mid ah ku wanaagasan. ld ciyaaryahan. cayaaryaxaas m.dh Ciyaar dab la shido oo ay dheelaan baxaarradu marka ay doonayaan in yaxaasku soo baxo. ld ciyaaryaxaas. cayaayir m.l 1. Hadal ama fal aan dhab ahayn oo uu qof mid kale kula kaco. 2. Ciyaar; dheel. cayalo’aad m.l Nagaar dhulka ku faafa caleemo biyo ka buuxaan iyo laamo jilicsan leh oo ka baxa meesha degelka leh. cayayaan m.l.u (-nno, m.dh) Bahallada yaryar, aan laf iyo dhiig lahayn oo leh lix ama siddeed lugood, oo ay ka mid yihiin kaneecada, caarada, duqsiga iwm. cayayaandile m.l.u (-layaal, m.l/dh) (kiim.) Walax kiimikaad loo isticmaalo in lagu dilo cayayanka ama nooleyaal kale oo waxyeelleeya miraha iyo geedaha kale oo la beeray. caycay m.l Nafley u nugul dhibaatada. caycaynimo m.dh Caycay ahaansho. cayd m.l Baahi weyn oo wax loo qabo. ld ceed. caydan f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Qof, baahi weyn alaab maacuun u qaba ahaansho. ld ceedan. caydbax f.mg1 (-xay, -xday) Alaab maacuun oo aad loogu baahnaa helid. ld ceedbax. caydbixid m.f.dh eeg caydbax. ld ceedbixid. cayddi m.l (-iyo, m.dh) 1. Nooc mallayga yaryar ka mid ah oo koox-koox isu raaca. 2. Ilmo. 3. Wax yaryar oo aan qayme lahayn. (baay.) Nudo geed oo ka kooban unugyo si firfircoon u qaybsamaya oo soo saara unugyo; unugyadaas oo u meesiyooba nudaha cusub ee geedka. caydnaan m.f.dh eeg caydan. ld caydnaansho, ceednaan, ceednaansho. caydnaansho m.l/dh ld ceednaan. cayil¹ m.l Hilib iyo baruur badan oo ay nafley yeelato. cayil² 140 cayil² f.mg1 (-ilay, -ishay) Hilib iyo baruur badan yeelasho. cayilan f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax cayilay ahaansho. ld cayillan. cayili f.g2 (-iyay, -isay) Nafley wax cayilan ka dhigid. cayilid m.f.dh eeg cayil². cayilin m.f.dh eeg cayili. cayillan f.mg4 (-naa, -nayd) ld cayilan. cayillanaan m.f.dh ld cayilnaan. cayillanaansho m.l/dh ld cayilnaan. cayilnaan m.f.dh eeg cayilan. ld cayillanaan, cayillanaansho, cayilnaansho. cayilnaansho m.l/dh ld cayillanaan. cayin f.g1 (-nay, -ntay) 1. Wax tiradooda ama noocooda si cad u sheegid. 2. U c.: qof, meel u magacaabid. cayinid m.f.dh eeg cayin. caymad m.l ld caymasho. caymasho m.f.dh eeg caymo². ld caymad. caymi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax dhibaato ama halis ka nabadgelin. 2. Aawr la rarayo, cayn ku giijin. 3. Hanti caymis ka diiwaangelin. caymin m.f.dh eeg caymi. ld caymis (2). caymis m.l 1. Shirkad lacag ka qaadda ciddii ay heshiis la gasha oo u magdhawda markuu shil ku yimaado. 2. ld caymin. caymo¹ m.dh 1. In ka samatabaxday hanti burbur ku dhacay. 2. Kaalmo aan badnayn oo la siiyo cid hantidii ay lahayd dhaaftay. ld caynaano. caymo² f.mg3 (-yntay, -ymatay) 1. Wax halis ka samatabixid. 2. Xoolo lumay ama la dhacay in yar ka badbaadid. cayn¹ m.l (-yman, m.l) 1. Xarig isaga gudbo labada dhinac, oo rarka ku adkeeya gaadiidka nafleyda ah. 2. Magac carbeed xarafka ‘c’. cayn² m.dh 1. Nooc; jaad. 2. Si, hab, qaab. 3. Keyn, dhul jiq ah oo dhir badan. ld caynad. cayn³ m.dh (nax.) Dir naxweed ku shaqa leh in ay kala saarto labka iyo dheddigga ee magacyada, magacuyaallada iyo qaabka falalka (tus.: inantu way seexatay). Ereyada weertan cayn dheddigeed ayey wada muujiyeen: magaca, magacuyaalka iyo falkuba. caynaan m.l.u Suun xakamaha labadiisa dhinac ku xiran oo gammaanka lagu dudduwo laguna joojiyo. caynaani f.g2 (-iyay, -isay) Cid caymo siin. caynaanin m.f.dh eeg caynaani. caynaano m.dh ld caymo¹. caynaanshe m.l (-shayaal, m.l/dh) Caymiye. caynab m.l.kh C. ah: midab madow oo farduhu yeeshaan. caynad m.dh ld cayn². cayngeri m.l Tinta saynta geriga oo lagu xirto qaansada qorigeeda, badanaana waxaa isticmaala oo lagu aqoonsadaa hargaantiga. caynsan f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax caymiska ka diiwaan gashan ahaansho (hanti). 2. Wax cayn lagu xiray ahaansho (rati). 3. Wax dhibaato laga samatabixiyey ahaansho (hanti). caynsanaan m.f.dh eeg caynsan. ld caynsanaansho. caynsanaansho m.l/dh ld caynsanaan. caynsane m.l (-nayaal, m.l/dh) Bayd faal oo madaxa iyo manjaha min laba ka ah, labada hogood oo dhexda ahna min hal. caynsasho m.f.dh eeg caynso. caynso f.g3 (-saday, -satay) 1. Hanti, caymis ka diiwaan gashasho. 2. Rati, cayn ku xirasho. 3. Hanti, dhibaato ka badbaadsasho. cayo m.dh ld canyo. cayololaad m.l Geed yar oo laamo iyo caleemo biyo ka buuxaan leh oo xooluhu daaqaan, kana baxa birrimada la dego. cayr m.l (cayr, m.dh) 1. Qof aan hanti lahayn. 2. (c., m.dh.) Dad aan hanti lahayn. cayrayn m.f.dh eeg cayree. cayree f.g2 (-reeyay, -raysay) Qof cayr ka dhigid. cayriin m.l.kh ld ceeriin. cayrnimo m.dh Cayr ahaansho. cayroobid m.f.dh eeg cayrow. cayrow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof cayr ah noqosho. caysh¹ m.l ld ceesh¹. caysh² f.mg1 (-shay, -shtay) ld ceesh². cayshid m.dh ld ceeshid. caytamid m.f.dh eeg caytan². ld caytan¹. caytan¹ m.l Isdhaafsashada cay laba qof ama ka badan isdhaafsadaan. ld caytamid. caytan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Laba qof ama ka bdan cay isdhaafsasho. cayuumaysad m.l ld cayuumaysasho. cayuumaysasho m.f.dh eeg cayuumayso. ld cayuumaysad, cayuumaysi. cayuumaysi m.l ld cayuumaysasho. cayuumayso f.g3 (-stay, -satay) Cid eegmo wax ku yeelid; cawrin; ilayn. cayuumid m.f.dh eeg cayuun². cayuun¹ m.dh 1. Geel gaagaaban oo laga helo deexda. 2. Eegmo dhibaato leh oo dadka qaarkii leeyahay. ld acyuun. cayuun² f.g1 (-uumay, -uuntay) Cid il wax ku yeelid. celcelis-joometeri 141 ceeb m.dh Sharaf darro ka timaada fal ama hadal anshaxdarro ah oo qof ku kaco. ld ceebaal. ceebaal m.l ld ceeb. ceebayn m.f.dh eeg ceebee. ceebee f.g2 (-beeyay, -baysay) Wax ceeb u yeelid. ceebla’aan m.dh Daacadnimo, aaminnimo. ceeboobid m.f.dh eeg ceebow. ceebow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax ceebi ku dhacday noqosho. ceed m.l ld cayd. ceedan f.mg4 (-dnaa, -dnayd) ld caydan. ceedbax m.l ld caydbax. ceedbixid m.dh ld caydbixid. ceednaan m.dh ld caydnaan. ceednaansho m.l/dh ld caydnaan. ceegaag¹ m.l ld ceegaagid. ceegaag² f.g/mg1 (-gay, -gtay) C./ka c.: balli, weel, xero iwm buuxid (biyo, caano, xoolo iwm). ceegaagid m.f.dh eeg ceegaag². ld ceegaag¹. ceego m.dh Si xoog leh oo nafley cunaha looga qabto si neeftu ugu joogsato; miijis. ld ceejo, ciiq, ciiqo¹ (2). ceegsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la ceejiyey ahaansho. ceegsanaan m.f.dh eeg ceegsan. ld ceegsanaansho. ceegsanaansho m.l/dh ld ceegsanaan. ceeji f.g2 (-iyay, -isay) Nafley neefta ku celin. ld ciiji, ciiqee (2). ceejin m.f.dh eeg ceeji. ld ciijin. ceejo m.dh ld ceego. ceel¹ m.l (-lal, m.l) God la qoday oo hoos u dheer oo laga helo biyo iwm. ceel² m.l (-lal, m.l) (jool.) Il-biyood dhulka hoostiisa ah oo lagu helay riig oo laga qoday oogada dhulka ilaa oogada biyaha hoose, biyahaa waxa markaa loo soo saaraa ama loo soo afuufaa oogada dhulka. Haddii ceel ka hoos maro oogada biyaha hoose xilliga qoyaanka, oo aanu aad hoos uga dhicin oogada biyaha hoose ee joogtada ah, wuxuu biyo yeelanayaa xilliga qoyaanka, haddii uu gaaro oogada biyaha hoose ee joogtada ah, dabadeed weligii biyo ayuu yeelanayaa. ceelaljoog m.dh 1. Rag xoolaha ceelka u jooga oo waraabiya. 2. Nooc shimbiraha ka mid ah oo badanaa aan laga ag waayin meelaha biyaha leh. ceelalyo m.dh.u Qofka ama dadka xoolaha aroor ah uga sii hora mara ceelka si uu ugu diyaariyo kaalin iyo biyo. ceelgee f.g2 (-geeyay, -geysay) Xoolo aroorin. ceelgeeye m.l Muruq weyn oo cududda geela labada dhinac uga jira. ceelgeyn m.f.dh eeg ceelgee. ceelka-aartiis m.l (-lal …, m.l) (jool.) Nooc ceelasha ka mid ah oo si joogta ah biyo soo saara; biyahaas waxaa kor u soo saara cadaadis ka yimid biyo fadhiya. ceelkaggeeye m.l 1. Xilli gu’ ah oo roob xoog badan leh da’a. 2. Roob xoog badan oo bartamaha guga da’a. ceelyeelad m.l 1. C. ah: xoolo ceel aada iyadoon cidi wadin. 2. ld ceelyeelasho. ceelyeelasho m.f.dh eeg ceelyeelo. ld ceelyeelad (2). ceelyeelo f.g3 (-eeshay, -eelatay) Xoolo iyadoon cidi wadin ceel aadid. ceemad m.dh (-do, m.l) Harag sida jawaanka loo tolay oo lagu gurto badarka, alaabta iwm. ceeqo m.dh Godob¹. ceeriin m.l Miro, hilib iwm oo aan bislaan. ld cayriin, qayriin, qeeriin. ceeriintahan m.dh Nooc ka mid ah libaax badeedka waaweyn, midab madow leh, halis ah oo u eg hambabarrada. ceerin f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax ceeriin ah ahaansho. ceernaan m.f.dh eeg ceerin. ld ceernaansho. ceernaansho m.l/dh ld ceernaan. ceeryaamo m.dh ld ceeryaan¹. ceeryaan¹ m.dh Dhado iyo ciiro isku jira. ld ceeryaamo, ciiryaamo, ciiryaan. ceeryaan² m.dh (fiis.) Cuf dhibco biyood ah oo ku jira lakabyada hoose ee gibilka, waxaana u sabab ah uumibiyoodka biyaha isugu rogaya hawada dhexdeeda, taas oo keenta aragtida oo si dhexdhexaaha u yaraata. cees f.mg1 (-say, -stay) Ka c.: qof xurmayn, weynayn. ceesaan¹ m.l (-nno, m.dh) Orgi sannad jir ah. ceesaan² m.dh (-aamo, m.l) Dheddig ari cad oo aan weli curan. ceesh¹ m.l Cuntada la cuno; quud. ld caysh¹. ceesh² f.mg1 (-shay, -shtay) Nafley noolaansho. ld caysh². ceeshid m.f.dh eeg ceesh². ld cayshid. ceesid m.f.dh eeg cees. celcelis m.l (-syo, m.dh) 1. Xilliga dabayluhu is beddelaan gu’ga iyo dayrta oo aysan dhan u badan. 2. Isku darka labada lambar ama ka badan oo loo qaybiyo mid ka mid ah, tirada ka soo baxda. celcelis-joometeri m.l (-syo …, m.dh) (xis.) C. j.iyeed ee “n” xaddi waa xidid “n” – jibbaarka tarankooda. celceliska heerka badda (C.H.B.) 142 celceliska heerka badda (C.H.B.) m.l (juqr.) (C.H.B.) Celceliska heerka badda, marka laga xisaabiyo indhaindhayn badan oo la sameeyay muddooyin isla eg gudahood. celi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax soo socda dib u laabid. 2. U c.: wax ciddii lahayd dib ugu geyn. 3. Wax socda hakin. 4. Ku c.: fal hore loo sameeyey mar kale dib u samayn. 5. Iska c.: wax iska difaacid. 6. Ka c.: wax ka reebid. celin m.f.dh eeg celi. ld celis. celis m.l ld celin. celiye m.l (-yayaal, m.l/dh) Suun dhuuban, jilicsan, xalleefsan, dun guduudan lagu qurxiyay oo gaaddada faraska iyo kooraha isuhaya. ces f.mg1 (-say, -satay) Cid xurmayn. ceshad m.l ld ceshasho. ceshasho m.f.dh eeg cesho. ld ceshad. ceshiimee f.g2 (-meeyay, -meysay) 1. Hanti la dhacay ama baadi ah ciddii lahayd u celin. 2. Safar bixiddiisa dib u dhigid. 3. Dhul in la daaqo, in mudda ah u diidid. ld ceshiinee, cishiinee. ceshiimeyn m.f.dh eeg ceshiimee. ld ceshiineyn, cishiineyn. ceshiimeysad m.l ld ceshiimeysasho. ceshiimeysasho m.f.dh eeg ceshiimeyso. ld ceshiimeysad, ceshiimeysi, ceshiineysasho, cishiim ceshiimeysi m.l ld ceshiimaysasho. ceshiimeyso f.g3 (-stay, -satay) Wax dad ka dhexeeya si gaar ah uga faa’iideysasho. ld ceshiineyso, cishiimeyso, cishiineyso. ceshiimo m.dh 1. Hanti la dhacay ama luntay oo ciddii lahayd loo celinayo. 2. Si gaar ah uga faa’iideysashada wax dad ka dhexeeya. ld ceshiino, cishiino. ceshiinee f.g2 (-neeyay, -neysay) ld ceshiimee. ceshiineyn m.dh ld ceshiimeyn. ceshiineysasho m.dh ld ceshiimaysasho. ceshiineyso f.g3 (-stay, -satay) ld ceshiimeyso. ceshino m.dh ld ceshiimo. cesho f.g3 (-shaday, -shatay) 1. Qof, wax laga qaatay ama uu baxshay, mar labaad dib u qaadasho. 2. Wax in ay lumaan ama hallaabaan ka ilaalin. ceyd m.l Dhibaato cid ka haysata guri, qalab ama gaadiid la’aan awgeed. ceydan¹ f.mg1 (-dmay, -dmantay) Wax ceyd hayo noqosho (qof). ceydan² f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax ceyd hayo ahaansho (qof). ceydbax¹ m.l.kh C. ah: helidda cid ceyd hayey hesho qalab ama gaadiid. ceydbax² f.mg1 (-baxay, -baxday) Cid ceyd hayey qalab ama gaadiid helid. ceydbixi f.g2 (-iyay, -isay) Cid ceyd hayo qalab ama gaadiid siin. ceydbixid m.f.dh eeg ceydbax². ceydbixin m.f.dh eeg ceydbixi. ld ceydbixis. ceydbixis m.l ld ceydbixin. ceydmid m.f.dh eeg ceydan¹. ceydnaan m.f.dh eeg ceydan². ld ceydnaansho. ceydnaansho m.l/dh ld ceydnaan. ceyntaabad m.l Geeddi dheer oo aan la nasan. ceyntaari f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Nafley aad u eryid. 2. (f.mg) Ku c.: gaadiid wax rarkiisa ka badan saarid. ceyntaarin m.f.dh eeg ceyntaari. ld ceyntaaris. ceyntaaris m.l ld ceyntaarin. ceyri f.g2 (-iyay, -isay) Nafley orodsiin, si meel ay ku sugnayd uga fogaato; eryid; burin. ceyrin m.f.dh eeg cayri. ld cayris. ceyris m.l ld cayrin. ceyro m.dh Orodsiinta nafley meel ay ku sugnayd laga orodsiiyo si looga fogeeyo. ld ceyrin. ceyrsad m.l ld cayrsasho. ceyrsasho m.f.dh eeg cayrso. ld ceyrsad, ceyrsi. ceyrsi m.l ld cayrsasho. ceyrso f.g3 (-saday, -satay) Wax ordaya tiigsasho. ci¹ m.dh Cod dheer oo ay nafleyda qaar sida shimbiraha, bahallada iwm sameeyaan. ci² f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) 1. (f.g/mg) Soo c./u soo c./u c.: xoolo, shimbir iwm cod dheer ku dhawaaaqid. 2. Cid u yeerid. cibaadeysad m.l ld cibaadeysasho. cibaadeysasho m.f.dh eeg cibaadeyso. ld cibaadeysad, cibaadeysi. cibaadeysi m.l ld cibaadeysasho. cibaadeyso f.mg3 (-stay, -satay) Qof, cibaado samaysasho. cibaado m.dh Camal wanaagsan oo loo sameeyo in Ilaah loogu dhawaado. cibaaro m.dh (-ooyin, m.l) 1. Belo aan hore loo arkin. 2. Arrin yaab leh oo aan hore loo arkin. ld cibro. cibro m.dh ld cibaaro. cicin m.l Nooc cawska biyaha dhexdooda ka baxa ka mid ah oo leh laamo dhaadheer oo jiljilicsan oo daashashka lagu dedo. ld dicin. cid¹ m.dh (-do, m.l) 1. Koox dad ah oo meel ku wada nool. 2. Qof ama wax ka badan. Tus. “Maanta c. ma arag”. 3. Qaraabo; reer. cigan³ 143 cid² f.g1 (-day, -dday) 1. Cid biyo ku hafin. 2. Sanduuq, weel iwm oo buuxa, wax dheeraad ah ku ciriirin si uu u qaado. cidaad m.dh (-do ml.) Meyrax jilcan, si gaar ah loo farsameeyey oo weelasha la culay lagu nadiifiyo. cidan¹ m.l Dhulka geed gaabka qodaxda lihi ku badanyahay. cidan² f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) Wax la ciday noqosho. cidan³ f.mg1 (-dnaa, -dnayd) Wax la ciday ahaansho. ciddabbax¹ m.l.kh C. ah: haweenay la furay oo cuddadii dhammaysatay. ld cuddabbax¹. ciddabbax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Haweeney la furay ama laga dhintay ciddo dhameysasho. ld cuddabax². ciddabbixid m.f.dh eeg ciddabbax². ld cuddabbixid. ciddi m.dh (-iyo ml.) 1. Cad gees la mood oo xalleefsan oo ka baxda faraha fooddooda sare. 2. Qolof libaax badeedka laga jaro oo loo shito uunsi ahaan. ld ciji, cijo, cinji. ciddidiif m.dh Fulfullac yaryar oo uu yeesho hilibka ku wareegsan ciddiyaha. ld caddidiif. ciddigod m.l Geed leh laamo dhuudhuuban, caleen yar iyo qodxo qaroofan. ld cinjigod. ciddiid m.dh Duurjoogta (ugaarta) inta hilibkooda la cuno. ciddijiid¹ m.l ld cagajiid¹. ciddijiid² f.mg1 (-day, -dday) ld cagajiid². ciddijiidid m.dh ld cagajiidid. ciddikudhufaan m.l ld edegkudhufaan. ciddikujoog m.dh Xubinta hore ee farta oo ay ciddidu ku taal. ciddillaab¹ m.l Orod kadle ah oo gammaanku sameeyo. ciddillaab² f.mg1 (-bay, -btay) Gammaan, orod kadle ah samayn. ciddillaabid m.f.dh eeg ciddillaab². ciddillibaax m.dh 1. Miro yicibeed oo markaa soo baxay. 2. Abuur meseggo ama galley oo markaa soo dhashay. ciddillibaaxi f.mg2 (-iyay, -isay) Abuur meseggo ama galley oo markaa soo dhalasho. ciddillibaaxin m.f.dh eeg ciddilibaaxi. ciddisiib m.l Nooc ka mid ah mariidka oo nafleyda uu sababo ay ciddiyuhu ka dhacaan timihiina ka bidaan (waa kan ugu halisan). ciddiyagaduudshe m.l Geed nagaar yar oo leh xididdo dhuudhuuban oo ciddiyaha lagu guduudsado. ciddo m.dh Muddo go’an oo haweenayda laga dhinto ama la furo ay tirsato oo aan la guursan karin inta ay ku jirto. ld cuddo. ciddood m.l.u ld cirdood. ciddoodoobid m.f.dh eeg ciddoodow. ciddoodow f.mg1 (-doobay, -dowday) Ciddood noqosho. cidhib¹ m.dh (-dhbo, m.l) ld cirib. cidhib² m.l (-byo, m.dh) (c.nafl.) Dalool liilsami kara oo carjaw ah, kaas oo ku dheggan gidaarka dalqada ee u dhow salka carrabka naasleyda. Mar wax la liqayo wuxuu daboolaa hunguricadka si aanay cuntadu u gelin. cidhif m.l (-fyo, m.dh) ld cirif. cidhif-birlabeed m.l (-dyo, m.dh) (fiis.) Dacallada birlabta ee u muuqda in xoogagga birlabeed ay ka unkamaan. cidid m.f.dh eeg cid². cidla’ m.dh Meel aan cidna degganeyn ama joogin. ld cidlo. cidlajoog m.dh.u Nafley la rabbaysna. cidla’joog m.dh.u Ugaar. ld duurjoog (1). cidlayn m.f.dh eeg cidlee. cidlee f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Meel cidla’ ka dhigid. 2. Wax baylah ka dhigid. cidlo m.dh ld cidla’ cidloo f.mg3 (-ooday, -ootay) Wehel la’aan dareemid. cidloobid m.f.dh eeg cidlow. cidlood m.f.l eeg cidloo. cidlow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Meel, wax cidla’ ah noqosho. cidmid m.dh eeg cidan². cidnaan m.f.dh eeg cidan³. ld cidnaansho. cidnaansho m.l/dh ld cidnaan. cif f.mg1 (-fan, -fatan) ld cifo. cifasho m.f.dh eeg cifo. ld cifid, cigasho, cigid. cifid m.dh ld cifasho. cifo f.mg3 (-ftay, -fatay) Hanti luntay ama baabba’day beddelkooda helid. ld cif, cig, cigo. cifriid m.l ld cirfiid. cig f.mg1 (-gay, -gtay) ld cifo. cigaal¹ m.l (-llo m.dh) Xarig dun madow ka samaysan oo cimaamadda madaxa lagula xajiyo. cigaal² m.dh Tuuryo meel dheer ku dhacda. cigaal³ f.mg1 (-aalay, -aashay) Tuuryo meel dheer ku dhicid. cigaalid m.f.dh eeg cigaal³. cigan¹ m.l.u 1. C. ah: dhul geed qodxeedku ku badan yahay. 2. Dhul leh dhir aan weli la daaqin. cigan² f.mg1 (-maday, -matay) Meel, wax geedo leh oo aan la daaqin noqosho. cigan³ f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Weel, wax hoore laga buuxiyey ahaansho. cigasho 144 cigasho m.dh ld cifasho. cigid m.dh ld cifasho. cigmid m.f.dh eeg cigan². cignaan m.f.dh eeg cigan³. ld cignaansho. cignaansho m.l/dh ld cignaan. cigo f.mg3 (-gtay, -gatay) ld cifo. ciid¹ m.dh 1. Dhulka qaybtiisa sare ee dhirtu ka baxdo oo ka samaysanta dhagxaan ay dabeel, qorrax iwm burburiyeen; carro. 2. ld iid 1. Maalin ay ummad qaddariso oo hawlaha laga nasto. ciid² f.mg1 (-day, -dday) Maalin la qaddarinayo u damaashaadid (ummad). ld iid². ciidaggale m.l Halaq yar, aan halis ahayn, midabka ciidda leh oo ciidda ku dhex nool. ld ciiddaggale. ciidami f.mg2 (-iyay, -isay) U c.: qof, cid hawl u qabasho. ciidamin m.f.dh eeg ciidami. ciidan¹ m.l 1. Qof, cid hawl u qabto ijaarna ka qaata. 2. (-ammo, m.dh) Xoog abaabulan, hubeysan oo qoran u qaabbilsan difaaca dalka. 3. (e.d) C.amow!: hayaay!, waawareey!. ciidan² f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) U c.: qof, cid u gargaarid. ciidannimo m.dh Ciidan ahaansho (qof). ciidansad m.l ld ciidansasho. ciidansasho m.f.dh eeg ciidanso. ld ciidaansad, ciidaansi. ciidansi m.l ld ciidansasho. ciidanso f.g3 (-saday, -satay) Cid ciidan ka dhigasho. ciidanxumaan m.f.dh eeg ciidanxun. ld ciidanxumaansho, ciidanxumi, ciidanxumo. ciidanxumaansho m.l/dh ld ciidanxumaan. ciidanxumi m.dh 1. Xaaladda uu ku suganyahay qof aan ciidan ku filan haysan. 2. Xaaladda uu ku suganyahay qof ciidan tayo fiican aan haysan. ld ciidanxumaan. ciidanxumo m.dh ld ciidanxumaan. ciidanxun f.mg4 (-umaa, -umayd) 1. Cid aan ciidan ku filan haysan ahaansho. 2. Qof aan ciidan geli karin ahaansho. ciidanyari m.dh ld ciidanyaro. ciidanyaro m.dh Xaaladda uu ku sugan yahay qof aan ciidan ku filan haysan. ld ciidanyari. ciiddaggale m.l ld ciidaggale. ciidee f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax ciid ku shubid. ciideyn m.f.dh eeg ciidee. ciidid m.f.dh eeg ciid². ld iidid. ciidmaris m.l Hab loo ciqaabo qofka hanadu gasho (herin). ciidmid m.f.dh eeg ciidan². ciifo m.dh Uurkutaallo. ld ciil¹. ciiji f.g2 (-iyay, -isay) ld ceeji. ciijin¹ m.dh ld ceejin. ciijin² m.dh (baay.) Dariiqadda saxarro bannaanka ka yimid oo jidhka weeraraya ama qayb yaryar oo cunto ah lagu soo dabo ee ay burburiyaan qaar ka mid ah unugyada xayawaanku. ciijiye-weyne m.l (-nayaal, m.l/dh) (baay.) Unug ballaadhan oo ciijiye ah, oo caadi ahaan laga helo nudaha soo saara unugyada dhiigga. ciil¹ m.l Dareen uurkutaallo leh oo ku dhasha qof marka lagu sameeyo wax uusan raalli ka ahayn. ld ciifo. ciil² f.g1 (-iilay, -iishay) Dareen uurkutaallo leh cid ku beerid. ciilbax f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Qof, wax ciil ka bi’iya samayn. ciilbeel¹ m.l ld ciilbeelid. ciilbeel² f.mg1 (-eelay, -eeshay) Ka c.: cid ciil loo qabay ka aarsasho. ciilbeelid m.f.dh eeg ciilbeel. ld ciilbeel¹. ciilbixid m.f.dh eeg ciilbax. ciilcun¹ m.l ld ciilcunid. ciilcun² f.mg1 (-nay, -ntay) Muddo badan ciil qabid. ciilcunid m.f.dh eeg ciilcun². ld ciilcun¹. ciildibbir¹ m.l Ciilbadan. ciildibbir² f.mg1 (-ray, -rtay) Ciil badan dareemid. ciildibbirid m.f.dh eeg ciildibbir². ciilid m.f.dh eeg ciil². ciilkambi¹ m.l ld ciilkambiyid. ciilkambi² f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. Is c.: ciil ama xanaaq muujin. 2. Is c.: murugood. 3. Iska c.: ka shallayn, ka xumaasho. ciilkambin m.dh ld ciilkambiyid. ciilkambiyid m.f.dh eeg ciilkambi². ld ciilkambi¹, ciilkambin. ciillan f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax ciil hayo ahaansho. 2. ld cillan. ciillanaad m.l ld cillanaad. ciillanaan m.dh 1. eeg ciillan. 2. ld cillanaan. ld ciillanaansho. ciillanaansho m.l/dh ld Ciillanaan; cillanaan. ciilqab¹ m.l 1. Uurxumo. 2. ld ciilqabid. ciilqab² f.mg1 (-bay, -btay) U c.: uurxumo dareemid. ciilqabid m.f.dh eeg ciilqab². ld ciilqab¹ (2). ciin m.l Geed cagaaran, cufan, caleen iyo qodax toona lahayn, laamo dhuudhuuban cilcillow 145 oo dhacaan cad leh oo geelu ku sumoobo hadduu daaqo. ciiq m.dh ld ceego. ciiqasho m.f.dh eeg ciiqo². ciiqayn m.f.dh eeg ciiqee. ciiqee f.g2 (-qeeyay, -qaysay) 1. Wax meel ciriiryoon marsiin. 2. ld ceeji. ciiqo¹ m.dh (-ooyin m.l) 1. Meel ciriiri ah oo maritaankeedu dhib yahay. 2. ld ceego. ciiqo² f.mg3 (-qday, -qatay) Nafley dhibaato la kulmid. ciiqsan f.mg4 (-naa, -nayd) ld ceegsan. ciiqsanaan m.dh ld ceegsanaan. ciiqsanaansho m.l/dh ld ceegsanaan. ciir¹ m.l 1. Firiiric yaryar oo oogada nafleyda ka soo yaaca. 2. ld ciirid. ciir² m.dh Caano subaggii laga baxshay oo dhanaan. ciir³ f.mg1 (-ray, -rtay) Wax miisaankiisa dhan u iilasho. ciiraciiro m.dh ld carceero. ciirad m.dh Ciil. ciirayn m.f.dh eeg ciiree. ciiraysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax ciiro qarisay ahaansho. ciiraysasho m.f.dh eeg ciirayso. ciiraysnaan m.f.dh eeg ciiraysan. ld ciiraysnaansho. ciiraysnaansho m.l/dh ld ciiraysnaan. ciirayso f.mg3 (-stay, -satay) 1. Wax ciiro yeelasho. 2. Cid, ciir doonasho. ciirciir f.g1 (-ray, -rtay) 1. Sabbayn; daandaamid; dheeldheelid. 2. Gaasirid, isdhimid. ciirciirid m.f.dh eeg ciirciir. ciiree f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax ciiro u yeelid. ciirid m.f.dh eeg ciir³. ld ciir¹ (2). ciiro¹ m.dh 1. Midabka ciiryaamada; wixii kaloo midabkaas yeesha (habaas badan oo dabayli kiciso, qiiq iwm). 2. Boor ay dabayl kicisay. ciiro² m.dh (c.cimi) Cuf saxarro yaryar oo boor ah, qiiq iwm kuwaas oo qariya gibilka ilaa iyo meel u dhaw dhulka dushiisa, taas oo keenta in uu yaraado araggu ilaa iyo 2 Km. meel ka hooseysa marka laga soo cabbiro dhulka dushiisa, laakiin 1 Km. ka hoos ciiradu kama jirto. ciirsad m.l ld ciirsasho. ciirsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax awood yari dartii la liicay ahaansho. ciirsanaan m.f.dh eeg ciirsan. ld ciirsanaansho. ciirsanaansho m.l/dh ld ciirsanaan. ciirsasho m.f.dh eeg ciirso. ld ciirsad, ciirsi (2). ciirsi m.l 1. Taageero. 2. ld ciirsasho. ciirsila’ f.mg4 (-‘aa, -‘ayd) Meel cidla’ ah oo aan wax la miciinsado joogin. ciirsila’aan m.f.dh eeg ciirsila’. ld ciirsila’aansho. ciirsila’aansho m.l/dh ld ciirsila’aan. ciirso f.mg3 (-saday, -satay) Cid kaalmo weyddiisasho. ciiryaamo m.dh ld ceeryaan¹. ciiryaan m.dh ld ceeryaan¹. ciis m.l (-sas m.l) Nooc ka mid ah warmaha waaweyn. Ciise kaddib m.fk (taar.) (C.d.) Waxay sheegaysaa inta sano ama qarni ee laga joogo dhalashadii nebi Ciise. Ciise kahor m.fk (taar.) (C.k.) Waxay u taagantahay Ciise hortii, taasoo sheegaysa sanad gaar ah, ama qarni, ka hore dhalashadii Ciise. ciishaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax ciishooday ahaansho. ciishaysii f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka c.: cid ciil badid. ciishaysiin m.f.dh eeg ciishaysii. ciishaysnaan m.f.dh eeg ciishaysan. ld ciishaysnaansho. ciishaysnaansho m.l/dh ld ciishaysnaan. ciishoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Ciil dareemid. ciishood m.f.l eeg ciishoo. ciji m.dh ld ciddi. cijo m.dh ld ciddi. cilaacil m.dh (-lo ml.) Lafaha yaryar oo raafafka xooluhu ku jira middood. cilaaq¹ m.dh 1. ld ilaaq. Hadal aan milgo lahayn oo iska muran ah. 2. Saxaro. cilaaq² f.g1 (-qay, -qday) 1. ld ilaaq 2. Muran maag iyo hagag leh cid u jeedin. 2. Saxaro dhigid. cilaaqaad m.dh ld calaaqo. cilaaqad m.dh ld calaaqo. cilaaqid m.f.dh eeg cilaaq². ld ilaaqid. cilaaqo m.dh ld calaaqo. cilaaqtamid m.f.dh eeg cilaaqtan². ld cilaaqtan¹, ilaaqtamid, ilaaqtan¹. cilaaqtan¹ m.l Isdhaafsashada hadal muran iyo hagag leh. ld ilaaqtamid. cilaaqtan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) La c.: laba qof, hadal muran iyo hagag leh isdhaafsasho. ld ilaaqtan². cilcillaw m.l ld cilcillow. cilcilloon m.l Dabayl hadba dhan ka soo dhacda. cilcillow m.l Waqtiga u dhexeeya markay qorraxdu dhacdo iyo inta aan aasku aad u madoobaan. ld cilcillaw. cilimo 146 cilimo m.dh Geeso xoolaad oo dhinacyada u kala jeeda. cilin¹ m.l (-immo/-inno, m.dh) 1. Nin dhererka caadiga ah aad uga gaaban. 2. Qof qaarka dambe naafo ka ah. cilin² m.dh (-no, m.l) 1. Haweeney dhererka caadiga ah aad uga gaaban. 2. C. ah: miro jirro awgeed la yaryaraaday. cillaal¹ m.l ld cillaalid. cillaal² f.g1 (-aalay, -aashay) Arrin aan xalkeeda fogeyn. cillaalid m.f.dh eeg cillaal². ld cillaal¹. cillaan¹ m.l 1. Geed abaareed weyn, cufan, calemo yaryar leh, qodax lahayn oo ubaxiisu udgoon yahay. 2. Budo caleen oo marka la qaso ciddiyaha, timaha iwm lagu guduudsado. cillaan² m.dh (-ammo m.l) Xammaarato yar, quruxsan, oo ay mulaca isku bahyihiin, afar addin iyo dabo dheer leh oo geedaha fuusha. ld cillaangeedafuul. cillaangeedafuul m.dh ld cillaan². cillad m.dh (-do m.l) 1. Dhaliil qof leeyahay oo qiimahiisa hoos u dhiga. 2. Iin wax leeyahay. Tus. “Baabuurka c. buu leeyahay”. ld cillo. cilladayn m.f.dh eeg cilladee. ld cillayn. cilladee f.g2 (-deeyay, -daysay) Wax cillad u yeelid. ld cillee. cilladhaami f.g2 (-iyay, -isay) ld qayladhaami. cilladhaamin m.dh ld qayladhaamin. cilladhaamis m.l ld qayladhaamin. cilladhaan m.dh ld qayladhaan. cilladhaansad m.l ld qayladhaansasho. cilladhaansasho m.l ld qayladhaansasho. cilladhaansi m.l ld qayladhaansasho. cilladhaanso f.mg3 (-saday, -satay) ld qayladhaanso. cillal m.l Geed nagaar faalala, leh caleemo balballaaran iyo buruq weyn oo dhulka ku aasan oo la cuno. cillan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan muqaan ahaansho. ld ciillan. cillanaad m.l Wax jira oo aan muqaalkooda la arag, lana taaban karin. ld ciillanaad. cillanaan m.f.dh eeg cillan. ld ciillanaan, ciillanaansho, cillanaansho. cillanaansho m.l/dh ld cillanaan. cillayn m.dh ld cilladayn. cillee f.g2 (-leeyay, -leysay) ld cilladee. cillo m.dh ld cillad. cilmi haweed m.l Cilmiga barashada gibilka dhulka, gaar ahaan, marka laga eego dhanka cimilada iyo cimilo gooreedkaba. cilmi¹ m.l (culuun, m.dh) 1. Aqoon habeysan oo waayo aragnimo iyo daalacasho lagu kasbaday. 2. Qeyb ka mid ah aqoonta oo la xiriita maaddo gaar ah. ld culuun. cilmi² m.l (nax.) C. afeed: daraasad cilmi ku dhisan oo u gaar ah afafka aadamiga. cilmibaaris m.dh Raadinta xaqiiqo la xiriirta cilmi. cilmidarro m.dh Aqoon la’aan. cilmidhegood m.l Cilmi aan daalacsho lagu kasban oo dad laga soo bowsaday. cilmifalag m.l Brashada sayniseed ee xiddigaha, dhulalka, iyo waxyaabaha kale oo laga helo hawada. cilmiga buuraha m.l (jool.) Laan ka mid ah juqraafiga dabiiciga ah oo ku taxaluqda kala sarraynta dhulka, iyo gaar ahaan hababka buuraha. cilmiga cimilada m.l Sayniska barashada cimilooyinka dunida iyo sida ay u saameeyaan dunida degaanka dabiiciga ah. cilmiga dhulgariirka m.l (jool.) Cilmiga barashada dhulgariirka. cilmiga filiqsanaanta xayawaanka m.l (c.nafl.) Barashada filiqsanaanta xayawaanka dhulka Oogadiisa. cilmiga gibilka m.l (fiis.) Sayniska barashada lakabyada kala duwan ee hawada. cilmiga muuqaalka dhulka m.l (jool.) Barashada muuqaallaada dabiiciga ee dhulka, iyo xiriirka ka dhexeya muuqaalladaas iyo dhismaha jiooloojiyeed ee ka hooseeya. cilmiga qawmiyadaha m.l Barashada sayniseed ee jinsiyadaha bani’aadamka iyo dhaqamadooda. cilmiga siyaasadda m.l Barashada habka siyaasadeed iyo awoodda xukunka ee looga dhaqmo waddan, gaar ahaan kuwa ku dhaqma nidaamka dimoqraadiga. cilmiga usdurraadka m.l Barashada usdurraadka waa sheekooyin laga gaaray dadkii hore, iyo fikrado la xiriira taariikada asalka, qeexid dhacdooyinka dabiiciga ah sida xilliyada. cilmi-jabaqeed m.l (fiis.) Cilmiga ku saabsan barashada dhalinta, dhalanka iyo baahinta hirarka jabaqda. cilminafsi m.l Laan ka mid ah cilmiga oo ku sabsan nafsadda, dhaqanka iwm ee qofka. cilmiyayn m.f.dh eeg cilmiyee. cilmiyaysan f.mg4 (-snaa, snayd) 1. Wax aqoon ku dhisan ahaansho. 2. Wax si wanaagsan loo habeeyey ahaansho. cilmiyaysnaan m.f.dh eeg cilmiyaysan. ld cilmiyaysnaansho. cimilo-kooban 147 cilmiyaysnaansho m.l/dh ld cilmiyaysnaan. cilmiyee f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Wax cilmi ku dabaqid. cimaamad m.dh (-do m.l) Maro yar, qafiif ah, naqashadeysan ama cad oo uu raggu madaxa ku duubto. ld cumaamad. cimaamadan f.mg4 (-dnaa, -dnayd) ld cimaamadaysan. cimaamadasho m.dh ld cimaamadaysasho. cimaamadaysad m.l ld cimaamadaysasho cimaamadaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Nin cimaamad madaxa ku duubtay ahaansho. ld cimaamadan. cimaamadaysasho m.f.dh eeg cimaama-dayso. ld cimaamadaysad, cimaamaday- si, cimaamadsasho. cimaamadaysi m.l ld cimaamadaysasho. cimaamadaysnaan m.f.dh eeg cimaamadaysan. ld cimaamadaysnaansho, cimaamadnaan, cimaamadnaansho. cimaamadaysnaansho m.l/dh ld cimaamadaysnaan. cimaamadayso f.mg3 (-saday, -satay) Cimaamad madax ku duubasho. ld cimaamado. cimaamadnaan m.dh ld cimaamadaysnaan. cimaamadnaansho m.l/dh ld cimaamadaysnaan. cimaamado f.mg3 (-atay, -adatay) ld cimaamadayso. cimil m.l (-llo, m.dh) 1. Meel loogu dhuunto ugaarta marka la doonaayo in gaadmo lagu dilo. 2. Dhismo yar oo dulduleelo wax laga toogto leh, oo cadawga loogu gabbado. cimilada baddadhexe m.dh (juqr.) Nooc cimilo oo ay helaan dhulalka saaran Badda Dhexe, iyo gobollo kale oo ku kala yaal labada galoobbadh ee adduunka oo u kala dhaca meel juqraafiyeed isku mid ah: goodiyada galbeed ee qaaradaha, cirifyada kulaalayda gobollada cimilada dhexdhexaadka, iyo ugu dhawaan loolka kulaalay la moodda ee cadaadisyada sare inta u dhexaysa 30 ilaa 40 ee loolka waqooyi iyo koonfurba. cimilada lamaddegaanka m.dh (juqr.) Nooca cimilada ee dhulka oomanaha ah, amase aan helin qoyaan iyo roob joogto ah. Cimiladani waxa ay dhacdaa oo laga helaa loolal badan dhexdooda. Waxaase ugu caansan tan kulaaleyda iyo tan loolalka dhexe. Qoyaanka lagu asteeyaana waa 250mm (10 in) inkasta oo qoyaankaasi ku filanyahay inuu kaymo ka saaro waqooyiyada kanada iyo Saybeeriya. cimilgal¹ m.l 1. Dabin; laqdabo: dhagar. 2. ld cilmigelid. cimilgal² f.mg1 (-alay, -ashay; geli) U c.: nafley si loo dago cimil ugu dhuumasho. cimilgelid m.f.dh eeg cimilgal². ld cimilgal¹ (2). cimilo m.dh (-ooyin m.l) Xaaladaha kala duwan ee jawi oo meeli leedahay. cimilo-badeed m.l (juqr.) Cimilo si weyn ay u saamayso dhawaanta baddu,taas oo siinaysa xagaa gamooje ah iyo jilaal diiran. Taasna waxaa ugu wacan awoodda haynta kulka oo ay kala duwanyihiin dhulka iyo biyuhu. Badda dhulka ayaa ka hor kululaada kana hor qabooba, saamaynteeduna waxay abuurtaa cimilo isu ekaan karta. cimilo-badhaale m.dh (juqr.) Nooca cimilo ee laga helo dhulalka hoose ee u dhexeya loolka 5° ilaa 10° ee woqooyiga iyo koonfurta badhaha. Sannadka oo dhan heerkulka iyo huurkuba si aan isbeddel lahayn ayayba u sarreeyaan, isbeddellada xilliyeedna waa wax aad u yar. cimilo-buureed m.l (juqr.) Nooc cimilo oo ay keenaan kala sarraynta iyo joogga dhulka halkii ay ka keeni lahaayeen loolka iyo xaaladda badeedda ka jirta meesha; waxaa dhici karaysa in laga helo gobol kasta, wuuna ka baxsanyahay habka cimilo goboleedka waaweyn ee jira. Marka loo fiirsho dhulalka hoose, buuruhu waxay muujiyaan hoos u dhac xagga cadaadiska hawada, heerkulka, huurka, iyo kaah qorraxeedka oo kordha, iyo marka la gaaro joog door ah oo roobku bato. cimilo-fidsan m.dh (juqr.) Cimilada gobol cimileed weyn, sida, cimilada tundara, ama bed kale oo weyn sida qaarad, si looga sooco cimilo kooban. cimilo-goboleed m.l (juqr.) Qayb ka mid ah qaybaha waaweyn ee loo qaybiyo cimilada dunida. cimilo-gooreed-daqas m.dh (juqr.) Xaaladda gibilka ee waqti gaar ah ama xilli yar oo gaar ah, sida ay ku qeexaan cilmi gibillo kala duwani, oo ay ka mid yihiin cadaadiska gibilka, heerkulka, huurka hawada, roobka, daruuraha, iyo xawaaraha dabaysha iyo jihada. Dhulbadhaha agtiisa cimilo gooreedu waxay samaysaa isbeddel yar taasoo inta badan la mid ah cimilada. cimilo-kooban m.dh (c.cimi.) Cimilada bed aad u kooban, waxaa suurtaggal ah inuu yahay degaan yar oo la deggan yahay. Degaankaas waxaa raad ku leh saamayn meeleedka aad u kooban, waxyaabaha cimilo-qaaradeed 148 saamaynta keenayana waxaa ka mid ah rugta, carrada, degaanka iwm taasina waxay badanaa muhiim u tahay barashada cilmiga degaanka. cimilo-qaaradeed m.dh (juqr.) Nooc ka mid ah cimilooyinka dunida oo laga helo dhulweyneyaasha dunia, gaar ahaan inta u dhexeysa kulaaleyda iyo tundaraha ee galoobbadhka woqooyi. Saamaynta cimiladaasi waxay gaadhaa xeebahabariga ee qaaradaha iyo jasiiradaha deriska la ah. Waa cimilo ay astaan u tahay faraqa weyn oo u dhaxeeya heerkulka xilliyada kulaylaha iyo gabowga. cimraysad m.l ld cumraysasho. cimraysasho m.dh ld cumraysasho. cimraysi m.l ld cumraysasho. cimrayso f.mg3 (-saday, -satay) ld cumrayso. cimre m.l ld ximre. cimri m.l Inta sano ee wax jiraan. ld cumri. cimri-badheed m.l (-dyo, m.dh) (kiim.) Qiimaha kala badhka waqti. Waa amminta (ama xilliga) curiye kaahfale ahi ku kala badhmo marka uu mataataxo. Cimribadheedyada iskugodyadu way kala geddisanyihiin – qaarkood aad iyo aad bay uga yaryihiin ilbidhiqsiga; qaarna waxay gaadhaan dhawr milyan oo sano. cimri-badh-kaahfaleed m.l (-yo, m.dh) (kiim.) Amminta ay ku qaadato in badhka bu’da kaahfal ku mataataxdo (N = 1/2 No); mataatax. cimridheer f.mg4 (-raa, -rayd) Wax da’weyn gaarey ahaansho. cimridheeraan m.f.dh eeg cimridheer. ld cimridheeraansho, cimridheeri, cimridherer. cimridheeraansho m.l/dh ld cimridheeraan. cimridheeri m.dh Da’ aad u weyn oo wax gaaraan. ld cimridheeraan. cimridherer m.l ld cimridheeraan. cimro m.dh ld cumro. cinaad¹ m.l 1. Diidmo luggooyo ku jirta. 2. Runta oo la is diidsiiyo ama laga madaxadaygo. ld canaad¹. cinaad² f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Diidmo luggooyo ku jirto cid kula kicid. 2. (f.mg) Runta ka madax-adaygid. ld canaad². cinaadi m.l.kh C. ah: qof cinaad badan. ld canaadi. cinaadid m.f.dh eeg cinaad². ld canaadid. cinaadnimo m.dh Cinaad ahaansho. ld canaadnimo. cinab m.l ld canab. cindi m.l Niyad; qalbi. cindiid m.l Caano biyo ka badan lagu daray. ld candiid. ciniin¹ m.l (-nno, m.dh) Nin aan dumarka u galmoon karin, u tegiddooda aan karti u lahayn. ld caniin¹, cinniin¹. ciniin² f.mg1 (-nay, -ntay) Nin aan dumarka u galmoon karin noqosho. ld caniin², cinniin². ciniini f.g2 (-iyay, -isay) Nin ciniin ka dhigid. ld caniini, canniini. ciniinid m.f.dh eeg ciniin². ld caniinid, cinniinid. ciniinin m.f.dh eeg ciniini. ld caniinin, ciniinnin. ciniinnimo m.dh (daaw.) Awood la’an ninku u sameyn kari waayo galmo. ld caniinnimo, cinniinnimo. ciniq m.dh 1. In yar oo dheeraad ah oo la siiyo qof wax gatay. 2. Hambo. ld iniq. cinji m.dh ld ciddi. cinjigod m.l ld ciddigod. cinjir m.l 1. Geed leh laamo jilicsan, caleemo iyo iniino yaryar iyo cananno cad oo ka baxa dhulka kulaylaha. 2. Dhacaanka geedka cinjirka. 3. C. ah: shay ka sameysan dhacaanka cinjirka; xabag; ramal; goome. cinjirrageed m.l (-yo, m.dh) (daaw.) Gal ka sameysan cinjir xariir oo guska la galiyo marka galmada; cinjirkaasu wuxuu labada qofba ka xafidaa cudurrada galmada, wuxuu celiyaa uur qaadidda. cinniin¹ m.l ld ciniin¹. cinniin² f.mg1 (-nay, -ntay) ld ciniin². cinniini f.g2 (-iyay, -isay) ld ciniini. cinniinid m.dh ld ciniinid. cinniinin m.dh ld ciniinin. cinniinnimo m.dh ld ciniinnimo. cinwaan m.l (-nno m.dh) ld cunwaan. ciqaab¹ m.l Jirrabaad qof gef sameeyey la mariyo. ciqaab² f.g1 (-bay, -btay) Cid gef sameysay jirrab marin. ciqaaban f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Cid, wax la ciqaabay ahaansho. ciqaabid m.f.dh eeg ciqaab². ciqaabnaan m.f.dh eeg ciqaaban. ld ciqaabnaansho. ciqaabnaansho m.l/dh ld ciqaabnaan. cir¹ m.l 1. Samada sare, buluug ah oo ay xiddiguhu ka muuqdaan. 2. Roob. cir² m.l/dh (c.nafl.) Xaddiga cuntada ee qof caloosha ku qaadi karo. ciraab m.dh Hadal xigmad badan oo qoto dheer. cirbad m.dh ld irbad. ciribtirmid 149 cirbadayn m.dh ld irbadayn. cirbadays m.l ld irbadayn. cirbad-durid m.dh (daaw.) Dawo ku mudid jirka ayadoo la isticmaalayo irbad iyo siriingi, sida badan dawada looga baqayo in ay jajabiso aasidhka caloosha. cirbadee f.g2 (-deeyay, -deysay) ld irbadee. cirbadeysan f.mg4 (-snaa, -snayd) ld irbadeysan. cirbadeysnaan m.dh ld irbadeysnaan. cirbadeysnaansho m.l/dh ld irbadeysnaan. cirbadhiib m.l ld ciridhiib. cirbadhiibsad m.l ld cirbadhiibsasho. cirbadhiibsasho m.f.dh eeg cirbadhiibso. ld cirbadhiibsad, cirbadhiibsi, ciridhiibsad, ciridhi cirbadhiibsi m.l Ku istaagidda faraha fooddooda iyadoo meel sare la tiigsanayo. ld cirbadhiibsasho. cirbadhiibso f.mg3 (-saday, -satay) Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid. ld ciridhiibso. cirbar m.l/dh Cirka bartankiisa. ld cirbare. cirbare m.l ld cirbar. cirbataag¹ m.l Ku istaagidda faraha fooddooda iyadoo meel sare la tiigsanayo. ld cirbataagid. cirbataag² f.mg1 (-gay, -gtay) Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid. cirbataagid m.f.dh eeg cirbataag². ld cirbataag¹. cirbataagsad m.l ld cirbataagsasho. cirbataagsasho m.f.dh eeg cirbataagso. ld cirbataagsad, cirbataagsi. cirbataagsi m.l ld cirbataagsasho. cirbataagso f.mg3 (-saday, -satay) Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid. cirbaxeen m.l (-nno m.dh) Qof aqoon u leh duulinta ama hoggaaminta dayaxgacmeedka. ld cirbixiyeen. cirbaxeennimo m.dh Cirbaxeen ahaansho. ld cirbixiyeennimo. cirbi f.g2 (-iyay, -isay) Faras, rakuub iwm si uu orodka u dheereeyo cirbaha ku dhufasho. cirbin m.f.dh eeg cirbi. cirbixi f.g2 (-iyay, -isay) Wax hawada sare u ganid. cirbixin m.f.dh eeg cirbixi. cirbixiyeen m.l ld cirbaxeen. cirbixiyeennimo m.dh ld cirbaxeennimo. cirboor m.dh Dabayl xoog badan, boor iyo qashin sidata, socota iyadoo isku dhex wareegaysa, samada isku taluulisa oo roobaka laga saadaaliyo. ld cirwareen. circaddaa m.l Roob badan oo muddo dheer da’a; kolkuu roobku da’ayo oo daruuruhu iyagoo isku tirmay oo isu wada ekaaday cirka wada daboolaan oo jahooyinka la kala aqoon waayo. cirdaloolo m.dh Cirka oo daruur roob wada qarisay, meel yar oo ka bannaan. cirdood m.l.u Ugaadh. ld ciddood. cirdoox m.dh Roobdoon geed la fuulayo oo suuratul Huud la akhrinayo. cirfiid m.l (caafaariid/-dyo, m.dh) Jin dhib badan. ld cifriid. cirfiidad m.dh Wiish silig koronto leh ku socda oo qararka iyo buuraha dhaadher la isaga tallaabo. cirgaduud m.l Labada waqti ee ay qorraxdu marna soo baxayso marna dhaceyso middood. cirguduud m.l ld cirgaduud. cirib m.dh (-rbo m.l) 1. Cagta dadka meesha ugu damabeysa oo adag ee u dhexaysa raysmagaadhada iyo boqonta. 2. Ciribdambeed. ld cidhib¹. ciribbeel f.mg1 (-eelay, -eeshay) Nafley ama wax kale jiritaankooda baabi’id. ciribbeelid m.f.dh eeg ciribbeel. ciribdambeed m.l Waxa nasiib u noqda ee qof noloshiisa ku dambeyso. ciribdarro m.dh Cawaaqib xun ee uu wax ku dhammaado. ciribgo’ f.mg1 (-‘ay, -‘day) Wax jiritaankooda baabi’id. ciribgo’id m.f.dh eeg ciribgo’. ciribgoo f.g2 (-ooyay, -oysay) Wax jiritaankooda ama isticmaalkooda baabi’in. ciribgoyn m.f.dh eeg ciribgoo. ciribla’ m.l/dh (-‘yo, m.dh) Dhurwaagu marka uu aad u duqoobo. ciribla’aan m.dh Ciribdambeed xumo. ciribsasho m.f.dh eeg ciribso. ciribso f.g3 (-saday, -satay) 1. Cid, ciirsi weyddiisasho. 2. Qof, cid ka horreysa tiigsasho. ciribtir¹ m.l Baabi’inta jiritaanka nafley ama wax kale. ld ciribtirid. ciribtir² f.g1 (-ray, -rtay) Wax jiritaankiisa baaba’ay ahaansho. ciribtiran¹ f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax jiritaankiisa baaba’ay noqosho. ciribtiran² f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax jiriitaankiisa baaba’ay ahaansho. ciribtirid m.f.dh eeg ciribtir². ld ciribtir¹. ciribtirmid m.f.dh eeg ciribtiran¹. ciribtirnaan 150 ciribtirnaan m.f.dh eeg ciribtiran². ld ciribtirnaansho. ciribtirnaansho m.l/dh ld ciribtirnaan. ciribxumi m.l Aayo xumi. ld ciribxumo. ciribxumo m.dh ld ciribxumi. cirid m.dh 1. Bacaad qorraxdu kululaysay. 2. Kulaylka qorraxda. ld ciriid, cirrid³. ciridhiib m.l Isku taagidda faraha lugaha iyaada oo cirbaha kor loo qaadaayo. ld cirbadhiib. ciridhiibsad m.l ld cirbadhiibsasho. ciridhiibsasho m.dh ld cirbadhiibsasho. ciridhiibsi m.l ld cirbadhiibsasho. ciridhiibso f.mg3 (-saday, -satay) ld cirbadhiibso. cirif m.l (-fyo, m.dh) Geeska ugu dambeeya ee ay ku dhammato meel ama shay. ld cidhf. cirifayn m.dh 1. (fiis.) Xadaynta gariirrada ay leedahay hir gudbani, si gariirku ugu dhaco sallax keliya. Tusaale ahaan, kaaha birlabdanabeed waa dhaqaaqa hir gudban. 2. (fiis.) Yaraynta maayadda unugga Foolt, taas oo ka dhalata tuulmidda maxsuullada ka soo baxa falgalka kiimikaad. ciriid m.dh ld cirid. ciriiri¹ m.l 1. Meel dhex mariddeedu dhib tahay yaraan awgeed. 2. Meel aan waxa ku jira qaadin, yaraan awgeed. 3. Wax heliddooda adagtahay. 4. Waqti aan ku filnayn in hawl lagu qabto. ld cariiri¹. ciriiri² f.g/mg1/2 (-ryay,-riday/risay;-ryi) 1. (f.g) Meel, ciriiri ka dhigid. 2. (f.mg) Ku c.: meel, wax qaadkeeda ka badan ku kordhin. ld cariiri². ciriirin m.dh ld ciriiryid. ciriirsamid-bilooro m.dh (daaw.) Muruq bararka caloosha oo ciriiriya godka cunnadu marto marka ay gudbeyso xiidmaha. Cudurku wuxuu keenaa raagid cunno gudbid taas oo u sabab ah matag soo noqnoqda, mararka qaarkood cunno la cunay 24 saac ka hor; waxa kale oo la arkaa uur fuuriyo nuux-nuuxsi calooleed. ciriiryid m.f.dh eeg ciriiri². ld cariirin, cariiryid, ciriirin. ciriiryoon f.mg4 (-naa, -nayd) Meel, wax ciriiri ah ahaansho. ld cariiryoon. ciriiryoonaan m.f.dh eeg ciriiryoon. ld cariiryoonaan, cariiyoonaansho, ciriiryoonaansho. ciriiryoonaansho m.l/dh ld ciriiryoonaan. cirir m.l 1. Godka laba iyo labaatanaad ee dayaxu fariisto. 2. Xiddig dayaxa la fariista xilliga jiilaalka. 3. Qof adadag oo ayaan badan oo dhashay xilliga xiddiggaas. cirjeex m.dh Meereyaasha kan ugu weyn oo u dhexeeya farraare iyo raage; mushtar. ld cirjiir. cirjiir m.dh ld cirjeex. cirkasoodhac m.l 1.(-cyo m.dh) Dhagax shiil madow ah oo la rumaysanyahay in uu hawada sare ka yimid. 2. Arrin si lama filaan ah u dhacda. 3. Waran-cireeyada aan atmoosfeerka ku soo burburin, ee soo gaara dhulka. ld cirsoodhac. cirkayeer m.l (-rro, m.dh) Shimbir habeenkii ciya oo saadaaliya roob. ld cirsankayeer. cirrannuug m.l Yaraan; guridambays; sug. cirrayn m.f.dh eeg cirree. cirraysasho m.f.dh eeg cirrayso. cirrayso f.mg3 (-stay, -satay) Cirro yeelasho. cirree f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax ama qof cirroole ka dhigid. cirrid¹ m.l (-dyo, m.dh) Hilibka ku yaal labada fuq ee afka nafleyda oo ilkaha haya. cirrid² m.l (c.nafl.) Sooh xiriirka iyo xuubka daboola (mucous membrane) oo isku haya ilkaha iyo daamanka. cirrid³ m.dh ld cirid. cirridbaar f.mg1 (-ray, -rtay) War ama xog lagu tuhmayo inuu wax ka ogyahay, qof si dadban u weyddiin. cirridbaarid m.f.dh eeg cirridbaar. cirro m.dh Timo caddaaday oo ka baxa madaxa ama garka. cirroobid m.f.dh eeg cirrow. cirroole m.l (-layaal m.l/dh) Qof gaboobay. cirrow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cirrow yeelasho. cirsankayeer m.l ld cirkayeer. cirsoodhac m.l (-cyo, m.dh) (c.fal.) Cuf weyn oo dhadhaab ama macdan ah, kaas oo la mid ah shuhubka; cufkaas isaga oo weyn awgeed uguma burburo gibilka dhexdiisa boor ahaan, laakiin wuxuu soo gaaraa dhulka dushiisa. ld cirkasoodhac. cirtaali f.g2 (-iyay, -isay) ld cirtaallee. cirtaalin m.dh ld cirtaallayn. cirtaallayn m.f.dh eeg cirtaallee. ld cirtaalin. cirtaallee f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax, kor u gamid. ld cirtaali. cirtaallo m.dh (-ooyin, m.l) Tuuryo kor loo gamo oo meel fog la gaarsiyo. cirujeed m.l Miro yicibeed oo markaa soo dhashay. cirwareen m.dh Cirboor; qode. cirweyn f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cirweyni ku sifoobay ahaansho. cirweynaan m.f.dh eeg cirweyn. ld cirweynaansho, cirweyni. codbixin 151 cirweynaansho m.l/dh ld cirweynaan. cirweyni m.dh Awoodda nafley u leedahay in ay raashiin wax badan ka cunto. ld cirweynaan. ciryar f.mg4 (-raa, -rayd) Wax aan xaddi badan cunto ka qaadan ahaansho. ciryaraan m.f.dh eeg ciryar. ld ciryaraansho, ciryari. ciryaraansho m.l/dh ld ciryaraan. ciryari m.dh Awood la’aanta nafley, raashiin in ay wax badan ka cunto. ld ciryaran. cis m.l ld ciso. cisaabad m.dh (-do, m.l) Col. cisaaro m.dh Cid dembi fashay ciqaabta la mariyo. ld casaaro. cisal m.l 1. (-llo, m.dh) Xubnaha taranta labka ee dibiga, wanka, orgiga iwm. 2. Caws yaryar oo dhaqso u soo baxa marka roob ku da’o. cisbitaal m.l ld isbitaal. cisee f.g2 (-seeyay, -seysay) Cid sharfid. ciseyn m.f.dh eeg cisee. cishe m.l 1. Habeenka intiisa hore; fiid. 2. (dii.) Shanta salaadood ee Islaanka faralka ku ah midda habeenki la tukado. cishiinee f.g2 (-neeyay, -neysay) ld ceshiimee. cishiineyn m.f.dh ld ceshiimeyn. cishiineysasho m.dh ld ceshiimeysasho. cishiineyso f.mg3 (-stay, -satay) ld ceshiimayso. cishiino m.dh ld ceshiimo. cishqi m.l ld caashaq¹. cisii f.g/mg2 (-iiyay, -iisay) C./ka c.: naflayda qaarkood ci’ ka dhawaajin. cisiin m.f.dh eeg cisii. cismaandooy m.l Geed abaareed aan qodax lahayn, leh caleemo dhuudhuuban, laamo tootoosan oo kala baxbaxsan iyo miro hurdi ah oo la cuno dhexdana laf adag ku leh. ciso m.dh 1. Xurmo. 2. Dhiigga haweenka bishiiba mar ku dhaca; caado. ld cis. ciso-la’aan m.dh (daaw.) La’aanta ama joogsashada caadada (dhiigga) ay dumarku bishii mar helaan. Caado ma laha gabdhaha aan baaluqin, dumarka uurka leh ama caano laga nuugayo iyo kuwa dhalmo dayska ah. cisyaan m.l 1. Amar dowladeed iyo wax la mid ah si bareer ah loo diido; fallaagannimo. 2. Caasinnimo. citin m.dh Hambo. citiqaad¹ m.l ld citiqaadid. citiqaad² f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Diin, mabda’ iwm aaminid. 2. (f.mg) U c.: cid meel iwm u qasdiyid. citiqaadid m.f.dh eeg citiqaad². ld citiqaad¹. citiqaadsan f.mg4 (-naa, -nayd) Qof diin, mabda’ iwm aaminsan. ld ictiqaadsan. citiqaadsanaan m.f.dh eeg citiqaadsan. ld citiqaadsanaansho, ictiqaadsanaan, icti – qaadsanaans citiqaadsanaansho m.l/dh ld citiqaadsa- naan. ciyaal m.l.u Carruur yaryar. ciyaalnimo m.dh Ciyaal ahaansho. ciyaar¹ m.dh ld cayaar¹. ciyaar² f.mg1 (-ray, -rtay) ld cayaar². ciyaari¹ m.l.u ld cayaari¹. ciyaari² f.g2 (-iyay, -isay) ld cayaari². ciyaarid m.dh ld cayaarid. ciyaarin m.dh ld cayaarin. ciyaarsii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld cayaarsii. ciyaarsiin m.dh ld cayaarsiin. ciyaarsiis m.l ld cayaarsiin. ciyaartoy¹ m.l ld cayaartoy¹. ciyaartoy² m.dh ld cayaartoy². ciyaaryahan m.l ld cayaaryahan. ciyaaryaxaas m.dh ld cayaaryaxaas. ciyi m.l 1. Waqti jiilaal ah, reero shiraystay, hilibka ay siiyaan cid aan wax qalin. 2. Xarar lagu dhigo rarada ama weel. ciyibidix m.dh Ciyi loo leexshay bidix oo lagu daray masaydii bidixda ka jirtay masayda ciyiga laga qabtay, marka raarka la sameynayo. ciyid m.f.dh eeg ci’². ciyimidig m.dh Ciyi midig loo leexiyey si loogu daro masayda midigta ka jirta masaydii ciyiga laga qabtay, marka raarka la samaynayo. ciyoon fk. ld ciyow². ciyow¹ m.l (-wyo, m.dh) Shimbir gelinka hore ee habeenkii cida. ciyow² fk. Si dhaqso ah, si degdeg ah. ld ciyoon. cobol m.dh Geed abaareed, caleen ballaaran oo aan qodax lahayn. cod¹ m.l (-dad, m.l) 1. Dhawaaq afka ka soo baxa marka la hadlayo, ama la heesayo, ama la qaylinayo iwm. 2. Diidmo ama oggolaansho laga dhiibto doorasho. cod² m.l (-dad, m.l) (nax.) Maayad hawo, neefsi aan ahayn oo soo dhex jibaaxda seedcodeedyada kana soo baxda moqorrada hadalka midkood. codasho m.f.dh eeg codo. codayn m.f.dh eeg codee. codbaahiye m.l Qalab elegtaroonig ah oo codka dheereeya. codbixi f.mg2 (-iyay, -isay) Wax la dooranaayo cod ka dhiibasho. codbixin m.dh eeg codbixi. ld codbixis. codbixis 152 codbixis m.l Dhiibashada cod laga dhiibto wax la dooranayo. ld codbixin. codcod m.l Subag sixin ah oo fariistay. codee f.mg2 (-deeyay, -daysay) 1. U c.: cid la dooranayo cod siin. 2. Ku c.: eray kor u akhriyid si loo maqlo. 3. Wax heesid; wax halaburid. codeyn m.dh (c.af) Laan ka mid ah cilmiga afka oo la xiriira dhawaaqyada ereyada. codkac m.l (c.af) Cod dheer oo ku dul dhaca hal shaqal oo ka mid ah ereyga; codkacu rugo kala duwan ayuu ereyada uga dhacaa, taasna waxay keentaa in lagu kala saaro ereyo micnahooda, siiba kuwa qoraalkoodu isku midka yahay, sida “ìnan” (oo wiil ah) iyo “inàn” (oo gabar ah). codkar m.l (-rro, m.dh) C. ah: qof hadalkiisu fasiix yahay oo figraddiisa si fiican u jeedin kara. codkarnimo m.dh Codkar ahaansho. codlaawe m.l (c.af) Xaraf marka lagu dhawaaqayo aan afka dabayli ka soo baxayn. codle m.l (c.af) Xaraf marka lagu dhawaaqayo dabayl xoog lihi afka ka soo baxdo. codo f.g3 (-otay, -odatay) Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho. codsad m.l ld codsasho. codsasho m.f.dh eeg codso. ld codsad, codsi. codsi m.l Si xushmad iyo qaddarin leh oo cid wax loo weyddiisto. ld codsasho. codso f.g3 (-saday, -satay) Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho. cokad m.dh ld cukad. cokadayn m.dh ld cukadayn. cokadee f.g2 (-deeyay, -deysay) ld cukadee. cokan f.mg4 (-naa, -nayd) ld cukan. cokanaan m.dh ld cukanaan. cokanaansho m.l/dh ld cukanaan. col m.l (-lal m.l) 1. (u) Koox dad ah oo hubeysan. 2. Laba qof ama ka badan oo isu haya dareen nacayb iyo isdiidmo ku jiro. 3. (u) Koox dad ah oo shaqo ka dhexeysa. colaad m.dh Dareen nacayb iyo isdiidmo ku jira oo laba qof ama ka badan isu hayaan. colaadi f.g2 (-iyay, -isay) Cid cadaad u hayn. colaadin m.f.dh eeg colaadi. ld colaadis. colaadis m.l ld colaadin. coldhob m.dh ld collob colguri m.l 1. Naag la qabo oo dhibaato badan. 2. Xuguf iyo isnaceyb ka dhexeeya dad ehel ah oo meel ku wada nool; dagaal sokeeye. colleysad m.l ld colleysasho. colleysasho m.f.dh eeg colleyso. ld colleysad, colleysi. colleysi m.l ld colleysasho. colleyso f.g3 (-stay, -satay) Cid la colloobid. collob m.dh 1. Hilib si yaryar oo oodkaca ka waaweyn loo jaro oo subag lagu shiilay ku jira. 2. Oodkac. ld coldhob, locob. colloobid m.f.dh eeg collow². ld collow¹. collow¹ m.l ld colloobid. collow² f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) La c.: cid colaad u qaadid. colwade m.l (-dayaal, m.l/dh) 1. Qof garwadeen u ah col. 2. Qof colaad iyo xasilooni la’aanta jecel; fidnawale. conqor m.l/dh (-ro, m.l) Biyaqabad yar, aan hoos u dheerayn oo dhadhaab dusheeda ku yaal. conqorree f.g2 (-reeyay, -reysay) Xubin sac dhali waayay sancayn. conqorreyn m.f.dh eeg conqorree. conqorreysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la conqorreeyey ahaansho. conqorreysnaan m.f.dh eeg conqorreysan. ld conqorreysnaansho. conqorreysnaansho m.l/dh ld conqorreysnaan. coobbakari f.mg2 (-iyay, -isay) Awr iwm coobbada aad buurid. coobbakarin m.f.dh eeg coobbakari. coobbayn m.f.dh eeg coobbee. coobbe m.l (-bayaal, m.l/dh) Cunaha awrka ee buufsima marka gulguloonayo. coobbee f.mg2 (-beeyay, -baysay) Cune buurid (awr). coobil m.l C. ah: orgi si dhaqsa ah aan u dareemin astamaha orgoodka rida. coobilnimo m.dh Coobil ahaansho. coobir m.l (-rro, m.dh) Nin fil weyn oo xoog leh. cood m.l 1. Maal; hanti. 2. Xoolaha la dhaqdo. ld cuud¹ (4). cooddi m.dh Hilib baruur leh. coodin m.l Geed nagaar dhulka ku faalala oo leh laamo dhudhuuban, caleemo yaryar iyo buruq biyo badan oo la cuno. coof m.l Timo aad u baxay oo aan laga shaqayn. coofaar m.l (-rro m.dh) Lab libaax ama daanyeer, duq ah oo leh bulbul badan. coofley m.dh 1. Nooc shimbir biyoodka ka mid ah, midab cad oo koox u socota. 2. Cantallay; xuur. 3. Feerta geela meesheeda ugu dambeysa ee leh hilib jilicsan iyo baruur. 4. Inan yar oo aan weli timihii loo dabin. coolli m.l/dh Daruur cufan oo ay biyo ka buuxaan. coomaadde m.l ld coomaadi. cuddabixis 153 coomaadi m.l (-iyo m.dh) Nooc haadka hilibka cuna ka mid ah, xoog badan leh, gorgorkana ka yar. ld coomaadde. coomoobid m.f.dh eeg coomow. coomow f.mg1 (-oobay, -oowday; -oobi) Gabar, wax da’ weyn oo la guursan waayey noqosho. coon¹ m.l (-nan, m.l) 1. Nin gaaban oo aan da’diisu ka muuqan. 2. Dab, webi, bad iwm agtooda. Tus. “Dabka c.kiisa”: dabka agtiisa. coon² m.dh (-oomo, m.l) 1. Haweeney gaaban oo aan da’deeda ka muuqan. 2. Gabar da’ weyn oo aan la guursan; guumeys. cooraaf m.l Qof aad u dabeecad xun. cooraafnimo m.dh Cooraaf ahaansho. coorcoor¹ m.l Jactad ku dhaca jirka nafleyda oo uu keeno qabow ama jirro. coorcoor² f.mg1 (-ray, -rtay) Jir nafley, jactad ku dhicid qabow ama jirro darteed. coorcoorid m.f.dh eeg coorcoor². coorcoorsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax coorcoor yeeshay ahaansho (jir nafley). coorcoorsanaan m.f.dh eeg coorcoorsan. ld coorcoorsanaansho. coorcoorsanaansho m.l/dh ld coorcoorsanaan. coosh m.l 1. ld cooshad. 2. Cafish. cooshad m.dh (-do, m.l) Guri ka sameysan qoryo iyo caws oo si ku meel gaar ah loogu noolaado ama wax loogu gato. corad m.l (-dyo, m.dh) ld curad. cordaalo m.l ld curdaalo. cosob m.l Doog badan oo markaas soo baxay. 2. Meel an naqeeda weli la daaqin. cub¹ m.l 1. ld cuf. (-bab, m.l) Shay yar oo meel daloosha lagu gufeeyo; cuf. 2. “C. iyo cir”: ereyo kolka la cubtamayo la yiraahdo. ld cug¹. cub² f.g1 (-bay, -btay) Dalool yar gufeyn. ld cug². cuban¹ f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) 1. Dalool wax la cubay ahaansho. 2. Wax neeftu ku xirantay noqosho (san). ld cugan¹. cuban² f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la cubay ahaansho. 2. Qof ciyaar loo xulay ahaansho. ld cugan². cubasho m.f.dh eeg cubo. ld cugasho. cubbaan m.l.kh C. ah: qof hanti badan leh. cubbaannimo m.dh Cubbaan ahaansho. cubcub¹ m.l 1. Maqaar dhal xoolaad, dhisan caws ka buuxo, leh qaabkii ilmaha dhintay oo neefkii dhalay lagu godliyo; joojooge. 2. Wax muuq dad leh oo beeraha la dhex dhigo si ay shimbiraha, dugaagga iwm uga cararaan. 3. Derin cusub oo aan weli la kala jeexin. 4. ld cubcubid. ld cucub¹. cubcub² f.g1 (-bay, -btay) Maqaar xoolaad, dhisan caws ka buuxin. ld cucub². cubcuban f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Maqaar dhal xoolaad, wax la cucubay ahaansho. ld cucuban. cubcubid m.f.dh eeg cubcub². ld cubcub¹ (4), cucubid. cubcubnaan m.f.dh eeg cubcuban. ld cubcubnaansho,cucubnaan,cucubnaansho. cubcubnaansho m.l/dh ld cubcubnaan. cubid m.f.dh eeg cub². cubmid m.f.dh eeg cuban¹. ld cugmid. cubnaan m.f.dh eeg cuban². ld cubnaansho, cugnaan, cugnaansho. cubnaansho m.l/dh ld cubnaan. cubo f.g3 (-btay, -batay) Ciyaar qofka ugu habboon xulasho. ld cugo. cubtamid m.f.dh eeg cubtan². ld cubtan¹ (2), cugtamid. cubtan¹ m.l 1. Doorasho ay laba qof ku kala xushaan dad kula jaal noqonaya ciyaar lagu tartamayo, iyaadoo midba markiisa qof magacaabanaya. 2. ld cubtamid. ld cugtan¹. cubtan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Laba qof, iyadoo midba markiisa qof magacaabanaya, dad kula jaal noqonaya ciyaar lagu tartamayo xulasho. ld cugtan². cucub¹ m.l ld cubcub¹. cucub² f.g1 (-bay, -btay) ld cubcub². cucuban f.mg4 (-bnaa, -bnayd) ld cubcuban. cucubid m.dh ld cubcubid. cucubnaan m.dh ld cubcubnaan. cucubnaansho m.l/dh ld cubcubnaan. cudad m.l Hoore dabaysha raaca. cudbi m.l Bul jilicsan, cad, loo isticmaalo siyaabo badan, dharkana laga samaysto oo uu dhalo geed ka baxa kulaylaha; suuf. cuddaar m.l Meerayaasha waaweyn mid ka mid ah; dusaa. cuddabbax¹ m.l.kh ld ciddabbax¹. cuddabbax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) ld ciddabbax². cuddabbixi f.g2 (-iyay, -isay) Haweeney la furay inta ay cuddada dhammeysanayso masruufid. cuddabbixid m.dh ld ciddabbixid. cuddabbixin m.f.dh eeg cuddabixi. ld cuddabbixis. cuddabbixis m.l Masruufka la siiyo haweeney la furay inta ay cuddada dhammeysaneyso. ld cuddabixin. cuddabixis m.l.u ld cuddabbixis. cuddad 154 cuddad m.dh (-do, m.l) 1. (u) Qalabka birtumuhu adeegasado oo dhan. 2. Birdhuuban, culus oo qalbka la tumayo hoostiiisa la dhigo; dubbad. 3. (u) Xirmo dhar ah. cuddi f.g2 (-iyay, -isay) Gilgilid (samayo, waran); ka gariirsiin. ld cuti². cuddin m.f.dh eeg cuddi. ld cuddis, cutin. cuddis m.l ld cuddin. cuddo m.dh ld ciddo. cuddoon f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qaabkiisu isu dheellitiranyahay ahaansho. cuddoonaan m.f.dh eeg cuddoon. ld cuddoonaansho. cuddoonaansho m.l/dh ld cuddoonaan. cudud¹ m.dh (-do, m.l) 1. Xubinta u dhexeysa garabka iyo xusulka. 2. Xoog; awood. cudud² f.g1 (-day, -dday) Wax xoog ku muquunin. cududid m.f.dh eeg cudud². cudur m.l (-rro, m.dh) Caafimad-darro jirka noolaha ama qayb ka mid ah ku dhacda, oo uu keeno jeermi iwm. cudur-aqoonsi m.l (daaw.) Aqoonsiga cudur oo uu takhtarku ku gaaro: wareysiga bukaanka, astaamaha cudurka iyo baaritaan sheybaar iyo raajo iwm. cudurdaar¹ m.l (-rro, m.dh) Sababta uu qof ka sheego waxa arrin ku kalliftay. cudurdaar² f.mg1 (-ray, -rtay) U c.: sababta arrin kalliftay sheegid. cudurdaarasho m.f.dh eeg cudurdaaro. cudurdaarid m.f.dh eeg cudurdaar². cudurdaaro f.mg3 (-rtay, -ratay) Cudurdaar sheegasho. cudur-goboleed m.l (-dyo, m.dh) (daaw.) Cudur sida badan ama sida joogto ah looga helo waddan ama gobol gaar ah. cudur-raagay m.l (-rro …, m.dh) (daaw.) Sifo cudur muddo dheer socda; sida badan cudurkaas si kadis ah uma bilowdo. Ereygu waxba kama sheegayo khatarta cudurka. cudurrada galmada (C.G.) m.dh (daaw.) (C.G.) Cudur kasta oo la isugu gudbiyo galmada ama isutagga ragga iyo dumarka. C. g.du waxay ka koobanyihiin: eydiska, xabbadda (waraabow), jabtada, herbiska cawrada. cudurro-faafa m.dh (daaw.) Cudurrada la is qaadsiiyo waxaana cudurrada la isugu gudbin kara: ayadoo la taabto qof buka jirkiis, ayadoo la qaado qalab leh jeermigii cudurka ama ayadoo la neefsado dhibicyo calyo ah oo qufaca ka yimaado iyo neef jeermi sidda. cudurside m.l (daaw.) Noole ka qaybqaata koritaanka jeermiga qaarkisa cudurrada keena. cuf m.l (-faf, m.l) 1. Inta walaxdu ka koobantahay maaddadeeda. 2. ld cub 1 (1). cufayn m.dh ld gufeyn. cufays m.l ld gufeyn. cufaysan¹ f.mg1 (-samay, -santay; -smi) ld gufeysan¹. cufaysan² f.mg4 (-snaa, -snayd) ld gufeysan². cufaysmid m.dh ld gufeysmid. cufaysnaan m.dh ld gufeysnaan. cufaysnaansho m.l/dh ld gufeysnaan. cufee f.g2 (-feeyay, -feysay) ld gufee. cuf-hawo m.dh (-faf-hawo, m.l) (c.cimi.) Hawo isku dabeecad ah oo ku gadaaman dhul door ah lana xadaysan mid kale oo ka duwan. cuf-isjiidad¹ m.dh Isa soo jiidashada ka dhexeysa laba walax kasta oo jira. cuf-isjiidad² m.dh (fiis.) Ifafaalaha la xiriira xoogga soo jiidashada dhulku uu ku hayo walax kasta oo cuf leh, taalana oogada dhulka. cufnaan m.dh Layiignimo; cumur. cufnaan u-eegan m.l (fiis.) Summad: d. Cufnaanta walax oo loo qaybshay cufnaanta biyaha. Cufnaan u-eegan (d) = cufnaanta walaxda (P)/cufnaanta biyaha (P). Mar haddii cufnaanta biyuhu ay le’egtahay 1000 kg/m3, cufnaanta u-eegan ee walaxi waxa le’egtahay 1/1,000 (hal kumaadka) cufnaanta walaxda. cufnaan-hoorbeeg m.l (-go, m.l) (fiis.) Qalab lagu cabbiro cufnaanta ama cufnaanta ueegan ee hoorka. cufnaanta tirada dadka m.l (juqr.) Xaddiga tirada dadka ee ku nool gobol, tusaale ahaan: Awstiraaliya waxay leedahay xaddi tiro yar oo dad ah. cug¹ m.dh ld cub¹. cug² f.g1 (-gay, -gtay) ld cub²; ld cul. cugaal m.dh Qoryo geedo gaar ah laga soo guray oo weelasha qaarkood lagu culo. cugan¹ f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) ld cuban¹. cugan² f.mg4 (-gnaa, -gnayd) ld cuban²; culan. cugasho m.dh ld cubasho cugay m.l ld culay. cugid m.dh ld Cubid; culid. cugmid m.dh ld cubmid. cugnaan m.dh ld Cubnaan; culnaan. cugnaansho m.l/dh 1. ld cubnaan. 2. ld culnaan.

No comments