Breaking News

Qalinkaa wax suureeya

cugo f.g3 (-gtay, -gatay) ld cubo. cugtamid m.dh ld cubtamid. cugtan¹ m.l ld cubtan¹. cugtan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) ld cubtan². cuguf m.dh (-gfo, m.l) ld cagaf. cukad m.dh (-do, m.l) Harag ari oo qaab sibraar loo habeeyey, oo laga ganacsado. ld cokad. cukadayn m.f.dh eeg cukadee. ld cokadayn. cukadee f.g2 (-deeyay, -daysay) Harag ari cukad ka dhigid. ld cokadee. cukan f.mg4 (-naa, -nayd) Xoolo biyo ka dhergay ahaansho. ld cokan. cukanaan m.f.dh eeg cukan. ld cokanaan, cokanaansho, cukanaansho. cukanaansho m.l/dh ld cukanaan. cukane m.l Geed yar oo adaahida u eg oo leh buruq dibadyaal ah iyo laamo dhuudhuuban. cukur m.l (-rro, m.dh) Dhudhunka iyo calaacashu meesha ay iska galaan; jalaqley. cul f.g1 (-ulay, -ushay) Weel caanood ama biyood qori dab ah gudihiisa oo dhan xoqid, si loo nadiifiyo. ld cug². culaab m.dh Culayska shey leeyahay; miisaan. culaabee f.g2 (-beeyay, -beysay) ld culaabi. culaabeyn m.dh ld culaabin. culaabi f.g2 (-iyay, -isay) Wax culaysin. ld culaabee. culaabin m.f.dh eeg culaabi. ld culaabeyn. culaacul m.dh (-lo, m.l) 1. Nafley yar oo biyaha balliyada ku dhex nool oo dixiriga la bah ah, oogo jilicsan iyo xubno leh, oo nuugta dhiigga nafleyda kale ee biyaha kula nool iyo dadkaba. 2. Gacanta meesha ay iska galaan calaacasha iyo dhudhunka. culan f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la culay ahaansho. ld cugan². culay m.l Qoryo geedo gaar ah laga jaray oo iyaga oo dab leh weelasha caanaha iyo biyaha lagu nadiifiyo. ld cugay. culays¹ m.l Xoog walaxda u jiidaya. ld cuslaan. culays² m.l (-syo, m.dh) (fiis.) Xoogga uu dhulka ku soo jiidanayo walax ayaa ah culeyska walaxdaas. Culeyska walax waxa lagu helaa mg. taasoo culeysku ku xiran yahay hadba inta uu u jiro xuddunta dhulka. Waxa astaan u ah (w), halbeeguna waa niyuutan (N). culaysi f.g2 (-iyay, -isay) Wax culays saarid; cuslayn. culaysin m.f.dh eeg culaysi. culays-isudhigan m.l (kiim.) Cufka curiyaha ama iskudhiska ku darsami kara ama barabixin kara hal garaam oo haydarojiin ah (ama siddeed garaam oo ogsijiin ama 35.5 garaam oo koloriin) marka falgal kimikaad dhacayo. Culays-isudhiganku wuxu u taaganyahay “awoodda ku-darsamidda” ee walaxda. culid m.f.dh eeg cul. ld cugid. culimmo m.dh.w Dad diinta Islaanka wax ka yaqaan, eeg caalin. culnaan m.f.dh eeg culan. ld cugnaan, cugnaansho, culnaansho. culnaansho m.l/dh ld culnaan. cululubad m.l ld cululubasho. cululubasho m.f.dh eeg cululubo. ld cululubad. cululubo f.mg3 (-btay, -batay) Go’aan hore loo gaaray, arrin la xusuustay darteed u beddelid. cululuq m.dh.sh.r Shanqarta ka yreerta caloosha dhaqdhaqaaqaysa ama la dacarfaalayo. culummo m.dh.w eeg caalin. culus f.mg4 (-uslaa, -uslayd) 1. Wax miisaan weyn leh ahaansho. 2. Arrin muhiim ah ahaansho. 3. Arrin xalkeedu adagyahay ahaansho. culuun m.dh 1. ld cilmi. 2. w. cilmi. cumaacun m.dh (-umo, m.l) 1. Calaacasha iyo dhudhunka meesha ay iska galaan oo jalaqleyda ah. 2. Cagta iyo kubka meesha ay iska galaan; anqaw. 3. Lafaha yaryar ee faraha iyo lugaha middood. cumaamad m.dh ld cimmaamad. cumeyri m.l ld cumuri. cumir m.dh ld cumur. cumraysad m.l ld cumraysasho. cumraysasho m.f.dh eeg cumrayso. ld cimraysad, cimraysasho, cimraysi, cumraysad, cumra cumraysi m.l ld cumraysasho. cumrayso f.mg3 (-stay, -satay) Cimro gudasho. ld cimrayso. cumri m.l ld cimri. cumro m.dh (dii.) Siyaaro sunna ah oo Kacbada lagu tago oo leh sida xajka xarmasho, dawaaf iyo socod. ld cimro. cumuqcumuq m.dh (-qyo, m.dh) Hadal diidmo aan caddayni ku jirto. cumuqcumuqlee f.mg2 (-leeyay, -leysay) Hadal diidmo aan caddayni ku jirto dhihid. ld cumuqcumuqleh. cumuqcumuqleh f.mg4 (-lahaa, -lahayd) ld cumuqcumuqlee. cumuqcumuqleyn m.f.dh eeg cumuqcumuqlee. cumur 156 cumur m.dh C. ah: dhir aad isugu dhow oo aan la dhex mari karin; jiq. ld cumir. cumuri m.l (-iyo, m.dh) Maro dhuuban oo bul iyo xiddaayad leh oo haweenku dhexda ku xirtaan. ld cumeyri. cun f.g1 (-nay, -ntay) 1. Cunto quudasho. 2. Qaniinyo wax ku yeelid. 3. Cayayaan, nafley dhiig ka jaqid. 4. Cid il wax ku yeelid. 5. Ciyaar turub haad, haad kale oo ka adag ku qaadasho. cunaa m.l C. ah: qof aad u cir weyn. cunaabi m.l (-iyo, m.l) Kuul laga sameeyey xabagta maydiga oo la warshadeeyey oo dumarku qoorta ku xirtaan. cunabbarar m.l Jirro ku dhacda dhuunta oo bararisa. cunaggubyo m.dh Xanfafka ka dhasha waxyaalo kulul oo la liqay. cunaggubyoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Cunaggubyo dareemid. cunaggubyood m.f.l eeg cunaggubyoo. cunan f.mg4 (-unnaa, -unnayd) Wax la cunay ahaansho. cunaqabad m.l ld cunaqabatayn. cunaqabasho m.dh ld cunaqabatayn. cunaqabatayn m.f.dh eeg cunaqabatee. ld cunaqabad, cunaqabasho. cunaqabatee f.mg2 (-teeyay, taysay) Ka c.: cid waxay u baahanayd u diidid (siiba xag dhaqaale). ld cunaqabo (2). cunaqabato m.dh Diidmada loo diido cid waxay u baahnayd (sida dhaqaalaha). cunaqabo f.mg3 (-btay, -batay) 1. Nafley cunaha ka qabasho; ceejin. 2. ld cunaqabatee. cuncun¹ m.l Xajiin oogada nafleyda ku dhacda oo keenta xoqod badan. cuncun² m.l (daaw.) Xaalad cudur oo ka timaadda falgal jirku kaga hortagayo dhibaato dibedda uga timid, waxay xaaladdaasu noqon kartaa: mid muddo gaaban ama mid muddo dheer. Holaca muddada gaaban waa falgal difaac oo degdeg ah oo ay soohyadu kaga hartagaan dhibaato ka timaadda: jermi nool, walax kiimikaad ama fiisikaad. Astamaha: xanuun, kul, cassaan, barar iyo hawl gab. Xididdada dhiiga ee goobta waxaasi ka dhacayaan way dabcayaan oo ballaaranayaan sidaas darteed socodka dhiigga waa ku badanyahay goobtaas. Unugyada cadcad waxay galaan soohyada waxayna bilaawaan in heeraaryeeyaan baktiiriyada iyo waxyaabaha dibedda ka yimid soohyada waxay cunaan wixii dhintay oo way nadiifinayaan marar waxa sameysma malax waxaana bilowda buskood. cuncun³ f.g1 (-nay, ntay) Xajiin xoqod u baahan dareemid. cuncunid m.f.dh eeg cuncun³. cundugul m.l Beergooye. cune m.l (-nayaal, m.dh) 1. Dhuunta cunnadu marto oo isku xirta afka iyo caloosha xaggeeda sare. 2. Wax cuna; cunaa. cunid m.f.dh eeg cun. cunitaan m.l Sida gasiinka loo cuno. cunnaan m.f.dh eeg cunan. ld cunnaansho. cunnaansho m.l/dh ld cunnaan. cunnaddiid m.l 1. Qof aan cuntada ka cuni karin inta caadiga ah. 2. C. ah: ilmo yar oo aan cuntada si caadi ah u qaadan. ld cunnaddiidis, cuntaddiid. cunnaddiidis m.dh ld cunnaddiid. cunnammareen m.l Dhuun dheer, isku xirta afka iyo caloosha oo gasiinku sii maro markuu caloosha u socdo. cunniin m.l God, dab iwm ciid ku aasid. cunnimo m.dh God, dab iwm duugmid. cunno m.dh Waxa nafaqada leh ee nafleydu marka ay calaaliso,caloosha geliso oo ku noolaato. ld cunto. cunsii f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Carruur cunto afka ugu gurid. 2. Cid cunno cunaysa maaweelin. cunsiin m.f.dh eeg cunsii. cunsur¹ m.l (canaasiir/-rro, m.dh) Meesha wax asalkiisu ka soo unkamay. cunsur² m.dh (-rro, m.l) Dhibaato waxyeello weyn geysato. cunsurguuri f.mg2 (-iyay, -isay) Cid si dhibaato weyn oo haysa ay uga baxdo u curraafayn ama Eebbe u baryid. cunsurguurin m.f.dh eeg cunsurguuri. ld cunsurguuris (2). cunsurguuris m.l 1. Qof sixirka aad u yaqaan oo dadka wax ku yeela. 2. ld cunsurguurin. cuntaddiid m.l ld cunnaddiid. cuntamid m.f.dh eeg cuntan. cuntan f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. U c.: u qalmid; u dhigmid. 2. U c.: ka helid. cuntayn m.f.dh eeg cuntee. ld cuntays. cuntays m.l ld cuntayn. cuntaysii f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid cunto siin. cuntaysiin m.f.dh eeg cuntaysii. cuntee f.g2 (-teeyay, -taysay) Wax cunid. cunto m.dh ld cunno. cuntodiid m.l.kh C. ah: ilmo yar oo aan cuntada si caadi ah u qaadan. cunto-sumow m.l (daaw.) Xaalad cudur oo saameysa qaybta dheefshiidka gaar ahaan iyo curfi 157 jirka oo dhan, waxaana keena cunitaanka cunno faasid ah oo wadata baktiiriya ama sun baktiiriya, ama sunta lagu laayo xasharaadka miraha iyo khudradda, amase sun kiimikaad: Pb, Hg (merkuuriyada). Astaamo: 1-24 saacadood kaddib markii la cunay cuntadii sumeysnayd waxaa la isku arkayaa: matag, shuban, calool xanuun iyo lallabo. cuntub m.l (-byo, m.dh) 1. Koox askar ah wada jira. 2. Wax isku xiran sida miraha cinabka iwm. cunug¹ m.l (-gyo, m.dh) Ilma yar oo lab, wiil. cunug² m.dh (-gyo, m.dh) Ilmo yar oo dheddig. cunwaan m.l (-nno, m.dh) 1. Magaca la siiyo buug, maqaal iwm oo tilmaamaya waxa uu ka hadlayo. 2. Meel cid waraaqaha loogu hagaajin karo. ld cinwaan. cuq m.dh 1. Muddo kooban oo ay digaagaddu ku fadhido ukumaha si ay u dillaacaan. 2. C. ah: digaag ku jirta muddadii fadhiga ee ay ukunta ku dillaacin lahayd. ld uq. cuqaal m.dh.w eeg caaqil. cuqdad¹ m.l Meel ciriiri ah. cuqdad² m.dh (-do, m.l) (c.naf) Cudur nafsaani ah oo qofka ku beera shaki iyo kalsooniddarro uu ka qabo naftiisa iyo dadka kaleba. ld cuqdi, cuqdo. cuqdadayn m.f.dh eeg cuqdadee. cuqdadee f.g2 (-deeyay, -daysay) Cid cuqdad ku beerid. cuqdadlow m.l (-wyo, m.dh) Qof cuqdad qaba. cuqdi m.l ld cuqdad². cuqdo m.dh ld cuqdad². cuqubayn m.f.dh eeg cuqubee. cuqubaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof cuqubo ku dhacday ahaansho. cuqubaysnaan m.f.dh eeg cuqubaysan. ld cuqubaysnaansho. cuqubaysnaansho m.l/dh ld cuqubaysnaan. cuqubee f.g2 (-beeyay, -baysay) Cid nabsiyid. cuqubo m.dh (-ooyin, m.l) Dhibaato weyn, cid ku dhacda oo kaga timaada nabsi uu galay. cuquul m.dh.w eeg caqli. cuquulayn m.f.dh eeg cuqulee. cuquule m.l Rajo weyn oo wax in la helo laga qabo. cuquulee f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax in la helo rajo ka qabid. cur m.l 1. Carjawda qulaanqulshaha hunguriga cad oo ku taal cunaha ragga oo xagga dibadda u soo taagan; halcun. 2. Qoorta hor ee dhuuban o weelasha qaarkood leeyihiin; sida: dhalada, ubbada iwm. curaar m.dh 1. Hanti laga sii hayo cid wax amaahatay; rahan. 2. Cid xoog lagu haysto, si haystayaashu wax gaar ah ugu helaan. curad¹ m.l (-ddo, m.dh) Wiilka ugu horeeya ee qof u dhasha. ld corad. curad² m.dh (-do, m.l) Gabarta ugu hooreysa ee qof u dhalata. 2. Neef xoolo ah oo da’ ama ka badan dhalay. ld corad. curadnimo m.dh Curad ahaansho. curadweyn m.l Riyaha intooda curada ah. curadxige m.l/dh (-gayaal, m.l/dh) Wiil ama gabar dhalasho ku xiga curadka. ld curadxigeen. curadxigeen m.l/dh ld curadxige. curan¹ m.l Xirmidda sanka neeftu ku xiranto, duray, sanboor iwm awgood. curan² f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax neeftu ku xirantay noqosho (san). curan³ f.mg4 (-naa, -nayd) Wax neeftu ku xirantay ahaansho (san). curasho m.f.dh eeg curo. curato m.dh (-ooyin, m.l) Xoolo inta wax dhashay. curcur¹ m.l (-rro, m.dh) 1. Meesha ay dhudhunka iyo calaacasha iska galaan. 2. Lafta dheer oo gacanta ee u dhexeysa suxulka iyo jalaqleyda. curcur² m.l/dh (-ro, m.l/dh) Buur yar; kood; gunbur. curcuri f.g2 (-iyay, -isay) Dhudhun wax ku cabbirid. curcurin m.f.dh eeg curcuri. ld curcuris. curcuris m.l ld curcurin. curcurrey m.dh Shimbir qoolleyda u eg kana yar. curdaalo m.l Roobka jiilaalka dhammaadkiisa da’a; garabcas. ld cordaalo. curdan m.l 1. Naq ama miro markaa soo baxay oo aan weli gahayroobin. 2. Wax dhowaan dhashay oo aan weli adkaan. ld cardun, curdin, curdun. curdansad m.l ld curdansasho. curdansasho m.f.dh eeg curdanso. ld curdansad, curdansi. curdansi m.l ld curdansasho. curdanso f.mg3 (-saday, -satay) Curdan gurasho. curdin m.l ld curdan. curdun m.l ld curdan. cureeji m.dh Guntiino xariir ah oo haweenku qaataan. curfi m.l (-iyo, m.dh) Xeer aan qornayn ee la isku maamulo; xisti. ld curuf. curi 158 curi f.g2 (-iyay, -isay) Wax aan hore u jirin samayn, sida maanso, muusika iyo qoraal allifid. curin m.f.dh eeg curi. ld curis (3). curis m.l (-syo, m.dh) 1. (-syo, m.dh) Maanso ama sheeko la allifay. 2. (-syo, m.dh) Curiye kiimikaad. 3. ld curin. curiye¹ m.l (-yayaal m.l/dh) (riw.) Qofka wax curiya. curiye² m.l (-yayaal, m.l/dh) (kiim.) Walaxda aan loo sii kala bixin karin walxo ka sii fudud asal haan. Atammada curiyuhu waxay dhammaantood leeyihiin tiro borotoon oo isku mid ah iyo weliba tiro isku mid ah oo elektaroon, taas oo jaangoysa firfircoonaanta kimikaad. Curiyayaasha, dabiici ahaan, laga helo dhulku waa ilaa 92. curiye³ m.l (-yayaal, m.l/dh) (nax.) Erey guud oo tilmaama xubin ka mid ah xubnaha uu shay ka koobanyahay, sida erey oo ah xubin ka mid ah weerta ama dibkabe oo ah xubin ka tirsan ereyga. curmid m.f.dh eeg curan¹. curnaan m.f.dh eeg curan. ld curnaansho. curnaansho m.l/dh ld curnaan. curo f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Dad ama xoolo ilmihii ugu horreeyey dhalid. 2. Cir, di’id billaabid. curqid m.f.dh eeg curuq². ld curuq¹ (3). curraaf¹ m.l (-fyo, m.dh) 1. Xiddigaha ka faalliga; xiddigiye. 2. Qof faalka yaqaan. ld curraf, curraafiye. curraaf² m.dh (-fo, m.l) Neef ido ah dheddig oo laf yar. curraaf³ f.g1 (-fay, -ftay) Cid sixrid. curraafee f.mg2 (-feeyay, -feysay) Xiddiga ka faalin. ld curraafi, currafee, currafi. curraafeyn m.f.dh curraafee. ld currafeyn, curraafin, curraafis, currafin, currafi curraafi f.mg2 (-iyay, -isay) ld curraafee. curraafid m.f.dh eeg curraaf³. curraafin m.dh ld curraafeyn. curraafis m.dh ld curraafeyn. curraafiye m.l/dh (-yayaal, m.dh) ld curraaf¹. curraf m.l (-fiin/-fyo, m.dh) ld curraaf¹. currafee f.mg2 (-feeyay, -feysay) ld curraafee. currafeyn m.dh ld curraafeyn. currafi f.mg2 (-iyay, -isay) ld currafee. currafin m.dh ld curraafeyn. currafis m.dh ld curraafeyn. curre m.l (-rayaal, m.l/dh) Bisad ama mukulaal lab. ld curri. curri m.l ld curre. curub m.dh (-byo, m.dh) Doog aad u jilicsan. curuf m.l (-fyo, m.dh) 1. Dhib; shiddo. 2. ld curfi. curun m.l Xirmo xaskul, caws, mayrax iwm. ah. curuq¹ m.l (-qyo, m.dh) 1. Laab ama guntin yar oo gala wax la tolayo. 2. Xanuun yar oo laga dareemo murqaha iyo seedaha kolka fadhi lagu raago. 3. ld curqid. curuq² f.mg1 (-rqay, -ruqday; -rqi) 1. Shay la tolay ama la falkiyey guntiin yeelasho. 2. Kaddib markii fadhi lagu raago xanuun yar murqaha ka dareemid. Tus. “Lug baa i curuqday”. curuuq m.dh.u Xididdada yaryar ee dhiigga qaada. curyaami f.g2 (-iyay, -isay) 1. Curyaan ka dhigid. 2. Hawl, arrin iwm xannibid. curyaamid m.f.dh eeg curyaan². curyaamin m.f.dh eeg curyaami. ld curyaamis. curyaamis m.l ld curyaamin. curyaan¹ m.l (-nno, m.dh) 1. Qof labada lugood beelay. 2. Hawl socon waayday. curyaan² f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Qof labada lugood beelid. curyaanad m.dh (-do, m.l) Qof haween ah oo labada lugood la’. curyaannimo m.dh Curyaan ahaansho. curyaansan f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof xanniban oo wax u suurtaggeli waayeen ahaansho. 2. Hawl, wax xannibaadi gashay ahaansho. curyaansanaan m.f.dh eeg curyaansan. ld curyaansanaansho. curyaansanaansho m.l/dh ld curyaansanaan. cusayb m.l 1. Wax jiritaankiisu markaa ugu horreyso. 2. Waxaan weli la isticmaalin. 3. ld cusbaan. cusbaan m.f.dh eeg cusub. ld cusayb (3), cusbaansho. cusbaansho m.l/dh eeg cusbow. ld cusbaan. cusballab m.dh Nooc cusbada ka mid ah oo dawo ahaan carruurta yaryar dabada looga xoqo. cusbataal m.l ld isbitaal. cusbayn m.f.dh eeg cusbee. cusbaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax cusbo lagu daray ahaansho (cunto). 2. Wax cusbo la mariyey ahaansho. cusbaysnaan m.f.dh eeg cusbaysan. ld cusbaysnaan. cusbaysnaansho m.l/dh ld cusbaysnaan. cusbee f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Cunto cusbo ku darid. 2. Harag cusbo marin. 3. Ilmo, dabada cusbo kaga xoqid si loogu daaweeyo. cuurmid 159 cusbo¹ m.dh Wax cad oo leh dhadhan dhanaan oo cuntada lagu dhanaaniya. Dhulka ayaa laga qodaa, biyaha baddana waa ay ku jirtaa; milix. cusbo² m.dh (kiim.) Iskudhis ka kooban xidishe asiidh iyo mid beys, ama iskudhiska samaysma marka biri la falgasho asiidh ee haydarojiinta si buuxda ama dhiman loo barabixiyo. cusbo-beysaysan m.dh (-ooyin …, m.l) (kiim.) Iskudhis u dhexeeya caadiga ah iyo haydarogsaydhka ama ogsaydhka. cusboon f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cusub ah ahaansho. cusboonaan m.f.dh eeg cusboon. ld cusboonaansho. cusboonaansho m.l/dh ld cusboonaan. cusboonayn m.f.dh eeg cusboonee. ld cusboonaysiin. cusboonaysii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld cusboonee. cusboonaysiin m.dh ld cusboonayn. cusboonee f.g2 (-neeyay, -naysay) Wax, wax cusub ka dhigid. ld cusboonaysii. cusbow f.mg3 (-baaday, -baatay) Wax cusbadu ku badatay noqosho. cusbur m.l Budo midab hurdi ah leh oo qurxin awgeed haweenku u marsadaan. cusburasho m.f.dh eeg cusburo. cusburo f.mg3 (-rtay, -ratay) Cusbur marsasho. cuskad m.l ld cuskasho. cuskan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax kale ku tiirsan ahaansho. cuskanaan m.f.dh eeg cuskan. ld cuskanaansho. cuskanaansho m.l/dh ld cuskanaan. cuskasho m.f.dh eeg cusko. ld cuskad. cuski f.g2 (-iyay, -isay) Wax, wax kale ku tiirin. cuskin m.f.dh eeg cuski. cusko f.g3 (-kaday, -katay) 1. Ul, derbi, geed iwm tabaryari awgeed miciinsasho. 2. Fikrad ama qodob sharci xigasho. 3. Eebbe miciin ka tuugid. cuskug¹ m.l 1. Fadhi gacmaha la laabto oo aan waxba la qaban. 2. ld cuskugid. cuskug² f.mg1 (-gay, -gtay) Meel, hawl la’aan fadhiyid. cuskugid m.f.dh eeg cuskug². ld cuskug¹ (2). cuslaan m.f.dh eeg culus. ld culays, cuslaansho. cuslaansho m.l/dh eeg cuslow. ld cuslaan. cuslayn m.f.dh eeg cuslee. cuslaysasho m.f.dh eeg cuslayso. cuslayso f.g3 (-stay, -satay) Hawl, arrin iwm wax culus oo dhib leh ka dhigasho. cuslee f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Wax miisan ku kordhin. 2. Arrin xalkeeda adkayn. cuslow f.mg3 (-laaday, -laatay) 1. Wax culus noqosho. 2. Wax dhib leh noqosho. cusub f.mg4 (-sbaa, -sbayd; cuscusub) 1. Wax aan weli la isticmaalin ahaansho. 2. Wax jiritaankiisa markaa ugu horreyso ahaansho. 3. Cir, wax roob laga filayo ahaansho. cutad m.l Harag ama saan isku jactadsan. cuti¹ m.l ld cutush. cuti² f.g2 (-iyay, -isay) ld cuddi. cutin m.dh ld cuddin. cutis m.l ld cuddin. cutub m.l ld cuntub. cutush m.l (-shyo, m.dh) Qof tabar dhigay da’ awgeed. ld cuti¹, xutush. cuud¹ m.l 1. Qori caraf udgoon leh oo la shito. 2. Jiriir badar oo aad loo yaryareeyey; xanbab. 3. Nooc ka mid ah cayaaraha dhallinyartu dheesho oo qori yaryar lagu faniijiyo, kaddibna inta ay yoolka u jirto lagu xisaabtamo. 4. ld cood. cuud² f.mg1 (-day, -dday) Ciyaar cuud dheelid. cuudi f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax, meel cuud ku udgin. 2. (f.mg) Ka c.: cid rooxnaan, dhir udgoon uga shidid. cuudid m.f.dh eeg cuud². cuudin m.f.dh eeg cuudi. cuul f.mg1 (-uulay, -uushay) Wax hullaab ku qarin (qof). cuulan f.mg4 (-naa, -nayd) Qof wax la cuulay ahaansho. cuulid m.f.dh eeg cuul. cuulnaan m.f.dh eeg cuulan. ld cuulnaansho. cuulnaansho m.l/dh ld culnaan. cuun m.l 1. Meel dhir badan oo jiq ah. 2. Dab, webi, bad iwm agtooda. cuur¹ m.l 1. Ciyaarta laylada godadkeeda mid ka mid ah oo bocool, dhagxaan iwm ka buuxaan. 2. C. ah: wax badan meel ku wada urursan. cuur² f.g1 (-ray, -rtay) Weel aad u buuxin. cuurad m.l ld cuurasho. cuuran¹ f.mg1 (-rmay, -rantay) Wax aad u buuxa noqosho (weel). cuuran² f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la cuuray ahaansho (weel). cuurasho m.f.dh eeg cuuro. ld cuurad. cuurcuur m.l Socoshada gaar ah haweeney gaboobtay oo butucsan. cuurid m.f.dh eeg cuur². cuurmid m.f.dh eeg cuuran¹. cuurnaan 160 cuurnaan m.f.dh eeg cuuran². ld cuurnaansho. cuurnaansho m.l/dh ld cuurnaan. cuuro f.g3 (-rtay, -ratay) Weel aad u buuxsasho. cuurxirad m.l God gaar ahaaneed oo ka mid ah godadka lagu dheelo ciyaarta leylada oo qof u xiran. cuwaaf m.dh Cunto yar oo khafiif ah oo la cuno inta u dhexeysa waqtiyada rasmiga ah ee wax la cuno. cuwaafad m.l ld cuwaafasho. cuwaafasho m.f.dh eeg cuwaafo. ld cuwaafad. cuwaafo f.g3 (-ftay, -fatay) Cuwaaf cunid. 161 D d (da’) m.dh Xarafka afaraad ee xurufta soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2). da’¹ m.dh 1. ld da’aad. Inta sano, bilo, maalmo iwm ee nafley jirto laga bilaabo maalintii uu dhashay; cumri. 2. D. ah: qof sanado badan jira; duq. 3. Dad hal casri wada nool. da’² f.mg1 (-‘ay, -‘day; -di’i) 1. Roob cirka ka imaansho. 2. Hoore, si dhibic dhibic ah u daadasho. daa f.g2 (dayay, deysay; deyn) 1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”. da’aa m.l (c.cimi.) Sida cilmiga cimiladu uu sheegayo, waa biyaha qaabkoodu dareere ama adagyahay, oo dhulka uga yimaada xagga gibilka. da’aad m.dh ld da’¹ (1). daab¹ m.l (-bab, m.l) Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado. daab² m.dh 1. Cudur leh shuban oo ku dhaca dhasha xoolaha markay dambar badan nuugaan. 2. ld doog². daab³ f.g1 (-bay, -btay) Qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid. daabac¹ m.l 1. Duub dun ah oo maryaha lagu xardho. 2. Dhar dun lagu xardhay. 3. (-cyo, m.dh) Meesha ay iska galaan daabka iyo birta toorreyda. 4. ld daabicid. daabac² f.g1 (-cay, -cday; -bici) 1. Xarar ku qurxin dhar iyadoo la adeegsanayo dun midabyo leh ama rinjii. 2. Qoraallo madbacadayn. daabacaad m.dh 1. Gelinta qoraal madbacad la geliyo. 2. Qoraal inta hal mar la daabaco. ld daabicid. daabacan f.mg4 (-cnaa, -cnayd) 1. Maro, wax dabac lagu qurxiyay ahaansho. 2. Qoraal, wax la madbacadeeyay ahaansho. daabacnaan m.f.dh eeg daabacan. ld daabacnaansho. daabacnaansho m.l/dh ld daabacnaan. daabad m.l Ninka tababbarka bilowga ah qaatay xagga ugaadhsiga, welise aan heer fiican gaarin. daabakhaad m.dh 1. ld daabaqaad. Calaamad, summad, lagu dhigo neef iib u jooga. 2. Tartamidda cayaar turub laba dhinac oo iska soo horjeedaa ay u tartamaan foorooyin ay kala qabaan, in ay qolo keliya wareegto. daaban f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la daabay ahaansho; wax daab loo yeelay ahaansho. daabaqaad m.dh ld daabakhaad (1). daabasho m.f.dh eeg daabo. daabax¹ m.l 1. D. ah: neef xoolo ah oo qalliin ku habboon. 2. D. ah: hilib aan tamooti ahayn. 3. ld daabaxid. ld dabaax¹, dabax¹, dibaax, dubaax. daabax² f.g1 (-xay, -xday) Neef xoolo ah gawricid. ld dabaax², dabax². daabaxid m.f.dh ld daabax¹ (3), daabixid, dabaax¹, dabaaxid, dabxid daabbad m.dh (-do, m.l) 1. Neef xoolo ah oo la rarto ama la fuulo. 2. Nafley weyn oo la rumeysanyahay inay badda ku jirto, balse aan weligeed la arag. daabbadqaad m.dh Nafley weyn oo badda ku nool. daabbul f.g1 (-ulay, -ushay) Dad, xoolo, alaab iwm oo badan si degdeg ah u daadgurayn. daabbulad m.dh (-do, m.l) Xirmo ka kooban boqol marduuf oo jaad ah. ld daabbule. daabbule m.l ld daabbulad. daabbulid m.f.dh eeg daabbul. daabdulle m.l Bir dhuuban oo koorta ilaheeda lagu dalooliyo. daabece m.l (-cayaal, m.l/dh) 1. Qof qoraallo madbaceeya. 2. Qof dharka daabaca. daabicid m.f.dh eeg daabac². ld daabac¹ (4), daabacaad. daabid m.f.dh eeg daab³. daabixid m.dh ld daabaxid. daabnaan 162 daabnaan m.f.dh eeg daaban. ld daabnaansho. daabnaansho m.l/dh ld daabnaan. daabo f.g/mg3 (-btay, -batay) 1. (f.g) Qalab daab u samaysasho. 2. (f.mg) Ku dhicid daab (dhasha xoolaha). Tus. “Waxartu waa daabatay”. daabul f.g1 (-ulay, -ushay) Xoolo koox-koox u socda si degdeg ah u rarid. daabulid m.f.dh eeg daabul. daac¹ m.dh Qabatoon; macaluul; diihaal. daac² f.g/mg1 (-cay, -cday) 1. (f.g) Neef caloosha ka timaadda oo dhawaaq leh, afka ka sii deyn. 2. (f.mg) Nafley caatoobid. ld daaco². daacad m.dh Qof niyad samida ama mukhlisnimada uu muujinayo ay ka dhabtahay. daacadnimo m.dh Daacad ahaansho. daacadxumo m.dh Daacadnimo la’aan. daacaqurmid m.f.dh eeg daacaqurun². ld dacwashiirid. daacaqurun¹ m.l Daaco ur qurmoon oo ka timaadda calool cunto kala duwan qaadatay. ld dacwashiir¹. daacaqurun² f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Qof, cunto uu cunay ku bukooday oo naqas qurmoon bixinaya noqosho. ld dacawashiir². daacasho m.dh ld daacid. daaci¹ m.l.kh D. ah: neef aad caato u ah. daaci² f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) In weyn oo wax hoore ah shubid. 2. (f.mg) Fatihid (webi). daacid m.f.dh eeg daac². ld daacasho. daacin m.f.dh eeg daaci². daaco¹ m.dh (-ooyin, m.l) 1. Neef dhawaaq leh, caloosha ka timaadda oo afka ka soo baxda. 2. Dhul godan oo aan dhir lahayn. daaco² f.mg3 (-cday, -catay) ld daac². daacuf m.dh Timo ama dhogor dheer, si xun u baxay ama aan la habeyn. daacufle m.l Qof ama neef daacuf ah. daacuun¹ m.l Cudur calooleed aad halis u ah, dhaqso u faafa oo leh shuban badan oo biyo ah. ld daacuun-calooleed, daacuuncaloolo. daacuun² m.l (daaw.) Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas. daacuun-calooleed m.l ld daacuun¹. daacuuncaloolo m.l ld daacuun¹. daacwashiir¹ m.l Daacaqurun. daacwashiir² f.mg1 (-ray, -rtay) Daacaqurmid. daacwashiirid m.f.dh eeg daacwashiir². daad¹ m.l (-dad, m.l) 1. Biyo xoog leh oo faafa oo ka yimaadda roob da’ay ama webi fatahay. 2. Qaybta roobka ka mid ah oo ugu dambaysti gaarta duruuraha. daad² m.l (-dad, m.l) (juqr.) Biyo si kedis ah oo dar-dar ah u shubma ee uu gaar ahaan keeno roobka weyn ee ka da’a waadiyada meelaha lamadegaan-u-ekeyaasha ah. daad³ f.mg1 (-day, -dday) Biyo badan oo ka yimid roob da’ay ama webi fatahay faafid. daadad m.l ld daadasho. daadasho m.f.dh eeg daado. ld daadad. daaddah m.dh Eray carruurta yaryar lagu yiraahdo kolka gacnaha la hayo oo socodka la barayo. daaddeg¹ m.l (-gyo, m.dh) Meel taag ah gollaheeda. daaddeg² m.l (-gyo, m.dh) (juqr.) Qayb ka mid ah webiga oo socoshada biyaheedu ay ka dheerayso socoshada caadiga ah ee biyaha. Waxa laga yaabaa inay sababto tiirada oo janjeerkeedu si kedis ah kor ugu kaco, ama adkaysiga dhadhaabaha biyuhu dul marayaan oo aan isla ekayn. daaddeg³ f.mg1 (-gay, -gtay) Ka d.: meel taag ah hoos uga dhaadhicid. daaddegid m.f.dh eeg daaddeg³. daaddihi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ilmo yar socod barid. 2. Wax si tartiib ah u wadid. daaddihin m.f.dh eeg daaddihi. daadduf¹ m.l ld daaduf¹. daadduf² f.mg1 (-fay, -ftay) ld daaduf². daaddufid m.dh ld daadufid. daadduumi f.g2 (-iyay, -isay) Feer, laad iwm cid dhulka la dhigid. ld daadduunsii, daanduumi, daanduunsii. daadduumid m.f.dh eeg daadduun². ld daanduumid. daadduumin m.f.dh eeg daadduumi. ld daadduunsiin, daanduumin, daanduunsiin. daadduun¹ m.l Qof cayrnimo awgeed la bayhoofay. ld daanduun¹. daadduun² f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Cayrnimo darteed la bayhoofid. ld daanduun². daadduunshe m.l (-shayaal, m.l/dh) Budh weyn oo lagu dagaalamo. ld daanduunshe. daadduunsii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld daadduumi. daadduunsiin m.dh ld daadduumin. daahsi 163 daadgurayn m.f.dh eeg daadguree. daadguree f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Wax badan meel si degdeg ah uga qaadid. 2. Wax iyadoo meel kale la geynayo halis ka badbaadin. daadi f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel ay ku jireen ka geddin. daadid m.f.dh eeg daad². daadin m.f.dh eeg daadi. ld daadis. daadis m.l ld daadin. daado f.mg3 (-aatay, -aadatay) 1. Wax meel ku jiray qubasho. 2. Qosol la d.: ilaa laga ilmeeyay qoslid (dad badan). daadsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la daadiyay ahaansho. daadsanaan m.f.dh eeg daadsan. ld daadsanaansho. daadsanaansho m.l/dh ld daadsanaan. daaduf¹ m.l (-fyo, m.dh) Qof shaqsiyaddiisu liidato oo cayr ah. ld daadduf¹. daaduf² f.mg1 (-fay, -ftay) Qof cayrnimo darteed la carcaraafid. ld daadduf². daadufid m.f.dh eeg daaduf². ld daaddufid. daadxoor m.l/dh 1. Xumbo saaruq wadata oo ka samaysanta xawliga biyaha, siiba daadadka. 2. Saaruqda daadadka ka harta. daaf m.dh (-fo, m.l) Doc; dinac; hareer. dąaf¹ m.l Xanuun indhaha ku dhaca; bakooro. dąaf² m.l (daaw.) Halamacoodka xuubka isha iyo baalasha kaasoo gaduuta oo barara soona daaya biyo ama malax. dąaf³ f.mg1 (-fay, -ftay) Daaf ku dhicid. daafac¹ m.l ld daaficid. daafac² f.g1 (-cay, -cday; -fici) Wax iska celin ama cid kale ka celin. ld difaac². daafacaad m.dh Ka hortagidda laga hortago halis cid ku soo fool leh. daafad m.dh (fiis.) Daafad xariiqeed (p) ee walax waa taranta cufkeeda (m) iyo keynaanka (v) ee walaxda. Daafaddu waa xaddi leeb oo u jeeda dhanka jihada keynaanka. daafad-xagleed m.l (fiis.) Summad L. Taranta keynaanka xagleed ee walaxda (w) iyo wahsiga maroojiskeeda. Tus. “L = Iw” daafi m.dh Nooc ka mid ah badarka oo aad u yaryar, canjeeladana laga sameeyo. daaficid m.f.dh eeg daafac². ld daafac¹, difaac¹, difaacid. dąafid m.f.dh eeg dąaf³. daafkaddeeg¹ m.l.kh 1. D. ah: qof xoolo lahaa oo cayroobay. 2. ld daafkaddeegid. daafkaddeeg² f.mg1 (-gay, -gtay) Cayroobid qof xoolo lahaa. daafkaddeegid m.f.dh eeg daafkaddeeg². ld daafkaddeeg¹ (2). daah¹ m.l 1. Dibdhac; raagis; dubudhac. 2. ld daahid. dąah¹ m.l (-hyo, m.dh) Ilixir laga sameeyay dhar ama shiraac ama wax kale oo lagu xiro albaabbada iyo khalfadaha iwm ama qolalka lagu kala gooyo. daah² m.l (-hyo, m.dh) (riw.) D. masraxiyeed: ilxir loo adeegsado goobta masraxiyadda. dąah² f.g1 (-hay, -hday) Ilixir u yeelid. daah³ f.mg1 (-hay, -hday) 1. Raagid; dib u dhicid. 2. Ka soo d.: madaxqaad; cudur ka kicid; diif cudur ka muuqato. dąahan f.mg4 (-hnaa, -hnayd) Wax ilixir loo yeelay ahaansho; daah lahaansho. dąahasho m.f.dh eeg dąaho. daahi f.g2 (-iyay, -isay) Cid ama wax kale meel ay waqti xaddidan tegi lahayd dib uga dhacsiin. daahid m.f.dh eeg daah³. ld daah¹ (2). dąahid m.f.dh eeg dąah². daahiil¹ m.l ld diihaal¹. daahiil² f.mg1 (-ilay, -ishay) ld diihaal². daahiilid m.dh ld diihaalid. daahin m.f.dh eeg daahi. daahir¹ m.l 1. (dii.) Aan najaso lahayn; nadiif. 2. Sida muuqata ama muqaalka guud. daahir² f.mg1 (-ray, -rtay) (dii.) Soo ifbixid; soo bixid. Tus. “Nebi Maxamed (s.c.s) wuxuu soo daahiray muddo laga joogo 14 qarni iyo hodhodho”. daahiri f.g2 (-iyay, -isay) 1. (dii.) Wax nijaaso ka bi’in. 2. Wax, wax muuqda oo bayaan ah ka dhigid. daahirid m.f.dh eeg daahir². daahirin m.f.dh eeg daahiri. daahirnimo m.dh (dii.) Daahir ahaansho; nadiifnimo. dąahiro m.dh Nicmo iyo khayr aad u badan daahiyad m.dh 1. Dhibaato waxyeello weyn leh; masiibo; belo. 2. Qof aad u caqli badan oo iloodi ah. dąahnaan m.f.dh eeg dąahan. ld dąahnaansho. dąahnaansho m.l/dh ld dąahnaan. dąaho f.g3 (-hday, -hatay) Ilixir u yeelasho. daahsad m.l ld daahsasho. daahsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax daahay ahaansho. daahsanaan m.f.dh eeg daahsan. ld daahsanaansho. daahsanaansho m.l/dh ld daahsanaan. daahsasho m.f.dh eeg daahso. ld daahsad, daahsi. daahsi m.l ld daahsasho. daahso 164 daahso f.g3 (-saday, -satay) Qof ama wax la sugayay raagsasho. daa’imi f.g2 (-iyay, -isay) Fal samayntiisa joogtayn. ld daayimi. daa’imid m.f.dh eeg daa’in. ld daayimid. daa’imin m.f.dh eeg daa’imi. ld daa’imis, daayimin, daayimis. daa’imis m.l ld daa’imin. daa’imo m.dh Ilmo yar oo aabbihiis dhintay; agoon. daa’in¹ m.l Sifo Eebbe oo tilmaamayso suulid la’aantiisa. ld daayin¹. daa’in² f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Fal samayntiisa joogtaysasho; ku waarid. ld daayin². daa’iro m.dh Ayaan cidiba mar hesho. daaji f.g/lg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) U muujin kalsooni iyo debecsanaan qof dhagar lala maagganyahay. Tus. “Dambiililhii mudda dheer waa la daajiyay dabadeese waa la qabtay”. 2. (f.lg) Xoolo meel daaq leh soofin. ld daaqsii. daajin m.f.dh eeg daaji. ld daajis, daaqsiin, daaqsiis. daajis m.l ld daajin. daakir f.mg1 (-ray, -rtay) Arooryo hore addimid. daakiraad m.dh 1. Addinka iyo ducooyinka la akhriyo arooryada hore. 2. Waqtiga addinka arooryada hore. daakirid m.f.dh eeg daakir. daal m.l 1. Nooc digirta ka mid ah, iniino yaryar oo qaab wareegsan leh oo la cuno. 2. Cad dhalo ah oo wixii lagu fiiriyo muukaalqooda weynaysa. dąal¹ m.l Culayska iyo jiirago’a oogada ku dhaca kolka socod dheer ama hawl adag la qabto; noog. dąal² m.l (daaw.) Noog xagga jirka iyo maskaxda oo ka yimid hawl adag ama muddo dheer socotay. D.ka muruqyada waxaa keena walax aan waxtar jirka u lahayn oo ka yimaada metaboliisimka oo ku urura muruqa kana farabata shaqada dhiigga oo dibedda jirka uga saara. Nafaqo xumo ama cudur waxay qofka u keeni karaan d. dheeraad ah. dąal³ f.mg1 (-aąlay, -aąshay) Socod dheer ama hawl adag oo la qabtay awgeed, culays iyo jiirago’ oogada ka dareemid. daalac¹ m.l Wax dheeraad ah oo cid loo raacdo. daalac² f.mg1 (-cay, -cday; -lici) Dayax ama qorrax soo muuqasho. daalacan m.dh Waqti wixii la sheegaa ay shaac baxaan oo aanay qarsoomin. daalacasho m.f.dh eeg daalaco. daalaco f.g3 (-cday, -catay) Si xasilloon wax u akhrisasho. daalalli m.dh 1. Waaxda saddexaad ee degmooyinka xiddigaha, xilliga dayrta. 2. Roobka xilliga dayrta da’a. 3. Raar meydka looga sameeyo geedaha korkooda. daalan m.l ld daallan. dąalan m.l ld dąallan. daaldhe m.l Doqon. daali f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof ama nafley noog ku ridid. 2. Qof wax uu u baahanyahay u raadin. daalib¹ m.l 1. Qof wax doonaya. 2. Qof wax baranaya. daalib² f.g1 (-bay, -btay) Wax doonid ama raadin. daalibid m.f.dh eeg daalib². daalici f.g2 (-iyay, -isay) Wax muujin; wax kor u soo bixin. daalicid m.f.dh eeg daalac². ld daalac¹ (2). daalicin m.f.dh eeg daalici. daalid m.f.dh eeg dąal². ld daalis. daalin m.f.dh eeg daali. daalis m.dh ld daalid. daallan m.l Cunno macmacaan oo jaadad badan ah oo cunnada weyn dabadeed la cuno. ld daalan. dąallan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax noog hayo ahaansho. ld dąalan. daalli m.dh Oori; haweeney. daallin m.l (-immo/-imiin, m.dh) Qof dulmi badan. daallinnimo m.dh Daallin ahaansho. daaltir f.g1 (-ray, -rtay) Wax daal hayo nasin (nafley). daaltirad m.l ld daaltirasho. daaltirasho m.f.dh eeg daaltiro. ld daaltirad. daaltirid m.f.dh eeg daaltir. daaltiro f.mg3 (-rtay, -ratay) Cid daal hayay si uu uga ba’o; nasasho. daamad m.dh Cayaar shaxda u eg oo lagu dulcayaaro loox afar gees ah oo leh cadad midabaysan. daamir m.l Walax layiig dhegdheg ah, madow, oo jidadka lagu sameeyo; laami. ld daammur. daammur m.l ld daamir. daan¹ m.l (-aaman, m.l) Afka labadiisa lafood oo ilkuhu ku yaalliin. daan² m.l (-aaman, m.l) (c.nafl.) Nudo adag oo tiiriyayaal ah, ha ahaadaan laf ama carjaw kuwaas oo sameeya fuqa hoose ee dąar 165 xayawaanka qaarkood, gaar ahaan lafdhabarleyda. Shaqada ugu weyn ee daamanku waxa weeye inay ilkaha ka caawiyaan qaniinyada iyo calaalinta cuntada. daan³ m.dh (-aamo, m.l) Webi, tog iwm labada dhinac midkood. daandaami f.g2 (-iyay, -isay) Feer, laad iwm cid ku wareerin. daandaamid m.f.dh eeg daandaan². ld daandaan¹ (2). daandaamin m.f.dh eeg daandaami. daandaan¹ m.l 1. D. ah: nafley tabar daran oo dhaadhacaysa. 2. ld daandaamid. daandaan² f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Tabardarro awgeed dhicdhicid. daandaansad m.l ld daandaansasho. daandaansan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax wareersan ahaansho (nafley). daandaansanaan m.f.dh eeg daandaansan. ld daandaansanaansho. daandaansanaansho m.l/dh ld daandaansanaan. daandaansasho m.f.dh eeg daandaanso. ld daandaansad, daandaansi. daandaansi m.l ld daandaansasho. daandaanso f.g3 (-sady, -satay) Si bareer ah qof u maagid; faduulin. daandheero m.dh Cudur geela ku dhaca oo ka dhasha ilig si xad dhaaf ah u dheeraada oo uu neefku calaliska ku dhibtoodo. daanduumi f.g2 (-iyay, -isay) ld daadduumi. daanduumid m.dh ld daadduumid. daanduumin m.dh ld daadduumin. daanduun¹ m.l ld daadduun¹. daanduun² f.mg1 (-uumay, -uuntay) ld daadduun². daanduunshe m.l ld daadduunshe. daanduunsii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld daadduumi. daanduunsiin m.dh ld daadduumin. daangee f.g2 (-geeyay, -gaysay) Badar daango ka dhigid. daangeyn m.f.dh eeg daangee. daangeysad m.l ld daangeysasho. daangeysasho m.f.dh eeg daangeyso. ld daangeysad. daangeysi m.l ld daangeysasho. daangeyso f.g3 (-stay, -satay) Badar daango ka dhigasho. daango m.dh Galley ama messeggo la saloolay. daanguur m.dh Shimbir yar, bay ah, kooxkoox u socota oo qodata gocosada iyo abuurka duugan. daani¹ m.l 1. (m.u) Cayayaan aad u yaryar, badarka gala oo bolol ka dhiga; suus. 2. D. ah: beydari aad toogta u yaqaan. daani² m.l Nin aan la gafin toogta wax uu nishaabo. daanka hoose m.l (daaman …, m.l) (c.nafl.) Daanka hoose ee lafdhabarleyda. daanshoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Xasillooni xarrago ku jirto u socosho. daanshood m.f.l eeg daanshoo. daanyeer m.l (-rro, m.dh) ld daayeer. daanyeerad m.dh (-do, m.l) ld daayeerad. daaq¹ m.l 1. Caws, caleen iwm oo ay xooluhu cunaan; baad. 2. ld daaqid. daaq² f.g/mg1 (-qay, -qday) Caws, caleen iwm cunid (xoolo). daaqad m.dh (-do, m.l) 1. Dariishad; khalfad. 2. ld daaqo. Duub maro ah, cusub oo dhowr go’ loo qaybin karo. daaqbarad m.l.kh D. ah: dhal xoolaad oo markaa billaabay cunidda caws, caleen iwm. daaqbarasho m.f.dh eeg daaqbaro. daaqbaro f.mg3 (-rtay, -ratay) Cunidda caws, caleen iwm billaabmid (dhal xoolaad). daaqcune m.l (c.nafl.) Xayawaanka cuna daaqa gaar ahaan naasley kasta oo dhirta cunta, sida qoobleyda lo’da, dameeraha iwm. Daaqcunayaasha waxa astaan u ah ilka qabatimay ridqidda caleemaha. ld daaqe. daaqe m.l ld daaqcune. daaqgee f.g2 (-geeyay, -geysay) Xoolo daajin. daaqgeyn m.f.dh eeg daaqgee. daaqi m.l Nooc shabaagta ka mid ah oo lagu dabo libaaxbadeedka yaryar. daaqid m.f.dh eeg daaq². ld daaq¹ (2). daaqo m.dh ld daaqad (2). daaqsad m.l ld daaqsasho. daaqsasho m.f.dh eeg daaqso. ld daaqsad. daaqsii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld daaji. daaqsiin m.dh ld daajin. daaqsiis m.l ld daajin. daaqsin m.dh (-nno, m.l/dh) 1. Daaq. 2. Fogaanta u dhexeysa guriga iyo meesha ay xooluhu daaqa ugu tagaan. daaqso f.lg3 (-saday, -satay) Meel daaq u leh xoolo u daaq gaysasho. daaqtag¹ m.l 1. Foogaanta u dhexeysa xerada xoolaha iyo meesaha ay daaqa u aadaan. 2. D. ah: xoolo meel daaq leh u socda. daaqtag² f.mg1 (-gay, -gtay) Xoolo meel ay daaq ka helayaan aadid. daaqtegid m.f.dh eeg daaqtag². dąar m.dh (-ro, m.l) Guri, shub, dhagax, jaajuur iwm ka samaysan; sar. daar¹ 166 daar¹ m.l 1. Xabad. 2. (-rar, m.l) Daloolka yar ee haruubka dhiisha ama haanta. 3. (-rar, m.l) Cuf yar oo la geliyo daloolka haruubka dhiisha ama haanta. 4. Hilib jiir ah oo sararta inteeda dambe ee araxda xigta saaran. daar² f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax shidid (dab); wax ifid (nal, feynuus iwm). 2. Taabasho; maagid; daandaansi. 3. Qof dilid; qof rayd. daarad m.dh (-do, m.l) 1. Qolka fadhiga ee guriga. 2. Barxadda guriga hortiisa ku taal. daaran¹ f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Wax la shiday noqosho (dab); wax la ifay noqosho (nal, feynuus iwm). 2. Wax hadlay ama muuqday noqosho (raadiyo, telefishan iwm). daaran² f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax la shiday ahaansho (dab); wax la ifay ahaansho (nal, feynuus iwm). 2. Wax hadlay ama muuqday ahaansho (raadiyo, telefishan iwm). daarasho m.f.dh eeg daaro. daardaar¹ m.l ld daardaarid. daardaar² f.g1 (-ray, -rtay) 1. Dab, nal, dhawr jeer oo isu dhowdhow daarid. 2. Maagid; juqjuqayn; daandaansi. daardaarasho m.f.dh eeg daardaaro. daardaarid m.f.dh eeg daardaar². ld daardaar¹. daardaaro f.g3 (-rtay, -ratay) Cid gardarro kula kicid. daardhuuq m.l (-qyo, m.dh) Dheef ama waxtar kale oo yar oon la ogeyn oo qof haysta. daari m.l Xiddig xiddigaha ka mid ah. daarid m.f.dh eeg daar². ld daaris. daaris m.dh ld daarid. daarmid m.f.dh eeg daaran¹. daarnaan m.f.dh eeg daaran². ld daarnaansho. daarnaansho m.l/dh eeg daarnow. ld daarnaansho. daarnow f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax daaran noqosho. daaro f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Wax shidasho (dab, nal, raadiyo,telefishan iwm). 2. Qof tartiib u taabasho. daaruqayn m.f.dh eeg daaruqee. ld daaruqays. daaruqays m.l ld daaruqayn. daaruqaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax caallirsan ahaansho (boog). daaruqaysnaan m.f.dh eeg daaruqaysan. ld daaruqaysnaansho. daaruqaysnaansho m.l/dh ld daaruqaysnaan. daaruqe m.l Dixri yaryar oo boogaha ku dhasha. daaruqee f.g2 (-qeeyay, -qeysay) Boog dixri ku dhalin (diqsi). daaruqoobid m.f.dh eeg daaruqow. daaruqow f.mg1 (-qoobay, -qowday) Wax caalliray noqosho (boog). daas m.l (-sas, m.l/-syo, m.dh) 1. Guri. 2. Dukaan. daasad m.dh (-do, m.l) Weel bir ka samaysan oo cunnada, cabitaanka iwm ee la keydinayo lagu alxamo; qasac. daash m.l (-shash, m.l) Dhismo kor ka dadan, hareeraha ka furan oo carshaanta, baraakoyinka, mundullada iwm hortooda lagu dhiso. daata m.dh (xis.) Xaqiiqooyin ama warar la isa siiyay ama la soo ururiyay si loo baro. D. waxa lagu muujin karaa garaaf jiitimeed, garaaf sawireed iwm. daawad m.l ld daawasho. daawade m.l (-dayaal, m.l/dh) (riw.) Qof masrax, filim, ciyaar iwm daawanaya. daawadhigad m.l ld daawadhigasho. daawadhigasho m.f.dh 1. Daawayeelad. 2. eeg daawadhigo. ld daawadhigad. daawadhigo f.mg3 (-gtay, -gatay) Daawayeelasho. daawaley m.dh.kh D. ah: dad heshiis wax wadaqabsi iyo is-taakulayn ka dhexeeyso. daawasho m.dh eeg daawo². ld daawad. daawe m.l ld taawo¹. daawee f.g2 (-weeyay, -weysay) 1. Wax jirran daawo siin. 2. Mushkilad dad ka dhex taagan xallin. ld daaweysii, dawee, daweysii. daaweyn m.f.dh eeg daawee. ld daaweysiin, daweyn, daweysiin. daaweynta-fiisikaad m.dh (daaw.) Qayb daaweyn oo lagu isticmaalo habab iyo qalab fiisikaad si loo daryeelo caafimaadka; waxaana la isticmaala: nal, fallaaraha ultrafayolet iyo infrareed, kul, koronto, riixriixid, tuujin iyo ciyaaro waxtar ah. daaweysad m.l ld daaweysasho. daaweysasho m.f.dh eeg daaweyso. ld daaweysad, daaweysi, daweysad, daweysasho, daweysi daaweysi m.l ld daaweysasho. daaweysii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld daawee. daaweysiin m.dh ld daaweyn. daaweyso f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax jirran daawo siisasho. 2. (f.mg) Wax si isla eg u qaybsasho. ld daweyso. daawo¹ m.l ld taawo¹. dąawo¹ m.dh (-ooyin, m.l) 1. Maaddo cudurrada, nabarrada, dhaawaca iwm lagula tacaalo. 2. Heshiis iskaashi oo cid ka dhexeeya. 3. Maaro; xal. ld dawo. daawo² f.g3 (-waday, -wadatay) Wax in muddo ah indhaha ku hayn. dabacadde 167 dąawo² m.dh (-ooyin, m.l) (daaw.) Walax kasta oo saameysa qaabka iyo shaqada noole. Daawoyinka waxa loo isticmaalaa ka hortagga, cudur aqoonsiga iyo daaweynta cudurrada iyo baabi’inta astaamahooda. daawoobid m.f.dh eeg daawow. ld dawoobid. daawow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Wax cudur ka bogsaday noqosho. 2. Wax illaaway noqosho. ld dawow. daaxuur m.l (-rro, m.dh) Daayeer lab oo aad u weyn. daay m.l Biyo uus laga miiray. daayac¹ m.l.kh D. ah: qof garasho yar oo aan wax lagu aamini karin. daayac² f.g1 (-cay, -cday) ld dayac². daayacaad m.dh ld dayac¹. daayeer m.l (daayeer/-rro, m.dh) Xawayaan afarta addin ku socda oo labada hore sida dadka u adeegsada, qaab ahaanna dadka u eg. ld daanyeer. daayeerad m.dh (-do, m.l) Dheddiga daayeerka; saayo. ld daanyeerad. daayicid m.dh ld dayicid. daayimi f.g2 (-iyay, -isay) ld daa’imi. daayimid m.dh ld daa’imid. daayimin m.dh ld daa’imin. daayimis m.dh ld daa’imin. daayin¹ m.l ld daa’in¹. daayin² f.mg1 (-imay, -intay; -imi) ld daa’in². dab¹ m.l (-bab, m.l) 1. Wax holac kulayl iyo iftiin leh oo ka dhasha gubashada. 2. Hub. 3. Danab. ld deb. dab² m.dh Ceel maax ah oo aan dowlis lagu cabbin. dab³ f.g1 (-bay, -btay) 1. Ugaar, shimbir iwm dabin ku qabasho. 2. Timo soohid. 3. Il muddo yar isku hayn. daba-aal f.g1 (-a-yiil, -a-tiil) Wax wax kale gadaashiisa aallid. daba-aallid m.f.dh eeg daba-aal. dabaadi m.l 1. Xilli, intiisa ugu dambeysa. Tus. “Gu’ga dabaadigiisa baa geelu dhalay”. 2. D. ah: neef had iyo jeer xoolaha gadaashooda socda; haraa. dabaakh¹ m.l Tartamidda cayaar turub oo labada dhinac oo iska soo horjeedaa ay u tartamaan foorooyin ay kala qabaan, inay qolo kaliya ku wareegto. ld dabaaq¹, dibaakh¹. dabaakh² f.mg1 (-khay, -khday) Fooro wareejin ku tartamid (cayaar turub). ld dabaaq², dibaakh². dabaakhad m.dh 1. ld dabaakh¹. 2. Calaamad lagu dhigo neef iib u jooga. ld dabaaqad. dabaakhid m.f.dh eeg dabaakh². ld dabaaqid, dibaakhid. dabaal m.dh Dhaqdhaqaaq habaysan oo ay nafleydu sameyso markay biyo ku dhex jiraan si aayan ugu hafan. ld dabbaal². dabaalad m.l ld dabaalasho. dabaalasho m.f.dh eeg dabaalo. ld dabaalad, dabbaalad, dabbaalasho. dabaali f.g2 (-iyay, -isay) Wax biyo dabaal kaga gudbin. ld dabaalsii, dabbaali, dabbaalsii. dabaalin m.f.dh eeg dabaali. ld dabaalsiin, dabbaalin, dabbaalsiin, dabbaalsiis. dabaaljoog m.l Nooc dabaasha ka mid ah oo qofka dabaalanaya la moodo inuu taaganyahay. ld dabaajoogle, dabaaljoogto, dabbaaljoog dabaaljoogle m.l ld dabaaljoog. dabaaljooglee f.mg2 (-leeyey, -leysay) Dabaaljoogle samayn. ld dabaaljoogtee, dabbaaljooglee, dabbaaljoogtee. dabaaljoogleyn m.f.dh eeg dabaaljooglee. ld dabaajoogteyn, dabbaaljoogleyn, dabbaaljoogteyn. dabaaljoogtee f.mg2 (-teeyay, -teysay) ld dabaaljooglee. dabaaljoogteyn m.dh ld dabaaljoogleyn. dabaaljoogto m.dh ld dabaaljoog. dabaalo f.mg3 (-aashay, -aalatay) Dabaal samayn. ld dabbaalo. dabaalsii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld dabaali. dabaalsiin m.dh ld dabaalin. dabaan m.dh ld damaan. dabaaq¹ m.l ld dabaakh¹. dabaaq² f.mg1 (-qay, -qday) ld dabaakh². dabaaqad m.dh ld dabaakhad. dabaaqid m.dh ld dabaakhid. dabaax¹ m.l ld daabax¹. dabaax² f.g1 (-xay, -xday) ld daabax². dabaaxid m.dh ld daabaxid. dabaaxsii f.lg2 (-iiyay, -iisay) Dabaaxid samayn. dabaaxsiin m.f.dh eeg dabaaxsii. dababbax¹ m.l Shuban badan, jilicsan, oo caloosha dadka iyo xoolaha ka yimaada. dababbax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Caloosha dadka iyo xoolaha hayn (shuban). dababbixid m.f.dh eeg dababbax². dabac¹ m.l ld debcid. dabac² f.mg1 (-cay, -cday) ld debec². dabacadde m.l (-cayaal, m.l/dh) 1. ld dabcaddeeye. Bahal yar, xoorta le’eg, leh daba dheer oo foodda ka cad oo digaagga laaya. 2. Bahal safanta badda la jaad ah, kase weyn; ganacsi buu galaa oo waa la dhoofiyaa.

No comments