Breaking News

Guujo Nin Adag

daraawiish 188 daraawiish m.dh.u 1. Urur wadaaddood (dariiqo) oo shiikh u taliyo, nabaddiyo colaaddaba. 2. Qayb ka mid ah Ciidanka booliiska oo qaabilsan amniga reer guuraaga. 3. eeg darwiish. darab¹ m.l 1. Dhaqidda la dhaqo meelaha kaadida iyo saxaradu soo maraan; istanyo. 2. (-yo, m.dh) Cabir dhulka beeraha lagu cabiro (oo afar jibaal ah) oo le’eg 25 mitir. 3. Saxaro. 4. In yar oo biyo ah oo lagu istinjoon karo. 5. Dun, aleel, kuul iwm oo weelka lagu qurxiyo. 6. Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursaday oo hooyadeed la siiyo. darab² m.dh 1. Toorrey, billaawe iwm daabkooda meesha ugu sarreysa ee quruxda loogu talagalay. 2. ld darib. darab³ f.g1 (-rbay, -rabtay; -rbi) 1. Wax diyaarin. 2. Weel aleelayn. darabdhaqasho m.dh ld darabqaadasho. darabdhaqo f.mg3 (-qday, -qatay) ld darabqaado. darabqaadasho m.f.dh eeg darabqaado. ld darabdhaqasho. darabqaado f.mg3 (-aatay, -aadatay) Saxaro iyo kaadi iska dhiqid. ld darabdhaqo. daradhig¹ m.l 1. D. ah: miro meel sare saaran oo la qallajinayo. 2. D. ah: ilmo dhashay oo aan weli afartankii ka bixin. daradhig² m.dh Sariir caws ka samaysan oo aad dhulka ugu dhow. daraf m.l/dh (-rfo, m.l/-fyo, m.dh) 1. Meesha wax ugu baallaysa. 2. Labada kobood ee casaamka ah ee derinta dacalladeeda lagu tolo middood. daragad m.dh ld dargad. darajee f.g2 (-jeeyay, -jeysay) Qof, si xushmad iyo qaddarin ku jirto ula dhaqmid. ld derejee. darajeyn m.f.dh eeg darajee. ld derejeyn. darajo¹ m.dh (-ooyin, m.l) 1. Heer ama jago shaqo lagu gaaro. 2. Halbeeg saleedka heer kulka ama xaglaha. 3. Xushmo iyo qaddarin. 4. Dhibco imtixaan lagu helo. darajo² m.dh (-ooyin, m.l) 1. (xis.) Summad: (°). Halbeeg lagu cabbiro xaglaha sallaxa ah, taasoo la mid ah 1/360 wareeg dhammaystiran ama 1/90 ka xagal qumman. 2. (xis.) Jibbaarka doorsoome ku jira tibix. Tusaale ahaan tibixda 3y . Tibixda ah 3x y z darajadu waa wadarta jibbaarrada doorsoomayaasha oo ah 6. 3. (xis.) Darajada tibxaale ama isle’eg: waa darajada tibixda leh darajada ugu sarreysa. dar-alla fk. Run ahaan. daran¹ m.dh Geed yar, jaadad badan oo dhooddida iyo dibirka ka baxa oo dhanaan, geelu ku jeelbaxo leh. daran² f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Ku d.: wax, wax kale ku qasan noqosho. ld darsan². daran³ f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax karti badan ahaansho (qof). 2. Wax dhibaato badan ahaansho. 3. Ku d.: wax, wax kale ku qasan ahaansho. 4. Ku d.: qof balwad aad u isticmaala ahaansho. 5. U d.: wax cid dhibaateeya ahaansho. ld darsan³. darancad m.l/dh Nooc daranta ka mid ah oo meelaha cusbada badan ka baxda. darandawaco m.dh Nooc daranta ka mid ah oo aayan xooluhu jeclayn. darandoorri¹ m.l 1. Nooc ciyaarsiiska ka mid ah oo uu qofka taagani si aan kala go’ lahayn cagaha dhulka ula dhaco. 2. D. ah: fal aan si kala go’ lahayn u dhaca. 3. dl. darandoorriyid. darandoorri² f.g/mg1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. (f.g) Neef geel ah, laba nin hal mar si dhaqso leh u wada lisid. 2. (f.g) Rasaas iwm si aan kala go’ lahayn u ridid. 3. (f.mg) Si isdabajoog ah cagaha dhulka ula dhicid. darandoorrin m.dh ld darandoorriyid. darandoorris m.l ld darandoorriyid. darandoorriyid m.f.dh eeg darandoorri². ld darandoorri¹ (3), darandoorrin, darandoorris. darangee f.g2 (-geeyay, -geysay) Xoolo, meel daran leh daajin. darangeel m.dh Nooc daranta ka mid ah oo dhaadheer. darangeyn m.f.dh eeg darangee. darankutaal m.dh Nooc daranta ka mid ah. daranmadow m.l Nooc daranta ka mid ah, gaagaaban, oo midabkeedu madowyahay. daranyo m.dh Dacdarro. daranyoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Dacdarro la kulmid. daranyood m.f.l eeg daranyoo. darar¹ m.l 1. Caano badan oo candho xoolaad ku yaal. 2. ld dararid. darar² f.mg1 (-ray, -rtay) Neef xoolo ah candhadiisa caano badan ka muuqasho. darari f.g2 (-iyay, -isay) Neef xoola ah nafaqo uu ku dararo siin. dararid m.f.dh eeg darar². ld darar¹ (2). dararin m.f.dh eeg darari. dararsasho m.f.dh eeg dararso. dararso f.g3 (-saday, -satay) Neef xoolo ah darar ka maalid. daras m.l Qof boorane ku kacsanyahay oo aan weli laga tumin. dareeme-kiimikaad 189 darasho m.f.dh eeg daro². darato m.dh Cudur halis ah sambabada idaha ku dhaca oo diif iyo qufac badan leh. darax m.l D. ah: markab ama doon aan waxba saarrayn. daray m.l (daray, m.dh) Geed weyn, ka baxa biyamareennada iyo qararka webiyada oo miro waaweyn, macaan oo la cuno leh; mukay. darayn m.f.dh eeg daree. darbaal m.l (-llo, m.dh) Maro weyn, adag oo baabuurta aqallada iwm roobka looga dado; shiraaq. darbad m.dh (-do, m.l) 1. Dabayl xoog leh oo ka dhacda badda. 2. Xumad badan. 3. ld darbo¹. darbadayn m.f.dh eeg darbadee. darbadee f.g/mg2 (-deeyay, -daysay) Laadid (kubbadda cagta). darban f.mg4 (-naa, nayd) 1. Wax diyaar ah ahaansho. 2. Wax aleel lagu qurxiyey ahaansho. darbanaan m.f.dh eeg darban. ld darbanaansho. darbanaansho m.l/dh ld darbanaan. darbasho m.f.dh eeg darbo². darbayn m.f.dh eeg darbee. darbee f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Kubbad si xoog leh u laadid. 2. Khayaano faa’iido weyn ku helid. darbi¹ m.l ld derbi. darbi² f.g2 (-iyay, -isay) Cunto la iidaamay gacanta ku cunid. ld sarbi. darbid m.f.dh eeg darab³. darbin m.f.dh eeg darbi². ld sarbin. darbo¹ m.dh (-ooyin, m.l) 1. Si xoog ah uu kubbad lugta loogu laado. 2. Khayaano faa’iido weyn lagu helo. ld darbad (3). darbo² f.mg3 (-baday, -batay) 1. Darab qaadasho. 2. U d.: qof hawl isu diyaarin. darbuugad m.dh (muus.) Naaro; daf. darbuush m.l ld tarbuush. dardaaran¹ m.l (-nno, m.dh) 1. Ballan uu dhaafo qof oo ku saabsan sida hantidiisa laga yeelayo dhimashadiisa kaddib. 2. Ballan uu dhaafo qof tegayo oo ku saabsan sida laga yeelayo reerkiisa inta uu maqanyahay. dardaaran² f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Qof dhimashadiisa kaddib sida hantidiisa la yeelayo ka ballamid. 2. Qof tegaya sida reerkiisa laga yeelayo ka ballamid. dardaarmid m.f.dh eeg dardaaran². dardaarweri f.mg2 (-iyay, -isay) U d.: qof u sheegid dareen iyo dhibaata xun oo ku soo socota. dardaarwerin m.f.dh eeg dardaarweri. ld dardaarweris. dardaarweris m.l ld dardaarwerin. dardar¹ m.l ld dardarid. dardar² m.dh 1. Xoog, karti iwm oo aan weli la isticmaalin; carcar. 2. Jiiridda wax la jiiro. 3. D. ah: dhabbe aad loo maro. dardar³ f.g1 (-ray, -rtay) Wax jiirid; jibaaxid. ld barbar², berber², derder³. dardaran¹ f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax la dardaray noqosho. ld berberan¹, derderan¹. dardaran² f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la dardaray ahaansho. ld barbaran, berberan², derderan². dardarid m.f.dh eeg dardar³. ld barbarid, berberid, dardar¹, derder¹, derderid. dardarmid m.f.dh eeg dardaran¹. ld berbermid, derdermid. dardarnaan m.f.dh eeg dardaran². ld barbarnaan, barbarnaansho, berbernaan dardarnaansho m.l/dh ld dardarnaan. dardarsamid m.f.dh eeg dardarsan. dardarsan f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Isku d.: qof gabow, naxdiin iwm awgood, wax la garan waayey noqosho. dardhaaf¹ m.l U gudbidda neef uu u gudbo dar kale. ld dardhaafid. dardhaaf² f.g/mg1 (-fay, -ftay) 1. (f.g) Neef xoola ah dar kale u gudbid. 2. (f.mg) Dar buux-dhaafid. dardhaafi f.g2 (-iyay, -isay) Dar biyo ka badan ku shubid. dardhaafid m.f.dh eeg dardhaaf². ld dardhaaf¹. dardhaafin m.f.dh eeg dardhaafi. ld dardhaafis. dardhaafis m.l ld dardhaafin. dardhad m.l ld dardhasho. dardhasho m.f.dh eeg dardho². ld dardhad. dardhaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aad u dhaxamaysan ahaansho (nafley). dardhaysnaan m.f.dh eeg dardhaysan. ld dardhaysnaansho. dardhaysnaansho m.l/dh ld dardhaysnaan. dardho¹ m.dh Dhaxan badan. dardho² f.mg3 (-ooday, -ootay) Dhaxan aad u badan la gariirid (nafley). daree f.g2 (-reeyay, -raysay) Nafley, nafley kale oo geel ah daro ku qabasho. dareeme m.l (-mayaal, m.l/dh) 1. Xubnaha dareenka jirka mid ka mid ah. 2. Xididdada nafleyda ee isku xira xangullaha iyo maskaxda. 3. ld dareemo. dareeme-kiimikaad m.l (-mayaal, m.l/dh) (baay.) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug dareemid 190 badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada. dareemid m.f.dh eeg dareen². dareemo m.dh Caws dhaadheer, oo ka baxa bannaanka iyo dooxoyinka oo gammaanka, geelu jecelyihiin. ld dareeme (3), dureeme, dureemo. dareen¹ m.l 1. Garasho ku abuurta niyadda qofka isbeddal nafsadeed. 2. War dhiilo leh. 3. Tuhun; shaki. dareen² f.mg1 (-eemay, -eentay; -eemi) 1. Qof, isbeddel nafsaani ah oo ku abuurmay garasho. 2. Wax tuhmid. dareen-indheed m.l (-eemo …, m.l) (c.nafl.) Qaybta ugu yaryar saddexda qaybood ee dareenwada tirijeemin waxay soo qaaddaa dareenka kuuska isha, xuubka isha iyo qanjirka ilmada; waxay ka soo qaaddaa oo kale qayb yar oo sanka gudihiisa ka mid ah iyo maqaarka sanka sunniyaha iyo maqaarka madaxa. dareensad m.l ld dareensasho. dareensan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax dareemay ahaansho. dareensanaan m.f.dh eeg dareensan. ld dareensanaansho. dareensanaansho m.l/dh ld dareensanaan. dareensasho m.f.dh eeg dareenso. ld dareensad, dareensi. dareensi m.l ld dareensasho. dareensii f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid, xog ka maqnayd garansiin. dareensiin m.f.dh eeg dareensii. dareenso f.g3 (-saday, -satay) Cid, wax sharaysasho. dareenwade m.l (-dayaal, m.l/dh) (c.nafl.)Xidhmo nudo ah oo ka kooban miiqaq darenwade iyo nudo tiiriya, kuwaas oo ku dhex xidhan kiish ah nudo isku xidhayaal. Dareenwadayaashu waxay ku xidhaan habdhiska dareenwadka dhexe orgaannada iyo nudaha jidhka. dareen-xanuun m.l (-eemo …, m.l) (daaw.) Xanuun aad u daran oo gubasho ah ama mudid ah oo badanaa raaca lareemayaasha. dareer¹ m.l Dhaqaaqidda xoolo meel ay tuurnaayeen ka dhaqaaqaan. ld dareerid. dareer² f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Hoore si aan kala go’ lahayn u socosho. 2. Nafley meel ay tuurnayd ka dhaqaaqid. ld dureer². dareeri f.g2 (-iyay, -isay) 1. ld dureeri. Nafley, meel ay tuurnayd ka dhaqaajin. 2. Hilib dareerin ka dhigid. 3. Si dhaqso ah oo aan hakad lahayn wax u akhrin. dareerid m.f.dh eeg dareer². ld dareer¹, dureer¹, dureerid. dareerin¹ m.f.dh eeg dareeri. ld dareeris¹, dureerin. dareerin² m.dh (xis.) Wadarta tibxaha ee susun. Guud ahaan, waa tibaax leh sansaanka ah x1 + x2 + x3 + x4 +… taas oo x1 ay yihiin tirooyin maanagal ah ama murakab ah (series). dareerin-aritmatig m.dh (xis.) D. tibxaheedu ay sammeeyaan susun aritmatig. dareerin-aroorta m.dh (xis.) D. tirada tibxaha ay yihiin makoobane. dareerin-joometeri m.dh (xis.) D. saamiga u dhexeeya tibix kasta iyo tan ka horeysa uu yahay madoorsoome. dareerin-kalahaad m.dh (xis.) D. oo wadarta dhammaan tibxaha ka dambeeya tibixda naad aan dhinmin marka ay n-korodho. dareerin-koobane m.dh (-nayaal, m.l/dh) (xis.) D. tirada tibxaheedu ay koobanyihiin ama ay jirto tibix susuntu ay ku dhammaato. dareerin-makoobane m.dh (-nayaal, m.l/dh) (xis.) D. tirada tibxaheedu ay yihiin makoobane ama aan jirin jibix ay susuntu ku dhammaato. dareeris¹ m.dh ld dareerin¹. dareeris² m.dh (daaw.) Dareerin dhacaan ku jira meel jirka ka mid ah sida biyaha isgoosyada xubnaha gala ama malax ama kaadi qof kaadi ku dhagtay. dareerka dhiigga m.l (c.nafl) Milanka ka soo hara markuu dhiig xargago. Seeramku waxay u dhigantaa balasmada, laakiin waxa ka maqan borotein la yiraahdo fibrinogen iyo walax kale oo hab hawleedka xargagidda loo isticmaalay. dareersad m.l ld dareersasho. dareersasho m.f.dh eeg dareerso. ld dareersad, dureersad, dureersasho. dareerso f.g3 (-saday, -satay) Xoolo meel ay tuurnaayeen ka kaxaysasho. ld dureerso. dareerto m.dh 1. Lafta dheer ee dhabarka. 2. Meesha godan, sanka hoostiisa ku beegan ee bishinta sare kala barta. dareewal m.l (-llo, m.dh) 1. Qof shaqadiisu tahay baabuur wadidda; shufeer, wade. 2. Qof yaqaan sida baabuurka lo wado. ld direewal. darfac m.l ld dafac. darfi f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) 1. Derin, maro iwm daraf u yeelid. 2. Hoore qubid. darfiyid m.f.dh eeg darfi. darfooley m.dh Nooc dermooyinka ka mid ah oo darfo casaan ah leh. darsan¹ 191 dargad m.dh (-do, m.l) 1. Dhisme dhulka ka kacsan oo kaneecada laga fuulo ama miraha lagu qallajiyo. 2. Sariir yar oo ilmaha dhashay la seexiyo. ld daragad. dargashabeel m.dh ld durgeyshabeel. darib m.dh Hilibka geela intiisa baruurta leh. ld darab² (2). darid m.f.dh eeg dar³. ld daris. dariiq m.l (-qyo, m.dh) 1. Waddo yar oo dadka iyo xooluhu qaadaan. 2.Bayd faal oo afartiisa hagood tahay min hal. dariiqo m.dh (-ooyin, m.l) Jameeco wadaaddo ah, leh maamul, digri iyo ducooyin u gaar ah, kuna abtirsata shiikh weyn. dariir f.g1 (-ray, -rtay) Laf hilib ka dhammayn. dariiran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Laf, wax la dariiray ahaansho. dariirid m.f.dh eeg dariir. dariirnaan m.f.dh eeg dariiran. ld dariirnaansho. dariirnaansho m.l/dh ld dariirnaan. dariishad m.dh (-do, m.l) Mid ka mid ah daloollada loo yeelo aqallada iwm oo ay iftiinka iyo naacawdu ka soo galaan; khalfad. daris m.l (-syo, m.dh) 1. Caws adag oo gaaban oo ka baxa meelaha qoyaanka joogtada ah leh, ris; guxud. 2. Ceel biyo badan oo mar kasta buuxa. 3. ld darid. darmaan¹ m.l (-nno, m.dh) 1. Ubad fardood oo lab. 2. Nin mingis qaba. darmaan² m.dh (-no, m.dh) 1. Ubad fardood oo dheddig. 2. Qof dumar ah oo qaba mingis. darmad¹ m.l 1. Midab guduud oo madow xigeen ah oo xooluhu yeeshaan. 2. ld darmasho. darmad² m.dh (-do, m.l) Koor boodaanta ka yar, aleelkana ka weyn. darmasho m.f.dh eeg darmo. ld darmad¹ (2). darmi f.g2 (-iyay,-isay) Xoolo meel daran leh daajin. darmid m.f.dh eeg daran². ld darsamid. darmin m.f.dh eeg darmi. darmo f.mg3 (-maday, -matay) Ku d.: wax, wax kale ku biirid. darnaan m.f.dh eeg daran³. ld darnaansho, darni, darno, darsanaan, darsanaansho. darnaansho m.l/dh ld darnaan. darni m.dh ld darnaan. darno m.dh ld darnaan. daro¹ m.dh 1. Tab awrtu u dagaasho oo ratigu luquntiisa dulmariyo luqunta ratiga kale isla markaana cududda ku dhegaayo. 2. Tab legdinta ka mid ah oo uu qof gacanta kaga maro qoorta qof kale. daro² f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Ku d.: wax, wax kale ku kordhisasho. 2. Ku d.: qof, qof kale u guurin. 3. Isku d.: dhawr waxyaalood isku qaadasho. 4. Isku d.: isku qasasho. daroof¹ m.l.kh Darmooyin casaan ah oo guryaha derbiyadooda lagu qurxiyo. daroof² f.g1 (-fay, -ftay) Derbiyada guryaha casaan ku qurxin. daroofid m.f.dh eeg daroof². daroori¹ m.l Hadal tira badan oo aan micna lahayn. ld darooryaan¹. daroori² f.mg1 (-ryay, -riday; -ryi) Ku hadlid hadal aan micno lahayn. ld darooryaan². darooryaamid m.dh ld darooryid. darooryaan¹ m.l ld daroori¹. darooryaan² f.mg1 (-aamay, -aantay) ld daroori². darooryid m.f.dh eeg daroori². ld darooryaamid. darraabid m.f.dh eeg darrow². ld darraw¹, darrow¹. darraad m.dh ld dorraad. darraw¹ m.l ld darraabid. darraw² f.g1 (-raabay, -rawday; -raabi) ld darrow2 darraysad m.l ld darraysasho. darraysasho m.f.dh eeg darrayso. ld darraysad, darraysi, tarraysad, tarraysasho, tarra darraysi m.l ld darraysasho. darrayso f.g3 (-stay, -satay) Timaha darro marsasho. ld tarrayso. darrib f.g1 (-bay, -btay) Cid tababbarid. darribid m.f.dh eeg darrib. darro m.dh Dhoobo jilicsan oo timaha lagu nadiifiyo ama lagu qurxiyo; malaas; xaraar. ld tarro. darroor¹ m.dh Biyo aqalku kor ka soo daayo kolka roobku da’aayo. darroor² f.mg1 (-ray, -rtay) Aqal, biyo kor ka soo deyn. darroori f.g2 (-iyay, -isay) Biyo meel sare fadhiya ka daadin. darroorid m.f.dh eeg darroor². darroorin m.f.dh eeg darroori. darrow¹ m.l Liididda wax la liido ama la xaqiro; quursi. ld darraabid. darrow² f.g1 (-raabay, -rowday; -raabi) 1. Wax quursasho. 2. U d.: wax dhaqaale darrayn. ld darraw². darsad m.l ld tarsad. darsamid m.f.dh ld darmid. darsan¹ m.l ld darsin. darsan² 192 darsan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) ld daran². darsan³ f.mg4 (-naa, -nayd) ld daran³. darsanaan m.dh ld daranaan. darsanaansho m.l/dh ld darnaan. darsasho m.f.dh eeg darso. ld darsad, darsi. darshad m.dh ld tarshad. darsi m.l ld darsasho. darsin m.l (-nno, m.dh) Laba iyo toban (12) shey, isku nooc ah oo meel ku wada jira. ld darsan¹, dersin. darso f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Badar, caano, sonkor iwm wax godan in uga qaadasho. 2. (f.mg) Xaalad lagu sugnaa ka sii liidasho. 3. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku biirsasho. Tus. “Cali geeliisii laba halaad buu ku darsaday”. 4. Ku d.: wiil gabadh u guurin. 5. U d.: xaalad hore ee lagu noolaa ka maarmiwaayid. daruur¹ m.l 1. Tolmo kabaha, lammooyinka iwm sarjiyada looga tolo si loo qurxiyo. 2. Midab barobaro cadcad ah oo xoolaha qaarkood yeeshaan. daruur² m.dh (-ro, m.l) Caad biyo xambaarsan oo cirka iyo dhulka dhexdooda heehaaba. daruur³ m.dh (-ro, m.l) (fiis.) Dhibco yaryar oo biyo ah oo ka samaysmay uumi-bax biyood oo galay gibilka, ka dibna ku qaboobay meel joog sare leh oo dhulka dushiisa. Uumi-baxa biyuhu wuxuu ka yimaadaa, harooyinka, webiyada iwm. daruur4 f.g1 (-ray, -rtay) Kabo, laammo iwm sarjiyadooda tolmo lagu qurxinayo u yeelid. daruurad m.l ld daruurasho. daruuran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax daruur leh ahaansho. daruurasho m.f.dh eeg daruuro². ld daruurad. daruurayn m.f.dh eeg daruuree. daruuraysasho m.f.dh eeg daruurayso. daruurayso f.mg3 (-stay, -satay) 1. Cir, daruur yeelasho. 2. Meel naq leh u guurid. 3. Kabo, laammo iwm daruur u yeelasho. daruur-buureed m.l (-ryo …, m.dh) (c.cimi.) Daruur ka samaysanta dhinaca dugaalka ah ee buurta ama figta gunburta. daruuree f.mg2 (-reeyay, -raysay) Neef daruuro gelin. daruur-hoose m.dh (-ro .., m.l) (c.cimi) Nooc daruur hoose ah oo ka kooban lakab iskumid ah, oo la moodo dhado dhulka kor uga kacday. daruuri¹ m.l D. ah: wax nolosha aanay ka maarmin. daruuri² f.g2 (-iyay, -isay) 1. Isu d.: arrin ama meel si geesinnimo iyo degdeg leh u gelid. 2. U d.: wadaan, weel iwm ceel si degdeg ah ugu ridid. daruurid m.f.dh eeg daruur4. daruurin m.f.dh eeg daruuri². daruurnaan m.f.dh eeg daruuran. ld daruur— naansho. daruurnaansho m.l/dh ld daruurnaan. daruurnugul m.dh Daruur weyn oo hoos yeelata aanse di’in. daruuro¹ m.dh Siriqda loo yeelo xarig wax lagu qabanayo. daruuro² f.g3 (-ray, -rtay) Kabo, maro iwm liid qurxan ku tolasho. darwiish m.l (-raawish, m.dh) Mid ka mid ah ciidankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee u dagaallami jirey xornimada Soomaaliyeed. darxad m.dh (-do, m.l) Tarash; xiddo. darxadayn m.f.dh eeg darxadee. darxadee f.g2 (-deeyay, -daysay) Maro darxad u yeelid. darxumayn m.f.dh eeg darxumee. darxumaysad m.l ld darxumaysasho. darxumaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax darxumo hayso ahaansho. darxumaysasho m.f.dh eeg darxumayso. ld darxumaysad, darxumaysi. darxumaysi m.l ld darxumaysasho. darxumaysnaan m.f.dh eeg darxumaysan. ld darxumaysnaansho. darxumaysnaansho m.l/dh ld darxumaysnaan. darxumayso f.mg3 (-stay, -satay) Wax darxumo la kulmid. darxumee f.g2 (-meeyay, -maysay) Wax darxumo la kulmid. darxumi m.dh ld darxumo. darxumo m.dh Xaalad silic iyo rafaad leh. ld darxumi. daryaamid m.dh ld dayaamid. daryaan¹ m.l ld dayaan¹. daryaan² f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami)) ld dayaan². daryeel¹ m.l 1. Waxtar; kaalmo; taageero; gargaar. 2. ld daryaalid. daryeel² f.g1 (-eelay, -eeshay) Wax xannaanayn. daryeelid m.f.dh eeg daryeel². ld daryeel¹ (2). daso m.dh Hooy yar oo ka samaysan raro; qoryo, dhoobo iwm. dastuur m.l/dh ld tastuur. daw¹ m.l (-wyo, m.dh) 1. Waddo, dariiq; jid. 2. Wax habboon ama xaq ah. ld dow. daw² m.l (-yo, m.dh) (juqr.) Meel gaaban lagana gudbi karo ee buuro is haysta oo hakiya dhaqaaqa. dawdarrood 193 daw³ m.dh Ceelal badan oo isku meel ku yaalla. dawaad m.dh 1. Khad. 2. Weelka khadda lagu shubto. 3. Madow khadka u eg oo awrka qoorka ahi ku yeelato qadaadka. ld tawaad. dawaaf¹ m.l 1. Wareegga kacbada lagu sameeyo iyadoo waajibka xajka la gudanayo. 2. Socod badan oo warwareeg ku jiro. 3. ld dawaafid. dawaaf² f.g1 (-fay, -ftay) 1. Iyadoo waajibka xajka la gudanayo, kacbada wareeg ku samayn. 2. Socod badan oo warwareeg ku jiro samayn. dawaafi f.g2 (-iyay, -isay) Qof xajka gudanaya kacbada ku warwareejin. ld dawaafsii. dawaafid m.f.dh eeg dawaaf². ld dawaaf¹ (3). dawaafin m.f.dh eeg dawaafi. ld dawaafsiin. dawaafsii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld dawaafi. dawaafsiin m.dh ld dawaafin. dawaali fk. D. …u: si toos ah, si aan gabbasho lahayn. Tus. “Waxaan doonayay dawaali ayuu u diiday”. dawaansad m.l ld dawaansasho. dawaansasho m.f.dh eeg dawaanso. ld dawaansad, dawaansi, tawaansad, tawaansasho dawaansi m.l ld dawaansasho. dawaanso f.g3 (-saday, -satay) Cid wehel ka dhigasho. ld tawaanso. dawaaqi m.dh Nooc shabaagta ka mid ah oo libaax badeedka lagu dabo. dawaar m.l (-rro, m.dh) 1. Wax wareega sida garangarta. 2. Makiinad dharka lagu tolo. 3. Duraanka dharka lagu tolo ama lagu fasilo. dawaarad m.dh (-do, m.l) Abitey. dawaarle m.l (-layaal, m.l/dh) Ninka dharka tola ama fasila. ld dawaarwale. dawaaro m.dh Lo’ yaryar, gaagaaban oo aan caano badnayn. dawaarwale m.l ld dawaarle. dawac m.l (-cyo, m.dh) Dawacada keeda lab. dawacamadow m.dh ld dacawamadow. dawaco m.l (-ooyin, m.l) 1. Dugaag hilib ku noolka ka mid ah, eyga u eg kase yar oo ariga laaya. 2. Dawacada midkeeda dheddig. ld dacawo, dayo¹ (2). dawakh¹ m.l ld dawakhid. dawakh² f.mg1 (-khay, -khday) Madax wareer dartiis wax la kala garan waayid. dawakhaad m.dh Madax wareer wax la kala garan waayo. dawakhi f.g2 (-iyay, -isay) Qof, madax wareer ku ridid. ld dawikhi. dawakhid m.f.dh eeg dawakh². ld dawakh¹, dawikhid. dawakhin m.f.dh eeg dawakhi. ld dawikhin. dawakhsan f.mg4 (-naa, -nayd) Qof madax wareer hayo ahaansho. dawakhsanaan m.f.dh eeg dawakhsan. ld dawakhsanaansho. dawakhsanaansho m.l/dh ld dawakhsanaan. dawan m.l (-nno, m.dh) 1. Koor yar, bir ka samaysan oo gammaanka loo xiro. 2. Qalab bir ah, laga dhawaajiyo marka xisada dugsida billaabanayaan ama dhammaanayaan. dawar¹ m.l ld dawarid. dawar² f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Baryo iyo yabooh u wareegid. 2. (f.g) Markab ama doon washirid. 3. (f.mg) Markab ama doon leexin. ld dewer². dawari f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhumay baadi goobid. ld daweri, dawri, deweri. dawarid m.f.dh eeg dawar². ld dawar¹, dewer¹, dewerid. dawarin m.f.dh eeg dawari. ld dawerin, dawrin, dewerin. dawarsad m.l ld dawarsasho. dawarsasho m.f.dh eeg dawarso. ld dawarsad, dawarsi, dewersad, dewersasho, dewersi. dawarsi m.l ld dawarsasho. dawarso f.g3 (-saday, -satay) Dawarsi samayn (qof). ld dewerso. dawax f.mg1 (-xay, -xday; -wixi) Ku d.: cid ku maadeysasho. dawaxaar m.dh Dawo xoolaad budo ah oo reer miyigu dadka uga daaweeyaan cudurrada caloosha, sida xundhurta, tiifaha iwm. dawdabi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Caano, biyo iwm si dhaqso leh u cabbid. 2. Hal si dhaqso leh u lisid. dawdabin m.f.dh eeg dawdabi. dawdar¹ m.l ld dowddar¹; dawdarid. dawdar² f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. Isku d.: koox dad ah dhexgelid. 2. ld dowddar². dawdaran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Ka d.: wax aan daw lahayn ahaansho. dawdarid m.dh eeg dawdar². ld dawdar¹; dowddarid. dawdarnaan m.f.dh eeg dawdaran. ld dawdarnaansho, dawdarni, dawdarno. dawdarnaansho m.l/dh ld dawdarnaan. dawdarni m.dh ld dawdarnaan. dawdarnimo m.dh ld dowddarnimo. dawdarno m.dh ld dawdarnaan. dawdarroo f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku d.: qof, cid kale gaf ku samayn. dawdarrood m.f.l eeg dawdarroo. dawdawle 194 dawdawle m.l D. ah: qof been badan oo muujiya karti uusan lahayn. dawdawlee f.mg2 (-leeyay, -leysay) Qof been badan karti uusan lahayn muujin. dawdawleyn m.f.dh eeg dawdawlee. dawee f.g2 (-weeyay, -weysay) ld daawee. daweri f.g2 (-iyay, -isay) ld dawari. dawerin m.dh ld dawarin. daweyn m.dh ld daaweyn. da’weyn f.mg4 (-naa, -nayd) Duq ahaansho (qof). da’weynaan m.f.dh eeg da’weyn. ld da’weynaansho, da’weyni. da’weynaansho m.l/dh ld da’weynaan. da’weyni m.dh ld da’weynaan. daweysad m.l ld daaweysasho. daweysasho m.dh ld daaweysasho. daweysi m.l ld daaweysasho. daweysii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld daawee. daweysiin m.dh ld daaweyn. daweyso f.g/mg3 (-saday, -satay) ld daaweyso. dawggal¹ m.l 1. ld dawggelid. Gabbashada wax la gaadayo meel loogu gabbado. 2. D. ah: arrin iwm oo maangal ah. dawggal² f.g/mg1 (-alay, -ashay; -geli) 1. (f.g) U d.: wax la gaadayo meel ugu gabbasho. 2. (f.mg) Ugu d.: cid dhibaato gaartay wax u eersasho. dawggelid m.f.dh eeg dawggal². ld dawggal¹ (1). dawi f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel fog u gudbin. dawikhi f.g2 (-iyay, -isay) ld dawakhi. dawikhid m.dh ld dawakhid. dawikhin m.dh ld dawakhin. dawin m.f.dh eeg dawi. ld dawis. dawis m.l ld dawin. dawixid m.f.dh eeg dawax. dawlad m.dh (-do, m.l) 1. Dal, dad ku noolyahay, leh calan iyo xuduud caalamku u aqoonsanyahay. 2. Inta haysa maamulka sare ee qaran. ld dowlad. dawlad dastuuri ah m.dh (-do …, m.l) (siyaa.) Dawlad ku xaddeysan, una hogaansan dastuurka. dawladnimo m.dh Dawlad ahaansho. ld dowladnimo. dawli¹ m.l ld dowli¹. dawli² f.g2 (-iyay, -isay) ld dowli². dawliil m.l Muuqaal koraad. dawlin m.dh ld dowlin. dawlis m.l ld dowlis. dawlisgoys m.l/dh (-syo, m.dh) Calaamadaha sarriinka ah oo jiidista dawlisku ku sameeyo xakabbada. ld dowlisgoys. dawo m.dh ld dÄ…awo1. ld dawaco. dawoobid m.dh ld daawoobid. dawo-suuxin m.dh (-ooyin suuxinta, m.l) (daaw.) Dawo yareysa ama baabi’isa dareenka oogada oo dhan ama qayb ka mid ah jirka. D.da s.ta oogada oo dhan oo qalliinka loo isticmaalo waxay damisaa shaqada maskaxda taasoo keenta miyir beelid. dawow f.mg1 (-woobay, -wowday) ld daawow. dawr¹ m.l ld dowr¹. dawr² f.mg1 (-ray, -rtay) ld dowr². dawre m.l Qof socoto ah. dawri f.g2 (-iyay, -isay) ld dawari. dawrid m.dh ld dowrid. dawrin m.dh ld dawarin. daxal m.l Dheeh cillaan guduud ah oo birta iyo xadiid-sulubka ku dul samaysma marka ay biyuhu la falgalaan maaddadooda; mirir. daxalaysad m.l ld daxalaysasho. daxalaysasho m.f.dh eeg daxalayso. ld daxalaysad, daxalaysi. daxalaysi m.l ld daxalaysasho. daxalayso f.mg3 (-stay, -satay) Bir ama xadiidsulub, daxal yeelasho. day f.g/mg1 (dayay/deyay, dayday) 1. Indho, wax dhankooda u jeedin. 2. Isku d.: wax isku tijaabin. dayaafad m.dh ld diyaafad. dayaafadi f.mg2 (-iyay, -isay) ld diyaafadi. dayaafadin m.dh ld diyaafadin. dayaamid m.f.dh eeg dayaan². ld daryaamid, diryaamid, diyaamid. dayaan¹ m.l 1. Sharqan ama hugun weyn oo ka yimaada durbaan la tumayo, xoolo ama dad badan oo meel isugu yimid. 2. Cod dheer oo buuraha, daaraha, qararka iwm ay soo celiyaan markuu ku dhacay kaddib. ld daryaan¹, diryaan¹, diyaan¹. dayaan² m.l (fiis.) Noqodka hir jabaq ee dul (gebi ama buur) xoogaa innaga fog ay soo celisay, oo ka laciifsan jabaqdii asalka ahayd. Faraqa waqtiga ee ayoonka iyo jabaqda asalka ah, waxa ay muujisaa fogaanta gebiga ama buurta iwm. dayaan³ f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Durbaan, dhul iwm sharqan, hugun weyn ka yeerid. ld daryaan², diryaan², diyaan². dayaarad m.dh ld dayuurad. dayac¹ m.l Daryeel iyo xannaana la’aan. ld daayacaad. dayac² f.g1 (-cay, -cday; -yici) Wax baylihin ama xannaana xumayn. ld daayac². dayrsan 195 dayacan f.mg1 (-cnaa, -cnayd) Wax la dayacay ahaansho. ld dayacsan. dayacid m.f.dh eeg dayac². ld daayacid. dayacnaan m.f.dh eeg dayacsan. ld dayacnaansho, dayacsanaan, dayacsanaansho. dayacnaansho m.l/dh ld dayacnaan. dayacsan f.mg4 (-naa, -nayd) ld dayacan. dayacsanaan m.dh ld dayacnaan. dayacsanaansho m.l/dh ld dayacnaan. dayactir¹ m.l 1. Dib u hagaajinta lagu sameeyo guri, qalab iwm oo wax ka xumaadeen. 2. Ka ilaalinta wax laga ilaaliyo darxumada iyo baylahda. dayactir² f.g1 (-ray, -rtay) 1. Guri, qalab iwm wax ka xummaday dib u hagaajin. 2. Wax darxumo iyo baylah ka ilaalin. dayactiran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la dayactiray ahaansho. dayactirid m.f.dh eeg dayactir². dayactirnaan m.f.dh eeg dayactiran. ld dayactirnaansho. dayactirnaansho m.l/dh ld dayactirnaan. da’yar¹ m.dh.u Dhallinyaro. ld da’yaro. da’yar² f.mg4 (-raa, -rayd) Wax muddo yar jiray ahaansho (nafley). da’yaraan m.f.dh eeg da’yar². ld da’yaraansho, da’yari, da’yaro. da’yaraansho m.l/dh ld da’yaraan. da’yari m.dh ld da’yaraan. da’yaro m.dh ld da’yar¹; da’yaraan. dayasho m.f.dh eeg dayo². dayax m.l 1. Ife samada sare ku sugan, qooraxda iftiin ka qaata, habeenno dhulka ifiya oo bishii hal mar dhulka ku wareega. 2. Caddo. dayaxgacmeed¹ m.l (-dyo, m.dh) Saaruukh. dayaxgacmeed² m.l (-dyo, m.dh) (c.fal.) Dhinaca xiddigiska, waa shay yar oo ku meeraysta meere korkiisa; dayaxu, tusaale ahaan, waa d.ka dhulka. dayaxmadoobaad¹ m.l (-dyo, m.dh) Marka dhulku kala dhex galo qorraxda iyo dayaxa, oo hooska dhulku madoobeeyo dayaxa. dayaxmadoobaad² m.l (-dyo, m.dh) (c.fal.) Dayax madoobaadku waxa uu dhacaa marka dhulku isku gudbo fallaadhaha ka imanaya qorraxda inta ayn soo gaadhin dayaxa, waxana dayaxa ku dhaca hadhka dhulka. daydo m.dh Roob da’a xilliga guga ah. dayeysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dayoobay ahaansho. dayeysii f.g2 (-iiaya, -iisay) Nafley jahawareerin. dayeysiin m.f.dh eeg dayeysii. dayeysnaan m.f.dh eeg dayeysan. ld dayeysnaansho. dayeysnaansho m.l/dh ld dayeysnaan. dayib e.d Waa tahay! dayicid m.f.dh eeg dayac². ld daayicid, dayacid. dayid m.dh ld deyid. daymo m.dh Jeedinta indhaha wax xaggooda loo jeediyo. daymoo f.g3 (-ooday, -ootay) Wax daymo u yeelasho. daymood m.f.l eeg daymoo. dayn m.dh ld deyn². daynaamiko m.dh (fiis.) Qayb ka mid mekaanikada oo la xiriirta xoogagga dooriya ama abuura socodka walxaha. ld dinaamiko. daynabo m.dh (-ooyin, m.l) (fiis.) Dhaliye danab oo gaar ahaan loogu talagalay in uu dhaliyo qulqul quman. dayo¹ m.dh (-ooyin, m.l) 1. Caleenta quraca, siiba intay weli qoyantahay. 2. ld dawaco. dayo² f.g/mg3 (-yday, -yatay) 1. (f.g) Ka d.: wax meel ka raadsasho. 2. (f.g) Ka d.: wax, wax kale ka dhex xulasho. 3. (f.mg) Ku d.: qof, qof kale wax uu sameeyey ka daba samayn. dayoobid m.f.dh eeg dayow². ld dayow¹ (2). dayow¹ m.l 1. Wareer lala kala garan waayo waqtiga iyo meesha la joogo. 2. ld dayoobid. dayow² f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wareer awgiis, waqti iyo jaho garan waayid. dayr m.dh Afarta xilli ee sannadka u qaybsamo middood, roob leh una dhexeeya diraacda iyo xagaaga. dayradhaaf m.l/dh (-fyo, m.dh) Waqtiga roobka dayrta ahi dhammaado oo dhaxantu bilaabato. dayrcad m.l Midab cad oo geelu leeyahay. dayrdhal m.l D. ah: neef geel ah oo xilli dayr ah dhalay. dayri f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Aabbe, ilmo uu ka quustay guriga ka cayrin. 2. (f.g) Nin, xaaskiisa, caruurtiisa iwm dhaqaale darrayn. 3. (f.mg) U d.: cid wax ay doonaysay, iyadoo marmarsiinyo been ah loo sheegayo in aan wax loo heli karayn u sheegid. dayrin m.f.dh eeg dayri. ld dayris, dayro (2). dayris m.l ld dayrin. dayro m.dh 1. D. ah.: ilmo waalidkiis ka quustay oo guriga laga eryey. 2. ld dayrin. dayrqin m.l Neef xilli dayreed rimay. dayrsad m.l ld dayrsasho. dayrsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dayriyay ahaansho (ilmo). dayrsanaan 196 dayrsanaan m.f.dh eeg dayrsan. ld dayrsanaansho. dayrsanaansho m.l/dh ld dayrsanaan. dayrsasho m.f.dh eeg dayrso. ld dayrsad, dayrsi. dayrsi m.l ld dayrsasho. dayrsimo m.dh 1. Qof dayrsan ahaansho. 2. Roob xilliga dayrta horteeda da’a. dayrso f.mg3 (-saday, -satay) Wax la haysto si aan wax looga bixin ka beensheegid. dayuurad m.dh (-do, m.l) Gaadiid hawada mara, rakaabka iyo xamuulka qaada, jaad ka mid ahna lagu dagaallamo. ld dayaarad, diyaarad. dayuus m.l (-syo, m.dh) Qof aan damiir iyo akhlaaq lahayn oo aan ka xishoon in uu walaashiis ama xaaskiisa uu rag kale u geeyo. deb m.l ld dab¹. debac¹ m.l ld debcid. debac² f.mg1 (-bcay, -bacday) ld debec². debacsamid m.dh ld debecsamid. debacsan¹ f.mg1 (-amay, -antay; -ami) ld debecsan¹. debacsan² f.mg4 (-naa, -nayd) ld debecsan². debacsanaan m.dh ld debecsanaan. debacsanaansho m.l/dh ld debecsanaan. debacsanow f.mg1 (-naaday, -naatay) ld debecsanow. debbir f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax si wanaagsan u xallin. 2. Kala d.: wax si khayaano ku jirto u habeyn. debbiraad m.dh Hab khayaano ku jirto oo arrin iwm loo xalliyo. debbirid m.f.dh eeg debbir. debci f.g2 (-iyay, -isay) Wax giigsan sida xarig iwm. giigsanaanta ka bi’in. ld dabci². debcid m.f.dh eeg debec². ld dabac¹, dabcid, debac¹, debec¹. debcin m.f.dh eeg debci. ld dabcin. debdemis m.l ld dabdamis. debec¹ m.l ld debcid. debec² f.mg1 (-bcay, -becday; -bci) 1. Xarig, guntin iwm wax giigsanaantii ka ba’day noqosho. 2. U d.: wax u dhega nuglaan. ld dabac², debac². debecla’aan m.dh 1. Debciddarro. 2. (fk) Si isdabaraac u ah. debecsamid m.f.dh eeg debecsan¹. ld dabacsamid, debacsamid. debecsan¹ f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Xarig, guntin iwm oo giigsanaan wax debcay noqosho. ld dabacsan¹, debacsan¹. debecsan² f.mg4 (-naa, -nayd) Xarig, guntin iwm oo giigsanaa wax debcay ahaansho. ld dabacsan², debacsan². debecsanaan m.f.dh eeg debecsan. ld dabacsanaan, dabacsanaansho, debacsanaan, debacsan debecsanaansho m.l/dh eeg debecsanow.ld debecsanaan. debecsanow f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax debacsan noqosho. ld dabacsanow, debacsanow. debin m.dh ld dibin. debingendi m.l Kiish yar oo maro shabaq ah ka samaysan, afka garangar yar ku leh oo gendiga lagu qabto. debis m.l Nooc libaax badeedka ka mid ah. debrid m.l ld dabrid¹. debsaar m.l In yar oo saliid ah oo hal mar bun lagu shiilo. debweyn m.dh ld dabweyn. ded¹ m.l 1. ld dÄ…d 1. Shey dusha laga saaro ama lagu daboolo wax feydan. 2. ld dedid. ded² f.g1 (-day, -dday) Wax feydan, shey dusha ka saarid ama ku daboolid. ld dÄ…d². dedaal¹ m.l ld dadaal¹. dedaal² f.mg1 (-lay, -shay) ld dadaal². dedaalid m.dh ld dadaalid. dedan¹ m.dh Waqti wixii la sheegaa aanay shaac bixin oo qarsoomaan. ld dadan¹. dedan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax la deday noqosho. ld dadan². dedan³ f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la deday ahaansho. ld dadan³. deddan f.mg4 (-naa, -nayd) ld daddan. deddanaan m.dh ld daddanaan. deddanaansho m.l/dh ld daddanan. deddatir¹ m.l 1. Dhaxantir. 2. Gargaar deg-deg ah oo loo fidiyo qof la qaniinay ama dhaawac halis ahi gaarey; dhibiibtir. ld deddatirid. deddatir² f.g1 (-ray, -rtay) 1. Nafley dhaxamaysan diirrimaad siin. 2. Qof la qaniinay ama dhaawac halis ahi gaarey si degdeg ah u gargaarid. deddatirid m.f.dh eeg deddatir². ld deddatir¹. deddeg¹ m.l ld degdeg¹. deddeg² f.mg1 (-gay, -gtay) ld degdeg². deddegid m.dh ld degdegid. deddegsan f.mg4 (-naa, -nayd) ld degdegsan. deddegsanaan m.dh ld degdegsanaan. deddegsanaansho m.l/dh ld degdegsanaan. deddegsiinyo m.l ld degdeg¹. deddeji f.g2 (-iyay, -isay) ld degdeji. deddejin m.dh ld dedgejin. deddejis m.l ld degdejin. deddo m.dh Qabow aad ah oo dhaxan badan leh. ld daddo. deeqe 197 deddoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Qabow aad ah oo dhaxan badan leh. ld daddoo. deddoobid m.f.dh eeg deddow. ld daddoobid. deddood m.f.l eeg deddoo. ld daddood. deddow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax deddo hayso noqosho. ld daddow. dedeb m.l (-byo, m.dh) ld dadab¹. dedid m.f.dh eeg ded². ld dÄ…did, ded¹ (2). dedmid m.f.dh eeg dedan². ld dadmid. dednaan m.f.dh eeg dedan³. ld dadnaan, dadnaansho, dednaansho. dednaansho m.l/dh ld dednaan. dee fk. Qurub lagu soo jiidanayo foojignaanta qofka lala hadlayo. Tus. “Ila hadal dee! Dee, maxaad u yeeshay?”. deeb¹ m.dh 1. Caws weelasha lagu deebiyo, leh caleemo dhuudhuuban, ubax qodxo leh oo ka baxa bannaanada. 2. Dambas dhirta qaarkeed laga shido oo loo isticmaalo waxyaabo kala duwan sida dhayidda xoolaha, magdaynta hargaha iwm. 3. Dambas. deeb² fk. D.na: dabadeed, kaddib. deebaaji m.l ld diibaaji. deebaan m.l 1. Shiraac saddex gees ah intiisa hoose. 2. Xarig doonyaad isu haya farmaanka docdiisa midig iyo doonnida. ld deebaani (2). deebaani m.l 1. Muddada urtu celcelis tahay ee u dhexeysa Oktoobar iyo Nofeembar. 2. ld deebaan. deebad m.l 1. Ugaarsade aan herinta ku jirin ee keligii ugaarta. 2. Shimbir-malab; buli. 3. Shimbir yar oo qaylo badan oo keli keli dhirta gaagaaban dhex orda, bahallada iyo dugaaggana dadka uga diga. deebi f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Weel caano lagu maalo deeb ku nadiifin. 2. (f.g) Harag qoyan si dhogortu uga dhacdo deeb marin. 3. (f.g) Xoolo cadheysan deeb ku dhayid. 4. (f.g) Digir si uusan bahal ugu dhalan deeb ku shubid. 5. (f.mg) Kaga d.: wax meel yiil wada dhammayn. deebin m.f.dh eeg deebi. deebsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la deebiyey ahaansho. deebsanaan m.f.dh eeg deebsan. ld deebsanaansho. deebsanaansho m.l/dh ld deebsanaan. deedifee f.g2 (-feeyay, -feysay) Qof markhaantigiisa ama guddoonkiisa durid. deedifeyn m.f.dh eeg deedifee. deedifo m.dh Duridda qof markhaantigiisa ama guddoonkiisa la duro. deef m.dh Garabka intiisa kore; qarqar. deeg¹ m.l 1. D. ah: qof wax lahaa oo faqriyey. 2. ld deegid. deeg² e.d Istaag! ( fardaha ayaana loo adeegsadaa). deeg³ f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Qof cayrtoobid. 2. Qoor kacsi dartiis la caatoobid. 3. Fardo fuulid. deegaamee f.g2 (-meeyay, -meysay) ld degaamee. deegaameyn m.dh ld degaameyn. deegaami f.g2 (-iyay, -isay) ld degaamee. deegaamin m.dh ld degaameyn. deegaan¹ m.l (-nno, m.dh) 1. Geed weyn canjeelka u eg, sida badan webiga jiinkiisa ka baxa oo leh miro la cuno. 2. ld degaan. deegaan² m.dh Doog meel roob badan ku da’ay ka baxa. deegaanraac m.l Naqraac. deegad m.dh (-do, m.l) Bersad. deegid m.f.dh eeg deeg³. ld deeg¹ (2). deel m.l 1. Astaan xoolaha lagu sunto oo u eg deelka xuruufta carabiga. 2. ld d (da’). deelqaaf¹ m.l 1. Ka leexashada qaafiyad maanso ku socotay laga leexdo. 2. D. ah: Hadal meesha laga sheegayo aan ku habboonayn ama gef ah. 3. Labo waxyaalood oo aan isu dhoweyn isu keenid. deelqaaf² f.mg1 (-fay, -ftay) Ku d.: hadal meel ka dhac ah, aan daw lahayn qof ku dhihid. deelqaafi f.mg2 (-iaya, -isay) Ka d.: maanso qaafiyaddeeda gefid. deelqaafid m.f.dh eeg deelqaaf². deelqaafin m.f.dh eeg deelqaafi. deelraac m.l Neef ido ah oo madaxa ilaa legga ka madow. deen m.dh.kh D. ah: ceel ama daaqsin aan dad badan joogin. deensasho m.f.dh eeg deenso. deenso f.mg3 (-saday, -satay) 1. Ku d.: wax nacfi leh ku keliyeysasho. 2. Ku d.: laba qof ama ka badan, hawl ay qaban lahaayeen sheeko ku illaawid. deeq¹ m.l/dh Hanti aan deyn ahayn oo cid u baahan la siiyo. deeq² f.mg1 (-qay, -qday) 1. Hanti aan deyn ahayn cid u baahan siin. 2. Wax, wax kale oo loogu talaggalay ku filnaansho. deeqdaran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof gacan adag oo aan wax bixin ahaansho. deeqdarnaan m.f.dh eeg deeqdaran. ld deeqdarnaansho, deeqdarno. deeqdarnaansho m.l/dh ld deeqdarnaan. deeqdarno m.dh ld deeqdaarnaan. deeqe m.l (-ayaal, m.l/dh) (kiim.) Atamka, ayoonka ama molikuyuulka bixiya deeqid 198 lammaane elektaroon marka dabar elektaroon-wadaag ahi samaysmayo. deeqid m.f.dh eeg deeq². deeqlay m.l Nooc geedaha ka mid ah oo aan qodax lahayn oo dhacaan guduudan leh. ld deeqle (2). deeqle m.l 1. Alle magacyadiis mid ka mid ah. 2. ld deeqlay. deeqsi m.l (-iyaal/-iyo, m.dh) D. ah: qof naxariis badan oo waxa uu haysto wax ka bixiya. deeqsii f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax ku fillaysiin. deeqsiin m.f.dh eeg deeqsii. ld deeqsiis. deeqsiis m.l ld deeqsiin. deeqsinnimo m.dh Qof deeqsi ah ahaansho. deeqtoomid m.f.dh eeg deeqtoon¹. deeqtoon¹ f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) Wax isku filan oo aan cidna u baahnayn noqosho. deeqtoon² f.mg4 (-naa, -nayd) Wax isku filan oo aan cidna u baahnayn ahaansho. deeqtoonaan m.f.dh eeg deeqtoon². ld deeqtoonaansho. deeqtoonaansho m.l/dh eeg deeqtonoow. ld deeqtoonaan. deeqtoonow f.mg3 (-naaday, -naatay) Ka d.: qof awooddiisa ku tashanaya noqosho. deer m.l (-rar, m.l) Deerada keeda lab. deero m.dh (-ooyin, m.l) Jaad ugaarta ka mid ah, cawsha ka yar, dib gaaban, dhinacyada laba diillimood oo madow ku leh oo raxanraxan isu raacda. deewali m.l (-iyo, m.dh) Boqorrada dumarku dhexda ku xirtaan, jaad ka mid ah. deex m.dh Dhul geed-gaab iyo caws ka baxaan oo badda xiga. deexad m.l ld deexasho. deexasho m.f.dh eeg deexo. ld deexad. deexguur m.l Dadka dega dhulka badda u dhow. deexo f.mg3 (-xday, -xatay) 1. U d.: qof, qof kale si daacad ah ugu warramid. 2. Hadal badan shubid; dalqamid. deg¹ m.l/dh 1. Dhul korreeya hoobadka ah. 2. Daan (webi). 3. Garabka intiisa kore; qarqar. deg² f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1. (f.g) Meel rug ah dhigasho (cid). 2. (f.g) Wax duulayey fariisasho. 3. (fg.) Xabbad turub ah bad dhigid. 4. (f.mg) Wax, biyo hoos ugu shiidid. 5. (f.mg) Dhul, webi iwm heerkooda hoos uga dhicid. 6. (f.mg) Wax isku qasan kala miirmid. 7. (f.mg) Wax kacsan xasilid. 8. (f.mg) La d.: cid khasaaro badid. 9. (f.mg) Ku d.: cid marti u noqosho. degaamee f.g2 (-meeyay, -meysay) Meel degaan ka dhigid. ld deegaamee, deegaami, degaami. degaameyn m.f.dh eeg degaamee. ld deegaameyn, deegaamin, degaamin. degaami f.g2 (-iyay, -isay) ld degaamee. degaamin m.dh ld degaameyn. degaan m.l (-nno, m.dh) Meel la deggan yahay. ld deegaan¹ (2). degaan habboon m.l (baay.) Kaalinta uu noole ka qaato deegaankiisa. D.ka h. ee noole waxa lagu qeexi karaa cuntooyinka kala duwan ee uu quuto, kuwa isaga ugaadhsada, sida uu heerkulka ugu adkaysto iwm. degaandeg m.l (-gyo, m.dh) Inta u dhexeysa dusha meel sare ilaa halka ay ka simantahay. degaansho m.dh Xaalad deggan. degad m.l ld degasho. degadduub m.l Suuman yaryar oo kabaha sandalka ah lagu qurxiyo. degalbaaris m.dh (taar.) Barashada taariikheed iyo dhaqan ee mujtamacyadii hore, adigoo eegaya dhismooyinkii ay ka tageen, xabaalihii, qalabkoodii iwm. degasho m.f.dh eeg dego. ld degad. degdeg¹ m.l 1. Dhaqsiyaha wax lagu qabto. 2. D. ah: wax si kedis ah u yimaada. ld deddeg¹, deddegsiinyo, degdegsiinyo. degdeg² f.mg1 (-gay, -gtay) Si dhaqsiya ah wax u qabasho. ld deddeg². degdegid m.f.dh eeg degdeg². ld deddegid. degdegsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax degdegaaya ahaansho. ld deddegsan. degdegsanaan m.f.dh eeg degdegsan. ld deddegsanaan, deddegsanaansho, dedgegsanaansho. degdegsanaansho m.l/dh ld degdegsanaan. degdegsiinyo m.l ld degdeg¹. degdeji f.g2 (-iyay, -isay) Wax si dhaqso ah u samayn. ld deddeji. degdejin m.f.dh eeg degdeji. ld deddejin, deddejis, degdejis. degdejis m.l ld degdejin. degeb m.l ld dogob. degel m.l (-llo, m.dh) 1. Saalada xerada ariga ama lo’da ku kabbisanta. 2. Meel muddo badan la degganaa. degeltir f.g1 (-ray, -rtay) Wax ciribtirid. degeltirid m.f.dh eeg degeltir. deggan f.g/mg4 (-naa, -nayd) 1. (f.g) Wax meel rug ka dhigtay ahaansho (cid). 2. (f.mg) Wax xasillan ahaansho. 3. (f.mg) Wax kudid raba ahaansho (sac). dembidhaaf¹ 199 degganaan m.f.dh eeg deggan. ld degganaansho. degganaansho m.l/dh eeg degganow. ld degganaan. degganow f.g3 (-naaday, -naatay) Wax meel rug ka dhigtay noqosho (cid). degid m.f.dh eeg deg². ld degis, degitaan. degis m.dh ld degid. degitaan m.l 1. Rug ka dhigashada meel rug laga dhigto. 2. Fariisashada wax duulayey fariisto. 3. Shiididda biyo hoos loo shiido. 4. Hoos u dhicidda dhul, webi iwm hoos heerkoodii uga dhacaan. 5. Kala miirmidda wax qasnaa kala miirmaan. ld degid. degmo m.dh (-ooyin, m.l) 1. Beel. 2. Qaybaha gobod u qaybsamo middood. 3. ld degsiimo. Meel la degganyahay. dego f.mg3 (-gtay, -gatay) 1. Shax, turub, iwm bad dhigasho. 2. Ku d.: cid marti u noqosho. ld deg² (3,9) degsaar m.l D. ah: wax garabka lagu qaadi karo. degsan f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Xamuul wax dhulka la dhigay ahaansho. 2. Qorshe, nidaam iwm wax la dhammaystiray ahaansho. degsanaan m.dh eeg degsan. ld degsanaansho. degsanaansho m.l/dh ld degsanaan. degsasho m.f.dh eeg degso. degsiimo m.dh Meel la degganyahay. ld degmo (3). degso f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax meel kore saaran hoos uga qaadasho. 2. Sharci, xeer, iwm samaysasho. 3. Cunno meel ku jirta mid kale kaga ridasho. deji f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel kore ka qaadid oo hoos keenid. 2. Badda dhexdeeda ku qarqin (doon iwm). 3. Qof kacsan xasilin. 4. Nafley meel degaan uga dhigid. 5. Sharci, xeer, iwm samayn. 6. Soo d.: badeeco dal soo gelin; soo waaridid. 7. Xisaabo wadartooda isugey dejin m.f.dh eeg deji. ld dejis. dejis m.l ld dejin. deked m.dh Meel dhisan, loogu talagalay in ay maraakiibta ku soo xirato oo laga raro, waxna looga dejiyo. deldel¹ m.l ld dÄ…ldalid. deldel² f.g1 (-elay, -eshay) ld dÄ…ldal². deldelaad m.dh ld dÄ…ldalid. deldelan f.mg4 (-naa, -nayd) ld dÄ…ldalan. deldelid m.dh ld dÄ…ldalid. deldelnaan m.dh ld dÄ…ldalnaan. deldelnaansho m.l/dh ld dÄ…ldalnaan. deleb m.l Cayaar tammaanka u eg oo qoryo qalbacyo ah oo yaryar oo afar ah lagu cayaaro. deli m.l (-iyo, m.l) Meel laga dhaco oo hoobad ah; dalow. delidhac¹ m.l 1. Jar ka dhac. 2. ld delidhacid. delidhac² f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Ka dhicid meel deli ah. delidhicid m.f.dh eeg delidhac². ld delidhac¹ (2). delleg f.g1 (-lgay, -legtay) Qof dhaandhaan ka dhigid. dellegan f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax la dellegay ahaansho. dellegid m.f.dh eeg delleg. dellegnaan m.f.dh eeg dellegan. ld dellegnaansho. dellegnaansho m.l/dh ld dellegnaan. delo m.dh (bot.) Geed cawska lagu tiriyo oo leh laamo dhaadheer, oo xubno leh oo sida dhuumaha dhexda ka daloola, waxyaalo badanna laga sameeyo, oo ka baxa agagaarka webiga. delta m.dh (juqr.) Dhul webi afkiisa ah oo u eg marawaxad, oo uu webigu dhigay wixii adke ahaa ee uu sidey oo aanay wada qaadi karin mowjaduhu. D.ha webiga Nayl waxaa loo yaqaan bad ujeediye dhabar-galloocan; deltaha Misisibina lug-faro-shimbireed. deltooyd m.l.u (-dyo, m.dh) Muruq weyn oo qaab saddex gees leh oo daboola isgoyska garabka. Wuxuu kor u qaadaa gacanta oo ka fogeeyaa jirka intiisa kale. dembaab¹ m.l Dembi. ld dambaab¹, denbaab¹. dembaab² f.mg1 (-bay, -btay) Dambi falid. ld dambaab², denbaab². dembaabi f.g2 (-iyay, -isay) Qof dembi gelin. ld dambaabi, dambaabsii, dambaaji, dembaabsii dembaabid m.f.dh eeg dembaab². ld dambaabid, denbaabid. dembaabin m.f.dh eeg dembaabi. ld dambaabin, dambaabis, dambaabsiin, dambaajin, demb dembaabsii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld dembaabi. dembaabsiin m.dh ld dembaabin. dembaaji f.g2 (-iyay, -isay) ld dembaabi. dembaajin m.dh ld dembaabin. dembi m.l (-iyo, m.dh) 1. Wax kasta oo la sameeyo oo diinta khilaafsan. 2. Wax kasta oo dhaqan ama qaanuun ku xadgudbaaya. ld dambi. dembidhaaf¹ m.l Cafinta uu Ilaah cafiyo qof dembi galay. ld dembidhaafid. dembidhaaf² 200 dembidhaaf² f.mg1 (-fay, -ftay) U d.: qof dembi ka cafiyid (Ilaah). dembidhaafid m.f.dh eeg dembidhaaf². ld dambidhaaf¹, dambidhaafid, dembidhaaf¹. dembiilannimo m.dh Dembille ahaansho. ld dambilannimo. dembiile m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dambi falay. ld dambiile. dembitir¹ m.l Baabi’inta raadka dembi la galay. ld dembitirid. dembitir² f.g1 (-ray, -rtay) Dembi raadkiisa baabi’in. ld dambitir². dembitirid m.f.dh eeg dembitir². ld dambitir¹, dambitirid, dembitirid. dementiya m.l (daaw.) Xaalad cudur oo joogto ah ama muddo dheer socota oo ay maskaxda gabto hawsheeda. Astaamo: xasuus xumo, isbeddel shakhsiyaded, fakar xumo iyo habow, istix geli la’aan. demi f.g2 (-iyay, -isay) ld dami. demid m.dh ld damid. demin m.dh ld damin. demis m.l ld demin. demokaraati m.l D. ah.: qof aaminsan ama ku dhaqma mabda’a demokaraatiyada. demokarasiya m.dh Talis dawleed oo ku dhisan xukun uu dadweynuhu maamulo. ld demokarasiyad. demokarasiyad m.dh ld demokarasiya. den f.mg1 (-emey, -entey) ld dÄ…n. denbaab¹ m.l ld dembaab¹. denbaab² f.g1 (-bay, -btay) ld dembaab². denbaabid m.dh ld dembaabid. deni m.l ld dani¹. densan f.mg4 (-naa, -nayd) ld dansan. densanaan m.dh ld dansanaan. densanaansho m.l/dh ld dansanaan. derbi m.l (-iyo, m.dh) ld darbi¹. derder¹ m.l ld dardarid. derder² f.g1 (-ray, -rtay) ld dardar³. derderan¹ f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) ld dardaran¹. derderan² f.mg4 (-rnaa, -rnayd) ld dardaran². derderid m.dh ld dardarid. derdermid m.dh ld dardarmid. derdernaan m.dh ld dardarnaan. derdernaansho m.l/dh ld dardarnaan. dereb m.l Dhul ciiddiisu isugu jirto ciid madow iyo ciid cad oo daaqa iyo beerashada ku wanaagsan. dereg m.l Daryeel. derejee f.g2 (-jeeyay, -jeysay) ld darajee. derejeyn m.dh ld darajayn. derejo m.dh ld darajo. derged m.dh Dhisme ka samaysan tiir adag iyo qoryo dusha ciid laga saaray. deri m.dh (c.nafl.) Godniinka lafdhabarka oo u furan dibedda. deridhacyayn m.f.dh eeg deridhacyee. deridhacyee f.mg2 (-yeeyay, -yaysay) 1. Qof socda tabardarro awgeed hadba dhan u liicid. 2. Qof dan la’aan u wareegid. derin m.dh ld dermo. deris¹ m.l (-syo/-rsaan, m.dh) Dad degsiimada is xiga oo isu dhaw. deris² m.l (-syo, m.dh) 1. (xis.) Mid ka mid ah dhinacyada saddexagal ee sammeeya xagal la isa siiyey. Marka laga hadlayo saddexagal qumman deris waa dhinaca u dhexeeya xagasha la isa siiyey iyo midda qumman. Marka laga hadlayo tirigonoometeri saamiga dhinaca deriska ah uu sammeeyo dhererrada dhinacyada kale waxa loo adeegsadaa in lagu qeexo fansaarada xaglaha kosayn iyo tanjanka. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees. 2. (xis.) Waxa uu sheegaa laba xaglood oo wadaaga gees iyo dhinac. 3. (xis.) Laba weji oo ka mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo geftin wadaag ah. deris³ f.g/mg1 (-rsay, -ristay; -rsi) 1. (f.g) Wax barashadooda ka baaraan degid. 2. (f.mg) Cid jaar la noqosho. deriskunnool¹ m.dh 1. Noole yaryar oo ku dul nool noole kale. 2. Qof ma shaqaysta ah oo cid kale ku dul nool. ld deriskunnoole. deriskunnool² m.l (-layaal, m.l/dh) (c.nafl.) Noole kasta oo ku dul nool noole kale. Deris ku noolka nooloshiisa oo dhan ama qaar ka mid ah ku noolaada noole kale, wuxu ka helaa cunno iyo degaan xagga lagu noolaha, wax tarna kuma darsado. Deris ku noolayasha qarkood waxay keenaan cuncun waxayna dhex galaan hawlqabadka jirka; qar kale waxay baabi’iyaan soohyada lagu noolaha, waxayna ku sii daayaan sun jirka dhexdiisa; sidaas ayey caafimaadka wax ugu dhimaan cudurna u keenaan. deriskunnoole m.l (-layaal, m.l/dh) ld deriskunnool¹. derisnimo m.dh Deris ahaansho. dermad m.dh Gees lo’aad inta la kululeeyey la soo laabay oo diillimo bati ah (macdan) lagu shaqlay oo dhallinta shirta ciyaarta cududda bidix ku xirtaan, balaayo xijaab ah. dermo m.dh (-ooyin, m.l) Gogol laga sameeyay caw, caws, mayro iwm. ld derin. derrin m.dh (-imo, m.dh) ld durrin. dersi m.l (duruus, m.dh) Cashar. dhaabasho 201 dersid m.f.dh eeg deris². dersin m.l ld darsin. desibel m.l (-llo, m.dh) (fiis.) Halbeeg loo isticmaalo isbarbardhigga labo heer awoodeed, badanaa waxa loo adeegsadaa jabaqda ama sinyaale danabeedka. In kasta oo desibelku yahay (1/10 = 10 -1) ee halbeegga bel, haddana waxa badanaa la adeegsadaa desibel. dewer¹ m.l ld dawarid. dewer² f.g/mg1 (-ray, -rtay) ld dawar². deweri f.g2 (-iyay, -isay) ld dawari. dewerid m.dh ld dawarid. dewerin m.dh ld dawarin. dewersad m.l ld dawarsasho. dewersasho m.dh ld dawarsasho. dewersi m.l ld dawarsasho. dewerso f.g/mg3 (-saday, -satay) ld dawarso. deyd m.l (-dad, m.l) Dhis wareegsan oo aqallada iwm lagu wareejiyo ama horay looga yeelo. ld deyr. deyid m.f.dh eeg day. ld dayid. deyl m.dh Midab madow oo ku dherersan macasha ilaa sakaarka idaha. deylan f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Neef ido ah wax deyl leh ahaansho. deylnaan m.f.dh eeg deylan. ld deylnaansho. deylnaansho m.l/dh ld deylnaan. deylo m.dh Neef ido ah oo dheddig; lax. deylraac m.l Deyl ilaa caloosha gaarta oo iduhu yeeshaan. deyman f.mg1 (-ynmay, -ymantay; -ynmi) Wax deyn qaba noqosho (qof). deymbax¹ m.l Qof amaah lagu lahaa iska bixinta. ld deymbixid. deymbax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Deyn lagu lahaa iska gudid (qof). deymbixid m.f.dh eeg deymbax². ld deymbax¹. deymbixin m.dh Darka deynta laga qaato ee bankiga. deymi f.g2 (-iyay, -isay) Qof lacag iwm amaahin. ld deyni. deymin m.f.dh eeg deymi. ld deymis, deynin. deymis m.l ld deymin. deymoobid m.f.dh eeg deymow. ld deynoobid. deymow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax deyn galay noqosho. ld deynow. deyn¹ m.l (-no, m.l) 1. Lacag iwm oo lays amaahsho. 2. Haadaan; jar. deyn² m.f.dh eeg daa. ld dayn. deynhilato m.dh Shimbiro yaryar oo aan guryaha ka ag dhaqaaqin oo gurubsata wixii ka daata badarka la tumayo. deyni f.g2 (-iyay, -isay) ld deymi. deynin m.dh ld deymin. deynle m.l (-layaal, m.l/dh) Qof, qof kale deyn ku leh. ld deynlow. deynlow m.l ld deynle. deynmid m.f.dh eeg deyman. deynoobid m.dh ld deymoobid. deynow f.mg1 (-noobay, -noowday; -noobi) ld deymow. deynqabe m.l (-bayaal, m.l/dh) Qof deyn lagu leeyahay. deynsad m.l ld deynsasho. deynsasho m.f.dh eeg deynso. ld deynsad. deynso f.mg3 (-saday, -satay) Lacag iwm cid ka amaahasho. deyr m.l ld deyd. deyraan m.l Dabaysha, firada, heerka iwm oo ka soo hormara roob di’i raba. deyradhaaf m.l (-fyo, m.dh) Bartamaha xilliga diraacda oo ah waqti aad u dhaxan badan. deys m.l (-sas, m.l) 1. D. ah: faras dibad joognimo ku barbaaray oo aan la laylin. 2. D. ah: qof iskorisnimo ku barbaaray oo akhlaaq xun. deysasho m.f.dh eeg deyso. deyso f.g3 (-stay, -satay) 1. Wax bixintooda diyaar loo ahaa cashasho. 2. D. ah: timo jarriin ka dhaafid. dhaab¹ m.dh (-bab, m.l) 1. Qori, bir iwm oo dhul xoog ugu mudan si uu u xajiyo dhismo iwm. 2. Daloolada xanjada ka sameysan ee shinnidu malabka ku keydsato; kabar. dhaab² f.g1 (-bay, -btay) Qof, bir, iwm dhulka xoog ugu mudid si uu u xajiyo dhismo iwm. dhaabad m.dh 1. Ballan. 2. Tix yar oo maanso iwm dhextaal u ah. dhaabadee f.g2 (-deeyay, -deysay) Maanso iyo wax la mid ah dhaabad u yeelid. dhaabadeyn m.f.dh eeg dhaabadee. ld dhaabadays. dhaabadeys m.l ld dhaabadeyn. dhaabadeysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhaabad loo yeelay ahaansho (arrin). dhaabadeysnaan m.f.dh eeg dhaabadeysan. ld dhaabadeysnaansho. dhaabadeysnaansho m.l/dh ld dhaabadeysnaan. dhaabalo m.dh 1. Qallaco awrta qooqani isu geysato kolkay dagaallamayaan; qaniinyo. 2. Gubaabo. dhaaban¹ f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax meel lagu dhaabay noqosho. dhaaban² f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax meel lagu dhaabay ahaansho. dhaabasho m.f.dh eeg dhaabo. dhaabdhaab 202 dhaabdhaab f.g1 (-bay, -btay) Wax, wax kale xoog ugu mudid. dhaabdhaabid m.f.dh eeg dhaabdhaab dhaabid m.f.dh eeg dhaab². dhaabmid m.f.dh eeg dhaaban¹. dhaabnaan m.f.dh eeg dhaaban². ld dhaabnaansho. dhaabnaansho m.l/dh ld dhaabnaan. dhaabo f.mg3 (-btay, -batay) Wax meel ku mudasho. dhaaclayn m.f.dh eeg dhaaclee. ld dhaalcayn, dhaclayn. dhaaclaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Xarig wax la dhacleeyay ahaansho. ld dhaalcaysan, dhaclaysan. dhaaclaysnaan m.f.dh eeg dhaaclaysan. ld dhaaclaysnaansho, dhaalcaysnaan, dhaalcaysnaansho, dhaaclaysnaansho m.l/dh ld dhaaclaysnaan. dhaacle m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Xarig dhuuban, afar dhudood ah, labada dacal bul ku leh, ka samaysan dun qurxoon oo gabdhaha dhexda ku xirtaan. 2. Suun ballaaran, bulal lagu qurxiyey oo fardaha qoorta loogu xiro. 3. Hab quruxsan, oo xarkaha afar dhudoodka ah loo sameeyo. ld dhaalce, dhacle. dhaaclee f.g2 (-leeyay, -laysay) Xarig hab quruxsan oo afar dhudood ah u samayn. ld dhaalcee, dhaclee. dhaad¹ m.l (-dad, m.l) Meesha kubku u yaryahay ee canqawga ka sarraysa. dhaad² f.g1 (-day, -dday) 1. Neef qoob ka xirid si aanu u cararin. 2. Dheri, xeero, burjiko iwm tolid. 3. Wax fahmid ama garasho (cid). ld dhaag. dhaadan f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Wax qoobka laga xiray ahaansho (neef). 2. Wax la tolay ahaansho (dheri, xeero, burjiko iwm). dhaadasho m.f.dh eeg dhaado. dhaaddan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax ladnaani ka muuqato ahaansho (nafley). dhaaddanaan m.f.dh eeg dhaaddan. ld dhaaddanaansho. dhaaddanaansho m.l/dh eeg dhaaddanow. ld dhaaddanaan. dhaaddanow f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax dhaaddan noqosho (nafley). dhaaddi m.dh Dhedo. dhaaddin m.dh (-imo, m.l) Summad geela lagu dhigo oo ah xarriiq goobaaban oo dadban oo tagoogta lagu dhigo. dhaaddisaar m.l.kh Dh. ah: neef markii uu dhalay rimay. dhaadhac¹ m.l 1. Lacag aan la xoogsan oo qofka siyaaba dadban ku soo gasha. 2. ld dhaadhicid. 3. ld dhacdhac¹. dhaadhac² f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Meel hoose u degid. dhaadhici f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Cid hoos u dejin. 2. (f.mg) Ka dh.: arrin si fiican u fahamsiin. dhaadhicid m.f.dh eeg dhaadhac². ld dhaadhac¹ (2). dhaadhicin m.f.dh eeg dhaadhici. ld dhaadhicis. dhaadhicis m.l ld dhaadhicin. dhaadi f.lg2 (-iyay, -isay) Qof wax u muujin. dhaadid m.f.dh eeg dhaad². ld dhaadis, dhaagid. dhÄ…adid m.dh ld dhÄ…agid. dhaadin m.f.dh eeg dhaadi. dhaadis m.dh ld dhaadid. dhaadnaan m.f.dh eeg dhaadan. ld dhaadnaansho. dhaadnaansho m.l/dh ld dhaadnaan. dhaado f.g/mg3 (-aatay, -aadatay) 1. (f.g) Dhaad ka xirasho (neef). 2. (f.g) Gabar doonid. 3. (f.mg) Ku dh.: cid si kalsooni ah isugu hallayn. dhaaf f.g/mg1 (-fay, -ftay) 1. (f.g) Meel ama wax weydaarasho ama gudbid. 2. (f.g) Wax faraha ka qaadid; deyn. 3. (f.mg) Ku dh.: wax sida ay yihiin u deyn. 4. (f.mg) Ku dh.: cid wax ammaano ahaan ugu dhiibasho. dhaafdhaaf f.mg1 (-fay -ftay) U dh.: hor iyo gadaal u socosho. dhaafdhaafi f.lg2 (-iyay, -isay) 1. Is dh.: wax si aan nidaamsanayn u dhigid; wax isweydaarin. 2. Is dh.: wax isku dhafid. dhaafdhaafid m.f.dh eeg dhaafdhaaf. dhaafdhaafin m.f.dh eeg dhaafdhaafi. dhaafdhaafsan f.mg4 (-naa, -nayd) Is dh.: wax la dhaafdhaafiyay ahaansho. dhaafdhaafsanaan m.f.dh eeg dhaafdhaafsan. ld dhaafdhaafsanaansho. dhaafdhaafsanaansho m.l/dh ld dhaafdhaafsanaan. dhaafi f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax meel ka gudbin. 2. (f.g) Wax, wax kale oo taagan ama ay isku dhinac u socdaan ka hormarin. 3. (f.g) Iyadoo sixir la adeegsanayo cid jirradeeda cid kale ku wareejin. 4. (f.g) Cid maaweelo waqti kaga lumin. 5. (f.mg) U dh.: cid wax, wax kale ugu beddelid. dhaafid m.f.dh eeg dhaaf. dhaafin m.f.dh eeg dhaafi. ld dhaafis. dhaafis m.l ld dhaafin. dhaari¹ 203 dhaafiye m.l (-yayaal, m.l/dh) Warqad sharciyaysan oo hal dal mar lagu geli karo lagagana soo noqon karo. dhaafsad m.l ld dhaafsasho. dhaafsan f.g4 (-naa, -nayd) 1. Meel, wax meel kale ka shisheeya ahaansho. 2. Is dh.: qof dhuglaawe ah ama maahsan ahaansho. dhaafsanaan m.f.dh eeg dhaafsan. ld dhaafsaanaansho. dhaafsanaansho m.l/dh ld dhaafsanaan. dhaafsasho m.f.dh eeg dhaafo. ld dhaafsad, dhaafsi. dhaafsi m.l ld dhaafsasho. dhaafsii f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax meel ka gudbin. dhaafsiin m.f.dh eeg dhaafsii. ld dhaafsiis. dhaafsiis m.l ld dhaafsiin. dhaafsiisan f.g4 (-snaa, -snayd) Meel, wax meel kale ka shisheeya ahaansho. dhaafsiisnaan m.f.dh eeg dhaafsiisan. ld dhaafsiisnaansho. dhaafsiisnaansho m.l/dh ld dhaafsiisnaan. dhaafso f.lg3 (-saday, -satay) Wax, wax kale ku beddelasho. dhaag f.g1 (-gay, -gtay) ld dhaad². dhaagid m.dh ld dhaadid. dhÄ…agid m.dh Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac shan dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld dhÄ…adid. dhaaji f.g2 (-iyay, -isay) Iyadoo lagu xumaynayo qof wuxuu yiri ama sameeyay ka daba sameyn. dhaajin m.f.dh eeg dhaaji. dhaal m.l (-lal, m.l) 1. Dheri yar oo dhoobo ah. 2. Dhuun buuriga lagu nuugo. 3. Dhul bannaan oo biyo fariisin ah. dhaalali f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax dhalaalaya ka dhigid. 2. Adke ka dhigid. dhaalcayn m.dh ld dhaaclayn. dhaalcaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) ld dhaaclaysan. dhaalcaysnaan m.dh ld dhaaclaysnaan. dhaalcaysnaansho m.l/dh ld dhaaclaysnaan. dhaalce m.l (-cayaal, m.l/dh) ld dhaacle. dhaalcee f.g2 (-leeyay, -leysay) ld dhaaclee. dhaali m.l Dheri yar oo dhoobo ka samaysan oo wax lagu karsado bunkana lagu dubto. dhaaman f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Dhar iwm wax la dhaamay ahaansho. dhaameel m.l.u Abqo. dhaameelsasho m.f.dh eeg dhaameelso. dhaameelso f.mg3 (-saday, -satay) Dhaameel gurasho. dhaami f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. Ceel biyo ka doonid. 2. Weel buuxin. dhaamid m.f.dh eeg dhaan². dhaamin m.f.dh eeg dhaami. ld dhaamis. dhaamis m.l ld dhaamin. dhaamnaan m.f.dh eeg dhaaman. ld dhaamnaansho. dhaamnaansho m.l/dh ld dhaamnaan. dhaan¹ m.l (-aaman, m.l) 1. Doonidda iyo keenidda biyo meel fog laga doono. 2. Gaadiid weel biyo ku jiraan ama lagu doonayo saaranyahay. dhaan² f.g/mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. (f.g) Wax wasakh marin. 2. (f.mg) Wax, wax kale ka fiican ahaansho. 3. Ku dh.: wax, wax kale ku beddelasho. dhaandabaggaale m.l Dhaldhalaal biyo la moodo oo samaysma marka milicda kulul ee qorraxdu ku dhacdo meel yara durugsan; wirwir. dhaandhaami f.g2 (-iyay, -isay) Qof, dhaandhaan ka dhigid. dhaandhaamid m.f.dh eeg dhaandhaan². dhaandhaamin m.f.dh eeg dhaandhaami. ld dhaandhaamis. dhaandhaamis m.l ld dhaandhaamin. dhaandhaan¹ m.l Qof aad u garaad yar oo maskaxda wax uga dhimmanyihiin. dhaandhaan² f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Qof aad u garaad yar oo maskaxda wax uga dhimmanyihiin noqosho. dhaansad m.l ld dhaansasho. dhaansan f.mg4 (-naa, -nayd) Weel wax buuxa ahaansho. dhaansanaan m.f.dh eeg dhaansan. ld dhaansanaansho. dhaansanaansho m.l/dh ld dhaansanaan. dhaansasho m.f.dh eeg dhaanso. ld dhaansad, dhaansi. dhaansi m.l ld dhaansasho. dhaanso f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Weel buuxsasho. 2. (f.mg) Gaadiid biyo meel fog uga doonasho. dhaantayn m.f.dh eeg dhaantee. dhaantee f.mg2 (-teeyay, -taysay) Dhaanto cayaarid. dhaanto m.dh Nooc cayaaraha dhaqanka ka mid ah oo leh jaan, sacab iyo or. dhaar m.dh Caddayn magaca Eebbe lagu adkeynayo in wax laga run sheegayo. dhaaraan m.l (-nno, m.dh) Maro yar, aan cusbayn oo la xirto inta hawl la hayo. dhaarasho m.f.dh eeg dhaaro. dhaari¹ m.l/dh Erey ereyada lammane ah lagu isticmaalo oo tilmaama “qof wax khabiir ku ah”, sida: fardadh.: fardafuulyahan. dhaari² 204 dhaari² f.g1/2 (-ryay, -riday/-risay; -ryi) Naas caanihii laga idlaystay nuugid. dhaari³ f.g2 (-iyay, -isay) Qof dhaar marin. dhaarin m.dh eeg dhaari³. ld dhaaryid. dhaaro f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku dh.: dhaar marid. dhaarsad m.l ld dhaarasho. dhaarsan f.mg4 (-naa, -nayd) Qof, wax dhaartay ahaansho. dhaarsanaan m.f.dh eeg dhaarsan. ld dhaarsanaansho. dhaarsanaansho m.l/dh ld dhaarsanaan. dhaarsasho m.f.dh eeg dhaarso. ld dhaarsad. dhaarshil m.l Dheef yar oo aan waxtar weyn lahayn oo lagu eedoobo. dhaarso f.g3 (-saday, -satay) Qof dhaar marsasho. dhaaryid m.f.dh eeg dhaari². ld dhaarin. dhaashad m.f.l eeg dhaasho. ld dhaashi. dhaashi m.l 1. Dufan ama labeen udug leh oo oogada la marsado. 2. ld dhaashasho. dhaasho f.g3 (-shaday, -shatay) Dhaashi marcasho. dhaaw¹ m.l 1. Habaar; Inkaar. 2. Daaweynta Jin, dabayl iwm cid laga daweeyo. 3. ld dhaawid. ld dhaw¹. dhaaw² f.g1 (-way, -wday) 1. Cid habaarid. 2. Cid Jin, dabayl iwm ka daaweyn. 3. ld dhaw². dhaawac¹ m.l (-cyo, m.dh) Nabar xanuun leh oo oogada ku dhaca. dhaawac² m.l (-cyo, m.dh) (daaw.) Kala go’a qaab dhiska xubin ama sooh oo ay keento dhibaato dibedda ugu timid. dhaawac³ f.g1 (-cay, -cday; -wici) Nafley nabar xanuun leh gaarsiin. dhaawacan¹ f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) Wax dhaawac gaarey noqosho. dhaawacan² f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax dhaawac gaarey ahaansho. dhaawacmid m.f.dh eeg dhaawacan¹. dhaawacnaan m.f.dh eeg dhaawacan². ld dhaawacnaansho. dhaawacnaansho m.l/dh ld dhaawacnaan. dhaawan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dhaaway ahaansho. ld dhawan. dhaawanaan m.f.dh eeg dhaawan. ld dhaawanaansho, dhawanaan, dhawanaansho. dhaawanaansho m.l/dh ld dhaawanaan. dhaawasho m.f.dh eeg dhaawo. ld dhawasho. dhaawicid m.f.dh eeg dhaawac². dhaawid m.f.dh eeg dhaaw². ld dhaaw¹, dhaawis, dhaw¹, dhawid, dhawis. dhaawis m.dh ld dhaawid. dhaawo f.g3 (-wday, -watay) 1. Cid in dhibaato ku dhacdo u Alla tuugid. 2. Cid Jin, dabayl iwm ka dabiibasho. ld dhawo. dhaaxa fk. Inta badan, marar, badan, badanaa, aalaa. Tus. “Dh. buu ku sugay”. ld dhaaxaa. dhaaxaa fk. ld dhaaxa. dhaay m.l ld dhay². dhaayatiix m.l Dh. ah: wax aad u qurxoon. dhaayin m.l Caws qoyan ku sii dambeeyo. dhaayo m.l Xubnaha aragga; indhaha. dhab m.dh 1. Wax run ah oo kaftan iyo ciyaar ahayn; xaqiiq. 2. Xuddunta iyo lowyaha inta u dhexeysa (dad). dhabaabacayn m.f.dh eeg dhabaabacee. ld dhabaabacays, dhabaabaco. dhabaabacays m.l ld dhabaabacayn. dhabaabacee f.mg2 (-ceeyay, -caysay) Hab dhabaabaco ah u ordid (geel). dhabaabaco m.dh Hab geelu u ordo oo afarta addinba mar qaado. ld dhabaabacayn. dhabaalayn m.f.dh eeg dhabaalee. ld dhabaalo. dhabaalee f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Dhabaale ku dhufasho. 2. Gubaabin. dhabaalo m.dh ld dhabaalayn. dhabaalyee f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Nafley canaanasho. dhabaalyeyn m.f.dh eeg dhabaalyee. ld dhabaalyo. dhabaalyo m.dh ld dhabaalyeyn. dhabaandhaw¹ m.l 1. Si aayar ah oo gacanta loogu garaaco carruurta marka la seexinayo. 2. Hadal guubaabo ah oo si is daba joog ah cid loogu yiraahdo. ld dhabaandhebid. dhabaandhaw² f.g1 (-dhebay, -dhawday; – dhebi) 1. Ilmo la seexinayo, si tartiib ah oo aan kala go’ lahayn gacanta ugu garaacid. 2. Haldal guubaabo ah oo si is daba joog ah cid loogu yiraashdo. dhabaandhebid m.f.dh eeg dhabaandhaw². ld dhabaandhaw¹. dhabab¹ m.l ld dhababid. dhabab² f.g1 (-bay, -btay) Meel duleesha awdid. dhababan f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Meel duleesha wax la dhababay ahaansho. dhababid m.f.dh eeg dhabab². ld dhabab¹. dhababnaan m.f.dh eeg dhababan. ld dhababnaansho. dhababnaansho m.l/dh ld dhababnaan. dhabad m.l ld dhabasho. dhaban¹ m.l (-nno, m.dh) Wejiga labadiisa dhinac midkood. dhaban² m.dh (xis.) Tiro laba u qaybsanta. dhaban³ f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la dhabay ahaansho. dhabbacan 205 dhabankoolis m.l Geed yar oo buruq kulucsan leh. dhabannaanayn m.f.dh eeg dhabannaanee. dhabannaanee f.g2 (-neeyay, -neysay) Qof dharbaaxo dhabnaha kala dhicid. dhabannaano m.dh (-ooyin, m.l) Si xoog leh oo cid sacab fidsan dhabanka looga dhufto. dhabannacaso m.dh Miro digireed oo aan weli bislaan. dhabannahayn m.dh Fikir iyo walaac oo sacabka dhabanka lagu qabto. ld dhabannahays. dhabannahays m.l ld dhabannahayn. dhabaq¹ m.l 1. Sacab, durbaan iwm oo ciyaar, hees iwm loo tumay oo aan laysla helin. 2. Dhiin yar, baaldacarka fiiddiisa ku samaysma, sida malabka u macaan oo la cuno. dhabaq² f.mg1 (-bqay, -baqday; -bqi) Sacab, durbaan iwm oo hees, ciyaar iwm loo tumayo isla heli waayid. dhabaqsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dhabqiyey ahaansho. dhabaqsanaan m.f.dh eeg dhabaqsan. ld dhabaqsanaansho. dhabaqsanaansho m.l/dh ld dhabaqsanaan. dhabaqsasho m.f.dh eeg dhabaqso. dhabaqso f.g3 (-saday, -satay) Wax macaan cunid. dhabaqtir¹ m.l ld dhabaqtirid. dhabaqtir² f.g1 (-ray, -rtay) Wax dhabaqsan dhabaqa ka saarid. dhabaqtiran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la dhabaqtiray ahaansho. dhabaqtirid m.f.dh eeg dhabaqtir². ld dhabaqtir¹. dhabaqtirnaan m.f.dh eeg dhabaqtiran. ld dhabaqtirnaansho. dhabaqtirnaansho m.l/dh ld dhabaqtirnaan. dhabar m.l (-rro, m.dh) Oogada nafleyda, inta ka bilaabata surka salkiisa ilaa meesha lafdhabartu ku dhammaato; dul. dhabar-adag f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Qof hawsha adkaysi u leh ahaansho. dhabar-adayg m.l Adkaysi loo yeesho hawl. ld dhabar-adkaan. dhabar-adkaan m.f.dh eeg dhabaradag. ld dhabar-adayg, dhabar-adkaansho. dhabar-adkaansho m.l/dh ld dhabar-adkaan. dhabar-daaco m.dh Godnaanta dhabarku ku yeesho dusha sare. dhabar-garaac¹ m.l Xoog kula bixidda gabar la guursanayo. ld duud-garaac¹. dhabar-garaac² f.g1 (-cay, -cday) Gabar la guursanayo xoog kula bixid. ld duudgaraac². dhabar-garaacasho m.f.dh eeg dhabar-garaaco. ld duud-garaacasho. dhabar-garaacid m.f.dh eeg dhabar-garaac². ld duud-garaacid. dhabar-garaaco f.g3 (-cday, -catay) Gabar la guursanayo xoog kula bixid. ld duudgaraaco. dhabarjab¹ m.l 1. Dh. ah: hawl culus oo lagu daalo. 2. Dh. ah: arrin aan lagu guulaysan. 3. ld dhabarjabid. dhabarjab² f.mg1 (-bay, -btay) Ku dh.: hawl culus ku daalid. dhabarjabid m.f.dh eeg dhabarjab². ld dhabarjab¹ (3). dhabarjebi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof hawl dhib badan ku qabasho. 2. Gadaal ka soo wareerid (cadaw iwm). dhabarjebin¹ m.l Heerka bislaanshaha miraha ee gahayrnimada ka dambeeya. dhabarjebin² m.f.dh eeg dhabarjebi. ld dhabarjebis. dhabarjebis m.l ld dhabarjebin². dhabarjebshe m.l Cudur xanuun leh oo ku dhaca dhabarka nafleyda. dhabarjeedi f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Cararid. 2. Cid wax u diidid. dhabarjeedin m.f.dh eeg dhabarjeedi. ld dhabarjeedis. dhabarjeedis m.l ld dhabarjeedin. dhabarxanuun m.l Xanuun dhabarka ku dhaca. dhabas¹ m.l Koore duug ah. dhabas² m.l (-syo, m.dh) Wadaan aad u dhammaatay. dhabasho m.f.dh eeg dhabo. ld dhabad. dhabataysad m.l ld dhabataysasho. dhabataysasho m.f.dh eeg dhabatayso. ld dhabataysad, dhabataysi. dhabataysi m.l ld dhabataysasho. dhabatayso f.g3 (-stay, -satay) Qof qumanyaysasho. dhabato m.dh Karti isha dadku leedahay oo la rumaysanyahay inay cid wax ku yeeli karto. dhabayn m.f.dh eeg dhabee. dhabayoco m.dh.kh Dh. ah: qof saqajaan ah. dhabbabireed m.l Jidka tareenku maro. dhabbac¹ m.l 1. Si loo seexdo oo qofku caloosha dhulka dhigto. 2. ld dhabbicid. dhabbac² f.g/mg1 (-cay, -cday; -bici) Si loo seexdo oo qofku caloosha dhulka dhigid. dhabbacan f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax dhabbac u jiifa ahaansho. dhabbacasho 206 dhabbacasho m.f.dh eeg dhabbaco. ld dhambacaadsad, dhambacaadsasho, dhambacaadsi. dhabbacnaan m.f.dh eeg dhabbacan. ld dhabbacnaansho. dhabbacnaansho m.l/dh ld dhabbacnaan. dhabbaco f.g/mg3 (-cday, -catay) Dhabbac u jiifsasho (qof). ld dhambacaadso. dhabbaggacal m.l Wadiiqo yar oo isku xirta laba qoys oo deris ah. dhabbaggal¹ m.l 1. Waddada geelu ku arooro. 2. ld dhabbaggelid. dhabbaggal² f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) U dh.: arrin u kuur gelid. dhabbaggelid m.f.dh eeg dhabbaggal². ld dhabbaggal¹ (2). dhabbaqayn m.f.dh eeg dhabbaqee. dhabbaqee f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Cid gardarro kula kicid. dhabbaqo m.dh Gardarro. dhabbaqoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku dh.: gardarro ku kicid. dhabbaqood m.f.l eeg dhabbaqoo. dhabbar m.dh Bartamaha habeenka. dhabbayn m.f.dh eeg dhabbee. dhabbe m.l (-bayaal, m.l/dh) Jid ay baabuurta, xoolaha iwm maraan oo cagta lagu bixiyey. ld dhabbo. dhabbee f.mg2 (-beeyay, -baysay) 1. Waddo si joogto ah u marid. 2. Xaskul la duugay tumid. dhabbicid m.f.dh eeg dhabbac². ld dhabbac¹ (2). dhabbis¹ m.l ld dhabbisid. dhabbis² f.g/mg1 (-say, -stay) 1. Is dh.: wax hurda iska dhigid. 2. U dh.: wax u qabasho. dhabbisid m.f.dh eeg dhabbis². ld dhabbis¹. dhabbo m.l ld dhabbe. dhabcaal¹ m.l (-llo, m.dh) Nin aan hantidiisa waxba ka bixinin; bakhayl, muudal. dhabcaal² m.dh (-lo, m.l) Naag aan hantideeda wax ka bixin. ld dhabcaalad. dhabcaalad m.dh ld dhabcaal². dhabcaalnimo m.dh Dhabcaal ahaansho. dhabcaan m.dh ld dhabcan. dhabcan m.dh Xaar lo’aad oo qoyan; faanto. ld dhabcaan. dhabdarro m.dh Gardarro. dhabdarroo f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku dh.: cid dhabdarro kula kicid. dhabdarrood m.f.l eeg dhabdarroo. dhabee f.mg2 (-beeyay, -baysay) Ka dh.: wax dhab ka dhigid. dhabeel m.dh (-lo, m.l) Naag maamulka guriga aad ugu fiican; gaari. dhabeelnimo m.dh Dhabeel ahaansho. dhabeeloobid m.f.dh eeg dhabeelow. dhabeelow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhabeel noqosho. dhabgeli f.lg2 (-iyay, -isay) Isu dh.: waxyaabo meel wada gelin. dhabgelin m.f.dh eeg dhabgeli. dhabiil¹ m.dh 1. Dhaqaaleynta iyo tashiilidda hantida. 2. Quuddarraynta. ld dhabiilid. dhabiil² f.g1 (-iilay, -iishay) 1. Wax tashiilid. 2. Wax quuddarrayn. dhabiilid m.f.dh eeg dhabiil². ld dhabiil¹. dhabiiltamid m.f.dh eeg dhabiiltan². ld dhabiiltan¹. dhabiiltan¹ m.l Si dhab ah oo loo xisaabtamo. ld dhabiiltamid. dhabiiltan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Si dhab ah u xisaabtamid. dhabji f.g2 (-iyay, -isay) ld dhabqi. dhabjin m.dh ld dhabqin. dhabjis m.l ld dhabqin. dhabnaan m.f.dh eeg dhaban³. ld dhabnaansho. dhabnaansho m.l/dh ld dhabnaan. dhabo f.mg3 (-btay, -batay) Dhaqdhaqaaqid, kicid (dhabayl). dhaboobid m.f.dh eeg dhabow. dhabow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhab noqosho. dhabqalallayn m.f.dh eeg dhabqalallee. dhabqalallee f.g2 (-leeyay, -leysay) Wax dhabqalallo ku sameyn. dhabqalallo m.dh.kh Dh. ah: qof maankiisa wax u dhimmanyihiin; dhaandhaan; sacsac; sawir. dhabqi f.g2 (-iyay, -isay) Cayaar, hees iwm dhabaq gelin. ld dhabji. dhabqid m.f.dh eeg dhabaq². dhabqin m.f.dh eeg dhabqi. ld dhabjin, dhabjis, dhabqis. dhabqis m.l ld dhabqin. dhabro m.dh Cudur dhabarka xoolaha ku dhaca oo iin u yeela. dhabuulaq¹ m.l Raad dad oo isku noqnoqday. dhabuulaq² f.mg1 (-qay, -qday) Raad dad isku noqnoqasho. dhabuuliqid m.f.dh eeg dhabuulaq². dhabxanag m.l Dahaarka jilicsan ee hoos kaga dheggan qalka sare ee afka. ld dhanxalag, dhanxanag, dhanxarag. dhac¹ m.l 1. Si xoog iyo sharcidarro ah oo hanti cid kale leedahay lagu qaato. 2. Dh. ah: hanti si xoog iyo sharcidarro ah lagu soo qaatay. 3. ld dhicid.

No comments