Qaybta Xiisaha

Maahmaahda Maanta: “Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa”
Calool adayg waa illaahay wehelkii.
Calool rag waa webi xagaa.
Canaan ka yaab ceesaan ma doojo(waa lagu canaanan dantaada looma seego).
Canaan ka yaab reer ma doojo.
Canbe laf baa ku jirta.
Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa
Caqli gaaliyo indho quraanjo lama arko.
Caqli: Dugaag sankuu ka galay; Xoolo, sankuu ka galay; Rag, xabadkuu ka galay; Naago, indhuu ka gala
Car faruurow foori gaalee?
Carab iyo ilkaa cid isugu dhaw iyana weeys qaniinaan.
Carab iyo labadiisa daan baa isugu dhaw iyana way is qaniinaan.
Carab loaad caws looma tilmaamo.
Caro walaal waa la bariiyaa (subax baa lala sugaa).
Carraabo, fadhaa quusiyey
Carrab dalab leh waa la gartaa, uur dadbanse lama garto.
Carruurey cayntaa ba´day.
Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh
Carruurta mulaca cayaar cayaar bay u dishaa, isagana waa u qur gooyo
Caruur gaalana ma aha muslinna ma aha ee waa kii lagu daraa.
Caruuri waa ciil laga waynaado.
Casaan qurux kama qatana.
Casarkii wixii kugu dhacaa cishihii lagugu caayaa.
Ceeb looma dhinto, cara lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo
Ceebtaaday kow ogtahay, kun looma sheego.
Ceel biyo lihi ma foga.
Ceel dad liqa, ul baa lagu dayaa.
Ceesaan ninkii weyddiinteda kugu dhiba kaxaynteedaa lagu dhibaa.
Ceesaantii arigeeda diidda orgi shisheeyaa saarta (fuula, u baxa ama ka qabsada).
Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kla talisase wax yar
Cidlo ciirsi maleh.
Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan
Ciise socod kuma laabna, abeesona samir kuma laabna.
Cirmigaagoo dheeraadaa geel dhalayana waa ku tusaa.
Ciyaar baa dhab u gadoonta.
Ciyi waa ka beryey.
Ciyigii waa ka beryey qofkii cunay baa ka liita.
Ciyowga habeen dhawaaqay wax uu ka cawduu dareemay.
Col hortii baa hub la samaystaa.
Col iyo abaar cagahaagaa lagaga baxaa.
Col iyo nabad mid baa caynka lagu xejiyaa.
Col ku galay cabsi kugu reeb.
Col naago ka kacay iyo cadho nirig ka kacday midna sahal kuma qaboobo.
Colka wadhaf ma lagu dayey.
Colkaa ma dhamaadee ka kuu xigo ha u danbeeyo.
Cudud caano gaabsheen cagaar ma korsho.
Culimo dad u eki bay kugu dishaa, abeesona dhul u eki.
Cuntadaan gacantaada ku jirin iyo afkaagu way kala raagaan
Daacadi ma hungowdo
Daahdaahow hortiis dafo waaye (Arrin degdeg u baahan lagama daaho sida heblaayo aad ogayd ooy hebel
Daawo tiro wax kuma tarto
Maahmaahda Maanta: “Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa”
Dab aan ku gubin kulaylkiisa ma ogid.
Dab ama hadal baa lagu bakhtiiyaa ama biyo
Dab iyo xanuun meel ma wada fadhiistaan.
Dab munaafaq shiday baa duul dhan guba.
Dabaan kuleelkiisa la arag danbaskiisa lagama leexdo.
Dabada iiga qor anigaa durugsan doonee (Ma dhiirrado nin aan garab wax lagula dhisayni).
Dabagaale timir gaari waayey qaraara buu yiraahda’.
Dabalaay gooji ama ha goojin geela gu’ga dhalay uun baa lagugu tirin.
Dabeecad xuma dad kaa saartay.
Dabeecaddu diinta waa ka badh.
Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa.
Dacartuba mar bay malab dhashaa.
Dacas iyo dameeraba lama kala laha.
Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan.
Dacawadii tallaabada nebiga ku dayatay, teediina ka tagtay tu kalena gaari weydey.
Dacawo duul-duul badan af libaaxeey dalaq dhahdaa.
Dad iyo weel godanba waa la badsadaa (weelka godan biyahaa ku urura)
Dad kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hanfiyaan.
Dad wax ugu liita ma tashe ma toshe ma tashiishe.
Dad wax yar tare ma ahee, wax ma tare ma leh.
Dad waxa ugu muran badan jaxar iyo jaahil
Dad waxa yaqaan nin tuugsaday iyo nin u taliyey.
Dad waxaa yqaan nin tuugay iyo nin u taliyey.
Dadku hadalkay isku afgartaan xooluhuna urta.
Dadqal looma gurguurto.
Dagaal qofbaa ku dhintee qof kuma dhasho.
Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta.
Dal aqoon la’aan waa la habaabaa, dad aqoon la’aana waa la qadaa.
Daleel marow maradiis geed ma daarow
Dameer dhaan raac.
Dameer waa dameer sidii goodirkaba haw boodee
Dameeraha Adari qofkii oodda ka qaadaa aroorsa.
Dameeraha Awdal ninkii ooda ka rogaa arroorsha
Dameeraha ta ugu xun baa ugu haraati kulul.
Dameeraha ta ugu yar baa ugu biqlo badan.
Dameeri dhaan raacday.
Dameeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
Dameero awdalan ninkii ooda ka qaadaa arooriya.
Dameertu geel-didiska khuruf-khuruftay kaga dartay.
Dameertu inta aanay cida baran ayey dhuusada barataa.
Dameertu isku halayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
Dameertu ma hadhsato ilmaheedana ma hadhiso.
Dammeeraley Dad la xeer maaha.
Dan iyo xarrago is weyday.
Dan layskuma naco.
Dani waa seeto
Dantaada derin karkaranna waa loogu seexdaa
Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo.
Dantaadana, maqaar eybaa loogu seexdaa.
Dantii mooge, maro duuga ka liitee.
Maahmaahda Maanta: “Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa”
Dantu ceebba ma lahee dadkuun baysku nacaya
Darandoorriyaaba naas-naasi (Nin ordaaba istaag
Dardaaran caweysin kallah arooryaad buu leeyahay (Arrin la qorsheeyey meel laga bilaaboayey leedahay
Dardaaran waa inta xayga la yahay.
Dawaco geel ma cunto.
Dawaco meeshay macal idood ku baratay, macaluul ugu bakhtidaa
Dawarsato dariiqay ku collowdaa.
Deero waa dal maddays.
Deriskaa dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa
Deriskaaskaa marna ku dayo marna ku diin.
Dhabada yari dhabada wayn bay kugu ridaa.
Dhac dushii laguma wada hadlo.
Dhadhan shaa waalan dhergaana ka sii daran.
Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa
Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer
Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid
Dhalaan dheelaa baradi, dhusuntaa far koo galiyee?
Dhalaan dheelaa baradi,dhusuntaa far koo galiyee = Dhalaan (caruur,ilmo,ubad)ciyaarta bartay dabaduu
Dhalaan qayladu waa qaboonada.
Dhaliili dhaban bay ku taal.
Dhalinyaro dhubuq dhubuq hore dhabana hays danbay leedahay.
Dhallaan dhargay fartaa loo lulaa (way iska qoslayaan)
Dhallaan qayladii waa qaboonada.
Dhar kaa dheer dhaxan kaama reebo.
Dhaxal gorayo dhabad baa leh.
Dhaxal goroyo dhebed baa iska leh.
Dhedo roob noqon weydey
Dheere iyo gabane un baa jiree, Dhuubane majiro.
Dheerow ii gaabow yaa jaree, dhuubow ma jaro.
Dheg haddii la jaro daloolkaa hara.
Dheg wax xun maqlaysaa wax wacan ma weriso.
Dhegta hadii la gooyo daloolkaa hadha.
Dheriga karkaa maxaa ka keenay, kulayl weeye.
Dhib lagula qabo dhib ma eh.
Dhicisku inta mindida loo soo siduu bakhtiyaa.
Dhidar xabaalo qod bartay qudhin buu uga dhacaa.
Dhiig islaan ma qarsoomo.
Dhiil maran iyo dhiil buuxa la iskuma dhufto (Wax aan isu qalmi la isma dhaafsado).
Dhilaa la waaniyey markaasay tidhi ii dhakhsada rag bay sugayee.
Dhillo, intaadan dhillo oran bay dhillo ku tiraahdaa
Dhilo garcatay mar horey ku nabad gashay.
Dhoofaa kaa dhimay! (bal tan ka warran, ma run baa?)
Dhoofaa kaa dhimay.
Dhool bari ka soo kacaa dhaan loo nageeyaa.
Dhubuq-dhubuq hore dhabanahays dambey leedahay.
Dhur waa la tegis bartay ka ridistu waa ku ceeb.
Dhurwaa dhoomo laguma rarto.
Dhurwaabaa lagu yidhi fool xumadaa, markaasuu yidhi walaalkay weerana ma aragteen.
Dhuumashada dhabarku muqdo dhuumasho ma aha.
Dib u gurasho dib bay kuu dhigtaa.
Maahmaahda Maanta: “Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa”
Dibi hooyo xumi hore uma koro.
Dibi hooyo xumi korme ma noqdo.
Dibi hooyo xumi, hore ma noqdo.
Dibi, bay waw dhutiyaa.
Diidiink weelshee deymoodaa ka koriyee ma danbar manuujiyaaw = Diinku ubadkiisa eegmaduu ku koriyaa.
Dix dhaaxood dhagax ka waa, hayeesa hangool ka waa
Dixrigu(duqsigu) dantiisuu qudhunka ugu jiraa.
Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa.
Doofaarka ficil la’aan baa loo cadaabaa.
Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma Dhaafeeyso……
Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo kurug, kurug ma dhaafeeyso.
Dooro qoor qabasho biyo kuma cabto.
Dooro xaarka way wada cuntaa, af-tirashadeyse isku dhaantaa.
Doqon alle bariday xeradeeday ka aragtay.
Doqon dib bay wax ka garataa.
Doqon ha u gargaarin hana gargaarsan.
Doqon iyo habeen baa madaw.
Doqon milantay iyo geesi damac bartay dhexdoodaa miidaamo ka hacdaa.
Doqon nebi Muusaa habaaray
Doqon qaddar alla taqaanna qulucdaada looma dhiibto.
Doqon sokeeye maaha.
Doqoneey dabkaa ba
Doqoni amaanay lahayn bay u rixisaa.
Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa
Doqoni calaf ma leh.
Doqoni haddii nla xifaaltamo in la is diriray bay mooddaa.
Doqoni hoosiis bay had mooddaa.
Doqoni meeshii la isku diriray uun bay ogeyd, meeshii lagu heshiiye sema oga.
Doqoni qiiq kama kacdee daamankay meer meerisaa.
Doqoni saaf carro loogu riday, sad bursiinyo ma mooddo
Doqoni sokeeye ma aha.
Doqoni waxay leedahay laba iyo toban indhood, hal mid waxay ku aragtaa.
Doqoni xarigga lagu xiri xusulladay ku sidataa.
Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga.
Doqoniino waa shil.
Doqonkii lumay oo la soo helay wuxuu yiri; “Maxaa la iiga farxi berriba waan lumiye.
Doqonta usha agteedaa lagu dhuftaa haday garan waydana goshaa oo geshaa.
Doqontu afka xanbay ku sidaa ishana xil.
Doqontu hadalkay dib u gocotaa
Doqontu marka la ficil tamayo in laka tagayo ayey moodaa.
Doqontu xeerna ma hoyso, xoolana ma hoyso.
Dudumo dheeraataa dhulkuun bay ku noqotaa.
Dudun dareen ii dugsasho inis ki dartooy = Dudun dareen iyo dugsasho,ha iskugudarin.
Dudun dareen ii dugsashu inis ki dartooy.
Dukhsi biyo ku dabaal bartay fuud buu ku bakhtiyaa.
Dukhsi dantiisuu dumurka (qudhunka) ugu jiraa.
Dukhsi dantiisuu dumurka ugu jiraa.
Dukulush timir deeri waayi Kharaaraa tuf in erre?
Dul qaadasho yey noqon tii dibiga
Dumaal ni ka xishooday kama ilmo dhalo.
Maahmaahda Maanta: “Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa”
Dumar iyo dheri toona yar yaraysi malaha.
Dumar yaryaraysi male
Dumarka been baa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa.
Duqsi, caanuu ku dabaal bartaa fuudbuuse ku gubtaa
Durduro geel baa ku jaba.
Durduro waxarood xanan(qodax) bay kula gashaa.
Erray nimaan dhaafin odday ma dhalin.
Ey is cunaysaa waraabe iskama celiso.
Eydin geel kolba waa ninkii ku danbeeya.
Eygii oo laf diiday ma noola.
Faan badan iyo faq badaniba na wacna.
Faanoole fari kama qodna
Fadhi iyo fuud yicibeed laysku waa.
Falaadhi gilgilasho kaagama godo.
Fallaartii cirka loo ganay cid kastoy filo
Far bugtaa, Faro ka dheer.
Far iyo meel bugtaa is og.
Far kaliyihi waji ma maydho.
Far keliya Fool ma dhaqdo.
Faras aanad lahayn fuul madiisa futaqaradh baa laga qaadaa
Fardaha dheereeyaa Fagaarahay isku arkaan.
Fardo laysu hayo maxaa laysugu faan.
Farihii dufan leh ayaa wax duuga.
Faro ka ciyaar dabo ka ciyaar baa dhaanta.
Farsamo xumo, futada cankeeday ku goysaa
Faruurow maxaa berbera ku geeyey? Dee faduul!
Fulay hooyadii ma goblanto.
Fulay wax ka wadne weyn.
Fulay wax ka qoryo badan.
Fullaw guuli kuu dhawaydaa.
Futo iyo dhul isma huraan.
Gaal dil gartiisana sii
Gaashaan qaad ma anbado.
Gabadh nin dhali karaa dhiqi kara
Gabadha dheg-dameer in leeg baa ku dansanta wiilkana in til leeg baa ku darsanta
Gabadhi waa meel xun joog.
Gacani waa miskiin.
Gacantaadu hadday dhudhub gasho, lagama dhuftee waa laga dhirindhiriyaa.
Gacantii oodan goyn karin, waa la shumiyaa?
Gacmo wada jirbay wax ku goyn karaan.
Gadal gadaal geed looma koro
Gadhba gadhbaa la tusaa.
Gar dabadeed, guu-guu (gunuunuc) baan nacay
Gar waa loo wada islaam
Gardarraa ma guulaysto
Gardarro looma garbo yeelo.
Gari ilaahay bay taqaan
Gari laba nin kama wada qosliso.
Gaws iyo gustoona layskuma ag dhaqdhaqaajiyo.
Geed joog gartii waa yaqaan, laga dhimayna dhaxalkii waa yaqaan.
Maahmaahda Maanta: “Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa”
Geed walba in gubtaa, waa hoos taal.
Geel carruuri qaaday ma foga.
Geel caruuri qaaday ma foga.
Geel darreeray nin ka dayrshay ma awliya Allaa
Geel indho kuul muxuu ka kasaa?
Geel laba jir soo wada mar.
Geel soddon qaday, saddex kuma dari waayo
Geeli waa geel, wixii gooyaana waa geel.
Geel-jire isagooy ushu u goantahay ayuu xaggeen ka goostaa ku yidhaa.
Geeljire, geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa
Geelow geed walba daaqdaye, markaad Ciin daaqdaa laguu yaabaa.
Geeri nimaan aqoon iyo geel jiray ku wanaagsantahay.
Geeriyu nin aadan aqoonin iyo geeljiray ku roomntahay.
Gees loaad kulayl kaa lagu jaraa.
Gees lo’aad kulaylkaa lagu gooyaa.
Geesi allaahay ma xilo.
Geesi, Alle ma xidho.
Gobanimo waa joome.
God hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogid
God mar ku asturay xumaantiisa lama sheeg sheego
Gorayo la hub sayoo haad bay noqotay.
Gorgor, haadda ka weyn.
Gorgortan saaxiib iyo walaal toona ma yaqaan.
Gudineey ima goyseen, haddaan badhkay kugu jirin.
Gudini geed ma goyseen, haddaan geed kale ku goyn.
Gumur uraasa, weyne gurudee (gumur wey urtaa waana lagurtaa)
Gurbaan Garabkaaga ha kuugu jiro ama gacalkaa hakuu hayo.
Guur marka hore waa sino dhuuban yahay, marka dambena waa sino ballaaran yahay.
Guursato loo galmoon og.
Haad habeen kacay waxbaa kiciyey.
Haani guntay ka tolantaa.
Habaar waalid ma hadho.
Habar baas inan baas bay ahayd.
Habar caal weydey durey bay hafartaa
Habar dhali wayday aleelo ku waalatay.
Habar fadhida legdini wax uga fudud
Habar Jeclo, hadalka dib bay u gocotaa
Habar roob hayo, ta kalena inuu hayey modaa.
Habeen ciidan maaha
Habeenkii hoos baa loo hadlaa maalintiina hareera haa layska eegaa.
Hadal aan fiiro loo odhani wuu kula fogaadaa, caano aan fiiqsi loo dhamina feedhahay wax yeelaan.
Hadal badani haan ma buuxsho.
Hadal hadal kama dheera.
Hadal intaadan buu ammaan yahay
Hadal iyo hablaba duco la’aan bay tarmaan.
Hadal iyo hilbaba kala qalan.
Hadal lama wadaagee caanaa la wadaagaa.
Hadal nin badiyeyna ma dhamayn nin yareeyeyna waxba kama tegin.
Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wad tegin.
Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday
copyright https://qaamuus.net
No comments