Breaking News

Somliland Og

dabacaddeeye 168 dabacaddeeye m.l ld dabacadde (1). dabacase m.l Geed nagaar khudaarta la cuno ka mid ah, oo caleen ballaaran iyo buruq dhuuban oo dhulka ku xabaalan leh; karooto. dabacla’aan m.dh ld debecla’aan. dabacsamid m.dh ld debecsamid. dabacsan¹ f.mg1 (-amay, -antay; -ami) ld debecsan¹. dabacsan² f.mg4 (-naa, -nayd) ld debecsan². dabacsanaan m.dh ld debecsanaan. dabacsanaansho m.l/dh ld debecsanaan. dabacsanow f.mg3 (-ooday, -ootay) ld debecsanow. dabaculus m.l Hal marka ay rinto si dhaqso ah aan u goojin. dabaddookhaan m.l Jaad bariiska ka mid ah oo yaryar oo dhuudhuuban oo aad u wanaagsan. dabadeed fk. ld dabo¹. dabadhac f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Ka d.: wax si aad u jeclaysasho. dabadhah m.dh In yar oo wax la beegay lagu khordiyo; suubis. dabadheer f.mg4 (-raa, -rayd) Muddo dheer wax socday ahaansho (xaajo, roob, abaar,dagaal iwm). dabadheeraan m.f.dh eeg dabadheer. ld dabadheeraansho. dabadheeraansho m.l/dh eeg dabadheerow. ld dabadheeraan. dabadheerow f.mg3 (-raaday, -raatay) Muddo dheer wax socday noqosho (xaajo, roob, abaar, dagaal iwm). dabadheh f.g1 (-ayiri, -atiri/-dhahay, – dhahday; -dhihi) Ka d.: wax qof yiri ku celin. dabadhicid m.f.dh eeg dabadhac. dabadhihid m.f.dh eeg dabadheh. dabadhiig m.l Calool xanuun halis ah, casiraad leh, shuban yar oo dhiig iyo axalo isugu jira oo dadka iyo xoolaha ku dhaca. dabadhilif¹ m.l (-fyo, m.dh) Cid, cid kale si midiidinnimo ah danaheeda ugu fulisa. dabadhilif² m.dh Barida idaha lafta yar ee dhuuban ee ay ku dhammaato. dabadhilifnimo m.dh Dabadhilif ahaansho. dabaduugato m.dh Cayayaan yaryar oo midab cad leh oo dhulka cammuudda ah inta dabada ku qota dhex gala. dabafadal m.dh Ciyaar jiib iyo jaan leh, ragga iyo haweenka wada ciyaaraan oo laga dheelo degmada Eyl. dabafur¹ m.l 1. (-rro, m.dh) ld dabakafur. 2. Khiyaamo; dhagar. 3. ld dabafurid. dabafur² f.g1 (-ray, -rtay) Xog qof u qarsoon kashifid. dabafurid m.f.dh ld dabafur¹ (3). dabagaab m.l 1. Buntukh gaaban oo meel dhow wax ka dila. 2. Ciidan wata buntukha noocaas ahi. dabaggaalle m.l.u Nafley yar, dhir, xagatada ka mid ah oo leh midab guduud xigeen ah; seyn dheer oo dhogor badan leh oo sida badan labada lugood ee dambe isku taaga; tukulush; uunrays. dabaggal¹ m.l 1. Baaris qoto dheer oo lagu sameeyo wax qarsoon oo la doonayo in la hubsado. 2. ld dabaggelid. Cidaan qaabilsan baaridda arrin la tuhunsanyahay in ay dhacday ama dhici doonta. 3. Ciidanka nabadsugidda qayb ka mid ah oo qabilsan la socoshada arrimaha dibloomaaysiyiinta. dabaggal² f.g1 (-galay, -ashay; -geli) 1. Cid, cid kaloo ka horreeysa gadashooda istaagid ama socosho. 2. Wax qarsoon, baaritaan qotodheer leh ku samayn. dabaggee f.g2 (-geeyay, -geysay) Ka d.: wax, wax kale oo ka tegay gaarsiin. dabaggeli f.g2 (-iyay, -isay) Wax, wax kale gadaal kaga xariirin. dabaggelid m.f.dh eeg dabaggal². ld dabaggal¹ (2). dabaggelin m.f.dh eeg dabaggeli. dabaggelis m.l (-syo, m.dh) Suun ama xarig xoolaha la rarto dabada loo suro si uusan rarku hore ugu dhicin. dabaggelisayn m.f.dh eeg dabaggelisee. dabaggelisee f.g2 (-seeyay, -saysay) Neef xoolo ah oo la rarayo dabaggelis u yeelid. dabaggeyn m.f.dh eeg dabaggee. dabaggibin m.dh Lafdhbarta dadka meesha u dambeysa ee ay ku dhammaato. dabaggorayee f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Heeryo dabaggoryo u samayn. dabaggorayeyn m.f.dh eeg dabaggorayee. dabaggorayo m.dh Meel ku aaddan maraqsaarka awr dhaan ah, heeryadu ka furantahay wax la geshado. dabaggur¹ m.l Faraxumayn naag hurudda lagu sameeyo. ld dabaggurid. dabaggur² f.g1 (-ray, -rtay) 1. Qof dumar ah oo hurdaysa si tartiib ah marada uga qaadid si looga macsiyaysto. 2. Cad yar oo maro ah oo surwaal iwm gadaal looga kabo meel faddhacday. dabaggurid m.f.dh eeg dabaggur². ld dabaggur¹. daba-imow f.mg3 (-a-yimid, -a-timid) Ka d.: qof, xoolo iwm gadaal ka soo gaarid. dabaqabo 169 dabajoog¹ m.l 1. Dabasocod; dabaggal. 2. ld dabajoogid. dabajoog² f.g1 (-gay, -gtay) Qof, xoolo iwm gadaashooda socosho. dabajoogid m.f.dh eeg dabajoog². ld dabajoog¹ (2). daba-ka-eri m.l Nooc ciyaarta turubka ka mid ah oo lagu ciyaaro afar turub oo isku jira, oo ay ciyaarto afar qof oo ay lababa isku jaal tahay. dabakafur m.l (-rro, m.dh) Nooc banaatiikhdii hore ka mid ah. ld dabafur¹ (1). dabakafuul m.l (-llo, m.dh) Wiil caawiya darawalka oo qaabilsan ilaalinta, nadiifinta iwm ee baabuurka. dabakakiil¹ m.l Haad uu nin kiishay oo labadii ciyaare oo dhinaca ka fadhiyay ay isu celiyaan (ciyaar turub). dabakakiil² f.g1 (-iilay, -iishay) Nin haad uu kiishay, labadii ciyaare oo dhinaca ka fadhiyay isla haadkii isu soo celin. dabakakiilad m.l ld dabakakiilasho. dabakakiilasho m.f.dh eeg dabakakiilo. ld dabakakiilad. dabakakiilid m.f.dh eeg dabakakiil². dabakakiilo f.g3 (-iishay, -iilatay) Haad turub nin kiishay midka bidixda ka xiga degasho. dabakannaax m.l (-xyo, m.dh) Qof busaarad iyo saboolnimo ku koray, oo waa dambe hodmay. ld dibkannaax. dabakannaaxid m.dh Hanti helidda qof saboolnimo ku koray. ld dibkannaaxid. dabakar¹ m.l (-rro, m.dh) 1. Geedgaab leh laamo dhuudhuuban, tootoosan oo la laga dhigto. 2. Cad maro ah. dabakar² f.g1 (-ray, -rtay) Maro, cad maro kale ah ku tolid. dabakarid m.f.dh eeg dabakar². dabakarruub m.l Cudur halis ah dhaqso u faafa, lo’da ku dhaca oo leh shuban badan oo dhiig la socdo iyo ilmayn; shiifow; beergooye; beerfur. dabakeen¹ m.l (-nno, m.dh) Wiil dadku sharaysto oo marka uu dhalanayo qaarka dambe soo hormariya. dabakeen² m.dh (-nno, m.dh) Gabadh dadku sharaysto oo markay dhalanayso qaarka dambe soo hormariya. dabakeen³ f.mg1 (-nay, -ntay) Ilmo dhalanayo, qaarka dambe soo hormarin. dabakeenid m.f.dh eeg dabakeen³. dabakeennimo m.dh Dabakeen ahaansho (qof). daballaab m.l/dh (-byo, m.dh) Buntuq boobe ah, fudud oo daabkiisu bir xalleefsan ka samaysanyahay. dabammar¹ m.l 1. Khiyaano; dhagar. 2. Gogoldhaaf. 3. ld dhabammarid. dabammar² f.g1 (-ray, -rtay) 1. Laba waxyaabood ama ka badan oo socda isweydaarsasho. 2. U d.: cid, si khiyaano ku jirti ugu ballan-furid. dabammari f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax, wax kale weydaarin. 2. U d.: wax, wax kale dambeysiin. dabammarid m.f.dh eeg dabammar². ld dabammar¹ (3). dabammarin m.f.dh eeg dabammari. dabammaryayn m.f.dh eeg dabammaryee. ld dabammaryo (3). dabammaryee f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Cid dabammaryo ku samayn. dabammaryo m.dh 1. Nooc legdenka ka mid ah oo qofka gadaal la isu dhaafiyo. 2. Khiyaano; dhagar. 3. ld dabammaryayn. daban f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Wax la dabay ahaansho. 2. Wax tidcan ahaansho (timo). dabandeeb¹ m.l Socod dan la’aan ah oo la iska daba noqnodo. ld dabandeebid. dabandeeb² f.mg1 (-bay, -btay) Si dan la’aan ah isaga daba noqosho. dabandeebid m.f.dh eeg dabandeeb². ld dabandeeb¹. dabannashlayn m.f.dh eeg dabannashlee. dabannashlee f.g/mg2 (-leeyay, -laysay) D./ka d.: si dabadhilifnimo ah qof u dabajoogid. daba-ordid m.f.dh eeg daba-orod. daba-orod f.g1 (-rday, -rodday; -rdi) Qof raacdayn. dabaq¹ m.l (-qyo, m.dh) 1. Dabool xardhan oo caw, qabo iwm ka smaysan, oo xeeryaha lagu daboolo. 2. Dhismo leh guryo is dul saaran, fooq. dabaq² f.g1 (-bqay, -baqday; -bqi) Wax, dabool xardhan oo caw, qabo iwm ka samaysan, daboolid. ld dabbaq. dabaqaad¹ m.l 1. D. ah: hal marka rintay. 2. ld dabaqaadid. dabaqaad² f.mg1 (-day, -dday) Wax dhawaan rimay noqosho (hal). dabaqaadid m.f.dh eeg dabaqaad². ld dabaqaad¹ (2). dabaqabad m.l ld dabaqabasho. dabaqabasho m.f.dh eeg dabaqabo. ld dabaqabad. dabaqabo f.g3 (-btay, -batay) 1. Wax intooda badani khasaaray inta ka hartay badbaadin. dabaqad 170 2. Neef jirro ama caato awgeed la fariistay kicin. dabaqad m.dh (-do, m.l) Qayb bulsho ka mid ah oo isku dan ah. dabaqallooc m.l ld dibqallooc. dabar¹ m.l (-rro/-bro, m.dh) 1. Xarig gaaban, xaskul ka samaysan oo awrka labada lugood ee hore looga xiro si uusan u foogaan. 2. Xarig ama suun jilcan oo saca labada lugood ee dambe looga xiro marka la maalayo. 3. Midab casaan ah oo ilkaha dadka qaarkii yeeshaan. dabar² m.dh (kiim.) Awoodda isdhexgalka ee isku qabata laba atam ama in ka badan ama koox atammo ah. Xooggaga dhaliya dabarradu waxay u kala duwanaan karaan kuwo aad u dabacsan oo molikuyuullada dhexmara (ilaa 0.1 kJ mol-1) iyo kuwo ah dabarro kimikaad oo laxaad badan (ilaa 10 3 kJ mol-1). dabar³ f.g1 (-bray, -bartay; -bri) Sac ama geel dabar ku xirid. dabar-ayoon m.l (-rro …, m.dh) (kiim.) Xoogga isku dabridda ee u dhexeeya ayoonada ku jira iskudhis, kaas oo ayoonnadu ku samaysmaan elektaroonada hal curiye oo si dhammaystiran ugu wareegey mid kale ama xididshe. dabargo’¹ m.l Ciribtirmidda ku dhacda wax asalkiisa ama firkiisa. dabargo’² f.mg1 (-‘ay, -‘day) Wax asalkiisa ama firkiisa ciriitirmay noqosho. dabargo’an f.mg4 (-‘naa, -‘nayd) Wax dabargo’ay ahaansho. dabargo’id m.f.dh eeg dabargo’². dabargo’naan m.f.dh eeg dabargo’an. ld dabargo’naansho. dabargo’naansho m.l/dh ld dabargo’naan. dabargoo f.g2 (-gooyay, -goysay) Wax jiritaankooda baabbi’in. dabargoyn m.f.dh eeg dabargoo. ld dabargoys (3). dabargoys m.l 1. (-syo, m.dh) Haarta dabarku ku reebo addimada awrka. 2. (-syo, m.dh) D. ah: awr dabarka lagu xiro had iyo jeer jara. 3. ld dabargoyn. dabar-haydarojiin m.dh (-rro …, m.dh) (kiim.) Dabar molikiyuuleed ka dhex samaysma molikiyuulo haydarojiintoodu u dabarantahay curiye elektaroonjiida shadiisu xooggantahay. dabar-lammaan m.l (-rro …, m.dh) (kiim.) Dabar elektaroon, wadaag ah oo isku haya laba atam kaas oo ka kooban laba lammaane elektaroon oo hal lammaane u dhigmo dabar keliya (lammaanaha sigma) kan kalena samaynaayo dabar dheeraad ah (dabarka bay, ). dabarriyaadle m.l ld dabarriyeedle. dabarriyeedle m.l Bawne. ld dabarriyaadle. dabar-wadaag m.l (-rro …, m.dh) (kiim.) Dabar ka dhex samaysma laba atam oo wadaaga lammaane elektaroon. dabasacle m.l Nooc cawska ka mid ah oo geelu uu daaqo oo leh fiid cad oo wax mudi karta. dabashabeelis m.l 1. Ciyaar carruurtu ay ciyaaran, iyagoo gadaal ku xiranaya maro la duuduubay oo sayn loo ekeysiiyay. 2. Qof cid kale wax kasta ku raaca. dabashiid m.dh Heensasaar. dabasho m.f.dh eeg dabo². dabasoco f.g3 (-cday, -cotay) Dabagelid; raacid. dabasocod m.l ld dabasocosho. dabasocosho m.f.dh eeg dabasoco. ld dabasocod. dabataag m.dh (-go, m.l) Nooc ka mid ah, leh midabka cawsha, lana eg, bogga ka cad oo markay ordayso dabadi taagta. ld dibtaag. dabato m.dh.u Dad ugaarsi ku nool. dabax¹ m.l ld daabax¹. dabax² f.g1 (-xay, -xday) ld daabax². dabaxad f.g1 (-day, -dday) Naag hurudda farxumayn. dabaxadid m.f.dh eeg dabaxad. dabaxaw m.dh Cudur calooleed leh shuban xad dhaaf ah. dabaxir¹ m.l Maro yar oo carruurta markaa dhalata dabada looga xiro, si aayan isugu hallayn saxarada. dabaxir² f.g1 (-ray, -rtay) Ku d.: wax, wax kale ku xiriirin. dabaxiran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Ku d.: wax, wax kale ku xiriirsan ahaansho. dabaxirasho m.f.dh eeg dabaxiro. dabaxirid m.f.dh eeg dabaxir². dabaxirnaan m.f.dh eeg dabaxiran. ld dabaxirnaansho. dabaxirnaansho m.l/dh ld dabaxirnaan. dabaxiro f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku d.: cid, cid kale wax ay caadeystay kula saaxiibid. dabayaaqo m.dh Wax badankii tegay inta yar oo dambaysa; badbaadi. dabayl¹ m.dh (-lo, m.l) 1. Hawo xoog leh oo dhan u socota. 2. Xanfar; siigo. 3. Rooxaan ama jinniyo la aaminsanyahay in dadka ay marto ku reebto suuxdin ama xubinno qallal. 4. Dhanka dabayshu ka socoto. 5. ld dabeyl. dabayl² m.dh (-lo, m.l) (c.cimi.) Mawjad hawo, oo xoog ugu socota jiho kasta, oo dabbisan 171 badanaa la moodo inay barbaro la tahay oogada dhulka. dabaylayn m.f.dh eeg dabaylee. dabaylbadan f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Wax dabayl leh ahaansho. 2. Qof dawdawle ah ahaansho. dabaylbadnaan m.f.dh eeg dabaylbadan. ld dabaylbadnaansho, dabaylbadni. dabaylbadnaansho m.l/dh ld dabaylbadnaan. dabaylbadni m.dh ld dabaylbadnaan. dabayl-bataax m.l (-xyo, m.dh) (c.cimi.) Duufaan bataax xoogaa qaro leh sidata oo dabayl xoog lihi waddo. Qurubyada bataxa ahi mar mar dhif ah ayay kor u kacaan in ka badan 15 ilaa 30 mitir dhulka korkiisa, in badanna kama durkaan meesha ay yaalliin ama isha (source). dabayl-cirifeed m.l (-dyo, m.dh) (c.cimi.) Dabaylaha aad u qabow ee dhaca meelaha cadaadiska sare leh ee agagaarka cirifyada xagga gobollada dhexe. Kubbad-badhka woqooyi guud ahaan waxay ka dhacaan (kacaan) woqooyi bari, kubbad-badhka koonfureedna koonfur bari. dabaylee f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax qoyan si uu u qallalo dabayl u dhigid. dabayleed m.l (juqr.) Wax dabayli keentay amase ku xidhan. Tuulimaad d. waa waxyaabaha ay dabayli qaadday ama ay dhigtay meel dhulka dushiisa ah waxaana ka mid ah dabayl tuul, bacaadka iyo tuulimaadyada lamaddegaannada. dabayl-joogta m.dh (-lo …, m.l) (c.cimi.) Ku filiqsanaanta guud ee dabaysha gibilka hoose, tasoo, waxa sababay kaah, qorraxeedku, u dhisan sida meere meeraysanaya oo leh gibil. dabaylnuug m.l.kh D. ah: neef lo’ ah oo aan sanka ka neefsan karin. dabaylraac f.mg1 (-cay, -cday) Ari dhanka dabayshu u socoto u goosmid. dabaylraacid m.f.dh eeg dabaylraac. dabaylwac m.l Dhanka dabayshu ka timaaddo. dabayood m.l.u Geed nagaar faala, leh caleemo yaryar iyo buruq dharka lagu dhaqdo. dabayshad m.f.l eeg dabaysho. ld dabayshi. dabayshi m.l ld dabayshad. dabaysho f.mg3 (-shaday, -shatay) 1. Dhanka dabayshu ka imanayso, aadid. 2. Xoolo lumid. dabbaabad m.dh (-do, m.l/-baad, m.dh) Baabuur qafilan xabbadda candiga ahi aanay karin oo lagu dagaallamo. dabbaal¹ m.l (-llo, m.dh) 1. Nacas; axmaq. 2. ld dabbaalid. dabbaal² m.dh ld dabaal. dabbaal³ f.g1 (-aalay, -aashay) Wax jahaday u socdeen mid ka duwan u weecin; soo celin (xoolo). dabbaalad m.l ld dabaalasho. dabbaalasho m.f.dh ld dabaalasho. dabbaaldeg¹ m.l (-gyo, m.dh) 1. Damaashaad lagu sameeyo fardo la cayaarsiinayo. 2. Cayaaro iyo waxyaalo kale oo farax lagu muujiyo oo loola jeedo maalin taariikh weyn leh oo la xuso. dabbaaldeg² f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Maalin muhiim ah ciyaar ku xusid. 2. Fardo ku damaashaadid. dabbaaldegid m.f.dh eeg dabbaaldeg². dabbaali f.g2 (-iyay, -isay) ld dabaali. dabbaalid m.f.dh eeg dabbaal³. ld dabbaal¹ (2). dabbaalin m.dh ld dabaalin. dabbaaljoog m.l ld dabaaljoog. dabbaaljoogle m.l ld dabaaljoog. dabbaaljooglee f.mg2 (-leeyay, -leysay) ld dabaaljooglee. dabbaaljoogleyn m.dh ld dabaaljoogleyn. dabbaaljoogtee f.mg2 (-teeyay, -teysay) ld dabaaljooglee. dabbaaljoogteyn m.dh ld dabaaljoogleyn. dabbaaljoogto m.dh ld dabaaljoog. dabbaalnimo m.dh Dabbaal ahaansho. dabbaalo f.mg3 (-aashay, -aalatay) ld dabaalo. dabbaalsii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld dabaali. dabbaalsiin m.dh ld dabaalin. dabbaalsiis m.l ld dabaalin. dabbaan¹ m.l 1. Webi, durdur iwm meesha ugu biyo yar ee lugta looga gudbi karo. 2. ld dabbaanid. dabbaan² m.dh Fallaar aan dheg lahayn oo sida waranka u dhuuban; lama saaro mariid, waxaa loogu talaggalay in ay wax naafayso. dabbaan³ f.g1 (-nay, -ntay) Webi, durdur iwm lug uga gudbid meesha ugu biyo yar. dabbaanid m.f.dh eeg dabbaan³. ld dabbaan¹ (2). dabbaq f.g1 (-qay, -qday) ld dabaq². dabbaqid m.dh ld dabqid. dabbar m.dh (-ro, m.l) 1. Caro xad-dhaaf ah oo qofka is hanashada ka lumisa. 2. Dhagar, khayaano. dabbaraale m.l 1. Qof caro badan oo markuu xanaaqo aan is hanan karin. 2. Qof dhagar badan. dabbi f.g2 (-iyay, -isay) Arrin murugsan daawo u helid. dabbin m.f.dh eeg dabbi. ld dabbis. dabbis m.l ld dabbin. dabbisan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax daawo loo helay ahaansho. dabbisasho 172 dabbisasho m.f.dh eeg dabbiso. dabbisnaan m.f.dh eeg dabbisan. ld dabbisnaansho. dabbisnaansho m.l/dh ld dabbisnaan. dabbiso f.g3 (-stay, -satay) Arrin murugsan daawaysasho. dabboojiye m.l (-jayaal, m.l/dh) 1. Bisha lixaad ee sannad qorraxeedka. 2. D.-jayaal: laba xiddigood oo waaweyn oo cirka dhiniciisa koonfur ku yaal. dabcad m.dh (-do, m.l) Caddad; wax la daabacay. dabcan fk. Sida caadiga ah. dabci¹ m.l Hab la dhaqanka dad ee qof leeyahay; baxaalli, abuur. ld dabeec (1), dabeecad (1), dabeeco, dabiicad. dabci² f.g2 (-iyay, -isay) ld debci². dabcid m.dh ld debcid. dabcin m.dh ld debcin. dabdamis m.l Ciidan qaabbilsan la dagaalanka dabka. ld debdemis. dabdheer m.dh 1. Dabka lagu dagaallamo oo loogu talaggalay in uu meel fog wax ka dilo, wadajirkiisa. 2. Colka dabkaas sita. 3. Bundug dheer. dabdhul m.l (daaw.) Cudur maqaarka ku dhaca oo u yeela baro yaryar oo biyo leh. dabduug m.l Xilli roob shuux ahi ka da’o xeebaha gobollada koonfureed, taasoo ku beegan dhammaadka dabshidka. dabeeb m.dh Hadal dood ah. ld dabuub (1). dabeebad m.l ld dabeebasho. dabeebasho m.f.dh eeg dabeebo. ld dabeebad. dabeebo f.mg3 (-btay, -batay) U d.: Cid, hadal u jeedin. dabeec m.l 1. ld dabci¹. 2. Xiriir ka dhexeeya laba qof ama ka badan oo saaxiib ah. dabeecad m.dh 1. ld dabci (1). 2. Noolaha iyo ma noolaha Eebbe ku abuuray dunida guudkeeda oo dhan. dabeecadxumaan m.f.dh eeg dabeecadxun. ld dabeecadxumaansho, dabeecadxumi, dabeecadxumo. dabeecadxumaansho m.l/dh ld dabeecadxumaan. dabeecadxumi m.dh ld dabeecadxumaan. dabeecadxumo m.dh ld dabeecadxumaan. dabeecadxun f.mg4 (-umaa, -umayd) Qof hab la dhaqan wanaagsan aan lahayn ahaansho. dabeeco m.dh ld dabci¹. dabeer¹ m.l ld dameer¹. dabeer² m.dh ld dameer². dabeyl m.dh (-lo, m.l) (daaw.) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. ld dabayl¹ (5). dabeyl-kulul m.dh (-lo …, m.l) (juqr.) Dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yaqaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay. dabgaab m.l 1. Hub meel gaaban wax ka dila. 2. Ciidan haysta hubka noocaas ah. dabid m.f.dh eeg dab². ld dabniin. dabiib¹ m.l 1. (-bbo,m.dh) Qof yaqaan sida wax loo daaweeyo; dakhtar. 2. Dacarfal. 3. ld dabiibid. dabiib² f.g1 (-bay, -btay) Cid daaweyn. dabiibid m.f.dh eeg dabiib². ld dabiib¹ (3). dabiicad m.dh ld dabci¹. dabiici m.l.kh 1. D. ah: abuurista Eebbe wax ka soo jeeda. 2. D. ah: caadi. dabin m.l (-nno, m.dh) Bir, siriq, god iwm oo loo dhigo nafleyda si loo qabto. dabindhuud m.l Neef ugaar ah oo aan gelin dabinka loo dhigo. dabinqool m.l (-llo, m.dh) 1. Siriqda xarigga la rabo in wax lagu qabto. 2. Shirqool. dabis m.l 1. ld tabis. Cudur xoola ku dhaca oo calanaqsiga inay liqaan u diida. 2. Nooc ka mid ah deris kunnoolka caloosha dadka ku dhasha. 3. Nooc ka mid ah suuska timirta gala. dabjoog m.dh Xawayaanka marabbida ah iyo xoolaha la dhaqdo. dable m.l (-layaal, m.l/dh) Askari aan derajo lahayn. dabley m.dh Dad hub haysta. dabnaan m.f.dh eeg daban. ld dabnaansho. dabnaansho m.l/dh ld dabnaan. dabnaareed m.l (dii.) Dab cadaabeed. dabniin m.dh ld dabid. dacal¹ 173 dabo¹ m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xubin dhuuban, dheer, laalaadda oo lafdhabarta ku dhammaato. 2. Meesha ay nafleyda ka saxarooto; futo. 3. Sal. 4. Gadaal. 5. Dabadeed: kaddib. dabo² f.g3 (-btay, -batay) 1. Ugaar, kalluun iwm dabin ku qabasho. 2. Timo tidcasho. dabool¹ m.l (-llo, m.dh) 1. Qalab afka laga saaro weelasha si aysan wax ugu dhicin. 2. ld daboolid. dabool² m.dh Gudin weyn. dabool³ f.g1 (-oolay, -ooshay) 1. Weel iwm si ayan wax ugu dhicin afka wax ka saarid. 2. Wax muuqaalkooda qarin. Tus. “Daruur baa cirka dabooshay”. daboolan¹ f.mg1 (-lmay, -lantay) 1. Weel iwm wax la daboolay noqosho. 2. Wax muuqaalkooda wax kale qariyey noqosho. daboolan² f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Wax la daboolay ahaansho (weel iwm.) 2. Wax muuqaalkooda wax kale qariyey ahaansho. daboole m.l Cudur candhada geela ku dhaca oo ibaha xira. ld daboolo, ibadaboole, ibadaboolo. daboolid m.f.dh eeg dabool². daboolmid m.f.dh eeg daboolan¹. daboolnaan m.f.dh eeg daboolan². ld daboolnaansho. daboolnaansho m.l/dh ld daboolnaan. daboolo m.dh ld daboole. dabqaad m.l (-dyo, m.dh) Qalab yar oo sida badan dhagax jilicsan ama dhoobo ka samayan oo fooxa lagu shito. dabqabad m.l Birqabad. dabqid m.f.dh eeg dabaq². ld dabbaqid. dabraac¹ m.l 1. D. ah: qof aan hanti lahayn oo qaraabadiisa, saaxiibbadiisa iwm hadba mid la cunteeya. 2. ld dabraacid. dabraac² m.dh.u Cayayaan baallalley ah, waqtiyada roobka la arko oo ilayska ku soo yaaca; hawtal-hamag. dabraac³ f.mg1 (-cay, -cday) Soo d.: qof meel allabari iwm ka jiraan cunto u raadsasho. dabraacid m.f.dh eeg dabraac³. ld dabraac¹ (2). dabradduul m.l Duullaan rogaalcelis ah oo cid dhowaan la dhacay lagu sameeyo. dabramid m.f.dh eeg dabran. dabran¹ f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax dabar ku xirmay noqosho (nafley). dabran² f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dabray ahaansho (nafley). dabranaan m.f.dh eeg dabran². ld dabranaansho. dabranaansho m.l/dh eeg dabranow. ld dabranaan. dabranow f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax si joogto ah u dabran noqosho. dabrasho m.f.dh eeg dabro². dabrayn m.f.dh eeg dabree. dabree f.mg2 (-reeyay, -raysay) Ku d.: cid hore loogu duulay ku rogaal celin. dabrid¹ m.l (-dyo, m.dh) Tababbar ciidamada la siiyo oo lagu baro habka xabbado rididda. ld debrid. dabrid² m.f.dh eeg dabar². dabrin m.dh (-imo, m.l) Qoobka iyo kubka meesha ay iska galaan; dhaad. dabro¹ m.dh 1. Geed nagaar dhulka ku faalada, laamo dhuudhuuban oo jilicsan leh, xooluhu daaqaan oo dooxooyinka ka baxa. 2. (-ooyin, m.l) Weerar rogaal celis ah. dabro² f.g3 (-raday, -ratay) Awr iwm dabar ku xirasho. dabsaar m.l (-rro, m.dh) 1. Sabuulka isagoo aan bislaan oo weli curdan ah beerta laga gooyo, ka dibna inta god lagu guro la dubo. 2. Weel kasta oo dab la saaro. dabshid m.l Dabbaaldeg lagu maamuuso dhammaadka sanad qorraxeedka soomaaliyeed oo ku aaddan toddobaadka u dambeeya bisha Luulyo, laguna xuso ciyaaro kala duwan iyo dab la shido. dabsii f.lg2 (-iiyay, -iisay) Ilmo xoolaad, yar, aan hooyo lahayn, neef kale nuujin. dabsiin m.f.dh eeg dabsii. dabsoon m.l (daaw.) Daawo loo isticmaali jiray daweynta baraska ama juudaanka. dabtuur m.l 1. ld dabshid. 2. Cayaar carruurtu cayaarto. 3. ld dabrid. dabuub m.dh (-bo, m.l) 1. ld dabeeb. 2. Meel hoobad ah. dabuubad m.l ld dabuubasho. dabuubasho m.dh eeg dabuubo. ld dabuubad. dabuubo f.mg3 (-btay, -batay) 1. ld dabeebo. 2. Meel hoobad ah ka daaddigid. dabuuq m.l D. ah: xarig dun laga sameeyo oo fardaha lagu jareeyo. dabweyn m.dh 1. Hub culus oo lagu dagaalamo. 2. Col hub culus ku dagaalama. ld debweyn. dabxid m.dh ld daabaxid. dabyar m.dh ld danyar¹. dac m.dh.u Biyo wasakh ah oo ku hara kaalinka ay xooluhu ka cabbaan. dacaayad m.dh ld dicaayad. dacaayadee f.g2 (-deeyay,-deysay) ld dicaayadee. dacaayadeyn m.dh ld dicaayadeyn. dacaayo m.dh ld dicaayad. dacal¹ m.l (-llo, m.dh) Daraf, dhinac, cirif. dacal² 174 dacal² m.dh (-lo, m.l) Summad xoolaha loo yeelo oo dhegta dhinaceeda hoose la jeexo. dacalmadow m.l Qori qaar ka mid ahi gubtay. dacar¹ m.l Dhismo weyn oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo laga dhiso qabuuraha wadaaddada waaweyn oo marka la siyaaranayo dadku harsado. dacar² m.dh 1. Geed yar oo jaadad badan ah oo leh caleemo hilib leh oo dhinacyada qodxo ku leh, iyo laan dheer (baaldacar) oo baarkiisa dhabaq ka samaysmo; caleemaha, dhacaan aad u xaraar oo laysku daweeyo baa laga lisaa; sibir. 2. Dhacaan xaraar oo cawl ah ama cagaar, oo inta beerka ka yimaada, beerkutaasha ku urura; xammeeti. 3. Wixii qush ah oo caloosha ku jira oo layska dacarfaalo; qaras. dacarayn m.f.dh eeg dacaree. dacaraysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof dacar haysa ahaansho. dacaraysnaan m.f.dh eeg dacaraysan. ld dacaraysnaansho. dacaraysnaansho m.l/dh ld dacaraysnaan. dacarbax¹ m.l Bixidda caloosha qaras ku jirta ay ka baxdo. dacarbax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Calool ama xiidmo qaras ku jirtay, ka bixid. dacarbixi f.g2 (-iyay, -isay) Calool ama xiidmo, qaras ku jirtay ka saarid. dacarbixid m.f.dh eeg dacarbax². dacarbixin m.f.dh eeg dacarbixi. dacardhiig m.l Dabadhiig. dacaree f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Wax dhadhan qaraar u yeelid. 2. (f.mg) U d.: cid, wax awood iyo xoog ugu diidid. dacarfaal¹ m.l Qaadashada dawo iwm si ay caloosha qarasta ku jirto uga saaranto; qarasfaal. ld dacarfaalid. dacarfaal² f.g1 (-aalay, -aashay) Caloosha si qaras ku jirto looga saaro, daawo iwm qaadasho. ld dacarfal². dacarfaalid m.f.dh eeg dacarfaal². ld dacarfaal¹, dacarfal¹, dacarfalid. dacarfal¹ m.l ld dacarfaalid. dacarfal² f.g1 (-alay, -ashay) ld dacarfaal². dacarfalid m.dh ld dacarfaalid. dacaroo f.mg3 (-ooday, -ootay) Wax dacar hayso noqosho (cid). dacarood m.f.l eeg dacaroo. dacas¹ m.l (-syo, m.dh) 1. Kabo jilicsan, badanaa guriga lagu joogo oo balaastiig ka sameysan. 2. Diif; rafaad; dhibaato. dacas² f.g/mg1 (-say, -stay) 1. (f.g) Cid kabo dacas ah la dhicid. 2. (f.mg) Baabuur quwadjabid. dacati¹ m.l ld tacaddi¹. dacati² f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay) ld tacaddi². dacatin m.dh eeg tacaddiyid. dacatiyid m.dh ld tacaddiyid. dacawamadow m.dh Nooc dawacada ka mid ah, midab ciiro ah leh, oo caws ku nool ah. ld dawacamadow. dacawo m.dh ld dawaco. dacay¹ m.l Xarig yar oo xoolaha qalka ama faruurta hoose looga xiro si loo xukumo. dacay² m.dh Faruurta hoose ee xoolaha. dacay³ f.g1 (-yay, -yday; -yi) Neef, si loo xukumo, qalka hoose xarig kaga xirid. ld dacayee. dacayan f.mg4 (-ynaa, -ynayd) Neef, wax la dacayey ahaansho. ld dacayeysan. dacayasho m.f.dh eeg dacayo. ld dacayeysasho. dacayayn m.dh ld dacayid. dacayee f.g2 (-yeeyay, -yeysay) ld dacay³. dacayeysan f.mg4 (-snaa, -snayd) ld dacayan. dacayeysasho m.dh ld dacayasho. dacayeysnaan m.dh ld dacaynaan. dacayeysnaansho m.l/dh ld dacaynaan. dacayeyso f.g3 (-stay, -satay) ld dacayo. dacayid m.f.dh eeg dacay³. ld dacayayn. dacayn m.f.dh eeg dacee. dacaynaan m.f.dh eeg dacayan. ld dacayeysnaan, dacayeysnaansho, dacaynaansho. dacaynaansho m.l/dh ld dacaynaan. dacayo f.g3 (-yaday, -yatay) Neef, dacay ku xirasho (qof). ld dacayeyso. dacdarrayn m.f.dh eeg dacdarree. dacdarraysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dacdarro hayso ahaansho. dacdarraysnaan m.f.dh eeg dacdarraysan. ld dacdarraysnaansho. dacdarraysnaansho m.l/dh ld dacdarraysnaan. dacdarree f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax dacdarro badid. dacdarro m.dh Dhibaato badan oo ay nafley nolosha kala kulanto. dacdarroobid m.f.dh eeg dacdarrow. dacdarrow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax dacdarro la kulmay noqosho. dacee f.g2 (-ceeyay, -caysay) Wax dac ku wasakheyn. dacgab¹ m.l Waayidda tabar loo waayo wax la qaban lahaa. ld dacgabid. dacgab² f.mg1 (-bay, -btay) Wax la qaban lahaa tabar u waayid. dacgabid m.f.dh eeg dacgab². ld dacgab¹. daciif¹ m.l ld laciif¹. daciif² f.mg1 (-fay, -ftay) ld laciif². dadan³ 175 daciifad m.dh ld laciifad daciifi f.g2 (-iyay, -isay) ld laciifi. daciifid m.dh ld laciifid. daciifin m.dh ld laciifin. daciifis m.l ld laciifin. daciifsan f.mg4 (-naa, -nayd) ld laciifsan. daciifsanaan m.dh ld laciifsanaan. daciifsanaansho m.l/dh ld laciifsanaan. dacjoog m.l.kh D. ah: neef xoolo ah oo aan sabada ceelka dhaafin. dacluus¹ m.l 1. Faqri. 2. ld dacluusid. dacluus² f.mg1 (-say, -stay) Faqri noqosho (qof). dacluusid m.f.dh eeg dacluus². ld dacluus¹ (2). dacmad m.dh Dhadhan. dacwad m.dh (-do, m.l) Dood garnaqsi iyo eedeyn leh oo laba qof ama ka badan dhexmarta. ld dacwi¹, dacwo. dacwashiir¹ m.l ld daacaqurun¹. dacwashiir² f.mg1 (-ray, -rtay) ld daacaqurun². dacwashiirid m.dh ld daacaqurmid. dacwee f.g2 (-weeyay, -weysay) Cid dacwo ku oogid. dacweyn m.f.dh eeg dacwee. dacwi¹ m.l ld dacwad. dacwi² f.mg1/2 (-iyay,-iday/-isay; -iyi) La d.: dacwo jeedin. dacwin m.dh ld dacwiyid. dacwiyid m.dh eeg dacwi². ld dacwin. dacwo m.dh ld dacwad. dacwoo f.mg3 (-ooday, -ootay) U d.: dacwo sameyn. dacwood m.f.l eeg dacwoo. dacyaal m.l (-llo, m.dh) Qori, dhagax iwm oo muddo badan ceel agtiisa yiil. dad m.l (-dyow, m.l) Naaley waxa Eebbe abuuray ugu sarreysa, dhogor lahayn oo garaadkeeda hadal ku cabbiri karta. dÄ…d¹ m.l ld ded¹ (1). dÄ…d² f.g1 (-day, -dday) ld ded². dadaabee f.g2 (-beeyay, -beysay) Neef geel ah jilbaha korkooda ka xirid. dadaabeyn m.f.dh eeg dadaabee. dadaabeysad m.l ld dadaabeysasho. dadaabeysasho m.f.dh eeg dadaabeyso. ld dadaabaysad, dadaabeysi. dadaabeysi m.l ld dadaabeysasho. dadaabeyso f.g3 (-stay, -satay) Awr jilbaha korkooda ka xirid. dadaal¹ m.l 1. Wax qabad isxilqaamid iyo isku taxallujin leh. 2. Si dhaqso ah oo hawl loo qabto. ld dedaal¹. dadaal² f.mg1 (-aalay, -aashay) 1. Si isxilqaamid iyo isku taxallujin leh hawl u qabasho. 2. Si dhaqso leh hawl u qabasho. ld dedaal². dadaalid m.f.dh eeg dadaal². ld dedaalid. dadab¹ m.l (-byo, m.dh) 1. ld dedeb. Si wax loo dhigo oo in yar ka leexsan jahadiisii hore, gudub. babac. 2. Si goynaysa jahada toosan ee ay wax u yaallaan. 3. D. ah: ilmo aan weli la gardaadin. 4. ld dadbid. dadab² m.dh (-bo, m.l) 1. Ardaa quruxsan oo ay cid u dhisto nin gabar ka doonaya. 2. Rarada la saaro aqalka miyiga. dadab³ f.g1 (-dbay, -dabtay; -dbi) Wax si goyneysa jahada toosan ee uu u yaal u dhigid. dadabdhig¹ m.l ld dadabgal¹. dadabdhig² f.mg1 (-gay, -gtay) ld dadabgal². dadabdhigid m.dh ld dadabgelid. dadabgal¹ m.l (-llo, m.l) 1. ld dadabdhig 1. Doonidda gabar reerkooda laga doono iyadoo si xushmad leh loo weyddiisanayo. 2. ld dadabgelid. dadabgal² f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) U d.: Reer gabadh si xushmad leh u weydiisasho. ld dadabdhig². dadabgelid m.f.dh eeg dadabgal². ld dadabdhigid, dadabgal¹ (2). dadabhambaar m.l ld dadabxambaar¹. dadabsad m.l ld dadabsasho. dadabsasho m.f.dh eeg dadabso. ld dadabsad, dadabsi. dadabsi m.l ld dadabsasho. dadabso f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Wax dhib leh si gardarro ah faraha ula gelid. 2. (f.g) Cid gardarro ku sameyn. 3. (f.mg) Ilmo, si dadab ah u xambaarasho. dadabxambaar¹ m.l Si gudub ah oo ilmo aan la gardaadin loo xambaaro. ld dadabhambaar. dadabxambaar² f.g1 (-ray, -rtay) Ilmo aan la gardaadin si gudub ah u xambaarid. dadabxambaarasho m.dh ld dadabxambaarsasho. dadabxambaarid m.f.dh eeg dadabxambaar². dadabxambaaro f.mg3 (-rtay, -ratay) ld dadabxambaarso. dadabxambaarsasho m.f.dh eeg dadabxambaarso. ld dadabxambaarasho. dadabxambaarso f.mg3 (-saday, -satay) Ilmo aan la gardaadin si gudub ah u xambaarasho. ld dadabxambaaro. dadan¹ m.dh ld dedan¹. dadan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) ld dedan². dadan³ f.mg4 (-dnaa, -dnayd) ld dedan³. dadban 176 dadban f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dadbay ahaansho. dadbanaan m.f.dh eeg dadban. ld dadbanaansho. dadbanaansho m.l/dh ld dadbanaan. dadbid m.f.dh eeg dadab³. ld dadab¹ (4). dadcun m.l.kh (-nno, m.dh) 1. D. ah: awr dadka qaniina. 2. D. ah: nafleyda inteeda hilibka dadka quudan karta. daddaab m.l (-bbo, m.dh) 1. Qalab farraaro leh oo malabka lagu soo bixiyo. 2. Sidde loo sameeyo weelasha gadawga leh. daddaabbe m.l (-bayaal, m.l/dh) 1. Xarig si isweydar ah lug iyo jeeni loogu xiro geela; weydaar. 2. Xarig la iskula xiro qoorta iyo xabadka faraska si uusan aad ugu ordin. 3. Hangool. daddaabbee f.g2 (-beeyay, -beysay) Xoolo, daddaabe ku xirid. daddaabeyn m.f.dh eeg daddaabee. daddaabeysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la daddaabeeyay ahaansho (xoolo). daddaabeysnaan m.f.dh eeg daddaabeysan. ld daddabeysnaansho. daddaabeysnaansho m.l/dh ld daddaabeysnaan. daddaami f.g2 (-iyay, -isay) ld dandaami. daddaamin m.dh ld dandaamin. daddaansad m.l ld dandaansasho. daddaansasho m.dh ld dandaansasho. daddaansasho m.f.dh egg daddaanso. ld daddaansad, dandaansad, dandaansasho. daddaanso f.g3 (-saday, -satay) ld dandaanso. daddan f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof fudud oo aan degganayn ahaansho. 2. Ku d.: Qof, wax ku mamay ahaansho. ld deddan. daddanaan m.f.dh eeg daddan. ld daddanaansho, deddanaan, deddanaansho. daddanaansho m.l/dh ld daddanaan. daddil m.l (-llo, m.dh) Xawayaanka inta dadka kula dagaalanta herdida, durdurada, xaraatida. daddo m.dh ld deddo. daddoo f.mg3 (-ooday,-ootay) ld deddoo. daddoobid m.dh ld deddoobid. daddood m.l ld deddood. daddow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) ld deddow. dadduuc f.g1 (-cay, -cday) Ku d.: wax culus si khasab ah ku wadid. dadduucid m.f.dh eeg dadduuc. dÄ…did m.dh ld dedid. dadlaq m.l.kh ld dadliq. dadliq m.l.kh D. ah: meel biyo badan oo dadka aan dabbaasha aqoon ku haftaan. ld dadlaq. dadmid m.dh ld dedmid. dadnaan m.dh ld dednaan. dadnaansho m.l/dh ld dednaan. dadnimo m.dh Dad ahaansho. dadoobid m.f.dh eeg dadow. dadow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dad noqosho. dadqaad m.l (-dyo/-ddo, m.dh) D. ah: libaax ama waraabe halis ah oo hilibka dadka ku nool. dadqaadnimo m.dh Dadqaad ahaansho. dadqal m.l (-llo, m.dh) Nin hilibka dadka cuna. dadqalad m.l Dadqalnimo. dadqaladnimo m.dh ld dadqalnimo. dadqalatanimo m.dh Dadqalato ahaansho. dadqalato m.dh 1. Naag dadka qalata oo hilibkiisa cunta. 2. (m.u) Koox dad ah oo hilibka dadka cunta. dadqalnimo m.dh Dadqal ahaansho. ld dadqaladnimo. dadweyne m.l Ummad inteeda la xukumo ee aan maamulka siyasiga wax ka hayn. dadyahan m.l (-nno, m.dh) Nafley dadka qalata oo hilibkiisa cunta. daf¹ m.l (-faf, m.l) (muus.)Durbaan yar oo shulushyo bir ah leh. daf² m.dh.sh.r Cod tilmaama socod ama dhawaaq kedis ah. daf³ f.g1 (-fay, -ftay) Ka d.: wax si kedis ah u dhufsasho. dafaar m.l Qof sabool ah. dafac m.l Cudur halis ah, sangoror leh oo fardaha ku dhaca. ld darfac, dirfac. dafcad m.dh (-do, m.l) Koox dad oo hawl wada billaabay ama wada dhammeeyey. dafdaf m.dh Fal aan deggenaan lahayn ee qof ku kaco. dafdaflayn m.f.dh eeg dafdaflee. dafdafle m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dafdaf badan; meelo galgal badan. dafdaflee f.mg2 (-leeyay, -laysay) Dafdaf samayn. dafid m.f.dh eeg daf³. dafir¹ m.l Diididda run la ogyahay. ld dafirid. dafir² f.mg1 (-ray, -rtay) Run la ogyahay diidid. dafiraad m.dh ld dafirid. dafirid m.f.dh eeg dafir². ld dafir¹, dafiraad. dafo m.dh (-ooyin, m.l) Nooc haadda hilib cunka ka mid ah, dheereysa oo si dhaqso leh bahallada yaryar ama hilibka u dhufsata; dah 177 so’laduul; huunfey. ld dafto, dhifato, dhufato. dafraan m.l.kh ld dafshaan. dafshaan m.l.kh Qof dhibaato dhaqaale hayso. ld dafraan, tafshaan. daftar m.l (-rro, m.dh) Buug wax lagu qorto. dafto m.dh ld dafo. da’fur¹ m.l 1. Ratigu marka u qooqbaxo. 2. ld da’furid. Ka baabi’idda qooqu ka baaba’o awr. da’fur² f.mg1 (-ray, -rtay) Qooq ka bi’id (awr). da’furid m.f.dh eeg da’fur². ld da’fur¹ (2). dag f.g1 (-gay, -gtay) Cid dhibaato aysan filayn gaarsiin ama ka dhaadhicin wax aan jirin; dhagrid; khatalid. dagaag¹ m.l 1. Qof ama dad ka dalaabay degaankoodii cayrnimo awgeed. 2. ld dagaagid. dagaag² f.mg1 (-gay, -gtay) Cayrnimo awgeed la dalaabid (qof). dagaagid m.f.dh eeg dagaag². ld dagaag¹ (2). dagaagnimo m.dh Dagaag ahaansho (qof). dagaal¹ m.l (-llo, m.dh) 1. Iska horimaad af ama addin ah, waxyeello lays gaarsiiyo oo dhexmara laba qof ama ka badan. 2. ld dagaalid. dagaal² f.g/mg1 (-aalay, -aashay) D./la d.: laba qof ama ka badan waxyeello af ama addin ah isgaarsiin. dagaal-aqoon m.dh Xeelad. dagaalgal m.l (-llo, m.dh) 1. Heer korriimo oo marka wiilashu gaaraan dagaalka ka qayb qaadan karaan. 2. D. ah: wiil gaaray da’dii uu dagaal kaga qayb qaadan lahaa. 3. Hab dagaal looga qayb qaato. dagaalgeli f.g2 (-iyay, -isay) Ciidan dagaallamaya hoggaamin (qof). dagaalgelin m.f.dh eeg dagaalgeli. ld dagaalgelis. dagaalgelis m.l ld dagaalgelin. dagaalid m.f.dh eeg dagaal². ld dagaal¹ (2). dagaaljecel f.mg4 (-claa, -clayd) Qof shiddoole ah ahaansho. dagaaljeclaan m.f.dh eeg dagaaljecel. ld dagaaljeclaansho. dagaaljeclaansho m.l/dh ld dagaaljeclaan. dagaaljooji f.g2 (-iyay, -isay) Dirir joojin. dagaaljoojin m.f.dh eeg dagaaljooji. ld dagaaljoojis. dagaaljoojis m.l ld dagaaljoojin. dagaallamid m.f.dh eeg dagaallan². ld dagaallan¹. dagaallan¹ m.l ld dagaallamid. dagaallan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) La d.: cid dagaal kula kicid. dagaaltoleed m.l Dagaal dhex mara dad qaraabo ah; dagaalsokeeye. dagaalyahan m.l (-nno, m.dh) Qof geesi ah oo tabaha iyo xeeladaha dagaalka yaqaan. dagaalyahannimo m.dh Dagaalyahan ahaansho (qof). dagaggoo f.mg2 (-gooyay, -goysay) Ka d.: xoolo dago ka bixin. dagaggooyn m.f.dh eeg dagaggoo. ld dagaggoys (3). dagaggooys m.l 1. D. ah: ari dago ku waajibtay. 2. D. ah: neef dago ahaan loo bixiyey. 3. ld dagaggoyn. dagan¹ f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) 1. Wax aan foojignayn noqosho (nafley). 2. Wax dayacan noqosho (alaab, xoolo iwm). dagan² f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Wax aan foojignayn ahaansho (nafley). 2. Wax dayacan ahaansho (alaab, xoolo iwm). daganduug¹ m.l ld daganduugid. daganduug² f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax qarin. 2. Wax baabi’in. daganduugid m.f.dh eeg daganduug². ld daganduug¹. dagarasoon m.l ld daqarasoon. dagasho m.f.dh eeg dago². dagati m.dh.kh Wax dayacan. dagid m.f.dh eeg dag. ld dagniin. dagiigaxasho m.dh ld digiigixasho. dagiigix m.l ld digiigix. dagiigoxo f.mg3 (-xday, -xatay) ld digiigoxo. dagmid m.f.dh eeg dagan¹. dagnaan m.f.dh eeg dagan². ld dagnaansho. dagnaansho m.l/dh ld dagnaan. dagniin m.dh ld dagid. dago¹ m.dh 1. Bilaha dayaxa ee muslinka tirsado tan ugu horreysa. 2. Sadaqo sharciga Islaamku ku waajibiyey hantida qofka muslim ah sannadkiiba mar. 3. D. ah: neef ari ah oo sadaqadaas loo bixiyo. dago² f.mg3 (-gtay, -gatay) 1. U d.: wax, cid u dayacmid. 2. Ku d.: ku dagmid, ku khatalmid; sigasho; baylahoobid. daguug f.g1 (-gay, -gtay) 1. Ceel, god iwm aasid. 2. Wax baabbi’in. daguugan f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax la daguugay noqosho. daguugid m.f.dh eeg daguug. daguugmid m.f.dh eeg daguugan. dah f.g/mg1 (-hay, -hday) 1. (f.g) Wax awdid. 2. (f.mg) Dhalasho. dahaar¹ 178 dahaar¹ m.l (-rro, m.dh) Dhawraarin maqaar; maro, warqad adag iwm ka samaysan, wax dusha uga dhegsan. dahaar² f.g1 (-ray, -rtay) Dhawraarin maqaar; maro, warqad adag iwm ka samaysan, wax dusha uga dhejin. dahaaran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la dahaaray ahaansho. dahaarid m.f.dh eeg dahaar². dahaarnaan m.f.dh eeg dahaaran. ld dahaarnaansho dahaarnansho m.l/dh ld dahaarnaan. dahab m.l Macdan qaali ah, midab cawlan leh, dhalaasha, aan daxalaysan oo waxyaabaha la isku qurxiyo laga samaysto. dahabee f.g2 (-beeyay, -beysay) Wax dahab ku dheehid. dahabeyn m.f.dh eeg dahabee. dahabi m.l.kh D. ah: wax midab dahab leh. dahabo m.dh Shimbir yar garbaha, ka madow, baalashana midab dahabi ah ku leh; caddadhuuni. dahan f.mg4 (-hnaa, -hnayd) ld dihin. dahar m.l (dahar, m.dh) 1. Geed weyn oo harac ah. 2. Dhismo hoos leh, qabriyada laga ag dhiso oo Quraanka lagu akhriyo. dahasho m.dh ld dihasho. dahid m.f.dh eeg dah. dahnaan m.dh ld dihnaan. dahnaansho m.l/dh ld dihnaan. daho f.mg3 (-hday, -hatay) ld diho. dahsoomid m.f.dh eeg dahsoon¹. dahsoon¹ f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) Wax qarsoon noqosho. dahsoon² f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qarsoon ahaansho. dahsoonaan m.f.dh eeg dahsoon². ld dahsoonaansho. dahsoonaansho m.l/dh ld dahsoonaan. dakaamid m.f.dh eeg dakaan². ld dakaamo (2), dakaan¹ (2). dakaamo m.dh 1. Daal badan oo ku yimaadda gammaanka iyo awrta marka ay socod dheer galaan. 2. ld dakaamid. dakaan¹ m.l 1. D. ah: gammaan ama awr aad u daalay. 2. ld dakaamid. dakaan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Gammaan ama awr aad u daalid. dakanaduug¹ m.l Baabi’inta la baabi’iyo godob dad u dhexeysey. ld dakanaduugid. dakanaduug² f.g1 (-gay, -gtay) Godob dad u dhexaysay baabbi’in. dakanaduugid m.f.dh eeg dakanaduug². ld dakanaaduug¹. dakane m.l ld dakano. dakano m.dh (-ooyin, m.l) Godob, utun, dhagar. ld dakane. dakar m.l (-rro, m.dh) Xubinta taranka ee ragga; gus. dakayn m.f.dh eeg dakee. dakee f.mg2 (-keeyay, -kaysay) 1. Sariir, kursi iwm ku dul raaxaysasho. 2. Biyo ku dul maraabayn (markab ama doon). dakhaakhul¹ m.l Qof gabow dartiis, isku daran noqday. ld laclac¹. dakhaakhul² f.mg1 (-ulay, -ushay) Qof gabow dartiis erayada uu sheegayo aan la garan karin. ld laclac². dakhaakhulid m.f.dh eeg dakhaakhul². ld laclacid. dakhal m.l (-llo, m.dh) 1. Tiir dheer oo qori ah ama bir ah oo doonyaha iyo maraakiibta dhexdooda laga taago oo farnaanka iyo shiraaca celiya. 2. Qar hoos u dheer. dakhar¹ m.l ld daqar¹. dakhar² f.g1 (-khray, -khartay) ld daqar². dakhli m.l Hanti cid ka soo gasha shaqo ama ganacsi. dakhramid m.dh ld daqramid. dakhran¹ f.mg1 (-amay, -antay; -ami) ld daqran¹. dakhran² f.mg4 (-naa, -nayd) ld daqran². dakhranaan m.dh ld daqranaan. dakhranaansho m.l/dh ld daqranaan. dakhrid m.dh ld daqrid. dal¹ m.l (-lal, m.l) Dhul soohdin loo yaqaan leh oo la degganyahay; waddan. dal² f.g1 (-alay, -ashay) Harag rogob ka gurid. dala’¹ m.l ld dhama’¹. dala’² f.mg1 (-l’ay, -la’day; -l’i) ld dhama’². dalaabid m.dh 1. ld dalow 1. Dal qalaad iska aadid. 2. eeg dalaaw². dalaad m.dh (-dyo, m.dh) Dhul bannaan oo aan dhir waaweyn lahayn. dalaadala fk. Si aayar ah. dalaaf¹ m.l 1. D. ah: xoolo ama dad darxumo iyo rafaad ka muuqdo. 2. D. ah: ceel biyihii ka gureen. 3. ld dalaafid. dalaaf² f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Dad ama xoolo, wax darxumo iyo rafaad ka muuqdo noqosho. 2. Ceel, biyo ka gurid. dalaafid m.f.dh eeg dalaaf². ld dalaaf¹ (3). dalaafsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dalaafay ahaansho. dalaafsanaan m.f.dh eeg dalaafsan. ld dalaafsanaansho. dalaafsanaansho m.l/dh ld dalaafsanaan. dalaandal¹ m.l (daaw.) Sarsaridda meel oogada ka mid ah oo dhiig ku guntamay la sarsaro iyadoo dhiigga toobin looga soo nuugayo. dalballaarsi 179 dalaandal² f.g1 (-alay, -ashay) (daaw.) Meel oogada ka mid ah oo dhiig ku guntamay, si toobin dhiigga looga soo nuugo sarsarid. dalaandalan f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Qof la dalaandalay ahaansho. dalaandalid m.f.dh eeg dalaandal². dalaandalnaan m.f.dh eeg dalaandalan. ld dalaandalnaansho. dalaandalnaansho m.l/dh ld dalaandalnaan. dalaaq¹ m.l ld dalaaqid. dalaaq² m.dh Erey lagu dhawaaqo marka qof dumar ah la furaayo. ld dalaaqo, dalqad. dalaaq³ f.g1 (-qay, -qday) Naag dalqaddeeda siin. dalaaqid m.f.dh eeg dalaaq³. ld dalaaq¹. dalaaqo m.dh ld dalaaq². dalaaw¹ m.l Darxumo awgeed oo qof dalkiisa uga haajiro. ld dalaw¹ (2). dalaaw² f.mg1 (-aabay, -awday) Qof, darxumo awgeed dalkiisa uga haajirid. ld dalaw². dalab¹ m.l (-byo, m.dh) Codsi ballanqaad leh oo cid wax lagu weyddiisto. dalab² m.dh (-lbo, m.l) Qallooc yar oo lugaha gala oo labada law isu soo dhawaadaan. dalab³ f.g1 (-lbay, -labtay; -lbi) Codsi ballanqaad leh oo wax lagu weyddiisanayo sameyn. dalable m.l.u (-layaal, m.l/dh) Qof hal lug dalab ku leh. dalag m.l Miraha la beerto ee la cuno. dalag geddis m.l (-yo …, m.dh) Habka beerashada oo ku salaysan in dalagyo kala duwan lagu beero dhul isku mid ah, si gaar ah oo isku xigta. dalaggeddi f.g2 (-iyay, -isay) Beer, dalaggii hore ee ku beernaa mid ka duwan ku beerid. dalaggeddin m.f.dh eeg dalaggeddi. ld dalaggeddis. dalaggeddis m.l ld dalaggeddin. dalagle m.l (-layaal, m.l/dh) Nin beerrey ah. dalalaco m.dh.kh D. ah: rati aan lugaha xarig uga xirnayn. dalalka horumaray m.l Waddamadda horumarka ka sameeya dhinacyada warshadaha, beeraha, farsamada iyo teknooljiyada, waxbarashada, dhaqaalaha, iyo heerka nolosha qofka, iyo bulshada. dalalka soo koraya m.l Waddamadda aan weli horumar ka samayn dhinacyada warshadaha, beeraha, farsamada, teknooljiyada, waxbarashada, dhaqaalaha heerka nolosha qofka iyo bulshada. dalambaabbi¹ m.l 1. D. ah: socod qofku hadba dhan u ciirayo tabar darro awgeed. 2. ld dalambaabbiyid. dalambaabbi² f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; – iyi) Tabardarro awgeed, socod hadba dhan loo ciirciirayo socosho (qof). dalambaabbin m.dh ld dalambaabbiyid. dalambaabbiyid m.f.dh eeg dalambaabbi. ld dalambaabbi¹ (2), dalambaabbin. dalan f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax asqo hayso noqosho. dalandal¹ m.l 1. D. ah: ilmo socod barad. 2. ld dalandalid. dalandal² f.mg1 (-alay, -ashay) Ilmo, socod barasho. dalandalid m.f.dh eeg dalandal². ld dalandal¹ (2). dalandool¹ m.l 1. Socod noqnoqosho leh oo laba meel oo kala fog la isaga goosho. 2. ld dalandoolid. dalandool² f.mg1 (-oolay, -ooshay) Socod noqnoqosho leh laba meel oo kala fog isaga gooshid. dalandoolid m.f.dh eeg dalandool². ld dalandool¹ (2). dalandoolli m.dh Cayayaan caanallusha la eg isku bahna yihiin oo hargaha iyo lafahaba xagata. ld dalandoolyo. dalandoolyo m.dh ld dalandoolli. dalankac¹ m.l 1. Masiibo. 2. ld dalankicid. dalankac² f.mg1 (-cay, -cday; -kici) Masiibo la kulmid. dalankacayn m.f.dh eeg dalankacee. dalankacee f.mg2 (-ceeyay, -caysay) Si celcelis ah u turanturrood. dalankacid m.f.dh eeg dalankac². ld dalankac¹ (2). dalankicid m.f.dh eeg dalankac². ld dalankac¹ (2). dalaq m.dh.sh.r Cod tilmaama socod kedis ah. dalaqoon m.l Dalyaqaan. dala’sad m.l ld dala’sasho. dala’sasho m.f.dh eeg dala’so. ld dala’sad, dala’si. dala’si m.l ld dala’sasho. dala’so f.mg3 (-‘saday, -‘satay) Cid khayaano yar oo aan wax lagu yeelayn ku samayn. dalaw¹ m.l 1. ld dalow 1 (3). Baaldi. 2. ld dalaaw¹. dalaw² f.mg1 (-laabay, -lawday) ld dalaaw². dalawi m.dh.kh D. ah: neef geel ah oo caana badan; madi. dalayn m.f.dh eeg dalee. dalbajuuco m.dh Dalab weyn. dalballaarsi m.l ld dhulballaarsi. dalbasho 180 dalbasho m.f.dh eeg dalbo. dalbid m.f.dh eeg dalab³. dalbo¹ m.l.w eeg dalab². dalbo² f.g3 (-baday, -batay) 1. Dalab sameyn (qof). 2. Ciidan amar siin. 3. Isu baaqid (turub). dalboole m.l Qof dalbo leh. dalcad m.dh (-do, m.l) Taag; tiiro. daldaalyayn m.f.dh eeg daldaalyee. daldaalyee f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Cid, daldaalyo badid (qof). daldaalyo m.dh Isbeddel xun oo cid ku dhaca. daldal¹ m.l ld daldalid. dÄ…ldal¹ m.l ld dÄ…ldalid. daldal² f.g1 (-alay, -ashay) 1. Alaab iwm meel ka gurid iyadoo hadba in la qaadayo. 2. Wax si xad-dhaaf ah u cunid ama cabbid. dÄ…ldal² f.g1 (-alay, -ashay) Xarig siriq leh oo meel sare ka soo laalaada qof ku merjin. ld deldel². daldalaad m.dh ld dÄ…ldalid. dÄ…ldalan f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la deldelay ahaansho. ld deldelan. daldalan¹ m.l Hadal badan oo aan nuxur lahayn. daldalan² f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) D./iska d.: hadal badan oo aan macno lahayn ku hadlid. daldalasho m.f.dh eeg daldalo. daldalid m.f.dh eeg daldal². ld daldal¹. dÄ…ldalid m.f.dh eeg dÄ…ldal². ld dÄ…ldal¹, daldalaad, deldel¹, deldelaad, deldelid daldalmid m.f.dh eeg daldalan². daldalnaan m.f.dh eeg dÄ…ldalan. ld daldalnaansho, deldelnaan, deldelnaansho. daldalnaansho m.l/dh ld daldalnaan. daldalo f.g3 (-ashay, -alatay) Wax meel wada yaal hadba in ka qaadasho. daldalool¹ m.l 1. Daloollo badan oo uu weel iwm yeesho. 2. Iimo; ceebaal. ld dulduleel¹. daldalool² f.mg1 (-oolay, -ooshay) Wax daloollo badan yeelasho. ld dulduleel². daldalooli f.g2 (-iyay, -isay) Wax daloollo badan yeelid. ld dulduleeli. daldaloolid m.f.dh eeg daldalool². ld dulduleelid. daldaloolin m.f.dh eeg daldalooli. ld daldaloolis, dulduleelin, dulduleelis. daldaloolis m.dh ld daldaloolin. dalee f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Wax cusboonaysiin ama qurxin. 2. Guri, meel ay hawo ka soo gasho u yeelid. 3. Dhul wax lagu beeri jiray in muddo ah nasin. daleel m.dh 1. Meel bannaan oo aan dugsi lahayn. 2. D. ah: meel cidla’ ah. dalid m.f.dh eeg dal². dal’id m.dh ld dham’id. daliig¹ m.l 1. Jilcinta lagu sameeyo caw, maqaar iwm iyadoo qalab gaar ah la adeegsanayo. 2. Daaweynta muruq jirran iyadoo faraha la adeegsanayo. ld daliigid. daliig² m.dh (-go, m.l) 1. Cad dhuuban, dheer oo ka samaysan maro, caw, maqaar iwm. 2. Xarriiq dheer, dhuuban oo wax ku dul taal. daliig³ f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Caw, maqaar iwm qalab gaar ah oo looga tala galay ku jilcin. 2. Muruq jirran faraha ku daaweyn. daliigid m.f.dh eeg daalig³. ld daliig¹. daliigtin m.dh (-imo, m.l) Summad jiitin ah oo ariga daanka looga dhigo. daliil¹ m.l.kh (-llo, m.dh) D. ah: qof dullinimo ka muuqato. daliil² m.l/dh (-llo, m.dh/-lo, m.l) Markhaati cad oo wax xaqiiqnimadiisa lagu caddeynayo. daliili f.g2 (-iyay, -isay) Wax xaqiiqadooda sheegid. daliilin m.f.dh eeg daliili. daliilnimo m.dh Daliil ahaansho (qof). daliiq f.g1 (-qay, -qday) 1. Caw, maqaar iwm kala jeexid. 2. Ka d.: qof dhar, darajo iwm si sharaf darro ah uga qaadid. 3. Ka d.: mindi, seef iwm galka ka saarid. daliiqan f.mg4 (-qnaa, -qnayd) Wax la daliiqay ahaansho. daliiqid m.f.dh eeg daliiq. daliiqnaan m.f.dh eeg daliiqan. ld daliiqnaansho. daliiqnaansho m.l/dh ld daliiqnaan. daliishad m.l ld daliishasho. daliishasho m.f.dh eeg daliisho. ld daliishad. daliisho f.g3 (-shaday, -shatay) Wax daliil ka dhigasho. daljecli m.dh Waddaninnimo. daljir m.l (-rro, m.dh) Qof ciidanka qalabka sida ka mid ah oo qaabilsan difaaca dalka. dalkucelin m.dh Si khasab ah oo qof dal kale jooga dalkiisa lagu geeyo. dalkuggal m.l Ruqso qof hal mar ku geli karo dal shisheeya; fiiso. dalkujoog m.l (-gyo, m.dh) Ruqso qoraal ah oo qof loogu oggolaado in uu dal shisheeye ku deggenaado. dalkummar m.l (-rro, m.dh) Baasaboor. dallaal m.dh.kh 1. D. ah: meel barwaaqo ama biyo leh oo aan lagu badnayn. 2. D. ah: aan dalooshan² 181 ciriiri ahayn; waxa ku jira si wanaagsan ugu filan; ballaaran. dÄ…llaal¹ m.l (-llo/-liin, m.dh) 1. Qof shaqadiisu tahay in uu dadka wax u kala iibiyo. 2. Hantida qof dadka wax u kala iibiya qarash ahaan u qaato. ld dillaal¹, dullaal¹. dÄ…llaal² f.g1 (-aalay, -aashay) Dad wax u kala iibin. dÄ…llaalid m.f.dh eeg dÄ…llaal². ld dillaalid, dullaalid. dallaalin m.dh ld dallaallimo. dallaallimayn m.f.dh eeg dallaallimee. dallaallimee f.g2 (-meeyay, -maysay) Meel dallaallimo ka dhigid. dallaallimo m.dh (-ooyin, m.l) Meel kor ka dadan oo dhinacyaha ka furan oo wax lagu gato ama la harsado. ld dallaalin. dallaalnimo m.dh Dallaal ahaansho. dÄ…llaalnimo m.dh DÄ…llaal ahaansho. ld dillaalnimo, dullaalnimo. dallaalo m.dh In yar oo caafimaad ah oo qof jirranaa helo. dallaashad m.f.l eeg dallaasho. dallaasho f.mg3 (-shaday, -shatay) Ku d.: meel barwaaqo ah ama biyo badan ku keliyaysasho. dallaayad m.dh (-do, ml.) 1. ld dallad. Qalab ka samaysan saab bira ah iyo maro ku tolan oo qorraxda iyo roobka laga galo. 2. Baarashuud. dallac¹ m.l 1. Khudrad, hilib, dufan iwm oo la isku shiiqay. 2. ld dallicid. dallac² f.g/mg1 (-cay, -cday; -lici) 1. (f.g) Khudrad, hilib, dufan iwm isku shiilid. 2. (f.mg) Dallacaad helid (qof). dallacaad m.dh Derejo qof la siiyo oo ka sarreysa tiisii hore. dallacbilaash m.l Suugo aan hilib lahayn. dallacsii f.g2 (-iiyay, -iisay) Qof, derajo u kordhin. dallacsiin m.dh eeg dallacsii. ld dallacsiis. dallacsiis m.l ld dallacsiin. dallad m.dh (-do, m.l) ld dallaayad (1). dal-lahelay m.dh ld dan-lahelay dallal¹ m.l Jeesjees. dallal² f.mg1 (-alay, -ashay) Cid ku jeesjeesid. dallalid m.f.dh eeg dallal². dallayn m.f.dh eeg dallee. dallaysasho m.f.dh eeg dallayso. dallayso f.g3 (-stay, -satay) Qof, wax uusan lahayn xalaalaysasho. dallee f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Aqal meel naacawi ka soo gasho u yeelid. 2. Cid hoosaasin. dalleen m.dh Dandarranaan; dhibaataysnaan. dalleensan f.mg4 (-naa, -nayd) Qof, wax dalleen hayo ahaansho. dalleensanaan m.f.dh eeg dalleensan. ld dalleensanaansho. dalleensanaansho m.l/dh ld dalleensanaan. dallici f.g2 (-iyay, -isay) Kor u qaadid; darajo u kordhin. dallicid m.f.dh eeg dallac². ld dallac¹ (2). dallicin m.f.dh eeg dallici. dalluug m.l (dalluug, m.dh) Geed abaareed, gaaban, cufan oo leh laamo dhuudhuuban iyo caleemo yaryar; hayn. dalluun m.dh God hoos u dheer oo dhuuban. dalmar m.l (-rro, m.dh) Nin dalal badan tegay. ld dalmareen. dalmarid m.dh Tegidda dalal badan socdaal lagu tago. dalmid m.f.dh eeg dalan. dalool¹ m.l (-llo, m.dh) 1. Meel yar furan, wareegsan oo wax ka bannaan. 2. Saddex qaybood oo wax loo qaybshay middood. ld duleel¹. dalool² m.l (-lo, m.dh) (baay.) Dalool ku dhex yaallo saytobalaasanka unug noolkaas oo ay ka buuxaan hawo, biyo, dareerayaal kale, dheecaan ama saxarro cunto ah. Unugyada dhirta, had iyo jeer waxay leeyihiin dalool weyn oo keliya, laakiin unugyada xayawaanku inta badan waxay leeyihi in dhowr dalool oo yaryar. dalool³ f.mg1 (-oolay, -ooshay) Meel yar, furan, wareegsan, bannaan yeelasho (wax). ld duleel². dalooli f.g2 (-iyay, -isay) Wax dalool u yeelid. ld duleeli. daloolid m.f.dh eeg dalool³. ld duleelid. daloolin m.f.dh eeg dalooli. ld duleelin. daloolin cad-hunguri m.dh (daaw.) Hawl qalliimeed ee lagu sameeyo dalool hungurigacad luqunta dhexdeeda si neefta loogu furo qof ay ka xirantay sida qofka qaba: gawracatada, ama shey: (badhan, lacag iniin iwm) oo gudaha ku dhacay oo neefta xira. dalooliye m.l Bir af dhuuban oo girgirro leh oo alwaaxda, birta iwm lagu dalooliyo. ld duleeliye. dalooshamid m.f.dh eeg dalooshan¹. ld duleeshamid. dalooshan¹ f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Meel, wax dalool leh noqosho. ld duleeshan¹. dalooshan² f.mg4 (-shnaa,-shnayd) Wax dalool leh ahaansho. ld duleeshan². dalooshnaan 182 dalooshnaan m.f.dh eeg dalooshan². ld dalooshnaansho, duleeshnaan, duleeshnaansho. dalooshnaansho m.l/dh ld dalooshnaan. dalow¹ m.l (-wyo, m.dh) 1. Wadaan ramal ah; baaldi. 2. Haadaan ama meel dheer oo hoobad ah; deli. 3. Qof dalkiisii dhibaato awgeed uga cararay ee meel kale degaansada. 4. ld dalaabid. dalow² f.mg1 (-laabay, -lawday; -laabi) Qof dalkiisii ku dhibaatooday, dal kale iska aadid. dalqad m.dh (-do, m.l) ld dalaaq². dalqami f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka d.: qof wax uu ogyahay in uu sheego ku khasbid. 2. Ku d.: si qasab ah cid afka wax uga siin. dalqamid m.f.dh eeg dalqan². ld dalqan¹ (2), dulqami, dulqan¹. dalqamin m.f.dh eeg dalqami. dalqamiso m.dh (-ooyin, m.l) Sixir lagu sameeyo qof la doonayo wax uu ogyahay in uu sheego. dalqan¹ m.l 1. Hadal badan oo iyadoo aan laga fiirsan lagu hadlo. 2. ld dalqamid. ld dulqan¹. dalqan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Hadal badan oo aan laga fiirsan ku hadlid. ld dulqan². dalqe m.l ld dalqo. dalqo m.dh (c.nafl.) Xubinta codku ka sameysmo, hawadana sambabada ayay ku duwda, waxay ku taal hunguriga cad dushiisa, waxay ka sameysantahay sagaal carjowood oo ay isu hayaan seedo iyo muruqyo xuub gaduudan ayaa ku dadan, waxa ku dhexyaal laba joog o xargaha codka ah oo sameeya codka. ld dalqe. dalqoholac m.l 1. (daaw.) Halaamacoodka dalqada iyo xargaha codka waxa keena baktiiriya, fiirus ama walax kimikaad iwm. 2. (daaw.) Halaamacoodka cunaha qaybta dhabxanagga ka dambeysa. Waxay sameysaa cuno xanfaf waxana sida badan la socda quman. dalsan m.l Dhul saac leh oo aan qaniin lahayn; Carrasan. daltabyeysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Nafley dalkeedii u hilowday ahaansho. daltabyeysnaan m.f.dh eeg daltabyeysan. ld daltabyeysnaansho. daltabyeysnaansho m.l/dh ld daltabyeysnaan. daltabyo m.dh Qaban waayidda ay nafley qaban weydo dal ku cusub oo aaney horay u joogi jirin. daltabyoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Daltabyo dareemid (nafley). daltabyood m.f.l eeg daltabyoo. dalwi f.g2 (-iyay, -isay) Ceel wadaan u ridid (qof). dalwin m.f.dh eeg dalwi. dalxiis¹ m.l 1. Tegidda meel la tago iyadoo looga danleeyahay raaxeysi iyo daawasho. 2. D. ah: qof meel tamashle iyo raaxeysi u jooga. dalxiis² f.mg1 (-say, -stay) Meel tamashle iyo raaxeysi ku tegid. dalxiise m.l (-sayaal, m.l/dh) Qof meel tamashle iyo raaxeysi ku jooga. dalxiisid m.f.dh eeg dalxiis². dalxiisnimo m.dh Dalxiis ahaansho (qof). dalyaqaan m.l.kh (-nno, m.dh) D. ah: qof dal dabeecaddiisa, degaankiisa iwm aqoon u leh. dam m.dh.sh.r 1. D. dheh: hadal tilmaama wax dhaca ama wax basa. 2. D. ka sii: wax burburin; wax seexin. damaaci m.l.kh D. ah: qof damac badan. damaan m.dh Fallaar weyn waranka u eg oo aan dhega lahayn. ld dabaan. damaashaad¹ m.l (-dyo, m.dh) Ciyaaro iyo waxyaallo kale oo farax leh oo lagu muujiyo maalin taariikh weyn leh. damaashaad² f.mg1 (-day, -dday) Maalin taariikh weyn leh ciyaaro iyo waxyaallo kale oo farax leh ku muujin. damaashaadid m.f.dh eeg damaashaad². damac¹ m.l 1. Hunguri weynaan dheeraad ah oo wax loo yeesho. 2. Rabitaan. 3. ld damcid. damac² f.mg1 (-mcay, -macday; -mci) 1. Hunguri weynaan dheeraad ah wax u yeelasho (cid). 2. Wax rabid (cid). Tus. “Waxaan damcay in aan Diinsoor aado.” damacsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax gaar ah damac u hayo ahaansho. damacsanaan m.f.dh eeg damacsan. ld damacsanaansho. damacsanaansho m.l/dh ld damacsanaan. damal m.l (-llo, m.dh) 1. Qurac weyn oo har badan. 2. Qori weyn qallalan oo la shito; dhamal. 3. Caws dumaa ah. damaq f.g1 (-mqay, -maqday) ld danaq. dambaab¹ m.l ld dembaab¹. dambaab² f.mg1 (-bay, -btay) ld dembaab². dambaabas¹ m.l Sheelidda wax xogtooda la ogyahay la qariyo. dambaabas² f.g1 (-say, -stay) Wax xogtooda la ogyahay qarin. dambaabasad m.l ld dambaabasasho. dambaabasasho m.f.dh eeg dambaabaso. ld dambaabasad. dambaabasid m.f.dh eeg dambaabas². dameerabilee 183 dambaabaso f.mg3 (-stay, -satay) Wax xogtooda la ogyahay qarsasho. dambaabburo m.dh.u Dhimbilo. dambaabi f.g2 (-iyay, -isay) ld dembaabi. dambaabid m.dh ld dembaabid. dambaabin m.dh ld dembaabin. dambaabis m.dh ld dembaabin. dambaabsii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld dembaabsii. dambaabsiin m.dh ld dembaabin. dambaaburo m.dh Dhimbilo yaryar oo dabka ka duulduula. dambaaji f.g2 (-iyay, -isay) ld dembaaji. dambaajin m.dh ld dembaajin. dambacaad f.mg1 (-day, -dday) Calool u jiifid (qof). dambar m.l Caanaha ugu horreeya neef dhalay laga maalo. dambari f.g2 (-iyay, -isay) Neef dhalay dambar ka lisid. dambarin m.f.dh eeg dambari. ld dambaris. dambaris m.l ld dambarin. dambarsad m.l ld dambarsasho. dambarsame m.l Lixda bilood ee dayrta iyo diraacda oo dayaxu uusan dirirka la fariisaneyn (Baladambarsame). ld dambasame. dambarsasho m.f.dh eeg dambarso. ld dambarsad, dambarsi. dambarsi m.l ld dambarsasho. dambarso f.mg3 (-saday, -satay) Neef dhalay dambar ka maalid. dambas m.l 1. Budo midab ciira boos ah leh oo ka harta dhuxul bastay. 2. D. ah: Midab ciira boos ah. ld bambas. dambasame m.l ld dambarsame. dambasayn m.f.dh eeg dambasee. ld bambasayn. dambasee f.g2 (-seeyay, -saysay) Wax dambas marin. ld bambasee. dambasoobid m.f.dh eeg dambasow. ld bambasoobid. dambasow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qoryo, dhuxul iwm dambas noqosho. ld bambasow. dambasqaad m.l Weel yar, dhalo, macdan, qori iwm ka samayn oo sigaarka lagu demiyo. dambasyaal m.l (-llo, m.dh) 1. D. ah: dhagax weyn oo dhardhaar laga dhigto. 2. Qori weyn, qallalan oo muddo badan la shidan karo. dambaxir¹ m.l Xarig gaaban oo sac la lisayo sibraha looga xiro. dambaxir² f.g1 (-ray, -rtay) Sac la maalayo sibraxirid. dambaxiran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax dambaxir lagu sameeyey ahaansho (sac la lisayo). dambaxirid m.f.dh eeg dambaxir². dambaxirnaan m.f.dh eeg dambaxiran. ld dambaxirnaansho. dambaxirnaansho m.l/dh ld dambaxirnaan. dambayn m.f.dh eeg dambee. dambaysii f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka d.: wax, wax kale gadaashooda dhigid. dambaysiin m.f.dh eeg dambaysii. dambe s. 1. Ka d.: dabadeed, kaddib. Tus. “Fasaxa ka dambe ayaan is arkaynaa”. 2. Gadaal xiga; dambeeya. ld damme. dambee f.mg2 (-beeyay, -baysay) 1. Ka d.: wax, wax kale gadaashooda socosho ama taagnaan. 2. Ka d.: cid xushmadeyn. dambeed m.l (-ddo/-dyo, m.dh) (xis.)Ururka xubnaha dambe ee lammaaneyaal horsan ee xiriir. Guud ahaan waa ururka leh tirsaneyaal ee la dhigo dhidibka taagan (dhidibtay) ee garaaf. dambeeto fk. Dabadeed, kaddib. dambi m.l ld dembi. dambidhaaf¹ m.l ld dembidhaafid. dambidhaaf² f.mg1 (-fay, -ftay) ld dembidhaaf². dambidhaafid m.dh ld dembidhaafid. dambiil m.dh (-lo, m.l) Qalab caw, xaskul, caag iwm laga sameeyo sidde leh oo adeegga guriga lagu rito. ld danbiil. dambiilannimo m.dh ld dembilennimo. dambiile m.l ld dembiile. dambitir¹ m.l ld dembitirid. dambitir² f.g1 (-ray, -rtay) ld dembitir². dambitirid m.dh ld dembitirid. dambow fk. Ka d.: dabadeed, kaddib. Tus. “Toban casho ka dambow buu iska tegey”. damci f.lg2 (-iyay, -isay) Damac gelin. damcid m.f.dh eeg damac². ld damac¹ (3). damcin m.f.dh eeg damci. ld damcis. damcis m.l ld damcin. damdaguugan m.l.kh D. ah: mugdi aan waxba loo jeedin. dameer¹ m.l (-rro, m.dh) Labka gammaan la rarto, ka yar faraska, leh dhegodhaadheer, guud gaaban iyo midab bey ah. ld dabeer¹, dammeer¹. dameer² m.dh (-ro, m.dh) Dheddigga gammaan la rarto, ka yar faraska, leh dhego dhaadheer, guud gaaban iyo midab bey ah. ld dabeer², dammeer². dameerabilayn m.dh ld dameeradhaglayn. dameerabilee f.mg2 (-leeyay, -leysay) ld dameeradhaglee. dameeradhaglayn 184 dameeradhaglayn m.f.dh eeg dameeradhaglee. ld dameerabilayn. dameeradhaglee f.mg2 (-leeyay, -leysay) Qof wax uu niyadda ka jecel yahay is diidsiin. ld dameerabilee. dameeradhuuji f.g2 (-iyay, -isay) Qof dameeradhuujo ku qabasho. dameeradhuujin m.f.dh eeg dameeradhuuji. dameeradhuujo m.dh Tab legdenka ka mid ah oo qof qof kale labada lugood dhexda kaga maro si uu xanuujiyo oo neeftu ugu celiyo. dameerajoogeen m.l 1. Urur xiddiga ah. 2. ld dameerjoog. dameerdibadeed m.l (-dyo, m.dh) 1. Farow. 2. Dameer duur joog ah oo aan dadku munaafacaadsan. dameerfarow m.l Dameer weyn, banjoog ah oo leh midab diillimo caddaan iyo madow ah. ld farow. dameerhogo m.dh Howtulhamag. dameerjoog m.l 1. Meel biyaha roobku fariistaan. 2. dameerajoogeen. dameero m.dh ld dameerow. dameerow m.l Cudurrada carrabka ku dhaca mid ka mid ah. ld dameero. dami f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dab, nal iwm bakhtin. 2. Dhibaato xasilin. ld demi. damid m.f.dh eeg dÄ…n. ld demid. dÄ…miin m.l (-nno, m.dh) Qof siiba arday oo fahmadiisu yartahay. ld dÄ…mmiin. damiin¹ m.l ld dammiin¹. damiin² f.g1 (-nay, -ntay) ld dammiin². damiinad¹ m.l ld dammiinasho. damiinad² m.dh ld dammiinad². damiinid m.dh ld dammiinid. damiinnimo m.dh ld dammiinnimo. dÄ…miinnimo m.dh Damiin ahaansho (qof). ld dÄ…mmiinnimo. damiino f.g3 (-ntay, -natay) ld dammiino. damiir m.l Wax la xiriira garaadka aadanaha oo fara wanaagga xumahana ka reeba. damin m.dh eeg dami. ld damis, demin, demis. damis m.dh ld damin. dammaad¹ m.l Wareer culus oo qofku kala garan waayo meesha iyo waqtiga uu joogo. dammaad² f.mg1 (-day, -dday) Wareer culus oo meesha iyo waqtiga la joogo lala kala garan waayo la kulmid. dammaadid m.f.dh eeg dammaad². dammaadsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dammaaday ahaansho (qof). dammaadsanaan m.f.dh eeg dammaadsan. ld dammaadsanaansho. dammaadsanaansho m.l/dh ld dammaadsanaan. dammaan m.l 1. ld lammaan 1. Heshiis qoraal ama af oo caddeynaya in la fulin doono wax lagu heshiiyey; ballanqaad. 2. Ari d. ah: ariga inta jarka ah oo loogu talagalay iib. dammaanad¹ m.l ld dammiinasho. dammaanad² m.dh ld dammiinad². dammaanasho m.dh ld dammiinasho. dammaano f.g3 (-ntay, -natay) ld dammiino. damman f.mg4 (-naa, -nayd) Qof maskax ahaan aan baraarugsanayn ahaansho; maahsan. dammanaan m.f.dh eeg damman. ld dammanaansho. dammanaansho m.l/dh ld dammanaan. damme s. ld dambe. dammeer¹ m.l ld dameer¹. dammeer² m.dh ld dameer². dÄ…mmiin m.l ld dÄ…miin. dammiin¹ m.l (-nno, m.dh) Qof la yaqaan oo qof kale mas’uul ka noqda. ld damiin¹. dammiin² f.g1 (-nay, -ntay) Qof kale mas’uul ka noqosho (qof). ld damiin². dammiinad¹ m.l ld dammiinasho. dammiinad² m.dh (-do, m.l) Naag dammiin ah. ld damiinad², dammaanad², lammaanad². dammiinasho m.f.dh eeg dammiino. ld damiinad¹, damiinasho, dammaanad¹, dammaanasho, dammiinid m.f.dh eeg dammiin². ld damiinid, lammaanid. dammiinnimo m.dh Dammiin ahaansho. ld damiinnimo. dÄ…mmiinnimo m.dh ld dÄ…miinnimo. dammiino f.g3 (-ntay, -natay) Cid damiin ka noqosho. ld damiino, dammaano, lammaano. dammooti m.dh ld tammooti. damqad m.l ld danqasho. damqasho m.dh ld danqasho. damqi f.g2 (-iyay, -isay) ld danaq. damqid m.dh ld danqid. damqin m.dh ld danqin. damqo f.g/mg3 (-qaday, -qatay) ld danqo. damrad m.dh (-do, m.l) Waran dhego leh oo libaax badeedka lagu ugaarsado. damradayn m.f.dh eeg damradee. damradee f.g2 (-deeyay, -daysay) Libaax badeed iwm damrad ku dhufasho. damuuji f.g2 (-iyay, -isay) Indho, in yar isku qabasho. damuujin m.f.dh eeg damuuji. dandarro 185 damuuqsad m.l ld damuuqsasho. damuuqsasho m.f.dh eeg damuuqso. ld damuuqsad, damuuqsi. damuuqsi m.l ld damuuqsasho. damuuqso f.g3 (-saday, -satay) Indho, in yar isku qabasho. dan m.dh (-no, m.l) 1. Ujeddo qof doorbido in ay faa’ido ugu jirto fal sameyntiisa. 2. D. u geli: wax ama qof tixgelin gaar ah siin. 3. Bannaan. dÄ…n f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Dab, nal iwm bakhtiyid. ld den. danaag¹ m.l Waxtar; dheef. danaag² m.dh Meel bannaan oo kayni ku wareegsantahay. danaagax m.l (-xyo, m.dh) Gogol yar. ld danagax. danaani f.mg2 (-iyay, -isay) U d.: dad si danaana ah gacan ku siin. dÄ…naani¹ m.l 1. Soo noqoshada dhawaaqa marka uu ku dhaco qararka darbiyada iwm. 2. Buuq ama bulaan ka soo baxa dad badan ama xoolo iwm. 3. Cida dameeraha; durruqaan. ld dannaanni¹. dÄ…naani² f.mg1 (-nyay, -niday; -nyi) Qar, derbi iwm dhawaaq soo celin. ld dannaanni². danaanin m.f.dh eeg danaani. ld danaano. danaano m.dh La safashada qof la safto laba cidood ama ka badan oo is haya middood; hiilo. ld danaanin. danaanyid m.f.dh eeg dÄ…naani². ld dannaanniyid. danab¹ m.l (-byo, m.dh) 1. Biriq. 2. Birdanab. 3. Qof ama wax dadka soo jiita. danab² m.l (-byo, m.dh) (fiis.) Barashada ifafaalaha saldanab ha ahaado danabneg ama mid qulqulaya. danabayn m.f.dh eeg danabee. danabaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la danabeeyey ahaansho (bir). danabaysnaan m.f.dh eeg danabaysan. ld danabaysnaansho. danabaysnaansho m.l/dh ld danabaysnaan. danabee f.g2 (-beeyay, -baysay) Wax danab u yeelid. danabneg m.l (fiis.) Barashada saldanabyada ee neg, xoogagga u dhexeeya iyo badada danabka ee la xiriira. danabnimo m.dh Danab ahaansho (qof). danaboobid m.f.dh eeg danabow. danabow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax danab leh noqosho. danab-soocid m.dh Maxsuulka falgalka kiimikaad kana dhasha qulqul danab oo dhexmaraaya gudbiye-milme. Raadkani waxa uu abuuraa aayano u kala socda dhinaca qotinada. danaf m.l 1. Qabow daran; dhaxan. 2. Weerar. danagax m.l ld danaagax. danan¹ m.l 1. Cida fardaha. 2. ld dananid. danan² f.mg1 (-nay, -ntay) 1. Faras ciyid. 2. Dawan, lacag qaddaaddiic ah iwm sanqarid. dananid m.f.dh eeg danan². ld danan¹ (2). danaq f.g1 (-nqay, -naqday) Nabar, boog iwm dhiig ama dheecan ka keenid. ld damaq, damqi, danqi, daqan, daqmi, daqni, dinqi. danayn m.f.dh eeg danee. danaysad m.l ld danaysasho. danaysan f.mg4 Wax wax kale lagu daray ahaansho. danaysasho m.f.dh eeg danayso. ld danaysad, danaysi. danaysi m.l Qabsashada qof uu qabsado dan uu leeyahay. ld danaysasho. danaysnaan m.f.dh eeg danaysan. ld danaysnaansho. danaysnaansho m.l/dh ld danaysnaan. danayso f.mg3 (-stay, -satay) Qof, dan u gaar ah fushasho. danayste m.l (-tayaal, m.l/dh) Qof dantiisa keliya ka fekera. danbiil m.dh ld dambiil. dandaami f.g2 (-iyay, -isay) Wax culus, iyadoo dhulka in yar laga hinjinayo la socosho. ld daddaami. dandaamin m.f.dh eeg dandaami. ld daddaamin. dÄ…ndaan m.l (-nno, m.dh) Dhagax weyn. dandaansad m.l ld dandaansasho. dandaansasho m.f.dh eeg dandaanso. ld daddaansad, daddaansasho, dandaansad. dandaanso f.g3 (-saday, -satay) Wax culus, iyadoo dhulka in yar laga hinjinayo qaadasho. ld daddaanso. dandarrayn m.f.dh eeg dandarree. dandarraysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dandarro hayso ahaansho. dandarraysnaan m.f.dh eeg dandarraysan. 

No comments