Maahmaah

Maahmaahda Maanta: “Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa”
Aadmi la aragyaaba, dhib la arag.
Aan wada hadalno waa aan heshiino.
Aar qoyey dacawo la mood.
Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.
Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa, waadaadna dad u eki.
Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh.
Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
Aboorku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
Abuur iyo waano ,abuur baa horreysey.
Adduun i khatal.
Adduunyo ka kabo li’id, aakhirana u salaad li’id.
Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.
Adhi jiri ma kala abaal waydo.
Adhi jiri xil bay wadaagtaa.
Adhi magantii ma barriiyo.
Adhi shidho laga daayo.
Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
Aduun wey kii amoodeey ogaaw.
Af aamusani marti ma sedo.
Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa.
Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
Af aanad lahayn lama qabto.
Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo’ ha kuu daaqdo.
Af Daboolan, Dahab waaye.
Af hadlaaba aamus.
Af jabtay sideedii ma noqoto.
Af jooga looma adeego.
Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa.
Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa.
Af waa kane, maxaa lagu aamaa
Af wax cunay xishoo.
Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.
Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
Af-ka nool abooto mudac.
Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa.
Afkii dab yiri ma guban.
Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.
Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog.
Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.
Alla aamin ma iisho.
Alle watow wehel uma baahna.
Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin
Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe
Maahmaahda Maanta: “Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa”
Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh.
Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.
Ammaan lama dhu-dhumiyo.
Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.
Amxaar la arag yaaba ferenji xaaji.
Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha.
Aqal libaax lafo lagam waayo.
Aqoon la’aani waa iftiin la’aan.
Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran)
Arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh.
Aroos lagama raago, lagumana raago.
Arrad waa dan uskagse waa doqonniino
Arrimo rag waa mudacyo afkood.
Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato.
Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso.
Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday.
Arrin xumo abaar ka daran
Atoorku intiisuu guun ku yahay.
Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan.
Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun.
Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay
Awrka danbe awrka hore socodkiisuu leeyahay.
Ayax teg eedna reeb
Ayaydaa taag darran iyadoon tabar lahayn bay dadka isku taagtaagi.
Baadi nimaan lahayn bay ag joogtaa
Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa.
Baareey guur, oo sixnigaagana la guur.
Baddu waa isku dhadhan.
Badhi mag ma laha.
Balaayo laba qad ma leh
Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha.
Balaayo buulkaagaa laga galaa.
Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.
Ballaysin bir ka adag.
Ban waraabiyo gaala baqataba baraa la helaa.
Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku saaraaya
Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado
Baqal fardo la miratay dhigood bay is moodaa.
Barasho horteed dad ha nicin
Barasho horteed ha i nicin
Barasho u yeelo geedkaad cugsan doonto.
Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan.
Barrooriba buulkeeday ku hartaa.
Bartii yaqaan, bari uma korodho.
Bartii yaqaan bar xoolaad kuma korodho.
Baruur qudhuntay baa baruuro qudhmisa.
Baruuro sabool, badhaadhaa leh.
Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa.
Baryo iyo is daluuc layskuma daro.
Maahmaahda Maanta: “Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa”
Basari buulkeeda bayaayo waaye
Baso waa baso si kastoo loo subko.
Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan.
Baayac-mushtar bilowgiis bur iyo bajiye waaye.
Been doode been buu dhaartaa.
Been fakatay runi ma gaadho.
Beeni raad ma leh.
Beentaada hore runtaada danbay u xuntahay.
Beentaada hore, runtaada dambey dishaa.
Beentaada hore, runtaada danbey u daran tahay.
Beer wax dhalow ba’
Beerka jecli, xaydha jecli.
Belaayo aanad guriga keensan banana kaama raacdo.
Belaayo guur bay ku tiraahdaa ama guurso.
Belaayo hor la qabtay leedahay ee dabo la qabto ma leh.
Belaayo kaa sii jeeda layskuma soo jeedsho.
Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay
Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
Bilaysini Bir ka adag
Bililiqo doon waa nabad diid.
Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma geyso
Bir baa bir goysa.
Birta adag dab ayaa lagu jilciyaa.
Bisayl iyo ceedhiin waxa u dhexeeya waa yac-yacood.
Bisqin rag bay kuu gaysaa ragse kaama celiso.
Biya sar tegey waa la sugayaa
Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
Biyo ay horotood dhooqo tahay, dabadooda maxaad mooday.
Biyo gorore oo meel godan bay isugu tageen.
Biyo meel godan bay isugu tagaan.
Biyo sacabbadaadaa looga dhergaa.
Biyo socdaa biyo fadhiyey kiciyaan.
Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la’aana baa xun.
Boraan hadimo ha qodin ku dhici doontaa mooyee.
Buubaal biyaha korkiisa saran buu ka didaa
Buur caws ah oo biyo ku agyaal baadi doonyoo biciidkuba waa
Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame
Caana daatay dabadood la qabay
Caano baqay haddaad aragto, waa bi’iso naagood.
Caano Jiilaal canba canbid.
Caano yar iyo ciidan yarba marka la waayo ayaa la tebaa.
Caasigaa iridkaaga ma mooga, baarri dadow dad kuuma noqdo.
Cabaabiba cadaab bay ka subxaanalaysataa.
Cadawgaa looma taahee, tun ku adkay.
Cadho walaal waa la bariyaa (waa loo dulqaataa walaalkaa).
Cadku ceeji, xil iyo geeriba kuu dil.
Calafkaa, nin ku rabaa baa haya.
Caleen qudhac calool geel ma buuxiso.
Caleen qudhac calool geel waxba kama tarto.
Cali noolba wax sii.
No comments