ForasaGaadhi AWXa
dhac² f.g/mg1 (-cay, -cday; -dhici) 1. (f.g) Hanti cid kale leedahay si xoog iyo sharcidarro ah ku qaadid. 2. (f.g) La dh.: ul, karbaash, gacan iwm wax ku garaacid. 3. (f.g) Dhurwaa habeen xero xoolo ku jiraan weerarid. Tus. “Dhurwaa baa xeradii u dhacay”. 4. (f.mg) Wax meel sare ka soo dillaamid. 5. (f.mg) Ku dh.: imtixaan ku gudbi waayid. 6. (f.mg) Qorrax, dayax iwm godgelid. 7. (f.mg) Wax waqti loogu talaggalay dhammaysasho. 8. (f.mg) Dabayl xoog u socosho. 9. (f.mg) Xabbad iwm qarxasho. 10. (f.mg) Wax culus oo aan la filayn soo kordhid. 11. (f.mg) La dh.: wax si aad ah ugu bogid. 12. (f.mg) Ku dh.: wax aan laga fiirsan falid. 13. (f.mg) Ku dh.: dhar iwm lebbisasho. 14. U dh.: si dhuumasho ah wax u boobid. 15. (f.mg) Biyo aan loo miyayn cabbid (xoolo). dhacaamid m.f.dh eeg dhacaan³. ld dheecamid. dhacaan¹ m.l (-aamo, m.dh) Hoore layiig ah oo ka yimaada nabar ama dhaawac gaaray oogada noole. ld dheecaan¹. dhacaan² m.l (baay.) Hab hawleed uu qanjir dhiigga ama dhacaanka soohyada wax kala soo baxo oo kaddib u beddel kiimikaad ku sameeyo si uu u soo saaro walax lagu isticmaali karo jirka dheexdiisa ama dibedda looga saarayo. dhacaan³ f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Oogada noole nabar ama dhaawac gaaray awgeed hoore layiig ah ka imaansho. ld dheecaan². dhacaan-ganaceed m.l (-dyo, m.dh) (c.nafl.) Dhacaanka ka qayb qaata dheefshiidka oo laga sameeyo ganaca. Soo saarkeed waxa kiciya hormoonayaal laga soo daayo xiidmaha qayb ka mid ah (duwoodenam) oo ayagana ay kicisay taabasha cunnada caloosha ka soo dagtay. dhacadiid¹ m.l Si loo seexdo oo qofku dhabarka dhulka dhigo. ld dhacadiidid. dhacadiid² f.mg1 (-day, -dday) Qof dhabar u seexasho. ld dhacdiid². dhacadiidid m.f.dh eeg dacadiid². ld dhacadiid¹, dhacdiid¹, dhacdiidid. dhacadiidsad m.l ld dhacadiidsasho. dhacadiidsasho m.f.dh eeg dhacadiidso. ld dhacadiidsad, dhacadiidsi, dhacdiidsad. dhacadiidsi m.l ld dhacadiidsasho. dhacadiidso f.mg3 (-saday, -satay) Dacdiid u seexasho. ld dhacdiidso. dhacamaggal m.l.u ld dhacmaggal. dhacami f.g2 (-iyay, -isay) ld dhacmi. dhacamin m.dh ld dhacmin. dhacamis m.l ld dhacmin. dhacan¹ m.dh (-cmo, m.l) Ood weyn oo xeryaha afka laga saaro; oodafo; jiitin; oodrogo; buuxsin. dhacan² f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) La dhacay; xoolihii laga qaaday. dhacan³ f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Qof la dhacay ahaansho. dhacar m.dh 1. Cagaar soo baxa waqtiga jiilaalka ah. 2. Dhirta dhulka oomanaha ah ka baxda oo biyaha badan, oo xoolaha daaqayaan oomin. 3. Xoolaha, oo dhirta jaadkaas ah, la daajiyo. dhacarad m.l ld dhacarasho. dhacarasho m.f.dh eeg dhacaro. ld dhacarad, dhacarsad, dhacarsasho, dhacarsi. dhacarato m.dh.u Dadka xoolohooda geeya oo ku dhaqa dhulka dhacarta leh oo oomanaha ah. ld dhacarsato. dhacari f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo meel dhacar leh soofin. dhacarin m.f.dh eeg dhacari. ld dhacaris. dhacaris m.l ld dhacarin. dhacaro f.mg3 (-rtay, -ratay) Dhul oomane ah oo dhacar leh, xoolo ku hayn oo ku dhaqaalayn; dhaqar daaqid. ld dhacarso. dhacarsad m.l ld dhacarasho. dhacarsasho m.dh ld dhacarasho. dhacarsato m.dh.u ld dhacarato. dhacarsi m.l ld dhacarasho. dhacarso f.mg3 (-saday, -satay) ld dhacaro. dhacdhac¹ m.l 1. Tabaryari darteed oo lala kufkufo; liiqliiq; dalanbaabbi. 2. Hal hal u qubasho; daadad. 3. Gefaf yaryar. 4. ld dhaadhac 1 (3). 5. ld dhacdhicid. dhacdhac² f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) 1. Tabaryar darteed la kufkufasho; liiqliiqid; dalanbaabbin. 2. Dhawr mar dhicid. dhacdhicid m.f.dh eeg dhacdhac². ld dhacdhac¹ (5), dhicdhicid. dhacdiid¹ m.l ld dhacadiidid. dhacdiid² f.mg1 (-day, -dday) ld dhacadiid². dhacdiidid m.dh ld dhacadiidid. dhacdiidsad m.l ld dhacadiidsasho. dhacdiidsasho m.dh ld dhacadiidsasho. dhacdiidsi m.l ld dhacadiidsasho. dhacdiidso f.mg3 (-saday, -satay) ld dhacadiidso. dhacdo m.dh (-ooyin, m.l) Amar, arrin. dhaclayn m.dh ld dhaaclayn. dhaclaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) ld dhaaclaysan. dhaclaysnaan m.dh ld dhaaclaysnaan. dhaclaysnaansho m.l/dh ld dhaaclaysnaan. dhacle 208 dhacle m.l ld dhaacle. dhaclee f.g2 (-leeyay, -leysay) ld dhaaclee. dhacmaggal m.l.u Maqal ari oo aad u yar yar. ld dhacamaggal. dhacma-ku-dheg m.l Geesariyoodka. dhacmi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ood xaro xoolaad afka ka saarid. 2. Ood weyn, cufan, xero ku adkayn. ld dhacami. dhacmid m.f.dh eeg dhacan². dhacmin m.f.dh eeg dhacmi. ld dhacamin, dhacamis. dhacnaan m.f.dh eeg dhacan³. ld dhacnaansho. dhacnaansho m.l/dh ld dhacnaan. dhacsaal¹ m.dh Daal aad u badan. dhacsaal² f.mg1 (-aalay, -aashay) Aad u daalid. dhacsaalid m.f.dh eeg dhacsaal². dhacsad m.l ld dhacsasho. dhacsan f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Biyo iwm wax heerkay joogeen hoos uga dhacay ahaansho. 2. Daawo, fiiso, iwm wax waqtigii loogu talaggalay dhaafay ahaansho. dhacsanaan m.f.dh eeg dhacsan. ld dhacsanaansho. dhacsanaansho m.l/dh ld dhacsanaan. dhacsasho m.f.dh eeg dhacso. ld dhacsad, dhacsi. dhacsi m.l ld dhacsasho. dhacsii f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof wax fahamsiin. dhacsiin m.f.dh eeg dhacsii. ld dhacsiis. dhacsiis m.l ld dhacsiin. dhacso f.g3 (-saday, -satay) 1. Qof wax laga dhacay xoog ku soo ceshasho. 2. Nirig naas maraq ka furasho. dhad f.mg1 (-day, -dday) 1. ld dhar 2. Caleen, ubax iwm nafaqo ama biyo la’aan awgeed la duubmid. 2. Wax huur u ah noqosho (badar). dhadaambi¹ m.l ld dhadaambiyid. dhadaambi² f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Hor iyo gadaal u socosho. ld dharaambi². dhadaambiyid m.f.dh eeg dhadaambi². ld dhadaambi¹, dharaambi¹, dharaambiyid. dhaddig m.l ld dheddig. dhaddigee f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) ld dheddigee. dhaddigeyn m.dh ld dheddigeyn. dhaddignimo m.dh ld dheddignimo. dhaddigood m.l ld dheddigood. dhadhaab¹ m.l (-bbo, m.dh) Jaad geedaha ka mid ah oo xididkiisa laysku daweeyo. dhadhaab² m.dh (-bo, m.l) 1. Meel leh dhagax fidsan oo is haysta. 2. Meel maydka lagu dhaqo. dhadhaab³ m.dh (-bo, m.l) (jool.) Walax adag ee qolofta dhulku ay si weyn uga samaysantahay; walaxdaas oo ka kooban macaadin; mararka qaarkood waxay ka koobantahay hal macdan oo kaliya, laakin sida badan waxay ka koobantahay dhawr macdannod. dhadhaab-habe m.l (-ayaal, m.l/dh) (jool.) Dhadhaabaha iyagoo dulal leh awgeed, biyaha u oggolaada, tusaale biyaha roobka, inay dhex galaan dabadeedna ka dhex dusaan; tusaale fiican waxaa u ah dhadhaabaha noocaan ah dhagax la yiraahdo dhagax bataax. dhadhaab-lakabeed m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Dhaqxaan u tuulmay dhadhaab salceedyo, badanaa lakabeedyo (sida, biyaha hoostooda) oo sameeya midka mid ah saddexda nooc ee waaweyn ee dhadhaabaha kuwaa oo sameeya oogada dhulka. dhadhaab-saleed m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Dhagax adag amase waxyaalaha kale ee dabacsan ee ka hooseeya ciidda dhulka dushiisa. Mararka qaarkood dhagaxaas adag, boqolaal mitiir buu ka hooseeyaa dhulka dushiisa, hase ahaatee inta badan waxaa laga helaa meelo ka gun gaaban. Meelaha janjeerkood u ama tiiradoodu aad u sarrayso, dhadhaabo saleedku waa qaawanyahay oo ma laha ciid daboosha. dhadhaab-shiileed m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Dhagxaan ka timid magma dhalaashan oo adkaatay, waana mid ka mid ah saddexda nooc ee dhadhaabaha ee qolofka dhulku ay ka koobantahay. dhadhaab-shileed-hoose m.l (-dyo …, m.dh) (jool.) Dhadhaabo shiileed oo ku qaboobey (adkaaday) dhul aad u hooseeya, halkaas oo qaboobiddu gaabiso, macdanaha kala duwan ay waqti qaadato wirqeysigooda. dhadhaar¹ m.l ld dhardhaar¹. dhadhaar² f.g1 (-ray, -rtay) ld dhardhaar4. dhadhaarad m.l ld dhardhaarasho. dhadhaaran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) ld dhardhaaran. dhadhaarasho m.dh ld dhardhaarasho. dhadhaarid m.dh ld dhardhaarid. dhadhaarnaan m.dh ld dhardhaarnaan. dhadhaarnaansho m.l/dh ld dhardhaarnaan. dhadhaaro f.g3 (-rtay, -ratay) ld dhardhaaro. dhafdhaf 209 dhadhab¹ m.l (-byo, m.dh) 1. Riyo hadal leh oo aan la xusuusan marka la tooso; qarow. 2. ld dhadhalid. dhadhab² f.mg1 (-bay, -btay) 1. Hurdada gudaheeda muuqaallo kala jaad ah, maanka ku arkid; riyood. 2. Ku dh.: wax la jecelyahay ku qarwid. dhadhabid m.f.dh eeg dhadhab². ld dhadhab¹ (2). dhadhamarraac m.l (-cyo, m.dh) Dhuuniraac. ld dhandhamarraac. dhadhami f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhadhankooda hubin. ld dhadhemi, dhandhami, dhandhemi, dhedhemi. dhadhamid m.f.dh eeg dhadhan². ld dhadhemid, dhandhamid, dhandhemid, dhedhemid. dhadhamin m.f.dh eeg dhadhami. ld dhadhamis, dhadhemin, dhadhemis, dhandhamin, dhand dhadhamis m.l ld dhadhamin. dhadhamo m.dh In yar oo wax dhadhankooda lagu ogaado. ld dhadhemo, dhandhamo, dhandhemo, dhedhemo. dhadhan¹ m.l 1. Dareenka carrabku gudbiyo marka uu cunto, cabbitaan iwm la kulmo. 2. Macaan. ld dhadhen¹, dhandhan¹, dhandhen¹, dhedhen¹. dhadhan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. Wax dhadhankooda carrabka ku garasho. 2. Cunto, cabbid iwm macaankooda dareemid. ld dhadhen², dhandhan², dhandhen², dhedhen². dhadhansad m.l ld dhadhansasho. dhadhansasho m.f.dh egg dhadhanso. ld dhadhansad, dhadhansi, dhadhensad, dhadhensasho, d dhadhansi m.l ld dhadhansasho. dhadhansii f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof dhadhamo siin. ld dhadhensii, dhandhansii, dhandhensii, dhedhensii. dhadhansiin m.f.dh eeg dhadhansii. ld dhadhansiis, dhadhensiin, dhadhensiis, dhandhansii dhadhansiis m.l ld dhadhansiin. dhadhanso f.g3 (-saday, -satay) Wax dhadhankooda macaansasho. ld dhadhenso, dhandhanso, dhandhenso, dhedhenso. dhadhemi f.g2 (-iyay, -isay) ld dhadhami. dhadhemid m.dh ld dhadhamid. dhadhemin m.dh ld dhadhamin. dhadhemis m.l ld dhadhamin. dhadhemo m.dh ld dhadhamo. dhadhen¹ m.l ld dhadhan¹. dhadhen² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) ld dhadhan². dhadhensad m.l ld dhadhansasho. dhadhensasho m.dh ld dhadhansasho. dhadhensi m.l ld dhadhansasho. dhadhensii f.lg2 (-iiyay, -iisay) ld dhadhansii. dhadhensiin m.dh ld dhadhansiin. dhadhensiis m.l ld dhadhansiin. dhadhenso f.g3 (-saday, -satay) ld dhadhanso. dhadhiin m.dh (-nno, m.l) Meel buur dhinaceed ah oo biyo ka soo baxaan. dhadi m.l ld dhagi. dhadid m.dh eeg dhad. ld dharid. dhado m.dh (-ooyin, m.l) (juqr.) Dhibco biyood yar yar oo isku cufan oo ay wehliyaan qiiq ama saxarro boodh ah. Dhadada waxaa laga helaa qaybaha hoose ee gibilka. dhaf f.g1 (-fay, -ftay) 1. Isku dh.: wax, wax kale oo aan noociisa ahayn ku darid. 2. Isku dh.: wax, wax kale oo aan noociisa ahayn ku biirid. dhafaag m.l Budo hoore lagu qasay oo aan jilicsanayn. ld dhafaaq. dhafaaq m.l ld dhafaag. dhafan¹ f.mg1 (-fmay, -fantay; -fmi) Wax la dhafay noqosho. dhafan² f.mg4 (-fnaa, -fnayd) Wax la dhafay ahaansho. dhafandhaaf m.l 1. Fal laba dhinac oo iska soo horjeeda si darandoorri ah isu weydaarin. 2. Hab wax loo taxo iyadoo laba wax oo aan isku nooc ahayn si talantaalli ah la isugu xijinayo. dhafan-midab-ileys m.dh (-syo, m.dh) (fiis.) Kaah birlabdanabeed leh isku jir hirbaacyo kala duwan, lagumana soo koobi karo kaahyada la arki karo; badan midab-ileys. dhafar¹ m.l 1. Soo jeed habeennimo. 2. (-rro, m.dh) Xarig dheer dabagelis leh oo reeryada lagaga xiro. 3. ld dhafrid. dhafar² m.dh Habeen dhan oo digri lagu soo jeedo gaar ahaan siyaarooyinka. dhafar³ f.mg1 (-fray, -fartay; -fri) Habeen dhan soo jeedid (cid). dhafarsan f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax dhafar hayo ahaansho (qof). 2. Wax dhafar lagu xiray ahaansho (awr). dhafarsanaan m.f.dh eeg dhafarsan. ld dhafarsanaansho. dhafarsanaansho m.l/dh ld dhafarsanaan. dhafaruur m.l Geed gaab laamo dhuudhuuban oo miro hurdi ah macaan oo la cuno leh. dhafdhaf m.l D. ah: waxyaabo badan, kala nooc ah oo isku jira. dhafid 210 dhafid m.f.dh eeg dhaf. dhafmid m.f.dh eeg dhafan¹. dhafnaan m.f.dh eeg dhafan². ld dhafnaansho. dhafnaansho m.l/dh ld dhafnaan. dhafoor m.l (-rro, m.dh) Meesha godan ee u dhexeysa isha iyo dhegta dadka. dhafoorshiid m.dh Summad geel oo laba barood oo dab ah oo dhaforrada lagu dhigo. dhafri f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid inay dhafarto ku kalifid.2. Xarig dhafar ah awr ku dhejin. dhafrid m.f.dh eeg dhafar³. ld dhafar¹ (3). dhafrin m.f.dh eeg dhafri. ld dhafris. dhafris m.l ld dhafrin. dhafrisan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dhafriyay ahaansho. dhafrisanaan m.f.dh eeg dhafrisan. ld dhafrisanaansho. dhafrisanaansho m.l/dh ld dhafrisanaan. dhag m.dh.sh.r Cod lagu muujiyo dilka. dhagaati m.l/dh (-iyo, m.l) ld dhegaati. dhagadhaal m.l Dhul ka kooban meel dhagax ah iyo meel ciid ah oo kala qaybsan. dhagar¹ m.dh Khayaano. dhagar² f.g1 (-gray, -gartay; -gri) Khayaano cid ku samayn. dhagarley m.dh Haweeney dhagar badan. ld dhagarrey. dhagarlow m.l ld dhagarqabe. dhagarqabe m.l (-bayaal, m.l/dh) Qof cid dhagar ka galay. ld dhagarlow, dhagarre, dhagarrow. dhagarre m.l ld dhagarqabe. dhagarrey m.dh ld dhagarley. dhagarrow m.l ld dhagarqabe. dhagax m.l (-xyo/-gxaan, m.dh) Adke yaryar iyo waaweyn leh, buuraha ama dhulkahoose laga helo oo wax lagu dhisto. dhagax-aboodi m.l Dhagax gaar ah oo la aaminsanyahay inuu daawo leeyahay. dhagaxbaruur m.l/dh (-rro, m.dh) Dhagax midab cad leh oo jilicsan. dhagax-burbur-kiimikaad m.l (kiim.) Burburka ku dhaca dhadhaabaha ee ka dhasha falgalka kiimikaad. dhagax-cas m.l (jool.) Dhadhaabo cas oo dhagax burburku uu soo saaro. Si weyn waxaa looga helaa gobollada kulaaleyda hursan, dh. c.ka waxaa ku jira ogsaydhyada bir iyo aluminiyam oo la biyo saaray. dhagaxdhaal m.l Dhul meelina dhagax tahay, meelna ciid. dhagaxdixeed m.l/dh (-dyo, m.l) Dhagax adag oo badanaa laga helo dhulalka biyo mareenka ah, sida togagga. dhagax-lool m.l (-llo, m.dh) Dhagax madow, xanaf leh oo birta lagu afeeyo; lisin. dhagax-madoobe m.l (jool.) Dhagax ka mid ah dhadhaabaha faraha badan oo loo yaqaanno hadhaabo dhalan rogan. dhagax-madow m.l Nooc ka mid ah dhagaxa adag, laga helo buuraha qaarkood oo markuu isku dhaco dab ka baxo. dhagax-nuuradeed m.l (jool.) Dhagax ay muhiimtahay inuu ka koobnaado 50% kaalshiyam kaarbonayt. dhagaxturaanturro m.dh Wax kasta oo socod, hawl iwm xanniba oo ay la socon waayaan. dhagax-xameetiyeed m.l (daaw.) Wax adag oo ka sameysan midableyda xameytida, kolesterool, iyo cusbo kaalshum, kuna sameysmi kara xameytihaysta. dhagaxyee f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Wax dhagax la dhacid. ld dhagxi. dhagaxyeyn m.f.dh eeg dhagaxyee. ld dhagxin, dhagxis. dhagdhag m.dh.sh.r Qosol aad u dheer oo aan kala go’ lahayn. dhagi m.dh Maalinta kala barkeeda ee qorraxdu aad u kulushahay. ld dhadi. dhagrid m.f.dh eeg dhagar². dhagsii f.g2 (-iiyay, -iisay) Qof ama wax dilid. dhagsiin m.f.dh eeg dhagsii. dhaguf m.dh (-fyo, m.dh) Wadaan gaboowday. dhagxi f.g2 (-iyay, -isay) ld dhagaxyee. dhagxin m.dh ld dhagaxyeyn. dhagxis m.l ld dhagaxyeyn. dhaji f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ku dh.: wax meel ku nabid. 2. Ku dh.: qof wax ku ilayn. ld dheji (5). dhÄ…ji m.l (-iyo, m.dh) Nooc halaqa ka mid ah. ld haldheji. dhajin m.f.dh eeg dhaji. ld dhajis (3), dhejin, dhejis. dhajis m.l 1. Mas gaboobay. 2. Cudur caloosha ku dhaca oo mantag badan leh oo la aaminsanyahay inuu ka dhashay ilayn qof la ileeyay. 3. ld dhajin. dhajisgoyn m.dh Daaweynta cudurka dhejiska. dhakaac m.l Qayb lafdhabarta ah. dhakaaci f.mg2 (-iyay, -isay) Qosol ka dh.: aad u qoslid. dhakaacin m.f.dh eeg dhakaaci. dhakaar m.l 1. Madaxa. 2. Dhafoor. dhakaaryayn m.f.dh eeg dhakaaryee. dhakaaryee f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Cid dhakaarka ka garaacid. dhakaaryo m.dh Garaacidda qof dhakaarka laga garaaco. dhalaandhilo 211 dhakab m.dh.sh.r Dh. dheh: si fiican u qabo; dhabdheh. dhakad m.l ld dhakasho. dhakafaar¹ m.l 1. Yaab aad u weyn. 2. ld dhakafaarid. dhakafaar² f.mg1 (-ray, -rtay) Ku dh.: yaab weyn la kulmid. ld dheg-kafaar², dhekafaar². dhakafaari f.g2 (-iyay, -isay) Cid, dhakafaar badid. ld dheg-kafaari, dhekafaari. dhakafaarid m.f.dh eeg dhakafaar². ld dhakafaar¹ (2), dhakafaaris², dhegkafaar¹, dhe dhakafaarin m.f.dh eeg dhakafaari. ld dhakafaaris¹, dheg-kafaarin, dhekafaarin, dhekafa dhakafaaris¹ m.l ld dhakafaarin. dhakafaaris² m.dh ld dhakafaarid. dhakafaarsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhakafaaray ahaansho. ld dheg-kafaarsan, dhekafaarsan. dhakafaarsanaan m.f.dh eeg dhakafaarsan. ld dhakafaarsanaansho, dheg-kafaarsanaan, dheg-kafaar dhakafaarsanaansho m.l/dh ld dhakafaarsanaan. dhakal m.l (-llo, m.dh) Haruub aad u yar. dhakan f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof maqal ka liita ahaansho. 2. U dh.: qof meel ku dhuuntay ahaansho. dhakanaan m.f.dh eeg dhakan. ld dhakanaansho. dhakanaansho m.l/dh ld dhakanaan. dhakasho m.dh 1. Dhuumashow. 2. ld dhakad. eeg dhako. dhakaw m.l Tigin; dhidib; udub. dhakhaatiir m.dh ld takhaatiir. dhakhadhookh m.l (-khyo, m.dh) Qof dad ka qosliya. dhakhsad m.l ld dhaqsad. dhakhsaha falgalka m.l (kiim.) Cabbir sheegaya xaddiga falgalaha ah ee qarsooma halbeeg ammineed kasta marka falgal kiimikaad dhacayo. Sidaa awgeed; waa cabbir muujinaya tirada is herdiyada wax ku oolka ah ee dhexmara molikuyuullada falgaleyaasha. Dhakhsaha falgal ku socdo waxa lagu cabbiri karaa dhakhsaha falgaleyaashu ku qarsoomaan ama maxsuulladu ku samaysmaan. dhakhsasho m.dh ld dhaqsasho. dhakhsi m.l ld dhaqsasho. dhakhsiinyo m.l ld dhaqsad (1). dhakhso¹ m.l ld dhaqsad (1). dhakhso² f.mg3 (-saday, -satay) ld dhaqso². dhakhso-horsiimo-kowaad m.l (kiim.) Falgalka dhakhsihiisu saamigal ku yahay ribnaanta mid ka mid ah walxaha falgalayaasha ah. dhakhtar m.l ld takhtar¹. dhakhtarnimo m.dh ld takhtarnimo. dhako¹ m.dh (-ooyin, m.l) 1. Madaxa meeshiisa sare, dhalo. 2. Meesha ugu sarraysa (guri, geed, buur iwm); fiin. dhako² f.mg3 (-kaday, -katay) 1. Iyadoo wax la qaadaayo ama wax laga cabsanaayo meel ku dhuumasho; gabbasho. dhakool¹ m.l 1. Qof, wax meel cidla’ ah taagan ama ka dhisan. 2. ld dhakoolid. dhakool² f.mg1 (-oolay, -ooshay) Qof, meel cidla’ ah iska taagnaansho ama ka dhisnaansho. dhakoolid m.f.dh eeg dhakool². ld dhakool¹. dhal¹ m.l (-lal/-llal, m.l) 1. Ubad yaryar oo nafley; dhallaan; carruur; ilmo. 2. Firfir yaryar oo subag ah oo ay yeeshaan caano la lulayo. dhal² f.g/mg1 (-alay, -ashay) 1. (f.g) Nafley rimman ubad dihasho. 2. (f.g) Geed miro iwm yeelasho. 3. (f.g) Caano la lulay subag yeelasho. 4. (f.mg) Ilmo if imaan. Tus. “Wiil baa dhashay”. dhalaad m.l (daaw.) Caddaadka isha birteeda taaso keenta aragga oo xumaada. dhalaal¹ m.l Iftiin indhaha qabto oo ka baxa walxaha qaarkood marka ilays ku dhaco. ld dhalal¹. dhalaal² f.mg1 (-aalay, -aashay) 1. Muuqaal ifaaya yeelasho. 2. Dareere noqosho (adke). 3. Ka soo dh.: qof, hawl loo xilsaaray sidii la rabey u fulin. ld dhalal². dhalaali f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhalaalaya ka dhigid. ld dhalali. dhalaalid m.f.dh eeg dhalaal². ld dhalalid. dhalaalin¹ m.f.dh eeg dhalaali. ld dhalaalis, dhalalin. dhalaalin² m.dh (fiis.) Dariiqada ama habka adke loogu beddelo hoor iyadoo la adeegsanayo kul iyo cadaadis. dhalaalis m.l ld dhalaalin. dhalaaliso m.dh Qabow aad u xun. ld dhalaalyo, dhalaliso. dhalaalo m.dh 1. Caano iyo subag la isku daro oo carruurta yaryar la siiyo. 2. ld dhalaalyo, dhalalyo. Xanuun ilkaha laga dareemo marka ay la kulmaan wax qabow, macaan iwm. ld dhalalo. dhalaalyo m.dh ld dhalaaliso; dhalaalo. dhalaandhilo m.l Laba ciddiyood oo qoobabka ariga, lo’da iwm korkooda ku yaal oo yaryar. dhalaandhuux 212 dhalaandhuux m.l (bot.) Geed gaab ciinka u eg, aan caleen lahayn, laamo xubno leh yeesha iyo canano indhaha lagu daweeyo. ld dhallaandhuux. dhalaashan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dhalaalshay ahaansho. dhalaashanaan m.f.dh eeg dhalaashan. ld dhalaashanaansho. dhalaashanaansho m.l/dh ld dhalaashanaan. dhalad m.l 1. D. ah: qof fir wanaangsan ka soo jeeda. 2. ld dhalasho. dhalal¹ m.l ld dhalaal¹. dhalal² f.mg1 (-alay, -ashay) ld dhalaal². dhalali f.g2 (-iyay, -isay) ld dhalaali. dhalalid m.dh ld dhalaalid. dhalalin m.dh ld dhalaalin. dhalaliso m.dh ld dhalaaliso. dhalalo m.dh ld dhalaalo. dhalalyo m.dh ld dhalaalo. dhalan m.l 1. Dabeecad. 2. Dir, fir, sinji. 3. Muuqal. 4. Caws waaweyn oo aad u dheeraada. 5. Geedo doog leh. dhalandhool¹ m.l Socodka la socdo waqtiga qorraxdu kulushahay; baqool. ld dhalandhoolid. dhalandhool² f.mg1 (-oolay, -ooshay) Qorrax kulul ku socosho; baqoolid. dhalandhooli f.g2 (-iyay, -isay) Cid qorrax kulul ku socodsiin. dhalandhoolid m.f.dh eeg dhalandhool². ld dhalandhool¹. dhalandhoolin m.f.dh eeg dhalandhooli. ld dhalandhoolis. dhalandhoolis m.l ld dhalandhoolin. dhalandoori f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhalankooda beddedid. dhalandoorin m.f.dh eeg dhalandoori. ld dhalandooris. dhalandooris m.l ld dhalandoorin. dhalandoorsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dhalandooriyay ahaansho. dhalandoorsanaan m.f.dh eeg dhalandoorsan. ld dhalandoorsanaansho. dhalandoorsanaansho m.l/dh ld dhalandoorsanaan. dhalan-geddis-hiddoside m.l (-dayaal, m.l/dh) (baay.) Isbeddel degdeg ah oo lama filaan ah oo ka dhexdhaca walax hiddo side ah oo unug. Kaas oo ku keeni kara iyada iyo unugyada kale ee laga soo dhiraan dhiriyeyba inay kaga beddelmaan muuqaalka iyo asawgaba nooca caadiga ah. dhalanrog¹ m.l 1. Isbeddel wax dabeecaddiisa, firkiisa, muuqaalkiisa iwm ku dhaca. 2. ld dhalanrogid. dhalanrog² f.g1 (-gay, -gtay) Wax dabeecaddiisa, firkiisa, muqaalkiisa beddelid. dhalanrogan¹ f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax la dhalanrogay noqosho. dhalanrogan² f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax la dhalanrogay ahaansho. dhalanrogid m.f.dh eeg dhalanrog². ld dhalanrog¹ (2). dhalanrogmad m.l ld dhalanrogmasho. dhalanrogmasho m.f.dh eeg dhalanrogmo. ld dhalanrogmad. dhalanrogmid m.f.dh eeg dhalanrogan¹. dhalanrogmo f.mg3 (-maday, -matay) Wax dhalanrog ku dhacay noqosho. dhalanrognaan m.f.dh eeg dhalanrogan². ld dhalanrognaansho. dhalanrognaansho m.l/dh ld dhalanrognaan. dhalanteed¹ m.l (-dyo, m.dh) Wirwir; dhaan dabaggaalle. dhalanteed² m.l (c.naf) Marka aad qabto wax dhalanteed ah. dhalanxumaan m.f.dh eeg dhalanxun. ld dhalanxumaansho, dhalanxumi, dhalanxumo. dhalanxumaansho m.l/dh ld dhalanxumaan. dhalanxumi m.dh Dabeecad, fir, muuqaal iwm aan la jeclaysan oo wax leeyahay. ld dhalanxumaan. dhalanxumo m.dh ld dhalanxumaan. dhalanxun f.mg4 (-umaa, -umayd) Wax dabeecad, fir, muuqaal iwm oo aan la jeclaysan leh ahaansho. dhalashadadii ciise m.dh (dii.) Ciid karishtaanka ay u ciidaan markii uu dhashay Nebi Ciise 25 bisha Diseember. dhalasho m.f.dh 1. Qof isir ama jinsiyad ahaan meesha uu ka soo jeedo. 2. ld dhalad. eeg dhalo². dhalco m.dh 1. Kulka qorraxda subaxnimo. 2. Meel bannaan oo aan har lahayn. dhaldhalaal¹ m.l Qurux ama bilic aan muddo dheer waarayn. ld dhaldhalaalid. dhaldhalaal² f.mg1 (-aalay, -aashay) Qurux ama bilic aan muddo dheer waarayn yeelasho (wax). dhaldhalaalid m.f.dh eeg dhaldhalaal². ld dhaldhalaal¹. dhaleecayn m.f.dh eeg dhaleecee. dhaleecee f.g2 (-ceeyay, -caysay) Cid dhaleeco u jeedin. dhaleeco m.dh (-ooyin, m.l) 1. Cudur bushinta ku dhaca oo ay la caddaato. 2. Eed iyo ceebayn loo jeediyo cid fal xun ku kacday. dhalmaddeyn² 213 dhalfee f.g2 (-feeyay, -feysay) Nin naag u galmoosho. dhalfeyn m.f.dh eeg dhalfee. dhalfiif m.dh Jab yar oo ka mid ah wax burburay. dhalfo m.dh (-ooyin, m.l) Xubinta taranta ragga inteeda hore oo ay buuryadu daboosho marka uusan gudnayn. dhali¹ m.l Afka hore ee xubinta taranta dhiddigoodka. dhali² f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dheddig foolanaya ilmo ka soo qabasho. 2. Ciyaar kubbadeed dhibco ka keenid (qof). dhalid m.f.dh eeg dhal². ld dhalis², dhalmo. dhaliil¹ m.l/dh Daldalool iyo iin wax leeyahay. dhaliil² f.g1 (-iilay, -iishay) Daldalool iyo iin wax leeyihiin sheegid. dhaliilid m.f.dh eeg dhaliil². dhalin m.f.dh eeg dhali². ld dhalis¹. dhalis¹ m.l ld dhalin. dhalis² m.dh ld dhalid. dhaliye m.l (-yayaal, m.l/dh) (fiis.) Qalab awoodda mekaanikaad u beddela awoodda danabka. Warshadaha danabka, waxa ay soo saaraan qulqul talantaali ah, waxana la yidhaahdaa talantaaliye. dhallaamayn m.f.dh eeg dhallaamee. dhallaamee f.g2 (-meeyay, -maysay) Saansaan dhallaan isu yeelid; iscarruurayn. dhallaan m.l Carruur yaryar; ilmo. dhallaanciil m.l Muddo sannad ka yar oo qof da’diisa lagu tirsho. ld dhallinciil. dhallaandhuux m.l ld dhalaandhuux. dhallaanhabaabis m.l Wirwir; dhalanteed, dhaandabaggaalla. dhallaannimo m.dh Dhallaan ahaansho. dhallaax m.dh Subag, labeen, xeydh, timir cajiiman iwm oo weelsalkiisa ku jira. dhalleec¹ m.l ld dhalleex¹. dhalleec² f.g1 (-cay, -cday) ld dhalleex². dhalleeci f.g2 (-iyay, -isay) ld dhalleexi. dhalleecid m.dh ld dhalleexid. dhalleecin m.dh ld dhalleexin. dhalleeco m.dh ld dhalleexid. dhalleecsad m.dh ld dhalleexsasho. dhalleecsasho m.dh ld dhalleexsasho. dhalleecsi m.l ld dhalleexsasho. dhalleecso f.mg3 (-saday, -satay) ld dhalleexso. dhalleex¹ m.l/dh 1. Daymo gees la eego. 2. In yar. 3. Hadal ama dood intooda muhiim ah nuxur. ld dhalleec¹, jalleec¹. dhalleex² f.g/mg1 (-xay, -xday) 1. (f.g) Dhinac eegid. 2. (f.mg) Wax janjeerin. ld dhalleec², jalleec². dhalleexi f.g2 (-iyay, -isay) Weel janjeerin. ld dhalleeci, janjeeci. dhalleexid m.f.dh eeg dhalleex². ld dhalleecid, dhalleeco, dhalleexo, jalleecid dhalleexin m.f.dh eeg dhalleexi. ld dhalleecin, jalleecin. dhalleexo m.dh ld dhalleexid. dhalleexsad m.dh ld dhalleexsasho. dhalleexsasho m.f.dh eeg dhalleexso. ld dhalleecsad, dhalleecsasho, dhalleecsi, dhalleexsa dhalleexsi m.l ld dhalleexsasho. dhalleexso f.mg3 (-saday, -satay) 1. Dhinac eegid. 2. Ka dh.: wax ka gaabsasho. ld dhalleecso, jalleecso. dhallin m.dh 1. Inta sano, bilo, maalmo iwm ee noole jiro. 2. Dadka inta da’da yar. 3. Dh. ah: qof da’ weyn. dhallinciil m.l ld dhallaanciil. dhallinyar¹ m.dh Dadka inta da’dooda u dhexeyso gaashaanqaad ilaa garmadoobe. ld dhallinyaraan. dhallinyar² f.mg4 (-raa, -rayd) Qof da’diisu yartahay ahaansho. dhallinyaraan m.f.dh eeg dhallinyar². ld dhallinyar¹, dhallinyaraansho, dhallinyari dhallinyaraansho m.l/dh ld dhallinyaraan. dhallinyarannimo m.dh Dhallinyaro ahaansho. dhallinyarayn m.dh (juqr.) Dariiqadda hawsha xoqidda lagu cusboonaysiiyo, gaar ahaan waxaa lagu isticmaalaa webiyada, oo la yiraahdo waa la dhallinyareeyay. dhallinyari m.dh ld dhallinyaraan. dhallinyaro m.dh ld dhallinyaraan. dhallinyaroobid m.f.dh eeg dhallinyarow. dhallinyarow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhallinyar noqosho. dhalmaanyo m.dh ld dhilmaanyo. dhalmacusbo m.dh.kh Dh. ah: caanaha neef dhawaan-dhal ah. dhalmaddee f.mg2 (-deeyay, -deysay) Da’da dhalmadu ku joogsato gaarid (qof dumar ah). dhalmaddeyn¹ m.f.dh eeg dhalmaddee. ld dhalmaddeys. dhalmaddeyn² m.dh (c.nafl.) Xilliga qofka dumarka ah ay ka joogsato caadadu taas oo ay keentay ugaxleyda oo joojisa sameyntii unugga ukunta, sidaas darteed haweeneydu mardambe uur ma qaadi kareyso. Dhalmadayntu waxay dhici kartaa da’da u dhexeysa dhexda soddomaadka iyo kontomaadka, sida badan inta u dhexeysa da’da 40 – 50sano. dhalmaddeys 214 dhalmaddeys m.l 1. Dh. ah: qof dumar ah oo gaartey da’da dhalmadu joogsato. 2. ld dhalmaddeyn. dhalmo m.dh Soo saaridda nafley dheddig minkeeda ka soo saarto ilmo. ld dhalid. dhalo¹ m.dh (-ooyin, m.l) 1. Wax kasta meesha u sarraysa; fiin. 2. Maaddo adke ah oo ka samaysan ciid, kaalsiyam, soodaiyo, botaasiyam oo jabi og oo mootiye ileys ah. 3. Weel quraarad ka samaysan oo biyaha, caanaha iwm lagu shubto. dhalo² f.mg3 (-ashay, -alatay) 1. Ilmo uur ku jira ifka (aaduunka) imaansho. 2. Soo bixid ama kawsasho (bil ama dayax); bilasho. 3. Wax aan horay u jirin, abuurmid. Tus. “Kacaan baa dhashay”. 4. Kubbad lagu ciyaarayo shabaq gelid. dhaloobid m.f.dh eeg dhalow². dhalool m.dh Magac guud oo kulmiya geednugeylka. dhalow¹ m.l Qof aad u da’ weyn oo carruuroobay. dhalow² f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof aad u weyn oo carruuroobay noqosho. dhalo-yareey m.dh Dhalo laba dhuceey qaadda. dhalxan m.dh Malax cad oo indhuhu yeeshaan marka ay jirranyihiin ama aanay nadiif ahayn. dhalyo m.dh Xiriirka ka dhexeeya dad dhalasho wadaaga. dhama’¹ m.l 1. Dayow ka dhasha gaajo iyo harraad. 2. ld dham’id. ld dala’¹. dhama’² f.mg1 (-m’ay, -ma’day; -m’i) Gaajo iyo harraad la dayoobid. ld dala’². dhamaajee f.g2 (-jeeyay, -jeysay) Barar dhacaan dhamaajo marin. ld dhammajee, dhamoojee, dhamooqee. dhamaajeyn m.f.dh eeg dhamaajee. ld dhammaajeyn, dhamoojeyn, dhamooqeyn. dhamaajo m.dh Geed dhirindhirka u eg oo dhacaankiisa bararka lagu daweeyo. ld dhammaajo, dhamoog¹, dhamoojo, dhamooq¹. dhamac m.l/dh 1. Dhuxul qaxantay oo waaweyn. 2. Derin aan casaan lahayn oo faylikida u eg. dhamacaso m.dh Balagga digirta marka uu miro la cuni karo yeesho. dhamal m.l/dh (-llo, m.dh) Jirrid weyn, qallalan oo la shito. dhamas¹ m.l Geed abaareed weyn, hoos badan oo loo xiisa qaariyadaha doonyaha laga sameeyo. dhamas² m.dh Ul weyn, culus, adag oo aan qornayn. dhambaal m.l (-llo, m.dh) 1. Farriin farxad leh oo cid loogu hambalyeeyo. 2. Warqad rasmi ah oo dawlado, hay’ado iwm isu diraan. dhambaalside m.l (-dayaal, m.l/dh) Qof u qaybsan qaadidda dhambaallada, Taararka. ld dhambaalwade, dhambaalwale. dhambaalwade m.l (-dayaal, m.l/dh) ld dhambaalside. dhambaalwale m.l (-layaal, m.l/dh) ld dhambaalside. dhambac m.dh (-cyo, m.l) Buur dhinaceeda hoose. dhambacaad¹ m.l ld dhambacaadid. dhambacaad² f.mg1 (-day, -dday) Seexasho qof caloosha hoos marsado. dhambacaadi f.g2 (-iyay, -isay) Cid dhambacaad u jiifin. dhambacaadid m.f.dh eeg dhambacaad². ld dhambacaad¹, dhambacaadis². dhambacaadin m.f.dh eeg dhambacaadi. ld dhambacaadis¹. dhambacaadis¹ m.l ld dhambacaadin. dhambacaadis² m.dh ld dhambacaadid. dhambacaadsad m.l ld dhabbacasho. dhambacaadsasho m.dh ld dhabbacasho. dhambacaadsi m.l ld dhabbacasho. dhambacaadso f.mg3 (-saday, -satay) ld dhabbaco. dhambal¹ m.l 1. Dh. ah: galley hal mar makiinad lagu burburiyey. 2. ld dhambalid. dhambal² m.dh (-lo, m.l) 1. Raro. 2. Nooc aleesha ka mid ah oo inta la taxo dhiilasha iwm lagu qurxiyo. ld dhombol. dhambal³ f.g1 (-alay, -ashay) 1. Wax si dherer ah u kala dillaacin. 2. Galley shiidid. dhambalan¹ f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la dhambalay noqosho. dhambalan² f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la dhambalay ahaansho. dhambalasho m.f.dh eeg dhambalo. dhambalid m.f.dh eeg dhambal³. ld dhambal¹ (2). dhambalmid m.f.dh eeg dhambalan¹. dhambalnaan m.f.dh eeg dhambalan². ld dhambalnaansho. dhambalnaansho m.l/dh ld dhambalnaan. dhambalo f.g/mg3 (-ashay, -alatay) 1. (f.g) Wax si dherer ah u kala dillaacsasho. 2. (f.g) Galley hal mar ku shiidasho. 3. (f.mg) Ka dh.: maanso cid ka dheegasho. dhamcaso m.dh Digirta geedka ku taal inta aysan bislaan. dhanaanaansho 215 dhamid m.f.dh eeg dhan². ld dhamis, dhamitaan. dham’id m.f.dh eeg dhama’². ld dala’¹, dal’id, dhama’¹. dhamiijo m.dh Deris ku nool gasha waxaraha, weylaha iyo naylaha. ld dhibiijo. dhamis m.dh ld dhamid. dhamitaan m.l ld dhamid. dhammaad¹ m.l Meesha ugu danbaysa; idlaad; ebyoonaan. dhammaad² m.l (nax.) Qeybta ugu dambaysa eray. dhammaag m.dh (bot.) Geed gaab aan qodax lahayn, leh, laamo dhuudhuuban, caleemo yaryar iyo miro macaan oo la cuno, kana mid ah dhirta daawada leh. dhammaajee f.g2 (-jeeyay, -jeysay) ld dhamaajee. dhammaajeyn m.dh ld dhamaajeyn. dhammaajo m.dh ld dhamaajo. dhammaan m.f.dh eeg dhan³. ld dhammaansho. dhammaanjo m.dh Geed-gaab dhulka ku faalala xididkiisana laga dhigto cabagta lagu baalo gammuunka. dhammaansho m.l/dh eeg dhammow. ld dhammaan. dhammaas m.l Qof aan feejignayn oo dareenkiisa garasho meel kale ku mashquulsanyahay. dhammaasan f.mg4 (-snaa, -snayd) Dhammaas ahaansho (qof). dhammaasnaan m.f.dh eeg dhammaasan. ld dhammaasnaansho. dhadmmaasnaansho m.l/dh ld dhammaasnaan. dhammaati m.l Xarig saddex dhudood ah oo wax lagu rarto. dhammayn m.f.dh eeg dhammee. ld dhammays. dhammays m.l 1. Dh. ah: ilmo shinkiisii ku dhashay. 2. Dh. ah: qof laxaad weyn. 3. ld dhammayn. dhammaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax ebyan ahaansho. dhammaysasho m.f.dh eeg dhammayso. dhammaysnaan m.f.dh eeg dhammaysan. ld dhammaysnaansho. dhammaysnaansho m.l/dh ld dhammaysnaan. dhammaysnimo m.dh Dhammays ahaansho (nafley). dhammayso f.g3 (-stay, -satay) 1. Cunto, cabbitaan iwm laysasho. 2. Dan ebyasho. dhammaystir¹ m.l 1. Wax qabyo, lagu ebyo. 1. ld dhammaystirid. dhammaystir² f.g1 (-ray, -rtay) Wax qabyo ah ebyid. dhammaystiran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la ebyey ahaansho. dhammaystirid m.f.dh eeg dhammaystir². dhammaystirnaan m.f.dh eeg dhammaystiran. ld dhammaystirnaansho. dhammaystirnaansho m.l/dh ld dhammaystirnaan. dhamme m.l Sarkaal saddex xiddigood leh; kabtan. dhammee f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Wax ebyid. 2. Cunto, cabbitaan iwm laasad. 3. Wax xasuuqid. dhammow f.mg3 (-maaday, -maatay) 1. Wax tiradoodu dhantahay noqosho. 2. Wax aan wax ka harin noqosho. dhamoog¹ m.l ld dhamaajo. dhamoog² f.g1 (-gay, -gtay) ld dhamooq². dhamoogid m.dh ld dhamooqid. dhamoojee f.g2 (-jeeyay, -jeysay) ld dhamaajee. dhamoojeyn m.dh ld dhamaajeyn. dhamoojo m.dh ld dhamaajo. dhamooq¹ m.l ld dhamaajo. dhamooq² f.g1 (-qay, -qday) Subag, dhammaajo, dhiiqo iwm wax ku dhoobid. ld dhamoog². dhamooqee f.g2 (-qeeyay, -qeysay) ld dhamaajee. dhamooqeyn m.dh ld dhamaajeyn. dhamooqid m.f.dh eeg dhamooq². ld dhamoogid. dhan¹ m.l 1. Dhinac, gees. 2. Erey lagu isticmaalo ereyada lammane ah oo cabbidda micneeya. Tus. “Caana dh.”. dhan² f.g1 (-amay, -antay; -ami) Caano cabbid. dhan³ f.mg4 (-ammaa, -ammayd) Wax aan wax ka dhinnayn ahaansho. dhanaamid m.f.dh eeg dhanaan². dhanaan¹ m.l Dhadhan aan macaanayn, kharaarayn, carrabku uusan jeclaysan oo laga helo cusbada, liinta iwm. dhanaan² f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Wax dhadhan cusbo leh noqosho. dhanaan³ f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhadhan cusbo yeelasho. dhanaanaan m.f.dh eeg dhanaan³. ld dhanaanaansho. dhanaanaansho m.l/dh eeg dhanaanow. ld dhanaanaan. dhanaani 216 dhanaani f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhanaan ka dhigid. dhanaanin m.f.dh eeg dhanaani. dhanaanis m.l Wax yar oo wax lagu dhanaansado. ld dhanaanin. dhanaanow f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax dhanaan noqosho. dhanbalan m.l (kiim.) U faliidhanka bu’da atam culus ee labo jab ama in ka badan oo xajmi ahaan isku dhow, taas oo ka dhalata niyuutaroon tamaraysan oo ku dhaca bu’da atamka. Caadi ahaan, waxaa weheliya bixinta niyuutaroonno ama fallaaraha gaama. Bulootooniyam, yuraaniyam iyo tooriyam waa curiyeyaasha dhanbalma kuwa ugu muhiimsan. eeg dh. bu’eed. dhanballan-bu’eed m.l (kiim.) Falgal bu’eed oo bu’culus (sida yuraaniyam) ay u kala jabto labo qaybood (maxsuul dhanballan), taas oo sababta bixiinta labo ama saddex niyuutaroon, iyo xaddi tamar oo u dhiganta faraqa u dhexeeya cufka neg ee niyuutaroonnada iyo maxsuulka dhanballanka iyo cuf neg ee bu’da asalka ah. dhan-dabaggaalle m.l Dhalaal hirar ah, biyo la moodo oo samaysma markakulka badan ee qorraxdu dhulka ku dhaco; wirwir; dhalanteed. dhandhamarraac m.l ld dhadhamarraac. dhandhami f.g2 (-iyay, -isay) ld dhadhami. dhandhamid m.dh ld dhadhamid. dhandhamin m.dh ld dhadhamin. dhandhamis m.l ld dhadhamin. dhandhamo m.dh ld dhadhamo. dhandhan¹ m.l ld dhadhan¹. dhandhan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) ld dhadhan². dhandhansad m.l ld dhadhansasho. dhandhansasho m.dh ld dhadhansasho. dhandhansi m.l ld dhadhansasho. dhandhansii f.lg2 (-iiyay, -iisay) ld dhadhansii. dhandhansiin m.dh ld dhadhansiin. dhandhansiis m.l ld dhadhansiin. dhandhanso f.g3 (-saday, -satay) ld dhadhanso. dhandhemi f.g2 (-iyay, -isay) ld dhadhami. dhandhemid m.dh ld dhadhamid. dhandhemin m.dh ld dhadhamin. dhandhemis m.l ld dhadhamin. dhandhemo m.dh ld dhadhamo. dhandhen¹ m.l ld dhadhan¹. dhandhen² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) ld dhadhan². dhandhensad m.l ld dhadhansasho. dhandhensasho m.dh ld dhadhansasho. dhandhensi m.l ld dhadhansasho. dhandhensii f.lg2 (-iiyay, -iisay) ld dhadhansii. dhandhensiin m.dh ld dhadhansiin. dhandhenso f.g3 (-saday, -satay) ld dhadhanso. dhane m.l ld dhano. dhaneeq m.l.kh Dh. ah: dhul ciiddiisu dhano leedahay. dhanfaruur m.dh ld dhafaruur. dhangalaasayn m.f.dh eeg dhangalaasee. dhangalaasee f.g2 (-seeyay, -saysay) Cid dharbaaxid. dhangalaaso m.dh (-ooyin, m.l) Ku dhufashada gacanta oo furan si xoog leh wax loogu dhufto. dhaniimid m.f.dh eeg dhaniin². ld dhashiimid. dhaniin¹ m.l Qoyaan yar oo meel ka dindimaaya. ld dhashiin. dhaniin² f.mg1 (-iimay, -iintay) Qoyaan yar meel ka dindimid. ld dhashiin². dhaniinto m.dh (-ooyin, m.l) Meel qoyaan yari ka dindimaayo. ld dhashiinto. dhanjab m.l Neef xoola ah wax jirro ka muuqata. ld ganjab. dhanjaf m.l Xanuun madaxa barkiis qabta; goonjab; goonjebshe. dhankalax¹ m.l ld dhanqalan¹. dhankalax² f.mg1 (-xay, -xday) ld dhanqalan². dhankalaxid m.dh ld dhanqalmid. dhankuulin m.dh (-nno, m.l) Kobta casaanka ah oo derinta darfaheeda lagu tolo. dhannax m.l.kh D. ah: wax aan tiradoodu badnayn; wax yar. ld dhellah, dhillah, dhinnax, dhinnix. dhano m.dh 1. Biyo aad u dhanaan. 2. Dhul cusboole ah. ld dhane. dhanqalac¹ m.l ld dhanqalan¹. dhanqalac² f.mg1 (-cay, -cday) ld dhanqalan². dhanqalan¹ m.l 1. Harraad aad u badan oo qofku hadalka kari waayo. 2. D. ah: qof harraad aad u badani hayo. ld dhankalax¹, dhanqalac¹. dhanqalan² f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax harraad aad u badani hayo noqosho (qof). ld dhankalax², dhanqalac². dhanqalan³ f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax harraad aad u badani hayo ahaansho. dhanqalcid m.dh ld dhanqalmid. dhanqalmid m.f.dh eeg dhanqalan². ld dhankalmid, dhanqalcid. dhaqaaqjoogleyn 217 dhanqalnaan m.f.dh eeg dhanqalan³. ld dhanqalnaansho. dhanqalnaansho m.l/dh ld dhanqalnaan. dhansii f.lg2 (-iiyay, -iisay) Caano cid cabsiin. dhansiig¹ m.l ld dhasiig¹. dhansiig² f.g1 (-gay, -gtay) ld dhasiig². dhansiigid m.dh ld dhasiigid. dhansiin m.f.dh eeg dhansii. dhantaal f.g1 (-aalay, -aashay) Cid wax ka maarmiddoodu dhib ku tahay ka reebid. dhantaalan¹ f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la dhantaalay noqosho. dhantaalan² f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la dhantaalay ahaansho. dhantaalid m.f.dh eeg dhantaal². dhantaalmid m.f.dh eeg dhantaalan¹. dhantaalnaan m.f.dh eeg dhantaalan². ld dhantaalnaansho. dhantaalnaansho m.l/dh ld dhantaalnaan. dhanxalag m.l ld dhabxanag. dhanxanag m.l ld dhabxanag. dhanxarag m.l ld dhabxanag. dhanyo m.dh Sharaab. dhaq f.g1 (-qay, -qday) 1. Wax biyo ku nadiifin. 2. Si wanaagaan wax u maamulid. 3. Wax meel fog geyn. dhaqaaji f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax taagan socodsiin. 2. Subag, xayr iwm dhalaalin. 3. Wax meel fog geyn. dhaqaajin m.f.dh eeg dhaqaaji. dhaqaajis m.l ld dhaqaajin. dhaqaaladdaran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof aan wax tashiilin ahaansho. dhaqaaladdarnaan m.f.dh 1. eeg dhaqaaladdaran. 2. Si aan habboonayn oo hanti loo maamulo. 3. Si aan habboonayn ee wax loo xannaaneeyo. ld dhaqaaladdarri, dhaqaaladdarro. dhaqaaladdarrayn m.f.dh eeg dhaqaaladdarree. dhaqaaladdarraysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la dhaqaaladdarreeyey ahaansho. dhaqaaladdarraysnaan m.f.dh eeg dhaqaaladarraysan. ld dhaqaaladdarraysnaan- sho. dhaqaaladdarraysnaansho m.l/dh ld dhaqaaladdarraysnaan. dhaqaaladdarree f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax dhaqaaladdarro ku samayn. dhaqaaladdarri m.dh ld dhaqaaladdarnaan. dhaqaaladdarro m.dh ld dhaqaaladdarnaan. dhaqaaladdarroobid m.f.dh eeg dhaqaaladdarrow. dhaqaaladdarrow f.mg1 (-oobay, -owday; – oobi) Wax dhaqaaladdarro hayso noqosho. dhaqaalallawe m.l Qof aan wax tashiilin. dhaqaalaxumaan m.dh 1. Dhaqaaladdarro. 2. Saboolnimo. ld dhaqaalaxumi, dhaqaalaxumo. dhaqaalaxumayn m.f.dh eeg dhaqaala -xumee. dhaqaalaxumee f.mg2 (-meeyay, -maysay) Cid dhaqaalaxumo ku sameyn. dhaqaalaxumi m.dh ld dhaqaalaxumaan. dhaqaalaxumo m.dh ld dhaqaalaxumaan. dhaqaalayahan m.l Qof ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha. dhaqaalayn m.f.dh eeg dhaqaalee. dhaqaalaysad m.l ld dhaqaalaysasho. dhaqaalaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la dhaqaaleeyay ahaansho (xoolo). dhaqaalaysasho m.f.dh eeg dhaqaalayso. ld dhaqaalaysad, dhaqaalaysi. dhaqaalaysi m.l ld dhaqaalaysasho. dhaqaalaysnaan m.f.dh eeg dhaqaalaysan. ld dhaqaalaysnaansho. dhaqaalaysnaansho m.l/dh ld dhaqaalaysnaan. dhaqaalayso f.g3 (-stay, -satay) 1. Si dhaqaale ah u maamulasho. 2. Wax tashiilid. dhaqaale m.l 1. Hanti. 2. Habka hanti loo maamulo. 3. Aragtida wax soo saarka iyo qaybinta hantida. ld dhaqaalo. dhaqaalee f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Hanti tashiilid. 2. Wax daryeelid. dhaqaaleysad m.l.u ld dhaqaalaysasho. dhaqaaleysnaan m.f.dh egg dhaqaaleysan. ld dhaqaaleysnaansho. dhaqaaleyso f.g3 (-stay, -satay) 1. Wax tashiilasho. 2. Wax daryeelasho. dhaqaalo m.l ld dhaqaale. dhaqaaloobid m.f.dh eeg dhaqaalow. dhaqaalow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax si fiican loo dhaqaaleeyey noqosho. dhaqaaq¹ m.l Bilaabidda wax taagani ay socod bilaabaan. ld dhaqaaqid. dhaqaaq² f.mg1 (-qay, -qday) 1. Wax taagnaa socod bilaabid. 2. Subag, xayr iwm dhalaalid. 3. Ku d.: Hawl iwm wax ka qabashadeeda bilaabid. dhaqaaqid m.f.dh eeg dhaqaaq². ld dhaqaaq¹. dhaqaaqil m.dh Nafley meel fog ka dhaqdhaqaaqeysa oo aan la sugi karin waxa ay tahay. dhaqaaqilyo m.dh Nafley yar oo dhaqaaqeeda dhib lagu arki karo; muuqaal aad u yar oo nuuxnuuxsanaya; dhaqaaqil. dhaqaaqjoogle m.l Socod yar oo hadba kol la istaago; kol dhaqaaq kolna joogsad. dhaqaaqjooglee f.mg2 (-eeyay, -eysay) Dhaqaaqjoogle sameyn. dhaqaaqjoogleyn m.f.dh eeg dhaqaaqjooglee. dhaqaaqjoogsad 218 dhaqaaqjoogsad m.l ld dhaqaaqjoogsasho. dhaqaaqjoogsasho m.f.dh eeg dhaqaaqjoogso. ld dhaqaaqjoogsad, dhaqaaqjoogsi. dhaqaaqjoogsi m.l ld dhaqaajoogsasho. dhaqaaqjoogso f.mg3 (-saday, -satay) Dhaqaaqjoogle samayn. dhaqaaqsan f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax dhaqaaq diyaar u ah ahaansho. 2. Wax meel ka durugsan ahaansho. dhaqaaqsanaan m.f.dh eeg dhaqaaqsan. ld dhaqaaqsanaansho. dhaqaaqsanaansho m.l/dh ld dhaqaaqsanaan. dhaqabsasho m.f.dh eeg dhaqabso. dhaqabso f.g3 (-saday, -satay) Carrabka wax ku cabbid. dhaqad m.l ld dhaqasho. dhaqan¹ m.l 1. Isu geynta nolosha maaddiga, ruuxiga, iyo bulsho ee ummadi leedahay, soona maray isbeddello taariikheed. 2. Asluub. dhaqan² m.l (-nno, m.dh) (bul.) Mid ka kooban fikrado, caadooyin, fan, farshaxan ay sameeysteen ama ay wadaagaan mujtamaca gaar ah. dhaqan³ f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Nijaaso, wasakh iwm mayrmid. 2. Wax midab leh fasakhmid. 3. Haweeney gurigeeda si wanaagsan u maamulid. 4. Ku dh.: qalab, sharci iwm adeegsasho. 5. Ku dh.: guri iwm ku noolaan. dhaqan4 f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Dhar iwm wax la meyray ahaansho. 2. Nafley wax ladan ahaansho. 3. Ku dh.: wax meel ku nool ahaansho. dhaqandhaqaale m.l Hab dhaqaale oo isku jaangoynaya bulsho hantideeda iyo nolosheeda. dhaqandoorsoon m.l Isbeddel ku dhaca dhaqan bulsho leedahay. dhaqangal¹ m.l 1. Dh. ah: hirgelinta la hirgeliyo sharci, barnaamij iwm. 2. ld dhaqangelid. dhaqangal² f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Sharci, barnaamij iwm hirgelid. dhaqangeli f.g2 (-iyay, -isay) Sharci, barnaamij iwm hirgelin. dhaqangelid m.f.dh eeg dhaqangal². ld dhaqangal¹ (2). dhaqangelin m.f.dh eeg dhaqangeli. ld dhaqangelis. dhaqangelis m.l ld dhaqangelin. dhaqanguur¹ m.l 1. Dhaqan, dhaqan kale oo ka xoog badan dumiyey. 2. ld dhaqanguurid. dhaqanguur² f.mg1 (-ray, -rtay) Dhaqan bulsho mid kale oo ka xoog badan ku beddelmid. dhaqanguuri f.g2 (-iyay, -isay) Bulsho, dhaqanguur ku ridid. dhaqanguurid m.f.dh eeg dhaqanguur². ld dhaqanguur¹ (2), dhaqanguuris². dhaqanguurin m.f.dh eeg dhaqanguuri. ld dhaqanguuris¹. dhaqanguuris¹ m.l ld dhaqanguurin. dhaqanguuris² m.dh ld dhaqanguurid. dhaqanhabaabi f.g2 (-iyay, -isay) Cid dhaqanhabow ku ridid. dhaqanhabaabid m.f.dh eeg dhaqanhabow². ld dhaqanhabow¹ (2). dhaqanhabaabin m.f.dh eeg dhaqanhabaabi. dhaqanhabaabis m.l Dh. ah: qof bulsho ku beera dhaqanhabaabay. dhaqanhabow¹ m.l 1. Dhaqan aan xog-ogaan loo ahayn oo bulsho dhaqankeedii hore beddela. 2. ld dhaqanhabaabid. dhaqanhabow² f.mg1 (-baabay, -baabtay; – baabi) Dhaqan aan xog-ogaal loo ahayn cid ku beermid. dhaqanhabowsan f.mg4 (-naa, -nayd) Qof dhaqanhabaabay ahaansho. dhaqanhabowsanaan m.f.dh eeg dhaqanhabowsan. ld dhaqanhabowsanaansho. dhaqanhbowsanaansho m.l/dh ld dhaqanhabowsanaan. dhaqanwanaag m.l Asluubta fiican; dabeecad wanaagsan. dhaqanwareeg¹ m.l Dhaqanguur. ld dhaqanwareegid. dhaqanwareeg² f.mg1 (-gay, -gtay) Dhaqan bulsho mid kale oo ka xoog badan ku beddelmid. dhaqanwareegid m.f.dh eeg dhaqanwareeg². ld dhaqanwareeg¹. dhaqanwareeji f.g2 (-iyay, -isay) Cid dhaqanguur ku ridid. dhaqanwareejin m.f.dh eeg dhaqanwareeji. dhaqanwareer¹ m.l Dhaqanhabow. dhaqanwareer² f.mg1 (-ray, -rtay) Dhaqan aan xog-ogaal loo ahayn cid ku beermid. dhaqanwareeri f.g2 (-iyay, -isay) Bulsho dhaqanhabow ku beerid. dhaqanwareerid m.f.dh eeg dhaqanwareer². ld dhaqanwareeris². dhaqanwareerin m.f.dh eeg dhaqanwareeri. ld dhaqanwareeris¹. dhaqanwareeris¹ m.l ld dhaqanwareerin. dhaqanwareeris² m.dh ld dhaqanwareerid. dharaarmaalnimo 219 dhaqanwareersan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhaqanewareeray ahaansho. dhaqanwareersanaan m.f.dh eeg dhaqanwareersan. ld dhaqanwareersanaansho. dhaqanwareersanaansho m.l/dh ld dhaqanreersanaan. dhaqanxumaan m.dh eeg dhaqanxun. ld dhaqanxumaansho, dhaqanxumi, dhaqanxumo. dhaqanxumaansho m.l/dh ld dhaqanxumaan. dhaqanxumi m.dh Hab aan wanaagsanayn oo loo dhaqmo. ld dhaqanxumaan. dhaqanxumo m.dh ld dhaqanxumi. dhaqanxun f.mg4 (-umaa, -umayd) Qof, hab aan wanaagsanayn u dhaqma ahaansho. dhaqasho m.f.dh eeg dhaqo. ld dhaqad. dhaqayo m.dh.kh Neef muddo la maalayey. dhaqayoobid m.f.dh eeg dhaqayow. dhaqayow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Neef xoolo ah, dhaqayo noqosho. dhaqays m.dh Toogashada bar astaysan la toogto. dhaqaysad m.l ld dhaqaysasho. dhaqaysasho m.f.dh eeg dhaqayso. ld dhaqaysad, dhaqaysi. dhaqaysi m.l ld dhaqaysasho. dhaqayso f.g3 (-stay, -satay) Bar astaysan toog ku barasho. dhaqdhaq¹ m.l 1. Wax yar oo dufan ah ama caano ama biyo ama wax la mid ah oo wax lagu agloolo ama lagu xalo. 2. Caano ama biyo yar oo weel salkiisa ku haray. 3. ld dhaqdhaqid. dhaqdhaq² f.g1 (-qay, -qday) Dhawr jeer biyo ku xalid. dhaqdhaqid m.f.dh eeg dhaqdhaq². ld dhaqdhaq¹ (3). dhaqdhaqsasho m.f.dh eeg dhaqdhaqso. dhaqdhaqso f.mg3 (-saday, -satay) Degdegid; ku dheerayn. dhaqid m.f.dh eeg dhaq. ld dhiqid. dhaqlayn m.f.dh eeg dhaqlee. ld dhaqlays. dhaqlays m.l ld dhaqlayn. dhaqlee f.mg2 (-leeyay, -leysay) Si kibir iyo maangaabnimo ku jirto u dhaqmid. dhaqmaad¹ m.l 1. Dhaqmidda; asluub; nolol. 2. Wax la isticmaalay, wax aan cusub ahayn. dhaqmaad² m.dh Dhaddig dad ama xoolo oo aan weli dhalmaddeyn. ld dhaqmaati. dhaqmaati m.l ld dhaqmaad². dhaqmid m.f.dh eeg dhaqan². dhaqmo m.dh Hab wax loo dhaqo. dhaqnaan m.f.dh eeg dhaqan³. ld dhaqnaansho. dhaqnaansho m.l/dh ld dhaqnaan. dhaqo f.g3 (-qday, -qatay) 1. Wax si fiican u maamulasho. 2. Wax mayrasho. dhaqsad m.l 1. ld dhakhsiinyo, dhakhso¹, dhaqsiinyo, dhaqso 1. Degdeg; welwel. 2. ld dhaqsasho. ld dhakhsad. dhaqsasho m.f.dh eeg dhaqso. ld dhakhsad, dhakhsasho, dhakhsi, dhaqsad (2), dhaqsi dhaqsi m.dh ld dhaqsasho. dhaqsiinyo m.l ld dhaqsad (1). dhaqso¹ m.l 1. (fk) Si degdeg ah; durba; si boobsiis iyo welwel leh. 2. ld dhaqsad. dhaqso² f.mg3 (-saday, -satay) Hawl qabashadeeda deddejin. ld dhakhso². dhaqsooli f.mg2 (-iyay, -isay) Farax la boodboodid. dhaqsoolin m.f.dh eeg dhaqsooli. ld dhaqsoolis. dhaqsoolis m.l ld dhaqsoolin. dhaqtamid m.f.dh ld dhaqtan¹ (2), dhugtamid. dhaqtan¹ m.l (-nno, m.dh) 1. Tartanka meel la dhaqaysanayo lagu tartamo. 2. ld dhaqtamid. ld dhugtan¹. dhaqtan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Dhaqaysi ku tartamid. ld dhugtan². dhar¹ m.l 1. Nooc huga ka mid ah, cudbi, dhogor, xariir iwm ka samaysan oo dad ku xirto ama huwado. 2. Lebbis. dhar² f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Caleen, ubax iwm nafaqo ama biyo la’aan awgeed la duubmid. 2. Wax haryuub leh ahaansho. ld dhad (1). dharaambi¹ m.l ld dhadaambiyid. dharaambi² f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) ld dhadaambi. dharaanbiyid m.dh ld dhadaanbiyid. dharaar m.dh (-ro, m.l) 1. Maliin. 2. Qado. 3. Meel aqalka ka mid ah, si gaar ah loo goglay, oo ilmaha dhashay la seexiyo. dharaarad m.l 1. Qado. 2. ld dharaarasho. dharaarasho m.f.dh eeg dharaaro. ld dharaarad (2). dharaari f.g2 (-iyay, -isay) Cid qado siin. dharaarin¹ m.l Duleed. dharaarin² m.f.dh eeg dharaari. dharaarmaal¹ m.l 1. Maalidda xoolaha maalin weyn la maalo. 2. D. ah: qof si tuugo ah xoolaha maalintii u maala. 3. ld dharaarmaalid. dharaarmaal² f.g1 (-aalay, -aashay) 1. Xoolo maalin weyn lisid. 2. Xoolo si tuugannimo ah maalin u maalid. dharaarmaalid m.f.dh eeg dharaarmaal². ld dharaarmaal¹ (3). dharaarmaalnimo m.dh Dharaarmaal ahaansho. dharaarnimo 220 dharaarnimo m.dh Maalinnimo. dharaaro f.mg3 (-rtay, -ratay) Waqti dharaar ah wax cunid. dharaaroomanayn m.f.dh eeg dharaaroomanee. dharaaroomane m.l Dh. ah: xoolo aroor ah, ama dhaan oo aan weli ceelkii gaarin oo meel lagu nasiyo. dharaaroomanee f.g2 (-neeyay, -neysay) Xoolo aroor ah ama dhaan oo aan weli ceelkii gaarin meel ku nasin. dharaarsad m.l ld dharaarsasho. dharaarsasho m.f.dh eeg dharaarso. ld dharaarsad, dharaarsi. dharaarsi m.l ld dharaarsasho. dharaarso f.mg3 (-saday, -satay) Subax meel in muddo ah ku daahid. dharab¹ m.l 1. Dhibco yaryar, biyo ah, ka dhasha qabowga habeenkii oo lagu arko cawska, dhirta iwm.; sayax; yaxni. 2. Rays aad u qoyan. dharab² m.l (fiis.) Qoyaanka ku dul dhaca habeenkii dhulka dushiisa, amase waxyaalaha kale oo dhulka ku yaal ama dul saaran, sida cawska iyo caleemaha, waxaa qabooba oo dhibco noqda oo soo daata uumiga ku jira gibilka hoose ee dhulka korkiisa. dharab³ m.dh 1. Dhiriqda lo’da. 2. ld dhereb. dharab-barafeed m.l (fiis.) Dahaar baraf siman ah, oo mararka qaarkood leh dhumuc door ah, kaas oo ku dul samaysma walxaha roobku kula da’ayo jawi heerkulkiisu uu ka hooseeyo barta barafowga. Dharab baraf waxa kale ee uu samaysmaa marka dabayl diiran oo qoyan ay ka dhacdo meel qabow daran ka jiro, taas oo keenta in qoyaankii dabayshu ay sidday uu ku dul fadhiisto waxyaabaha heerkulka dushoodu uu ka hooseeyo barta fadhiisiga. dharabo m.dh Wax yar oo gasiin ah. dharaboobid m.f.dh eeg dharabow². dharabow¹ m.l Cudur cagaha dadka ka gala oo u yeela barar iyo dildillaac oo ka dhasha dhiriqda iyo dhoobada. dharabow² f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax cudurka dharabowgu cagaha uga dhacay noqosho. dharabsad m.l ld dharabsasho. dharabsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qoyaan yar gaaray ahaansho. dharabsanaan m.f.dh eeg dharabsan. ld dharabsanaansho. dharabsanaansho m.l/dh ld dharabsanaan. dharabsasho m.f.dh eeg dharabso. ld dharabsad, dharabsi. dharabsi m.l ld dharabsasho. dharabso f.mg3 (-saday, -satay) Maro, saan iwm qoyaan yar ku shubasho. dharan f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Neef ido ah wax madax cad ahaansho. dharaq m.l/dh In yar oo caano ah oo neef la maalay ama la nuugay candhadiisa ku harta. dharaqsad m.l ld dharaqsasho. dharaqsasho m.f.dh eeg dharaqso. ld dharaqsad, dharaqsi. dharaqsi m.l ld dharaqsasho. dharaqso f.g3 (-saday, -satay) Candho dharaq ka maalid ama ka nuugid. dharar f.g1 (-ray, -rtay) Raagsasho. dhararid m.f.dh eeg dharar. dhararsad m.l ld dhararsasho. dhararsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhararay ahaansho (nafley). dhararsanaan m.f.dh eeg dhararsan. ld dhararsanaansho. dhararsanaansho m.l/dh ld dhararsanaan. dhararsasho m.f.dh eeg dhararso. ld dhararsad, dhararsi. dhararsi m.l ld dhararsasho. dhararso f.mg3 (-saday, -satay) Wax la sugayey raagsasho. dharas¹ m.l 1. Diiddada hali diiddo in la maalo ama ilmaheedi nuugaan. 2. Hilib aad caato u ah; bantar. 3. Qof aad u karti yar. 4. Caro. 5. Dh. ah: nafley buuran laakiin jirkeeda dhad ku jiro (ido). dharas² f.mg1 (-rsay, -rastay; -rsi) 1. Hal in la maalo ama ilmaheedi nuugaan diidid. 2. Qof xanaaqid. 3. Wax la gansaday wax ku diidid. dharasoobid m.f.dh eeg dharasow². ld dharasow¹. dharasow¹ m.l Jilcidda qof jirkiisu jilco da’ awgeed. ld dharasoobid. dharasow² f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof da’ awgeed, wax jirkiisu jilcay noqosho. dharayn m.f.dh eeg dharee. dharbaax¹ m.dh ld dharbaaxo. dharbaax² f.g1 (-xay, -xday) Wax dharbaaxo ku dhufasho. ld dharbaaxee, dhirbaax², dhirbaaxee. dharbaaxayn m.dh ld dharbaaxid. dharbaaxaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof la dharbaaxay ahaansho. ld dhirbaaxaysan. dharbaaxaysnaan m.f.dh eeg dharbaaxaysan. ld dharbaaxaysnaansho, dhirbaaxaysnaan dharbaaxaysnaansho m.l/dh ld dharbaaxaysnaan. dharbaaxee f.g2 (-xeeyay, -xeysay) ld dharbaax². dharbaaxid m.f.dh eeg dharbaax². ld dharbaaxayn, dhirbaaxayn, dhirbaaxid. dharsamee 221 dharbaaxo m.dh (-ooyin, m.l) Sacab furan oo si xoog leh wax loogu dhufto. ld dharbaax¹, dhirbaax¹, dhirbaaxo. dharbeel f.mg1 (-eelay, -eeshay) Qof arradid. dharbeelid m.f.dh eeg dharbeel. dharbi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Biyo yar wax ku qoyn. 2. Qof ulayn. 3. ld dharki. dharbin m.dh 1. ld dharbis. eeg dharbi. 2. ld dharqin. dharbis m.l ld dharbin. dharcad m.dh.u Qayb booliska ka mid ah oo u qaybsan dambi baarista oo labbis caadi ah qaata. dhardhaar¹ m.l (-rro, m.dh) 1. Dhagxaanta dabka ku wareegsan oo dheriga wax lagu karinayo la korsaaro midkood. 2. Dhagax weyn oo la qaadi karo. 3. ld dhardhaarid. ld dhadhaar¹. dhardhaar² m.dh Naxash. dhardhaar³ m.dh (-rro, m.dh) (xis.) Weedh ama hawraar loo qaatay run iyada oo aan la caddeyn, taas oo laga sii diiri karo weedho ama aragtiyo kale. Marka xisaabi la caddeynayo dhadhaarradu badanaaba waxa ay yihiin qaacidooyin la yaqaan oo sidooda loo qaato, maxaa yeelay caddeyntooda ayaa hore loo dhisay. dhardhaar4 f.g1 (-ray, -rtay) Weel wax lagu karinayo dhagxaan u dhigid. ld dhadhaar². dhardhaarad m.l ld dhardhaarasho. dhardhaaran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Weel wax lagu karinayo, wax la dhardhaaray ahaansho. ld dhadhaaran. dhardhaarasho m.f.dh eeg dhardhaaro. ld dhadhaarad, dhadhaarasho, dhadhaarad. dhardhaarid m.f.dh eeg dhardhaar². ld dhadhaar¹, dhadhaarid, dhardhaar¹. dhardhaarnaan m.f.dh eeg dhardhaaran. ld dhadhaarnaan, dhadhaarnaansho, dhardhaarnaansho. dhardhaarnaansho m.l/dh ld dhardhaarnaan. dhardhaaro f.g3 (-rtay, -ratay) Weel wax lagu karinayo dhardhaar u samaysasho. ld dhadharo. dhardhaq m.l Xoolaha la qasho ama cuntada la cuno marka mayd la aasayo. dhardhigasho m.f.dh eeg dhardhigo. dhardhigo f.mg3 (-gtay, -gatay) Qof isqaawin. dharee f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax dhar u yeelid. dhareer¹ m.l 1. Qoyaan layiig ah oo nafleyda afkeeda ka yimaada; cay. 2. ld dhareerid. dhareer² f.mg1 (-ray, -rtay) Qoyaan layiig ah afka ka keenid (nafley). dhareerid m.f.dh eeg dhareer². ld dhareer¹ (2). dhareerrey m.dh Kalaggoysyada xubnaha oo biyuhu ku jiraan sida lawga iyo canqawga middood. dhargal m.l (-llo, m.dh) Nooc dibqallooca ka mid ah oo jurmi yar. dharid m.f.dh eeg dhar². ld dhadid. dhariin m.dh (-iimo, m.l) Meel badanaa dhagax ah oo biyo ka soo dindimaayaan. dharjo m.dh Geed nagaar laamo iyo caleemo jilicsan leh oo xooluhu aad u jecelyihiin. dharkayn m.l (dharkayn/-nno, m.dh) Geed dheer, cananna kulul leh, loox wanaagsan laga samayn karo. dharla’¹ m.dh Kubka dhankiisa hore ee hilibku ku yaryahay; xoog. dharla’² f.mg4 (-‘aa, -‘ayd) Qof qaawan ahaansho. ld dharra’. dharla’aan m.f.dh eeg dharla’². ld dharla’aansho, dharra’aan, dharra’aansho. dharla’aansho m.l/dh ld dharla’aan. dharnaan m.f.dh eeg dharan. ld dharnaansho. dharnaansho m.l/dh ld dharnaan. dharoor m.l (-rro, m.dh) Dhul sare oo buuraley ah. dharqad m.l ld dharqasho. dharqasaal m.l (-llo, m.dh) Qof dharka mayra oo lacag ka tacba; doobbi. dharqasho m.f.dh eeg dharqo. ld dharqad. dharqi f.g2 (-iyay, -isay) Candho dharaq ka maalid ama nuugid. ld dharbi (3). dharqin m.f.dh eeg dharqi. ld dharbin (2). dharqo f.mg3 (-qaday, -qatay) Ka dh.: noole, cunto ama cabbid ka dhergid. dharra’ f.mg4 (-‘aa, -‘ayd) ld dharla’². dharra’aan m.dh ld dharla’aan. dharra’aansho m.l/dh ld dharla’aan. dharrici m.dh Ceeb weyn; bayuur. ld dhirrici. dharrooc¹ m.l Baqdin weyn oo qofku la jareeyo. dharrooc² f.mg1 (-cay, -cday) Baqdin weyn darteed la jareyn. dharroocid m.f.dh eeg dharrooc². dharruur f.g1 (-ray, -rtay) Wax si taxaddar leh u shubid. dharruurid m.f.dh eeg dharruur². dharsamayn m.f.dh eeg dharsamee. ld dharsamays. dharsamays m.l ld dharsamayn. dharsamee f.mg2 (-meeyay, -maysay) Dhar ama maro samayn. dharsameeye 222 dharsameeye m.l (-yayaal, m.l/dh/-mayso, m.dh) Qof ka shaaqaya warshadaha dharka; dunmiiqe. dharsid m.f.dh eeg dharas². dhartol m.l (-llo, m.dh) Dawaarle, harqaanle. ld dhartole. dhartole m.l ld dhartol. dharxirasho m.dh eeg dharxiro. dharxiro f.mg3 (-rtay, -ratay) Habka dharka u lebbisasho. dhas f.g1 (-say, -stay) Ayax, ukun dhul ku aasid. dhase m.l Nooc dixiriga ka mid ah, ka dhasha meelaha ay wasakhda ku ururto oo xoolaha iyo dadkaba jirkooda gala. dhasheeg¹ m.l (-gyo, m.dh) Biyakuhar; balli; laas. dhasheeg² m.l (-gyo, m.dh) (juqr.) Dhulhoosaad fidsan oo had iyo goor wabax ah (ama aha sida biyo fadhiisiga, mar mar sidaa ah), waxana badanaa aad uga baxa deegaan, wuxuu marka u dhexeeyaa deegaan-biyood iyo biyo-fadhiisi. dhashiimid m.dh ld dhaniimid. dhashiin¹ m.l ld dhaniin¹. dhashiin² f.mg1 (-iimay, -iintay) ld dhaniin². dhashiinto m.dh (-ooyin, m.l) ld dhaniinto. dhasho m.dh (-ooyin, m.l) Sabiisha inteeda muuqata. dhashuumid m.f.dh eeg dhashuun². ld dhashuun¹ (2). dhashuun¹ m.l 1. Dhacaan adag oo meel bugta ka yimaada; malax, milil. 2. ld dhashuumid. dhashuun² f.mg1 (-uumay, -uuntay; -uumi) Meel bugta dhacaan adag ka imaansho. dhasid m.f.dh eeg dhas. dhasiig¹ m.l 1. Dhega-adayg. 2. ld dhasiigid ld dhansiig¹. dhasiig² f.g1 (-gay, -gtay) Wax ka dhegaadaygid. ld dhansiig². dhasiigid m.f.dh eeg dhasiig². ld dhansiig¹, dhansiigid, dhasiig¹ (2). dhasiiq m.l Bakhayl. dhataq m.dh.sh.r Cod lagu muujiyo wax, wax aad cumur u ah, ku dhacaya. dhaw¹ m.l ld dhaaw¹. dhaw² f.g1 (dhebay, dhebtay; dhebi) 1. Wax nabar ku dhufasho. 2. Nin, naag u galmood. 3. ld dhaaw². dhawaaji f.mg2 (-iyay, -isay) Ka dh.: wax dhawaaq ka keenid. dhawaajin m.f.dh eeg dhawaaji. dhawaan m.dh ld dhowaan (2). dhawaandhalad m.l ld dhowaandhalad. dhawaansho m.l/dh ld dhowaan (1). dhawaansooggal m.l ld dhowaansooggal. dhawaaq¹ m.l 1. Cod dheer oo afka laga yiraahdo; qaylo; (muus.) dh. muusiqada. 2. ld dhawaaqid. dhawaaq² m.l (nax.) Habka ku dhawaaqidda xaraf ama erey. dhawaaq³ f.mg1 (-qay, -qday) 1. Cod dheer afka ka dhihid. 2. Ku dh.: wax cusub sheegid. dhawaaqid m.f.dh eeg dhawaaq³. ld dhawaaq¹ (2). dhawaati¹ m.l Raad ka samaysmay geel badan oo isdaba socda waqti dhado jirto. dhawaati² f.mg2 (-iyay, -isay) Geel badan oo isdaba jooga raad samayn. dhawaatiyid m.f.dh eeg dhawaati². dhawan f.mg4 (-naa, -nayd) ld dhaawan. dhawanaan m.dh ld dhaawanaan. dhawanaansho m.l/dh ld dhaawanaan. dhawasho m.dh ld dhaawasho. dhawdhaw m.l Gargaraacidda; dubbaynta. dhawdhawle m.l (-layaal, m.l/dh) Shimbir dhoor iyo af dhuuban oo xooggan leh oo hoygeeda geedaha ka samaysata. ld dhawdhawley. dhawdhawley m.dh ld dhawdhawle. dhawee f.g/mg2 (-weeyay, -weysay) ld dhowee. dhaweyn m.dh ld dhoweyn. dhaweysad m.l ld dhoweysasho. dhaweysasho m.dh ld dhoweysasho. dhaweysi m.l ld dhoweysasho. dhaweyso f.g3 (-stay, -satay) ld dhoweyso. dhawid m.dh ld dhaawid. dhawis m.dh ld dhaawid. dhawo f.g3 (-wday, -watay) ld dhaawo. dhawow f.mg3 (-waadday, -waatay) ld dhowow. dhawr¹ m.l.t Tiro laba ka badan kana yar siddeed. ld dhowr. dhawr² m.l Erey ereyada lammane ah lagu isticmaalo oo ‘xannaano’ ama ‘difaac’ micneeya. Tus. “Dhididdh.”, “Hantidh.” dhawr³ m.dh Wixii waxyeello leh oo dhan. dhawr4 f.g1 (-ray, -rtay) 1. Xumo ka ilaalin; xannaanayn. 2. Fiirin; u jeedid; eegid. 3. Sugid; korosho. dhawraari f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhawraarin u samayn. dhawraarimo m.dh ld dhawraarin¹. dhawraarin¹ m.dh (-nno, m.dh) Wax, wax kale gaashaan dhibaato uga ah. ld dhawraarimo. dhawraarin² m.f.dh eeg dhawraari. dhaxlasho 223 dhawrad m.l Nafley feejignaan badan. dhawradnimo m.dh Dhawrad ahaansho. dhawran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la xafiday ahaansho. dhawrid m.f.dh eeg dhaw4. ld dhawris, dhawritaan, dhawrmo. dhawris m.dh ld dhawrid. dhawritaan m.l 1. Ilaalinta wax dhibaato laga ilaaliyo. 2. Eegidda indhaha wax lagu fiiriyo. 3. Sugidda cid la sugo. ld dhawrid. dhawriwaa¹ m.l 1. Samir yari aan wax lala sugi karin. 2. ld dhawriwaayid. dhawriwaa² f.g1 (-waayay, -wayday; -waayi) Wax sugi kari waayid (cid). dhawriwaayid m.f.dh eeg dhawriwaa². ld dhawriwaa¹ (2). dhawrmo m.dh 1. Eegmo. 2. ld dhawrid. dhawrnaan m.f.dh eeg dhawran. ld dhawrnaansho. dhawrnaansho m.l/dh ld dhawrnaan. dhawrsad m.l ld dhawrsasho. dhawrsan f.mg4 (-naa, -nayd) Qof xumaanta iyo ceebta iska ilaaliya ahaansho. dhawrsanaan m.f.dh eeg dhawrsan. ld dhawrsanaansho. dhawrsanaansho m.l/dh ld dhawrsanaan. dhawrsasho m.f.dh eeg dhawrso. ld dhawrsad, dhawrsi. dhawrsi m.l Ilaalinta la iska ilaaliyo xumaan, ceeb iwm. ld dhawrsasho. dhawrso f.mg3 (-saday, -satay) 1. Xumaan, ceeb iwm iska ilaalin. 2. Wax ka cabsasho. dhawrtayn m.f.dh eeg dhawrtee. dhawrtaysad m.l ld dhawrtaysasho. dhawrtaysasho m.f.dh eeg dhawrtayso. ld dhawrtaysad, dhawrtaysi. dhawrtaysi m.l ld dhawrtaysasho. dhawrtayso f.g3 (-stay, -satay) Dhawrto dad ka urursasho. dhawrtee f.g2 (-teeyay, -taysay) Dhawrto bixin. dhawrto m.dh Deeq dad badan laga soo urursho oo sadaqo ahaan loo bixiyo. dhax¹ m.l Dh. ah: nafley hoygeeda habeen ka maqnaan. dhax² f.mg1 (-xay, -xday; dhixi) 1. Ku dh.: meel aan buuxin. 2. U dh.: Haweeney la qabo ahaansho. dhaxal¹ m.l 1. Hantida qof dhintay looga haro. 2. Raad ay ilmuhu ka raacaan waalidintooda. dhaxal² m.l 1. (qaan.) Hanti ama lacag aad ka heshay qof dhintay, sababta waad lahaatay. 2. (taar.) Dhacdo taariikheed reebtana taariikh. dhaxal³ f.g/mg1 (-xlay, -xashay; -xli) 1. (f.g) Hanti qof dhintay uga harid. 2. (f.g) Hanti qof dhintay looga haray qaybin. 3. (f.mg) Ka dh.: ilmuhu ka raacaan waalidintooda raadid. dhaxalgal¹ m.l 1. Dh. ah: wax waxtar weyn oo loo aayo leh. 2. ld dhaxalgelid. dhaxalgal² f.g1 (-alay, -ashay; -geli) Wax waxtar weyn leh noqosho. dhaxalgelid m.f.dh eeg dhaxalgal². ld dhaxalgal¹ (2). dhaxalsii f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid dhibaato aayatiinkeeda wax u dhinta badid. dhaxalsiin m.f.dh eeg dhaxalsii. dhaxaltooxo m.dh Wax dhaxal ah qaybinta. ld dhexaltooyo. dhaxalwareeg¹ m.l 1. Cid waxay dhaxal u leedahay sida hanti, dhaqan iwm oo ka dhuma. 2. ld dhaxalwareegid. dhaxalwareeg² f.mg1 (-gay, -gtay) Cid waxay dhaxal u lahayd dhumid. dhaxalwareegid m.f.dh eeg dhaxalwareeg². ld dhaxalwareeg¹ (2). dhaxalwareeji f.g2 (-iyay, -isay) Cid wax ay dhaxal u lahayd ka dhumin. dhaxalwareejin m.f.dh eeg dhaxalwareeji. dhaxamaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhaxani hayso ahaansho (nafley). dhaxamaysii f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley qarqaryood. dhaxamaysiin m.f.dh eeg dhaxamaysii. dhaxamaysnaan m.f.dh eeg dhaxamaysan. ld dhaxamaysnaansho. dhaxamaysnaansho m.l/dh ld dhaxamaysnaan. dhaxamoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Dhaxan dareemid (nafley). dhaxamood m.f.l eeg dhaxamoo. dhaxan m.dh 1. Qabow hawadu keento oo jirku dhibsado. 2. Duumo. dhaxantir¹ m.l 1. ld dhaxantire. Dhar aan tayo fiicnayn oo loo gashado dhaxan awgeed. 2. ld dhaxantirid. dhaxantir² f.g1 (-ray, -rtay) Wax dhaxanta la isaga baabi’iyo. dhaxantire m.l ld dhaxantir¹ (1). dhaxantirid m.f.dh eeg dhaxantir². ld dhaxantir¹ (2). dhaxlan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dhaxlay ahaansho. dhaxlanaan m.f.dh eeg dhaxlan. ld dhaxlanaansho. dhaxlanaansho m.l/dh ld dhaxlanaan. dhaxlasho m.f.dh eeg dhaxlo. dhaxle 224 dhaxle m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof dhaxal helay. 2. Qof dhaxalka qaybiya. dhaxlid m.f.dh eeg dhaxal². dhaxlidda astaamaha m.dh Xirafadda gaarka ah ee noole kororsaday inta uu noolyahay wuxuu u gudbin karaa caruurta uu dhali doono; fikraddaan cilmi ahaan ma aha mid sax ah ama rumowda. dhaxlo f.g3 (-laday, -latay) Xoolo dhaxal ah, qaybsasho. dhaxsad m.l ld dhaxsasho. dhaxsasho m.f.dh eeg dhaxso. ld dhaxsad. dhaxso f.g3 (-saday, -satay) Gabadh la bixid. dhay¹ m.l 1. Lega xoolaha oo la kala baray barkii. 2. Dh. ah: meel bannaan oo aan geedo lahayn. 3. Dh. ah: meel biyo qabatin leh oo beerashada ku wanaagsan. 4. ld dhayid. dhay² m.dh 1. Dh. ah: caano markaa la lisay oo aan weli suusacin. 2. Dh. ah: badar saafi ah oo sabuulkii laga sukulay. ld dhaay. dhay³ m.l/dh Geed nagaar yar, laammo aan lahayn oo caleemo balballaaran oo xooluhu cunaan leh. dhay4 f.g1 (-yay, -yday; -yi) 1. Nafley cadho qabto daweyn. 2. Boog iwm daawo marin. dhayal¹ m.l 1. Cayaar; kaftan. 2. ld dhayalid. ld dheyal¹. dhayal² f.mg1 (-alay, -ashay) Cayaarid, kaftamid. ld dheyel². dhayali f.g2 (-iyay, -isay) ld dheeli. dhayalid m.f.dh eeg dhayal². ld dhayalis². dhayalin m.dh ld dheelin. dhayalis¹ m.l ld dheelin. dhayalis² m.dh ld dhayalid. dhayalsad m.l ld dhayalsasho. dhayalsasho m.f.dh eeg dhayalso. ld dhayalsad, dhayalsi, dheyelsasho. dhayalsi m.l ld dhayalsasho. dhayalso f.g3 (-saday, -satay) Arrin fududaysasho. dhayan f.mg4 (-ynaa, -ynayd) Wax la dhayay ahaansho. dhayasho m.f.dh eeg dhayo. dhaydaq m.l Dh. ah: caano fadhi ah. dhaydhay m.l Geed gaab aan qodax lahayn oo leh laamo toostoosan oo dhuudhuuban oo leebabka laga dhigto. dhaydhayasho m.f.dh eeg dhaydhayo. dhaydhayo f.g3 (-yaday, -yatay) Qof koolkoolin. dhaygag¹ m.l 1. Yaab awgiis meel ama wax iyadoo aan la libiqsanayn. 2. ld dhaygagid. dhaygag² f.mg1 (-gay, -gtay) Ku dh.: yaab awgiis wax iyadoo aan la libiqsanayn eegid. dhaygagid m.f.dh egg dhaygag². ld dhaygag¹ (2). dhayid m.f.dh eeg dhay4. ld dhaymo (3). dhayl¹ m.l 1. ld dhaylo. 2. dheel². dhayl² f.mg1 (-ylay, -yshay) Neef yaraan ku qalasho. dhayladhufaan¹ m.l ld dhayladhufaamid. dhayladhufaan² f.g1 (-nay, -ntay) Orgi yar caana-nuugnimo xiniinyaha kaga bixin. dhayladhufaanad m.l ld dhayladhufaanasho. dhayladhufaanasho m.f.dh eeg dhayladhufaano. ld dhayladhufaanad. dhayladhufaanid m.f.dh eeg dhayladhufaan². ld dhayladufaan¹. dhayladhufaano f.g3 (-naday, -natay) Orgi yar caana-nuugnimo xiniinyaha kaga baxsasho. dhaylaqaad m.l Dh. ah: weyl yar oo caato ah oo sacii laga maalay ee aan lagu dayn. dhayli f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo markaas dhashay dilid. dhaylid m.f.dh eeg dhayl². dhaylin m.f.dh eeg dhayli. dhaylo m.dh 1. Xoolaha ama ugaarta yaryar hilibkooda jilicsan oo aan weli adkaan. 2. ld dhayl 1 (1). dhayloobid m.f.dh eeg dhaylow. dhaylow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Hilib wax karis lagu jilciyey noqosho. dhaymo m.l/dh 1. Marinta dawo meel bugta la mariyo. 2. Dufan weelasha iyo alaabta dusha laga mariyo. 3. ld dhayid. dhaynaan m.dh eeg dhayan. ld dhaynaansho. dhaynaansho m.l/dh ld dhaynaan. dhayo f.g3 (-yaday, -yatay) Meel bugta daawo marsasho. dhayogsi-rayboniyuuglig m.l (baay.) (Dh. asiidh) Asiidh bu’eed ka kooban tiro badan oo niyukliyootaydha ah oo u habaysan si ay u sameeyaan xidhmo keliya. dhays m.dh D. ah: neef soo sid dhoweeyey oo candhadiisa iyo sabiishiisa ka muuqato buurnaan. dhaysi f.mg2 (-iyay, -isay) Neef dhays yeelasho. dhaysin m.f.dh eeg dhaysi. dhayuurad m.l ld dhayuure. dhayuure m.l Kulaylka qorraxda ee waqtiga duhurka. ld dhayuurad. dhebed m.dh.u (-do, m.l) Haan biyood bir ah; fiin; galaw. dhebi¹ m.l (dhebi, m.dh) Geed leh laamo toostoosan, caleemo balballaaran laga goosto udbaha, dhigaha iwm oo ka baxa qararka dooxyada. dheefsasho-saleed 225 dhebi² m.dh ld dhibi. dhebid m.f.dh ld dhaw². dhebidhisad m.l ld dhibidhisasho. dhebidhisasho m.dh ld dhibidhisasho. dhebidhiso f.mg3 (-saday, -satay) ld dhibidhiso. dhebilisad m.l ld dhibidhisasho. dhebilisasho m.dh ld dhibidhisasho. dhebiliso f.mg3 (-saday, -satay) ld dhibidhiso. dheddig m.l 1. Magac guud oo kooba labada jaad oo nafleydu u kala baxdo, kan wax dhala oo nuujiya; dumar. 2. Dh. ah: wax dumareed ah. ld dhaddig, dhiddig. dheddigee f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) 1. (f.g) Dheddig ka dhigid. 2. (f.mg) Dheddig keliya dhalid (nafley). ld dhaddigee, dhiddigee. dheddigeyn m.f.dh eeg dheddigee. ld dhaddigeyn, dhiddigeyn. dheddignimo m.dh Dheddig ahaansho. ld dhaddignimo, dhiddignimo. dheddigood m.l.u Dumar. ld dhaddigood, dhiddigood. dheddin m.l Geed quwaax ay dhirindhirka isku bahyihiin, ka baxa dhulka dhagaxa leh oo dhala malmal. ld dhiddin. dhedeysad m.l ld dhedeysasho. dhedeysasho m.f.dh eeg dhedeyso. ld dhedeysad, dhedeysi. dhedeysi m.l ld dhedeysasho. dhedeyso f.mg3 (-stay, -satay) Socod habeen haween ugu haasaawo tegid. dhedhemi f.g2 (-iyay, -isay) ld dhadhami. dhedhemid m.dh ld dhadhamid. dhedhemin m.dh ld dhadhamin. dhedhemis m.l ld dhadhamin. dhedhemo m.dh ld dhadhamo. dhedhen¹ m.l ld dhadhan¹. dhedhen² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) ld dhadhan². dhedhensad m.l ld dhadhansasho. dhedhensasho m.dh ld dhadhansasho. dhedhensi m.l ld dhadhansasho. dhedhensii f.lg2 (-iiyay, -iisay) ld dhadhansii. dhedhensiin m.dh ld dhadhansiin. dhedhensiis m.l ld dhadhansiin. dhedhenso f.g3 (-saday, -satay) ld dhadhanso. dhedo m.dh Qabow habeenkii dhaca oo sameeya dhibco yaryar oo biyo ah. dhedoobid m.f.dh eeg dhedow. dhedow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhedo yeelasho. dheecaamid m.dh ld dhacaamid. dheecaan¹ m.l (-aamo, m.dh) ld dhacaan¹. dheecaan² f.mg1 (-aamay, -aantay; -ami) ld dhacaan³. dheecaan-calooleed m.l (-dyo, m.dh) (c.nafl.) Dheecaanka ay soo daayaan qanjirrada caloosha. dheecaan-gaastarig m.l (dhecaanno …, m.dh) (c.nafl.) Iskujir asiidhan oo ka kooban cusbooyin aan orgaanik ahayn, haydarookoloorik asiidh, iyo insaymyo dheefshiid. Tusaale ahaan: bebsin, oo ay soo saaraan qanjidho ku safan calooshu. dheedheero m.dh ld dheerdheero. dheedheeroo f.mg3 (-raaday, -raatay) ld dheerdheeroo. dheedheerood m.l ld dheerdheerood. dheef¹ m.dh 1. Fiitamiinka cuntada, caanaha iwm ku jiro. 2. Dulsaarka faa’iido ahaan looga helo lacag bangi la dhigtay. dheef² f.mg1 (-fay, -ftay) Ka dh.: wax faa’iido ka helid. dheefayn m.f.dh eeg dheefee. dheef-burburin m.dh (baay.) Burburka dheefsasho ee molikiyuullada waaweyn ee nooluhu, isugu beddelaan kuwo yar yar iyada oo la sii daynayo tamar. Neefsashada ayaa tusaale u ah falgallada taxana ah ee dh. b.ta. dheefee f.g2 (-feeyay, -faysay) Cid dheef siin. dheefi f.g2 (-iyay, -isay) Wax waxtar iyo dheef leh siin; cunto siin. dheefin m.f.dh eeg dheefi. dheefsad m.l ld dheefsasho. dheefsade m.l (-ayaal, m.l) (baay.) Noole quuta kuwa ka yaryar, marka laga eego xagga silsiladda cuntada. Daaqcunayaashu waxay quutaan dhirta cagaaran oo waa dheefsade hore, hilibcunayaashuna waxay quutaan daaq cunayaasha, markaa waa dh. dambe. dheefsamayn m.dh (baay.) Samayska dheefasho ee borotiinnada, duxda iyo waxyaabo kale oo noolayaasho ku jira ee laga samaynayo moolikiyuullo iyo walxo kale oo yaryar. dheefsasho¹ m.f.dh eeg dheefso. ld dheefsad, dheefsi. dheefsasho² m.dh 1. (baay.) Samayska dh. ee borotinnada, duxda iyo waxyaaba kale oo noolayaasha ku jira ee laga samaynayo molikiyuullada iyo walxo kale oo yaryar. 2. (baay.) Wadarta ama isugeynta falgallada kiimikaad ee ka dhex dhaca noolayaasha. dheefsasho-saleed m.l (-dyo, m.dh) (baay.) (Herka dh. s.). Heerka tamar dh. ee looga baahanyahay inay xayawaanka ku hayso nasasho. Heerka dh. waxa lagu qiyaasaa dheefshiid¹ 226 habka soo saarka kulka ee halbeeg waqti: waxay tilmaamaysaa tamarta la isticmaalay si loo fuliyo shaqooyinka muhimka ah, sida garaaca wadnaha, neefsashada, dhaqdhaqaaqa dareenwadka, gudbin firfircoon iyo dhiiqista. dheefshiid¹ m.l ld dheefshiidid. dheefshiid² m.l (baay.) Burburinta uu noole burburinayo cunto soo gashay ee uu ka dhigayo kiimiko ahaan qaab fudud oo si sahlan loo nuugi karo jidhkuna uu isticmaali karo ayaa loo yaqaan dh. dheefshiid³ f.g1 (-day, -dday) Wax dejin. dheefshiid-dhiman m.l (daaw.) Dheefshiid xumaada, cunnada kaddib xanuun bay leedahay, dibiro, lallabo iyo matag. dheefshiidid m.dh eeg dheefshiid³. ld dheefshiid¹. dheefsi m.l ld dheefsasho. dheefso f.g3 (-saday, -satay) Wax dheef ka dhigasho. dheeg m.l (-gag, m.l) 1. Labada dhinac ee laga raro geelo middood. 2. Markabka dushiisa sare. dheegad m.l ld dheegasho. dheegasho m.f.dh eeg dheego. ld dheegad. dheego f.g/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Wax qof kale sameeyey wax u eg samayn; ka xigasho. 2. (f.mg) Ka dh.: hilib iwm gogasho. dheeh¹ m.l 1. Lakab xalleefsan oo alaabta biraha, dhoobada iwm dusha laga mariyo oo dhawraarin iyo qurxin looga dhigo. 2. Dhammaajo (xabog). 3. ld dheedid. dheeh² f.g1 (-hay, -hday) 1. Bir, dhoobo iwm lakab xalleefsan oo dhawraarin iyo qurxin looga dhigayo dusha ka marin. 2. Wax xabag dhammaajo marin. 3. Wax dhafid. 4. Cid si fiican ula dhaqmid. dheehan¹ f.mg1 (-hmay, -hantay; -hmi) Wax la dheehay noqosho. dheehan² f.mg4 (-hnaa, -hnayd) Wax la dheehay ahaansho. dheehid m.f.dh eeg dheeh². ld dheeh¹. dheehmid m.f.dh eeg dheehan¹. dheehnaan m.f.dh eeg dheehan². ld dheehnaansho. dheehnaansho m.l/dh ld dheehnaan. dheekaa m.dh Geedgaab qodax aan lahayn oo miro macaan oo la cuno leh iyo xidid wax lagu daweeyo. dheel¹ m.l Qabowga habeenkii soo dhaca oo wata sayax. dheel² m.dh (-lo, ml.) Cayaar. ld dhayl¹ (2). dheel³ f.mg1 (-eelay, -eeshay) 1. Ciyaarid. 2. Wax qabow habeenkii ku dhacay dartii la qoyid. dheelaas¹ m.l 1. Cayaaro farax iyo raynrayn badan darteed loo sameeyo. 2. ld dheelaasid. dheelaas² f.mg1 (-say, -stay) Cayaaro farax iyo raynrayn badan darteed u samayn. dheelaasid m.f.dh eeg dheelaas². ld dheelaas¹ (2). dheelallaabid m.f.dh eeg dheelallow². ld dheerallaabid. dheelallaabo m.dh Hurdo laga kacay oo aan weli la baraarugin, makalaalax. ld dhelallow¹, dheerallaabo, dheerallow¹. dheelallow¹ m.l ld dheelallaabo. dheelallow² f.mg1 (-laabay,-lowday; -laabi) Qof hurdo ka kacay isagoo weli baraarugin dhaqdhaqaaq iyo hadal sameyn. ld dheerallow². dheelan¹ m.l Socodka habeenkii la socdo; guuro. ld dheelmid. dheelan² f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Nafley habeen socosho. dheeli f.g2 (-iyay, -isay) Nafley dheel ku maaweelin. ld dhayali, dheelsii (2). dheelid m.f.dh eeg dheel³. ld dheelis². dheelin m.f.dh eeg dheeli. ld dhayalin, dhayalis¹, dheelis¹, dheelsiin. dheelis¹ m.l ld dheelin. dheelis² m.dh ld dheelid. dheelitiran-kiimikeed m.l (kiim.) Falgal kiimikaad oo gedisme ah oo ribnaanta falgaleyaasha iyo maxsuulladuba aanay isla beddelin amminta sababta oo ah habdhiska ayaa ku sugan xaalad teermoodaynamik ahaan dheelitiran. dheelli¹ m.l 1. Dhinac u badashada wax culayskiisu dhan u bato oo uu dheellitirankii lumiyo. 2. ld dheelliyid. dheelli² f.mg1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) Wax culayskiisa dhinac u badasho. dheellila’aan m.dh Dheellitir; dheelli la’ahaanshada. dheellin m.dh ld dheelliyid. dheellis m.l ld dheelliyid. dheellitir¹ m.l 1. Isle’ekeysiinta culayska saaran wax labadiisa dhinac. 2. Isle’ekeysiinta xisaab labadeeda dhinac. 3. ld dheellitirid. dheellitir² f.g1 (-ray, -rtay) Xisaab labadeeda dhinac isle’ekeysiin. dheellitiran¹ f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax la dheellitiray noqosho. dheellitiran² f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la dheellitiray ahaansho. dheg¹ 227 dheellitirid m.f.dh eeg dheellitir². ld dheellitir¹ (2). dheellitirnaan m.f.dh eeg dheellitiran². ld dheellitirnaansho. dheellitirnaansho m.l/dh ld dheellitirnaan. dheelliyid m.f.dh eeg dheelli². ld dheelli¹ (2), dheellin, dheellis. dheelmad m.l ld dheelmasho. dheelmasho m.f.dh eeg dheelmo. ld dheelmad, dheelmataan, dhelmatiin. dheelmataan m.l Socod habeenkii la socdo. ld dheelmasho. dheelmatiin m.l ld dheelmasho. dheelmi f.g2 (-iyay, -isay) Wax habeen guuragelin. dheelmid m.f.dh eeg dheelan². ld dheelan¹. dheelmin m.f.dh eeg dheelmi. ld dheelmis. dheelmis m.l ld dheelmin. dheelmo f.mg3 (-maday, -matay) Habeen socosho; guurayn. dheelsii f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Qof ku cayaarid ama dhagrid. 2. ld dheeli. dheelsiin m.dh eeg dheelsii. ld dheelin. dheeman m.l/dh 1. Macdan aan midab lahayn, aad u adag, kana qaalisan macdanta kale. 2. Afarta haad ee turubka mid ka mid ah, calaamad afar gees ah oo guduudan leh. dheen m.l/dh Geed weyn, aan qodax lahayn, caleemo yaryar, miro macaan oo la cuno leh oo ka baxa biyo mareennada. dheer¹ m.dh Siil. dheer² f.g/mg4 (-raa, -rayd; dhaadheer) 1. (f.mg) Wax aan jooggiisu gaabnayn ahaansho. 2. (f.mg) Wax meel fog ku sugan ahaansho. 3. (f.mg) Waqti muddo la sugayo ama la soo dhaafay ahaansho. 4. (f.g) Is dh.: isla mid ahaansho, kisi ahaansho (nambar). dheeraad m.l Wax tiro ama qiyaas la isla ogyahay siyaado ku ah. ld dheeri¹. dheeraan m.f.dh eeg dheer². ld dheeraansho, dheeri². dheeraansho m.l/dh eeg dheerow. ld dheeraan. dheeraar m.l Xarig dheer oo xoolaha lagu xiro si uu u daaqo una fogaan. dheeraari f.g2 (-iyay, -isay) Neef xoolo ah xirid si uu u daaqo, una fogaan. dheeraarin m.f.dh eeg dheeraari. ld dheeraaris. dheeraaris m.l ld dheeraarin. dheeraarsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dheeraar lagu xiray ahaansho. dheeraarsanaan m.f.dh eeg dheeraarsan. ld dheeraarsanaansho. dheeraarsanaansho m.l/dh ld dheeraarsanaan. dheeraarsasho m.f.dh eeg dheeraarso. dheeraarso f.g3 (-saday, -satay) Neef xoolo ah si uu u daaqo meel ku xirasho. dheerallaabid m.dh ld dheelallaabid. dheerallabo m.dh ld dheelallaabo. dheerallaw² f.mg1 (-looday, -lootay) ld dheelallaw². dheerallow¹ m.l ld dheelallaabo. dheerallow² f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) ld dheelallow². dheerashiito m.dh Gaaraabidhood. dheeraweyn m.dh Cayayaan yaryar dalagga daldalooliya oo dhuuxa ka cuna. dheerayn m.f.dh eeg dheeree. ld dheerays. dheerays m.l ld dheerayn. dheeraysii f.g/mg2 (-iiyay, -iisay) 1. (f.g) Wax xawliga ay ku socdaan kordhin. 2. (f.mg) U dh.: cid waxay qeyb u lahayd wax ka badan siin. dheeraysiin m.f.dh eeg dheeraysii. dheerdheere m.l ld dheerdheero. dheerdheero m.dh 1. Geed qoodxeed jeerinka u eg oo leh miro iyo xabag la cuno. 2. Xajiin jirku la barbararo. ld dheedheero, dheerdheere. dheerdheeroo f.mg3 (-ooday, -ootay) Wax dheerdheero hayso noqosho. ld dheedheeroo. dheerdheerood m.f.l eeg dheerdheeroo. ld dheedheerood. dheeree f.g/mg. 2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Wax dhererkiisa kordhin. 2. (f.g) Wax meel ka fogeyn. 3. (f.mg) Orod ama socod kordin. 4. U dh.: cid waxay qeyb u heshay in ugu darid. dheeri¹ m.l ld dheeraad. dheeri² m.dh ld dheeraan. dheerow f.mg3 (-raaday, -raatay) 1. Wax dhererkiisu kordhay noqosho. 2. Ku dh.: wax muddo dheer ku qaadasho. Tus. “Shirkii waa lagu dheeraaday”. 3. Wax meel ka durkay noqosho. dheertaxaniinyo m.dh.u Cayayaan dhulka xammaarta, dhuuban, dheer lugo badan oo qaniinyo kulul. ld dhiirtaxaniinyo, dhuurtaxaniinyo. dheg¹ m.dh (-go, m.l) 1. Xubinta maqalka nafleyda. 2. Hilqadaha haweenku isku qurxiyaan ee dhegaha dacalkooda surtaan middood. 3. Weel, qalab iwm meesha la qabto si loo qaado ama loo jiido. 4. Magac wanaagsan; caannimo; sharaf. 5. Shebeg lakabyo isa saaran ah, xanjo ka samaysan oo ay shinnidu malabka ku keydsato, ilmahana gashato. dheg² 228 dheg² f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Subag iwm xarkagid. 2. Cid iwm nabmid. 3. Ku dh.: wax gacanta xoog ugu qabasho. dhega-adag f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Qof aan amarka si sahlan u qaadan ahaansho. dhega-adayg¹ m.l Dabci qof leeyahay oo u diida in si sahlan ku fulin waxa loo diray. ld dhega-adkaan. dhega-adayg² f.mg1 (-gay, -gtay) Ku dh.: cid wax loo diray fulin waayid. dhega-adaygid m.f.dh eeg dhega-adayg². dhega-adkaan m.f.dh eeg dhega-adag. ld dhega-adayg¹, dhega-adkaansho. dhega-adkaansho m.l/dh eeg dhega-adkow. ld dhega-adkaan. dhega-adkow f.mg3 (-kaaday, -kaatay) Wax dhega-adag noqosho. dhegaati m.l/dh (-iyo, m.dh) 1. Xarig yar oo dhigaha lagu xiro. 2. Siddo xarig ah oo waxyaabaha qaar loo yeelo. ld dhagaati. dhegabbeel¹ m.l Waayidda nafley weydo awoodda maqalka. ld dhegabbeelid. dhegabbeel² f.mg1 (-eelay, -eeshay) Awoodda maqalka waayid (nafley). dhegaculays m.l ld dhegacuslaan. dhegaculus f.mg4 (-uslaa, -uslayd) Qof aan si fiican dhegaha wax uga maqlin ahaansho. dhegacuslaan m.f.dh eeg dhegaculus. ld dhegaculays, dhegacuslaansho. dhegacuslaansho m.l/dh eeg dhegacuslow. ld dhegacuslaan. dhegacuslow f.mg3 (-laaday, -laatay) Qof aan dhegaha si fiican wax uga maqlin noqosho. dhegadhabad m.l ld dhegadhabasho. dhegadhabasho m.f.dh eeg dhegadhabo. ld dhegadhabad. dhegadhabo f.mg3 (-btay, -batay) Dhegaha daaman ku garaacid iyaga oo madaxa ruxaya (xoolo, ugaar, dugaag iwm). dhegadhego m.l Qalab ka samaysan dahab, qalin, macdan iwm oo ay dumarku dhegaha gashadaan; hilqado. dhegafarasoobid m.f.dh eeg dhegafarasow². ld dhegafarasow¹ (3). dhegafarasow¹ m.l 1. Maqalka dhegaha oo siyaado. 2. Sharqamo aan jirin oo la moodo in la maqday. 3. ld dhegafarasow¹. dhegafarasow² f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Maqalka dhegaha kordhid. 2. Sharqamo aan jirin maqlid. dhegala’ f.mg4 (-‘aa, -‘ayd) Nafley aan wax maqlin ahaansho. dhegala’aan m.f.dh eeg dhegala’. dhegaley m.dh Nooc fallaarta ka mid ah leh laba ganood oo u jeeda gadaal. dhegammari f.lg2 (-iyay, -isay) Is dh.: wax aan maqlin. dhegammarin m.f.dh eeg dhegammari. dhegannugeyl m.l Dabci qof leeyahay oo u oggolaado in uu si sahlan u fuliyo wax la faray. ld dhegannuglaan. dhegannuglaan m.f.dh eeg dhegannugul. ld dhegannugeyl, dhegannuglaansho. dhegannuglaansho m.l/dh eeg dhegannuglow. ld dhegannuglaan. dhegannuglow f.mg3 (-laaday, -laatay) U dh.: qof waxa la faro si sahlan u qaata noqosho. dhegannugul f.mg4 (-glaa, -glayd) U dh.: qof, waxa la faro si sahlan u fuliyo ahaansho. dhegaqor¹ m.l Summad idaha dhegta looga sameeyo iyadoo labada dhan ee dhegta in yar la gooynayo si ay caarad u yeelato. dhegaqor² f.g1 (-ray, -rtay) Ido, summad dhegaha uga samayn iyadoo labada dhan ee dhegta in yar la goynayo si ay caarad u yeelato. dhegaqorid m.f.dh eeg dhegaqor². dhegatir¹ m.l ld dhegatirid. dhegatir² f.g1 (-ray, -rtay) Cid dhega beel
No comments